Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wasiirada Cusub iyo Qabiilada ay ka soo Jeedaan Akhriso

GalGalanews ayaa Heshay LiiskanInta badan Golaha Wasiiradda Xukumadda cusub ee Somalia ayaa kuwop labo jinsiyadood leh una dhaartay inay yihiin dalalka ay Baasabooradda ka heystaan,waxayna u dhasheen Somali laakiin uma dhaaran inay yihiin.

Waxaan ka bilaabeeynaa Ra’isulwasarre Cabdi Wali Gaas oo ah (American Somali) oo u dhaartay inuu yahay American markii baasaboorka dalkaas qaadanayay.
Wuxuu magacaabay Gole Wasiiro,hadaba halkaan ka akhriso dalalka ay u dhaarteen inay yihiin iyo qabiiladooda.

1- Mudane Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bille)Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta,Dir Biyo maal,waa Al Itixaad Gaboobay.( Eritrean Somali) wuxuu wataa baasaboor Eretria.
2- Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim Waxaa loo magacaabay Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda,Raxanweyn ,Digil,Dabare,(British Somali) wuxuu u dhaartay inuu British yahay wuxuuna u dhashay Somali.
3- Mudane Xuseen Carab Ciise Waxaa loo magacaabay Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga,Isaaq Garxajis Ciidda gale Reer Iidle,Waa. (American Somali ) wuxuu u dhaartay inuu yahay American ,wuxuuna u dhashay Somali,waxaa dhalay Carab Ciise oo ahaa nin beero ku lahaa Janaale.wuxuuna ka tegay Somalia 1980-kii mana arag dalka kadib.
4- Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif Waxaa loo magacaabay Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.Waa Daarood,Ogaadeen ,Coowl yahan,Waana (Swedish Somali) wuxuu u dhaartay inuu yahay Swedish.
5- Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.Waa Hawiye Habargidir, Ceyr,waa (Canadian Somali) wuxuu u dhaartay inuu Canadian yahay .
6- Mudane Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle Waxaa loo magacaabay Wasiirka Waasaaaradda Maaliyadda & Lacagta.Daarood,Mareexaan ,reer Siyaad, (American Somali) wuxuu u dhaartay inuu American yahay.
7- Marwo Caasho Cismaan Caaqil Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska,Filasho.
8- Mudane Cabullaahi Xaaji Xasan Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Xannaanada Xoolaha,Waa Raxanweyn,Mirifle,Leesaan.Filasho faahfaahinta.
9- Mudane Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka,Dir Faqi Muxumud.(American Somali) wuxuu u dhaartay inuu American yahay (Somali waa u dhashay laakiin uma dhaaran inuu yahay)
10- Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta,Waa Hawiye Murusade (British Somali) wuxuu u dhaartay inuu British yahay.( Waa ninkii Muqdisho geeyay Radio Tusmo,wuxuuna bartay IT) waxay Ilmo adeer yihiin Xasan Macalin oo ah gacan yaraha Madaxweyne Shariif.
11- Mudane Maxamed Muxiyadiin Sheekh Mursal Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Dhallinyarada & Isboortiga,Waa Isaaq Habar Awal.hooyadii waa Raxanweyn.filasho faahfaahintiisa.
12- Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda & Bay’adda-filasho faahfaahintiisa,hadii aad heysid soo dir Email.
13- Mudane Aadan Cabdullaahi Aadan Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidk Cirka, Dhulka, Badda & Dekadaha-filasho faahfaahintiisa.
14- Mudane Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Dib-u-heshiisiinta,Waa Daarood,Leelkase.(Canadian Somali) u dhashay Somali u dhaartay inuu yahay Canadian.
15- Mudane Jaylaani Nuur Iikar Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeenta & Dib-u-dhiska,Waa Reer Xamar reer Suufi- Filasho faahfaahintiisa.
16- Mudane Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha & Batroolka,Waa Hawiye Gaal jecel-filasho faahfaahin dheeriya.
17- Mudane Prof. Axmed Caydiid Ibraahim Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaaha & Tacliinta Sare.Waa Daarood Dhulbahante.waxaa ninkaan loo magacaabay shaqo uu yaqaan.filasho faahfaahintiisa
18- Mudane, Cabdullaahi Goodax Barre Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta & Iskaashiga Caalamiga.Hawiye,Xawaadle,Agoon,wuxuu la saaxiib yahay PM Cabdi Wali Gaas.(American Somali) wuxuu u dhaartay inuu American yahay) Somali waa u dhashay laakiin uma dhaaran inuu yahay) ‘

 

Isha Warka GalGalanews.com

Webmaster@Galgalanews.com

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (18)

  1. Waranle says:

    Sidan Cadaalada maaha. meeye Kursigii Gadabuursi. Ileen reer Awdal waxay ku dhawaaqeen maamul goboleed la dhaho Awdal State oo Somalia ka mid ah.. Sobabta reer Hargeisa oo aan ogolayn Dowlad labo Wasiir loo siiyay oo dadkii Somalinimada ku dhimanayay ee Gadabuursi loogu Soo diri waayay Cabinetka Ina Gaas.. this not fair.

