Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Beer-Laxowsiga Faroole Reer Sanaag Ma Aqbali doonaan??

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland  Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) ayaa sheegay inuu cafis u fidiyay Hogaamiyaha  Malayshiyada  ku dhuumaalaysata Buuralayda Gal-gala Sheekh Attam iyo Kooxdiisaba.

Faroole waxa uu ugu baaqay Maxamed Siciid Atam iyo Maleeshiyadiisa inay isu soo dhiibaan Maamulkiisa, waxaanu ku celceliyay Ereyo uu ku beer-laxawsanayo oo aan hore looga baran, kuwaas oo uu sidoo kale ugu baaqay  cidii kooxdaasi ku jirta ee aan Puntland u dhalan inay ka baxaan.

C/raxmaan Faroole ayaa sidaas ku sheegay mar uu saxaafada Puntland kula hadlay Xafiiskiisa, magaaladda Garoowe, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan markale ku dhawaaqayaa in aan Cafis u fidinayno cidkasta oo Malayshiyadaa ka mid ah Hadii aanay dad layn oo dhiig muslin qabin, way imaan karaan guryahooda, hala shaqeeyaan dadka horumarka wada, ha soo galaan dalkooda oo dhismihiisa haka qaybgalaan, Cidii aan halkan (Puntland) u dhalana guryahoodii hanaga aadaan taasaan markale ku celinayaan waxbana yaanay naga baqin”.

Cafiskaas beer-laxawsiga ah ee Faroole u fidiyay Maleeshiyada Sheekh Attam ayaa ka mid ah Siyaasad cusub oo Maamulkiisu taageero kaga doonayo shacbiga Reer Sanaag, taas oo ka dambaysay colaad badan oo ay u qaadeen dadka deegaankaasi maamulkiisa, Colaadaas oo salka ku haysay Dagaalkii Faroole ku soo qaaday Deegaamada Galgala iyo Buuralayda Cal-madaw oo ay dadka Reer Sanaag u arkayeen mid uu ku doonayo in uu ku soo qaaday Khayraadka Dabeeciga ah ee dhulkooda.

Ma cada ilaa hada Jawaabta Cafiskan uu ka bixin doono Maxamed Siciid Attam oo Taageero qarsoon ka haysta Dadka ku dhaqan deegaamada uu ku dhuunto hada ee Bariga Sanaag iyo Gal-gala, hase yeshee waxaan shaki ku jirin in faroole cafiskan uga danleeyahay sidii uu ku soo ceshan lahaa kalsoonidii shacbiga Bariga Sanaag.

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (20)

  1. asc saaxiibayaal galgala news.com aad baan idiin salaamayaa salaan ka bacdi qodob muhiima weeyey qodabkan aad ka hadasheen hadii aan ka hadlo ficradayda madaxweyne faroole marka uu hadlayo hadalkiisu ma miisaana isaga oo aad moodo in yasid ku jirto ayuu wax u yiraahda waana madax waynaheena aanu dooranay si sharaf leh ayaa calif loo bixiyaa cafiska uu bixiyey maaha mid uu ugu tala galay in ay aqbalaan kooxaha ka soo horjeeda waa mid uu ku sii eryayo ragaadka somalidu waxa ay ku maahmaahda rag ciil cadaab ka dooray markaa nimanka uu sidaa u la hadlayo iima cada inay arinta uu soo jeediyey madaxwayne faroole oo waliba mushxarad loo raaciyey rag iyo dumar wixii meesha joogay ina ay arin quman tahay kuwa meesha la joogay oo xaflada ka qayn qaatay iyana waxba ma oga hadii runta laga hadlo puntland qaab dowladeed malaha waxa aad moodaa inay ku caano maasho qaab qabiil hadana ragbaaba isla han wayn oo moodaya inaan cidiba ka hor iman karin oo marka laga gilgisho waxa ay wadaan cay iyo ah lagaado ku caana maalaya puntland hadii runta laga hadlo labada tiir ee shidayaa waa warsangali iyo dhulbahante oo saas ay tahay way ixtiraamaan walaalkood majeerteen isaga oo aan aqoon iyo awoodba ku dhaamin halkii ay eegi lahaayeen raga meesha ku haya ayey waxa ay isu qaateen inay iyagu u taliyaan mar wabla mid aan macno wayn lahayn bay soo sharaxaan markaasuu ka adkaadaa cayda warsangaliga iyo dhulbahantaha waxa inala haray waa kuwa aan jagooyinta aan macnaha ku fadhiyin dadka u haya hadii aysan reerkani sidan wax kabadelin ccidlo ayaa looga dhaqaaqayaa iyaga uun baa meel madhan ku soo dhacaya cid ay wax ka soo qaadan karaan baa iska yar waxa lagu dari doona liiska dadka laga tiro badan yahay ?

