Raascaseyr Maxaa Sababa Dhismaheeda Dhegayso Dr Faatax

Filed under: Latest News,puntland |

Nairobi(GNA):-Xaflad Balaaran oo lagu taageerayo Maamul goboleedka Raas caseyr ayaa Caawa kusoo geba geboobay Magaalada Nairobi  waxaana Xafladaasi kasoo qaybgalay qaybaha kala gedisan  ee bulshaweynta Puntland kasoo jeeda

Xaflada ayaa waxay ahayd mid  lagu soo dhoweynayo Maamulka Raas caseyr oo dhowaan looga dhawaaqay Deegaamo ka tirsan Gobolka Bari ee Puntland , waxaa uu socotay saacado Xafladu waxaana ay isugu jirtay qaybo kala gedisan  oo dadweynihii ka qaybgalay aad usoo jiitay iyo  khudbado halkaasi ay ka jeediyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka cusub Raascaseyr , Siyaasiyiin reer Puntland ah , hogaamiyayaal dhaqameed gobolka bari kasoo jeeda iyo Xubno ku hadlay magaca bulshada Soomaliyeed

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Raascaseyr – Dr Barre Faatax oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn uga sheekeenaya Asbaabaha ka danbeeyey in maamulkan la dhiso iyo Dhaliilaha uu leeyahay Maamulka puntland hada ka jira  – khubad uu halkaasi ka jeediyey halkan ka dhegayso:-

Madaxweyne Ku xigeenka Raascaseyr Barre Faatax

Xubno ka socday Jaaliyada Banaadiriga  Ee Nairobi , ayaa iyana halkaasi ka hadlay oo siweyn usoo dhoweeyey Maamulka Raascaseyr – iyadoo sidoo kale halkaasi uu ka hadlay Masuul ka socday SSC , waa Ibraahim Maxamed Guure oo SSC uqaabilsan Arimaha Federaalka khudbad uu halkaasi ka jeediyey halkan ka dhegayso:-

Ibraahim maxamed guure

Dhinaca Cuqaasha waxaa ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay , Dr Axmed Maxamed Ciise oo ka mid ah odayaal dhaqameedka beelaha Gobolka Bari dega , halkan ka dhegayso hadalka  Dr axmed maxamed ciise :-

Dr axhmed maxamed ciise

Mid ka mid ah haweenkii Munaasabadan kasoo qaybgalay ayaa halkaasi tix buraanbur ah kasoo jeedisay dhegayso:-

Buraanbur

Masuuliyintii kulankan ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday  Asbaabaha keenay in lagu dhawaaqo maamulka Raascaseyr oo ah Degmooyin hore uga tirsana maamulka puntland – gaar ahaan gobolka Bari , waxaana Masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ay xaqiijiyeen in dadka deegaamada Raascaseyr degani ay ku dhawaaqeen Maamul goboleedka ka dib markii ay xalkale waayeen , Raascaseyr waxaa looga dhawaaqay Bosaaso dhexdeeda waxaana ilaa iyo hada aan wada hadal iyo xog waraysi la yeelan maamulka puntland hada ka jira – oo isagu gebi ahaanba inkiray Maamulka Raas caseyr isla markaasina xubno ka tirsana xarig ugu jawaabay

Daawo Sawiro

45 Responses to Raascaseyr Maxaa Sababa Dhismaheeda Dhegayso Dr Faatax

  1. Wanku faraxsanahay waxayba wataan calanka Puntland waa dad wadaniyaal ah badbadinta Puntland Congrat Raascasayrland or Puntland

    Jama
    July 24, 2011 at 11:47 pm

  2. Maakhiriland, darwiishland, casayrland, calisaleebanland, mudugland, dhamaan maamuladaasi deegamda ay maamulaan waxay ka mid ahayeen waxii la oran jiray Puntland soo maha? Su”aasha aan rabaa in aan weydiiyo akhristiyaasha waa, fashilkii ku yimi puntland yaa loo anaynayaa dadka reerpuntland mise maamuladii isaga danbeeyey?