    • wiil ssc says:

      Gudabiirsi waxba ma soo kordhinayaan, in yarna dhulka Somalida way kaga nool yihiin. Mida kale Dir(Idoor) oo ay is yihiin hadday diidaan maxay doonayaan. Cabdi/wali na dadka kama yaqaan, labada shariifna kaba sii daran.

  2. Adawaa says:

    Galgala news maantana wasiir lama siin warsangeli maxaa dhacay.maalintii hore waxay warsangeli lahayen ninka mareexaan ayaa naqadiyey oo ma yaqaan warsangeli wuxuu galo iyo wuxuu gudo iyo weliba degaankooda. haye bal ka warama kii mj na wasiir idin ma siine isna ma yaqaan miyaa warsangeli. maxaad se uga hadli waydeen waa tii aad mudahaaradka dhigteen maalintii hore. fadlan ha tirtirin commentskayga haddii kale waxan u qaadanayaa inaysan webkani democradi ahayn

    • Bosaso Girl says:

      Adawe, mesha dawlad aan luga iyo gacmo lahyn oo AF wax cuna un leh oo aan shaqa qabankarinbaa fadhidee maxay warsangali kalamaqantahy ama Mj ha ahaadeen ame hawiye iyo jucufo hostagta aqalka beenta ah e xamar bariiska kudacuna ha ahaadeene kulugood danda dalka iyo danta dadka meesha lumahayaan, mawaxaa rumaysan tahy inwadanka ama koonfurhanaqoto ama puntland hanoqotee in aycadaalad u shaqeeyaan, faroole garoowe un buu fadhiya xoogaana xaaqxaaqay maxuu kaloo wadanka u qabtaa, wadanku aadbuu unasiibdaranyahy maxaa waxmagarato iyo doqon dalshisheeya kasoo cararay magac kuraadsatay madaxban ahy, alaw nagaqabo, maanta waxaa idin dhaami lahaa naago idinmaamula ileen makalaoonidine.

  3. faarax says:

    kkkkkk warsangali wa dad badan meesha leelkaseoo afar xabo ahw ax la siinayo wxaa mudan warsangali, oo gobol dhan leh

    ini faytooesxb maxaad commentyadayda u tirtitaa mise webkiina waa web lagu amaano warsangaliga

  4. Osman says:

    Osman Mohamoud hadii la qadiyey dee warsenagli waa aamusayaan….

  5. Waxan laya banahay dadka dawladka dhigaya waxan war somaliyey waxan ha isku mashqulina gaala utalisa beri aya waxa sowcaya melis ama usenveni marka waxan ku talin laha mamul xuno galo ka amar qata yan dawlad lamodin halo istago sidi dawlad islami ah oo lagu wada kal son yahay lodhiso hadilado nayo indal keenu noqdo mid degan u kala dan bayn leh

  6. Wiil SSC says:

    Allaylehe, futadduu kala helay Warsangeli maantana,wiilka MJ waxa uu muujiyey inaanay muhiim ahayn beeshaasi dhulkooduna ka go’an yahay dhulka kale. Anaba waxa nalaku siiyey SSC iyo Kalshaalee, nagu soo biira oo kaalaya caasimadda ssc ee buuhoodle, markaasaan wasiiro idiinka doonidoonaa dawladaa xamar.

    • sharma says:

      maskiin baad tahay sxb warsangali waa kaa landheraysan yihin wasirka aad heshayna waxaad ku heshey PUNTLAND ahaan haddii aad SSC ahaan ku raadsan lahaeyd futadaayaa cag lagaa soo galin lahaa maskiin yahow

    • Bosaso Girl says:

      will SSC, maadaa hadlaya orod wadankaaga isaaq ka xoreeyso xamarwaxba kaama yaalaane, warsangali dad iyo dalkufilan ilaahbasiiyay adi aqoonsi kaama baryaayaane, warsangali lama gumaysto wadankoodana isaq ama Mj farkama taagi karan inta wiil warsangali noolyahy ama madaxiisu dhaqdhaqaaye waa ogtahy inaan ladhaafi karin oo hader faroole nabad kabaryayo ATAM iyo cidankisa, isxorey oo nin iska soo dhig markaa dadka hadlaya dhinac kasooraac inta kahoreysa xaarkaga iskaga jir.