  2. dhaharboy says:

    galgalanews, waad wanaagsanan jlrteen lakiin waad ka soo daraysaan, madaxweynuhu si wacan ayuu u hadlay nabad wax ka wanaagsanina ma jirtee , wa maxay beerlaxaawsiga iyo waxaad sheegeeysaan, aad baan u dageersan ahay hadalka wanaagsan ee madaxweynaha ka soo yeeray waana in aay aqbalaan attam iyo kooxdiisu waayo waa in laga fekeraa sidii dalka iyo dadka loo hora marin lahaa eeaan la noqon kuwa kafekera dib u socodnimo un wax walbana waa in hadal laGU DHAMEEYAA ILEEN DAGAAL WAAD U JEEDAAN OO WAX KUMA DHAMAADAANE

  3. Abdi s.s.c says:

    Asc waxan oranlaha wa hadalki habarta nacasta ahi o ku oranjirtay odaygeda ninkan ad tirahdan farole an unaqano(dabalawe) waxan arka nin dalay o mel u udhaqaqo angararayn waxan uwada siyasadi an kunaqanay e an cilmiyeysanayn waxana gadalkan kayersiyey waxa udonayo ama u uga danleyahay wa shirka nabadaynta ah e laqabandono waxa ulajoga maleh atam iyo koxdisana waa inay siwadan shaqadoda wanagsan ila inta ay gusha garayan

  4. Werlahel says:

    HalagA fiirsado hada kahorbaydhacday inta faroole yiri cafis ayaaan fidiyay wiilshii qaarna lagulaayay boosaaso qaarna lagu xirxirAy maraka faroole afkiisa iyo dhegihiisu isma maqalaan

  5. Jamame says:

    Dhaharbo.
    Dadku wa wada dhashay sinna laysuma huro, waxana wax lagu yahay wadajirka. Tankale dad waxa u liita nin magaca Alleh lagu berye oo diida, haddi madaxweynaha u ku dhawaqay nabad in la qaatana umada reer Puntland o dhan bay dani ugu jirta. Galgalanews ogaado in Alleh aad hortegi doontan fidnadan aad abuureysana la idin weydiin doono.
    ALFIDNATU ASHADU MINAL QATLI.
    NB Comments ka idin dhiba wad tirtirtaane kanna tirtira. Waxan ka ahayn Alleh ka baqa idinma oran haday idin dhibeyso tirtira (delete) wabillaahi tawfiiq

  6. Jamame says:

    Dhaharbo.
    Dadku wa wada dhashay sinna laysuma huro, waxana wax lagu yahay wadajirka. Tankale dad waxa u liita nin magaca Alleh lagu berye oo diida, haddi madaxweynaha u ku dhawaqay nabad in la qaatana umada reer Puntland o dhan bay dani ugu jirta. Galgalanews ogaado in Alleh aad hortegi doontan fidnadan aad abuureysana la idin weydiin doono.
    ALFIDNATU ASHADU MINAL QATLI.
    NB Comments ka idin dhiba wad tirtirtaane kanna tirtira. Waxan ka ahayn Alleh ka baqa idinma oran haday idin dhibeyso tirtira (delete) wabillaahi tawfiiq.

  7. xalane nuur says:

    Faroole waxa uu doonayo waxa ay tahay in maadaama la filayo in shir-weyne lagu sheegay in soomaali la isugu keeno oo qaab siminaar oo kale u dhici doono inta uu socdo in Attam uusan ka foodeen lacagtaas been beenta lagu cuni doono.
    siminaarkaas marka uu dhamaado waa arki doontaa maalinta ugu dambeysa waxa uu ku soo xiri doonaa aflagaadadii caanka uu ku ahaa faroole