    Maakhiriman
    July 24, 2011 at 11:52 pm

  3. asc aad iyo aad bana ugu faraxsanahya in dadka reer raascaser ay katashadaan ayahooda deegaankoda iyo horumarinta dadkooda ayadoo sidaan ognahay dadka punland xukunkeeda soomaray ay horumarasadeen deegaankodaa kaliya waxan leeyahya dhista dhulkina kana shaqeeeya qeybaha wax barshada cafimadka iyo dhamaan wixii horumarin ah sidaan wada ognahay goboladaas waa la,ilaawey marka usameysta maamul. waxan usheegaya JAMAC sxb calana sifiican ufiiri mahan kii puntland waa calanka rascasery staten sxb mise indhayaraan baa ku haysa

    sayid
    July 24, 2011 at 11:54 pm

  4. maasha alaah raascasayr state way talaabsatay waana maamul dhinac taagan maamulada kale waxa uuna ka shaqaynaya midnimada soomaaliya hadaad shaly wax ku cuni jiray dad dhulkooda maantay waa la is fahmay kkkk guul haye casayroow dhali guusha nabada madaxwaynaha waan u hambalyeynayaa mudane dooxajoog hawsha uu ka wada wadanka waana maamulka kaliya ee ka taliya dhulkiisa taas ayaa marqaati u ah umada neceb horumarka raascasayr viva siwaaqroon viva raascasayr

    raascasayrlander
    July 25, 2011 at 12:47 am

  5. Aderayal puntland makala go.ikarto e anu kutashano faroole sidi ugabedilahay degmona mamul gobeled manoqoto sidad ogtihin faroole dhaqlihi wa lunsaday wasaradihi ama hayadii shaqaynayey ku garowe ayu ku ururiyey marka xukunka halaga turo fadlan

    Barkhad
    July 25, 2011 at 3:55 am

  6. Salaam Kadib,Adeerayaal Nairobi iyo London wax lagu dhoodhoobay waxba ka soconmayaan, jiritaanka Puntland waa mid muqadas ah, wanaag iyo awood ayaa lagu haynayaa, Odoyaasha Siwaaqroonna waxay dhowaan kulan la qaataan madaxweyne faroole wayna is fahmeen, ee maxay ahaayeen kuwan dibadyaalka ah ee dadka masaakiinta ah ee aan soomaliya xogteena hayn beenta ku dhuraya. Puntland waa la wada samaystay ninkii ka bayraana dhibtu ku damayn lagamana aqbalayo wax kala goy goyn ah. ee fadlan riyada beenta ah iska ilooba.

    Mohamad
    July 25, 2011 at 5:24 am

  7. walle hadaanay jirin midnimo iyo isku xirnaan umada puntland ah oo tafaraaruqa iyo kala fogaanshaha dan la moodo, waxay ila tahay wa burbur dib looga qoomamayn doono,,, runtii wiil qurbe ka yimid wax dana uu umada walaalaha ah ee puntlad uwada ma jirto. waxaan leeyahay shacabka puntland ha ilaaliyaan midnimadooda , sharaftooda iyo aayatiinkooda,,, alloow dadka no hagaaji amiiiiiiiiiiiiiiiiin

    faarax
    July 25, 2011 at 5:45 am

  8. Anigu waxay ila tahay in lawada dago deegaanka caluula waayo waxanu ku tabeynaa Geesaguule oo aad ugu badan ahna qabiilka ugu hantida badan gobolka bar marka loo eego kheyraadka marka dabiiciga ah halqabiil oo kaliya haduu sheegto deeganka caluula maxey noqon mida kale Siwaaqroon ma,ogyahay in geesaguule xaq ku leeyahay deegaanka mise wuu og yahay oo wuu iska indho tirayaa, waxaan u sheegayaa siwaaqroon ineysan la,heyn kaligood loogana soo horeeyay deeganka caluula

    Dhulbaante
    July 25, 2011 at 6:51 am

  9. Alloow dadka noo hagaaji. AMIIIIIIIIIIIn.

    Waxaan la yaabanahay dad intay xaflad qabsadaan markaa dhahaya state baa nahay.