      • wiil ssc says:

        Abaayo, ma dubays baad tahay. Mida kale inan baad tahay oo waxba ku oran maayo, xagayga habluhu waa dhaxdin ee nooma taliyaan. SSC na anaa kala haysa.

        • Adawaa says:

          kkkk wiil ssc adeer dubayska miyad ka baqdaa maxaa u tidhi dubays gabadhu warsangeli bay taagnayde. mida kale suaashaydii af somaliga ku saabsanayd iigama aad jawaaabin

        • Bosaso Girl says:

          SSC, warsangali ban kahadlay, cumar iyo dubaysna hakalasaarin ileen adba SSC makala sarine, mideedakale gabdha had gaysan kuma waydiin, anigu afkaaga hagaagso banku iri mardanbena afkaaga warsangali haku taagin, waana kaweyn yihiin dad buuhoodle iyo SSC hoostaga, maalinba meelbaa masalaha dhigataane

  7. Adawaa says:

    wiil ssc adeer muxuu futada kala helay bal noo sharax anagu af somaligas si fiican uma fahmine.

  8. mohomed yare says:

    hooyadiin anaa wasa gidigiin,,,,,,,,,,,,viva ciise maxamauud viva faroole viva abokor ciisse

    • Adawaa says:

      Galgala news fadlan kan camal tirtira commentkiisa waayo nin weyn ma aha wuu caytamaya bal muxuu ku galay dadkan meesha ku jira yaa faroole wax ka sheegay ama ciise maxamud

  9. wiil leelkase says:

    marka hore waxaan leeyahay dhalinyarada warsangaliga ahaw idinka iyo leelkase isku wax kuma qaybsatiin oo waa niman adeeradiina ee ka xishooda taariikhdoodana waaad taqaaniin ayaan filayaah oo waa DARBI DAAROOD marka ka xishooda waa nimankii hawiye meelmariyeeh,, teeda kale leelkase iyo warsangeli siyaasad iskuma hayaan oo waa dad wada dhashay marka booska waxba haka murugoonina leekase ayaa iska leh,,, mida kale gobolo badan ayuu dagaah ee kala barta dadka,,,,warsangali idinka dhulkiini waxaa qaatay niman isaaq ladhaho ee nimanyahaw ragaas meel iska soo saara maalinba maalinta kadambaysa way idinkusoo durkayaan,,, warsangali waasiir meesha kuma laha oo idinka waxaa idin matala ISAAQ ama MAXAMUUD SALEEBAAN,, BYE BYE reer maakhiraw….

  10. Casayrlander says:

    Wasiiradan maahan kuwo nalakalatashtay sidaa daraadeed Beesha Siwaaqroon kalsoonidii way kala noqotay Raisulwasare Gas.


Comments are closed.

cunbul Bosaaso:- Lacag la Uruuriyay +Sawiro
- Oct 24, 2014
Bosaaso( Galgalanews) Mu’asasada Al-minhaaj ee dacwada iyo hormarinta ayaa ka bilowday magaalada Boosaaso gaar ...
1t Madaxdii Khaatumo oo lagu soo dhaweeyay Minneapolis VIDEO
- Oct 23, 2014
Magaalada Minneapolis  waxaa maanta si wayn loogu soo dhoweeyey Madaxwaynaha maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf ...
15 (1) Khaatumo oo Shir Adis-Ababa uga Qayb-Gashay ( Sawiro)
- Oct 23, 2014
Waxaa dhowaan magaalada Adisababa ee Xarunta dalka Ethopia gaadhay Wafdi uu Hogaaminayey Madaxwaynaha maamulka ...
Sheekh Shariif oo waxbarasho u tagay London “Daawo” Sheekh Shariif oo waxbarasho u tagay London “Daawo”
- Oct 22, 2014
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya,Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u muuqda mid ka baxay siyaasadda ...
galgala Galgala Sawiro uma Baahna” ( Faallo +Sawiro)
- Oct 22, 2014
Galgala( Galgalanews) Degmada Galgala ee Gobolka Bari waxa Dhowr jeer ka dhacay Dagaalo is ...
Xawiladii Amal ee dalka Giriiga oo la dhacay VIDEO Xawiladii Amal ee dalka Giriiga oo la dhacay VIDEO
- Oct 22, 2014
Athens( Galgalanews) Xawiladii Amal Express ee dalka Giriiga  ayaa Gabi ahaanba la dhacay' sida ...