  8. WIIL SAALAX says:

    Waxaa aad u nasiibdarra ah yar oo nin danlihi yidhi ninka dad ilaahay kuxujaynaya
    ee leh qiyaamahaa laydin weydiinayaa .
    faroole waxaa hadalkiisa garan lahaa kuwii uu silic iyo sida xun iyo inta barakaca kunool muxuu kaduwan yahay qolada reer koonfur eeuu kahadlayo,
    Xagga diintana waad maqlaysey inuu yidhi diintu wax nidaam ah oo ay diidi kartaa majiro tan kale dad buu uduurxulay iney iyagu is basaasaan faroole ha ogaadointa basaasiinta ah inta kaxun baa kabadan waxa uu kuhadlay, wax kalese kuma odhanayee
    haka dhigin puntland sida muqdisho
    aakhiro iyo ilaahayna waa ognahay ee dulmi baanaan qaadanayn.fasirka aayaddana waad ku qaldantay ee waxa weeye fitnada waxaa laga cabbiray gaalnimada
    wsalaam

  9. galgalawi says:

    asc marka hore kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxan layabanahay oo aan laqoslayaa hadalkan forole miyu hurday marku laha mese waa sojeday cadi maha mese waa yara walna attam mawuxuu moday doqon mise inu walan yahu umalaynaya atam caqligisii waa qabaa ahada adigu yara dhinatay farole ya dhaha haysdaline dantada karac atma dalkisana udaa intasa amankaga helaysaye intasan oran laha farole dhibkii galgala ma illaweyno weligaya ee inta aman nosii oo wiilasha jelasha ku dhintay nosodaa atamna hakasugiin sidarabtiid aduu

  10. mowliid says:

    hadaa lakala garanayaa ninka atam lagu magacaabo inuu isagu iskiis u duudsan yahay ama uu dad iyo meelo kale u shaqeeyo, siduu madaxweynahu sheegay markuu cafiska u fidinaayey kooxda atam wato hadeey wada yihiin dadka u dhashay deegaanada buuraha golis ha kasoo baxaan meelaha ay ku dhuumaleysanayaan oo waxeey sheeganayaan dowlada hakala hishiiyaan
    lakiin sidaan anigu u maleenayo qolyaha ku dhuuleeleesaneysa buuraha golis ma yeeli doonaan baaqaan walaaltinimo waayo waxeey u badan yihiin mooryaan meelo kale kasoo jeeda sida dooxaanta SNM ee aan kaligood dagaalamin iney adoomadooda adeegsadaan mooyee kuwaasoo dano guracan ka leh atom-kan ay ku awr kacsanayaan maxaayeelay hadey dadka deeganka ahaan lahaayeen dagaalka waxeey u leexin lahaayeen meesha ku haboon taasoo ah dhanka Shinbiraale (Sanaag) oo sida la’gyahay SNM dhulbalaarsi ka wado.

  11. Majabe says:

    Dhaman waxan salamaya galgalanews ad ayad u mahadsantihin fakradina salimka ah odagana ha ka cideynina siminarka lcgta yan hawiye inaga cunine

  12. Adawaa says:

    horta maxad u tirtirtaan comments ka ama wada dhaafa dhamantod ama wada tirtira. aniga hada waan iska dayey inan comments ka bixiyo iyo weliba inan soo galo webkan waayo markad fekerkaga dhiibato hadii aan lagu garanayn waa la tirtiraa. hada wiil baa ila fadhiya bal cabdow markhanti ka ahow car yan la tirtirin. cabdi waxu dhahay hadii la tirtiro commentska ana waan joojinaya soo gelida webkan ok bal aan eegno

  13. cfataax says:

    MOWLIID SHIMBIRAALE IYO YUBEBA LAGAMAYA QAANO AFWALIIJO IYO WAXAAD UNAAGAYNAYSO DADKIILAHA BAANA JOOGA ADIGUNA WAXAAD THY QOF KUTAAERAYA ADEERKI QABIL QABIILA QARAN MANOQDO INTAA SA AMINSANTAHAY ANA WAXAN AAMIN SANAHAY INAADAN GAROWE NABAD UGU FADHIYAYN DHIBKUNA KUDANBAYN DOONO ADIGA WAXAN SUGAY KELIYA MARKA DADKAYGA AY GARTAA XAQIIQADA IYO QABIILKA KUWEEYN REERAN GARANAYO AD UHADLAYSO LAKIN LAYAABMALAHO NIMAN TALINJIRIN HADUTALIYO NIMAN TEGIJIRIN BATAGA MANTA TAARIKHDA WAX LACAG BAADA BIXIYA FAROLA JIRA TARIKHDUNA WA AMAHADHO CEEBNA WAA WAXAAN QARSOOMIN ATTAM WAAN NIN JOOGA DHULKIISI WIILKA GAROWE KAYIMINA MASO DHAFIDOONO QARDHO ILEEN EHELREER QARDHO DHAAFSISAN WAX UMAHAYAANE MALINT ABAN SUGAYNAA WAKIILO LA IDIIN KANOQONAYO WADADADHEER NINKIIWANAAG KUMAROW WADADA DHEER CEELDAAHIR BAAWEDKAYAAL