    Allana ka xishooda, dadkana xushmeeya oo qof walba waxa uu kasbado buu leeyahay.
    qofkii ka shaqeeya burbur isaga ayaa ku danbeen doona burburka uu ka shaqeeyo.

    Tankale, waxaa halkaan ka muuqata dadka soomaaliyeed oo iyagu ku jooga qoxooti wadanada shisheeye in ay ka talinayaan burbur Puntland, waxayna ila muuqata in dadka qoxootiga u yihiin in ay ka dhaadhicinayaan in dad sare yihiin lkn waa ni naqaanaa waxaad tihiin qoxooti ee naga daaya burburka.

    Talo
    Maxamudow.

    Maxamudow
    July 25, 2011 at 8:02 am

  10. WAXAAN ORAN LAHAA. MIDNIMADU WAA MUHIIM MIDA KALE BURBURKA PUNTLAND WAXAA LOO EEDAYNAYAA MOHAMUUD SALAYBAN GAAR AHAA CIISE MOHAMUD. SABABTO AH MAXADWYNAHA HADDA MEESHA JOOGA WAA MADAX ADAG YAHAY WAANA LACAG JECEL YAHAY WAA MID KOOBAD XAQIIQADIINA MEESHA KUMA SOO KOOBI KARO ANOO KA XUN WAX KA DHACAY PUNTLAND AHNA REERKA GAAR AHAAN GAALKACYO KA SOO JEEDA

    ahmed
    July 25, 2011 at 9:03 am

  11. asc aniga ka fikirkeyga waxaa weeye umada hadey sab helin cadaalad iyo wax qabad iyo amni umadas wa bur bureysaa puntland amni daro iyo cadaladaro iyo musuqmaasuq baa ka jira waxaas oo dhan waxa masuul ka cida sheegatao in ay puntland maxad ka tahay oo ugu talagay in uu ka taliyo garoowe inta kale puntland pur purto madaama xaalada sidaas tahay anig waxan soo dhaweynaya walaheena reer rasacseyrland maadama ay ka tashteen aayahooda iyo deegaankooda oo ay isku filnadaan waa wax lagu farxo runtii anaga kama xumin wanaagooda iyo wax qabsigooda ,waxaan u sheegaya hadaani nahay shacabka reer puntland aan ka tashano ayaha puntland nimanka tuugada oo qurbaha ka yimid oo ugu horeeyo faroole wadan aan ka qabno umada dan uma hayan dhaqaalihii wadan dibada ayaa la aaday wadankiina waad u jeedaan ,meesha aan ka kacno

    masuul sare
    July 25, 2011 at 9:06 am

  12. MAR KALE IYO SU.AAL REER PUNTLAND U TAAL. WAR MA WAXAAN DAN INOO AH KALATAG MISE INAYNU FAROOLE IS QABANO?

    ahmed
    July 25, 2011 at 9:14 am

  13. war dadka ku faraxsan ama u olalaynaya kala taga umada puntland iyo tan soomaaliyeed ba ha iska daayeen. marka laga yimaado shirki ilaahay laga galo waxaa ku xiga kalatag waana caqli xumo daran, taasoo keenta ugu danbayn kala daadsanaan iyo cadowga gudaha ama debadaba ay madaxa isu galiyaan kana faaiidastaan waxay khayraad lahaayeen.
    hadaba hadii maanta dhibaato jiroto halayska sabro isagaa karoon kala tag inta ilaaahay feraj kale furayo, hana la ogaado inaan koox koox meelna lagu gaadhayn dadna layskaga celinayn.sabir hala kaashado.