  14. mowliid says:

    cfataax, kaagan cuqdadu dilootey ee halkaan marba magac kusoo galaya waar naflacaari baadtahaye cadiifad qabiil baa ku gubaysa anigu faroole qabiil kuma taageero ee usku qabiilba manahin waxaan ku taageerayaa waa madaxweynaha puntland cidii xilkaa qabata qabiilkeey doonaan ha noqdaan sidaas oo kale ayaan u taageerayaa, puntland hadey qabiiltahayna deegaanada soomaali oo idil ayaa qabiil ah oo SNM-LAND ka kow tahay waad aragtaa deegaan kasta beesha ugu badan baa xukunka u badan somaliland xukunka waxaa u badan isaaq baarlamaankooda sidaas oo kale sadexda xisbi waa wada isaaq dhulbahante iyo warsangali maxeey ka yihiin snm-land afka uun beey niga sheegtaanee maxeey waligood ni tareen aan ka aheyn xasuuq iyo dhul ay niga xoogaa bal noo sheeg? shinbiraale waad qarineysaa waa la’ogyahay iney snm fadhiismo weyn dhawaan kasameysatey dadka deeganka aad sheegeyso meey iska kiciyaan hadeey tabar isku hayaan walee miskiin afkanoolaad tahay reerka aad kasoo jeedo ma iyagaaba talis iyo wax u dhow waligood lagu yiqiiney dabadhilifnimaa lagu yaqanaa harka MJ aad harsaneysiin la’aantiis walaahi waa nila waayi lahaa oo ama masterkiina isaaqba iskuwada dhiibi laheydeen ama hawiye, reer afkanoolow car sheeg reerka aad kasoo jeedo meel ay waligood Mj kaga adkaadeen dabadeed dhul kaga qabsadeen? hal tusaalo kaliya?kkkkk afwaakanee maxaa lagu amaa shaleyto ayaad booteeneysey oo dhaheysey puntland wey burburtey jamhadii SSC labaxdey ayaana burburtey kkkk walee jifo yar oo Mj kamida inaadan iska celin karinee dhaqdhaqda naga daa oo ka walwal deeganadaada badbadaada u baahan sida shinbiraale, ceerigaabo, widhwidh, laascaanod, kalshaale, hagoogane, maygaagle,iwn

  15. cfataax says:

    mowliid hada taarikhda hyso weligay baan kusaara dabeer aankujogo ahayd adeer dadkan waa kaa taarikhdheeryihiin hada kasoo qaado dagalki udanbeeyey ee darbadaalay bal awoowayaasha kasoowarayso wixii kugu dhacay war weligaa harti dhexdiisa wax kama ahayn hadana markay kutaageeren oo mamulka lagadhisay gurigaaga garowe baad moooday inaad taarikhleedahaydadkan adeer 5000 oosano bay kaa horeeyeen ee taariikhda so baadh markaa ayan kaala hadlaya wax ba ciid ha isku qarin adiga waxad tahay qabiileste ay kuweyntahay qabiilnimado taasna waa dirkaa e ma aha wax kuu gaar ah ceebta mahe waa caadada dhulna garowakaleedahay waa isnaqana haday runta tagto wa iska huleelaysa e managadeyso bahasha isaaqan ad isku dhererisayna dee adigu majeerteenbad thy iyana walaf kamida harti iyana waa isaaq waa qabail badan o isu tegay sida daarood marka haku maydhmin sidaa mahaa siyaasadu iyo qabil in wax lagudoone qalin wax kudoon

  16. mowliid says:

    cfataax, cadiifada qabiil adigaa ka hari la oo sida muuqata cudur kuugu noqotey war adigaa markii horeba bilaabay oo qabiil soo hadal qaadey ragbaad rabtaa inaad ladoodid isku filnaan raganimana malahid oo marba waji cusub ayaad lasoo baxeysaa horta intaan raga ladoodin adigu yaa tahay maagaladee kasoo joodaa ama degan tahay? markasaa la arki doonaa aniga inaad waligaa i hoos imaan jirtey iyo in kale hadaladaad ciil isbiirsadey ayaa laga dheehan karaa adeer raga waxeey kuugu dhaaman waa loo qiraa hinaaso waa astaan naageed aniga gobanimadeyda ayaa cadeyn u ah dadnimadeyda waana lawada ogyahay inaanan caasimada garoowe kaliya degin oo beelweynta maxamad harti( Majeeteen) maanshaalah xor ku yahay deegaanadiisa baaxada weyn ee bari, karkaar, nugaal iyo waqooyiga mudug waxaana deeganadaas nala dega walaaladeen puntland nimadu ku dheertahay sida axmad harti (dashiishle) kan atam lagu yeero e dhuudhuumashada badan haduu rabo qolyo mooryaan meelo kale iska soo uruursadey inuu ku beero tuulooyinka galbeedka bari sida galgala waa laysla joogaa oo la arki doonaa shuftadaas Mj iney dhul ka qaadaan iyo in kale huuno mid ogow Mj dhulkooda qaad iyo laaluush kuma gataan sida qolyaha aanu ogsoonahay e deeganadooda cadowgooda kusoo hogaamiya, nacnacdaada kale waxan kaaga jawaabayaa markaad banaanka iskeento, wabilahi towfiiq

  17. mowliid says:

    cfataax. teed kale, qoraalkaaga idoor isqarinaya ayaad ila egtahay waxaaba tiri jifooyinka isaaq baa daarood oo dhan lasiman kkkk huuno ugaadeen kaliya ayaaba ka badan isaaqan aad sheegeyso kkk

  18. Magaalada Shinbiraale ee Sanaag oo ay Jabhada Somaliland qabsatey

    Posted by Abu Mucaad on July 13, 2011

    Maamulka Somaliland oo fadhigiisu yahay Magaalada Hargeysa ayaa waxay la wareegtey Magaalada Shinbiraale ee Gobolka Sanaag iyadoo ay saldhig ka sameysatey isla markaana ay daba socdaan reer guuraa ku abtirsada beelaha taageersan maamulkaas iyo mabaadideeda isla markaana ay qorsheynayaan iney duleedka magaaladaasi berkado laga qodo.

    Hore ayaa gudoomiyaha Gobolka Sanaag uga hadley arintan dhul balaarsiga ah isla markaana ka digey cawaaqib xumada ka dhalan doonta fara dhul balaarista ay wadaan beelaha kasoo jeeda tuulooyinka Galbeedka Sanaag isla markaana laga yaabo iney dhacdo dagaalo.

    Shinbiraale ayaa dhacda Koonfur Galbeed ee Magaalada Ceerigaabo, qiyaas ahaana u jirta xarunta Gobolka Sanaag masaafo aan ka badneyn 45km jihada Fiqifuliye, waxayna magaaladu dhinaca Waqooyi ka xigtaa magaalada Dawaco oo u dhow Degmada Carmale ee Gobolka Sanaag.

    Shinbiraale oo ay la wareegtey Somaliland ayaa sidoo kale aheyd goobihii uu ka dhacay Dagaalkii Difaaca ee Gobolka Sanaag isla markaana lagu jebiyey jabhadaas iyo taageerayaashooda sanadihii 1990kii isla markaana aheyd goobihii uu jabku iyo halaagu kasoo gaareen jabhadaas xaq darada iyo quursiga qabiilka ku dagaalameysey.

    Shinbiraale ayaa u eg wadadii ay martey Biyo Guduud oo iyaduna tan iyo intii ay taageerayaasha Jabhadaasi ka dhigteen Saldhig ciidan ay gebi ahaanba la wareegeen beelaha kasoo jeeda tuulooyinka ku yaala Galbeedka ee Gobolka Sanaag iyadoo goobtaasi ay noqotey goob ay isaga huleeleen dadkii hore u degenaan jirey.

    Waxaa iyaduna nasiib daro noqotey iney wiilasha Maakhir.net ay warkaas ka dhigaan mid dabaal deg ah oo isla markaana ku faaney iney odayaasha deegaankaasi ay soo dhoweeyeen iyadoo odayaal ka mid ah kuwa deegaanka oo ku sugan Ceerigaabo ay beeniyeen iney jirto cid soo dhoweysey ayna arintani wataan rag u dhashey Degmada Dhahar iyo Shinbiraale labadaas nin oo lakala yiraahdo Ahmed Jeenitaag iyo Muuse Deylaaf oo in mudo ahba u sacaba tumayey maamulka Siilaanyo ee hogaanka Somaliland.

    Waxayse inamada webka marin habaabsan oo lagu tilmaami karo Afnugaal Sanaag ay ilowsan yihiin daba dhilifnimadu ineysan Saldhig ciidan oo la sameeyo aysan arintu aheyn e ay saldhigu daba socoto, qaad wadayaal, xoolo dhaqato caano gadeysa, berkado ciidamada biyaha loogu keydiyo, reer guuraa usoo barakaca iyo deegaameyn hor leh oo meesha sidaa lagula wareego,waana tusaalihii Biyo guduud.

    LaasqorayNET-

  19. Sheikh Yusuf says:

    Waa salaaman tihiin,

    waxaad isku haysan meel aan waxba ka jirin,waxaadna ku hadlaysan af qabiil.
    maad danihiina raacataan oo aad iska daysaan wax aadan helayn haabashadeeda iyo haruub raaca.cats law ma ilowdeen ? ina cabdi xaashi baaba idin dhamey dhammaantiin!

  20. Amshire says:

    Galgala News.. Aaad baad ugu mahadsantihiin maqaalkan , waa mid ka tarjumaya xaqiiqada .. lakiin reer Sanaag marna faroole ma siindoonaan taageero dhinac walba hanoqotee,Puntland hogaan malaha ninkan faroole ahna nin la isku halayn karo maha ama qaadi kara masuuliyada ka saaran shacabka reer Puntland oo dhan..

    Faroole halala giraangiriyo inta wakhtiga uga hadhay, mana aaminsani in nabad lala qaato, nabadu khasab maahee , waa in nabada loo qaata hab qabiil ku salaysan oo faroole beeshiisu soo fariisataa meeska wada hadalka, meeshan rag baa dhintay difaaca dhulkoodana u dhintay ee halaga wada hadlo….Faroolena yahay ninkii u sabab ahaa dagaalda….!


You must be logged in to post a comment.

faadil sawr haaf ah Rsanaag oo Waraysatay Gudoomiyaha Xisbiga Tiir DHEGAYSO
- Sep 19, 2014
RSanaag ayaa Waraysi  ku aadan Khilaafka Madaxda Somaliya wuxuu salka ku hayo la yeelatay ...
saaxo Puntland:- Saaxo oo la Bogaadiyay Leicester, UK VIDEO +Sawiro
- Sep 19, 2014
Leicester,(Galgalanews) Kadib markii shirka lagu furay Qur’aanka kariimka ah ayaa waxaa shirka si toos ...
sawir awaare Waraysi Ku Saabsan Ardayda Puntland ee Sudaan u Joogta Waxbarshada DHEGAYSO
- Sep 18, 2014
Kahrtuum:( Galgalanews) Cabdifataax Axmed Maxamed'Awaare' oo ka mid ahaa Ardayda Reer PL ee Sanadkan ...
caynte sawirkiisa Heritage oo ka hadashay Shirka Garoowe ee Shakiga Muujiyay DHEGAYSO
- Sep 18, 2014
Bosaaso( Galgalanews) Idaacada Radio Garowe ee xarunteedu tahay Magaalada Garoowe ayaa Waraysatay C/raxmaan Caynte ...
guri 4 Puntland:- XOG:- Adeega Wasiirka Maaliyada & Mushahar La’aanta Shaqaalaha +Sawiro
- Sep 18, 2014
Garoowe( Galgalanews) Tan iyo Markii Doorashada uu ku Guulaystay Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ...
Sawiro: Kulankii xukuumada Puntland iyo qodobadii kasoo baxay
- Sep 18, 2014
Garoowe( Galgalanews) Kulankii Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ee maanta ayaa waxaa looga hadlay arrimo ...