    midnimo
    July 25, 2011 at 9:15 am

  14. kkkk waar reer raasa casayr waa waasheen war gurigii aad daka wadaagteen yaad uga dudeysaan dhib maleh dadku mucaarad waa noqodaan waxna waa ka didaan lkn dalkayga baan ka dudayaa oo laba buurood dhexgeleyaa ku magcaabay maamul goboleed wax caqliga gelikara maah dadka puntland dhistay baad ka mid tihiin hadey puntland Xumaatay doona sidii loo hagaajin lahaa wa guri dadkale idinkala dhexeeya sida qaabaa’ladda kale calisaleebaan waa mucaarad lkn land land lama bixin reer puntland bey isugu baaqayaan dalka kaalay hagaasjisanee isku xishooda yaan cadow idinka faa iidaysan waa la idin ogyhay in shiikh shariif idin xuuxinayo isk dhaafa waxaas oo caqligiinu ha shaqeeyo

    Haashim Garoon
    July 25, 2011 at 9:31 am

  15. asc

    waxan aad iyo aad igu farax sanahay uguna hanbal yeynaya mamulka Raascaseyrland sida ay dadkooda iyo degan kooda, sidaaan dareemaynona waa mid ay keentahay wax qabab la aantahay mamulka faroole oo noqday mid ka soo bixi wayey masuliyadii loo idmaday, kuna khasbay shacabkii puntland inay mantay sidan uka qaybsaman waa nasiib daro wayn waxaan kaleto oo usoo jeediyana beelaha kaleto oo kunool gobolka bari Raascaseyr deriska la ah inay taageeran wax lana laqaybsadaan

    Ismail bari
    July 25, 2011 at 9:55 am

  16. asc aniga waxan aminsanahey in ey maslaxo kujirto in umadad walba ey wadankooda mamul u sameysta hormarkodana kashaqeeyan intii qooxkaliya ey hantidii umada jeebka kushubanlahayeen putland garowe iyo bosaso eyey sodhafiweydey

    adam
    July 25, 2011 at 11:08 am

  17. Waxa ogatan shacabka puntland wa isku dubanyahay wana isjecelyahay magaca puntland wakuwada fanan lkn faroole logama horayn in dadku kala tago waxana umalaynaya inay gacantisa ku purpurayso ilahay habad badiye tusaale dhubahante wagostay warsangeli wagostay dishishishe shirar ayey wadan wagi hore waxa la oranjiray majerten aya uharay wana aragtan o majertenki aya katagay siwaaqron watagay cali saleban abaabul badbado puntland ayey wadan cumar maxamud galkacanyo taloyin ayuku jira cidan ka madax banan ayey leyihin marar badana wa ku mudaharaden puntland marka marka mamulka wuxu uhaysta inlogu dortay inukataliyo garowe okeliya

    Barkhad
    July 25, 2011 at 11:10 am

  18. War waa wax lagu farxo calalka raascasayr state of somaliya oo babanaya ina aan arko.
    kuwiinaan indhaha la waxaa usheegilahaa
    in ay sifiican wax ufiiriyaan calankay wataan waxaa ku sawiran meydigii iyo timirtii ugaarka ahayd ee reer raascasayr state. malaha waxay ilatahay kuwiinaan leh calanka puntland ayaa lawataa waxay ola tahaty sifiican wax uma argtaan.

    makuula
    July 25, 2011 at 11:26 am

  19. Waa been iyo wax aan wax ka jirin- war ummdda beenta ka daaya, walee in ayan ka shaqaynay dhulkaas wax aan ahayn puntland.

    Habraha aad meesha kusoo ururiseen shilimaadka haka furanina, ileen Niarobi waynu naqaane!!!!

    Alow nafta yaa run u sheega oo aan been ku maaweelin.Qaybta jaadka ah ha isa seegina ee iska barjeeya!!!

    HA NOOLAATO PUNTLAND
    CADOWGEEDU HA JABO!!!

    RAYGAL
    July 25, 2011 at 11:41 am

  20. raas casarland waa soo dhoweeyneynaa dhowaan waxaa beesha cali saleebaan ku dhawaaqi doonaan noobir sted maamul layiraahdo galgalanews waa inay lasocotaa maamulkaas oo sawirada soo duubaan intay gaagaab iyo waxaan la aqoon soo qorayaan

    xaydar
    July 25, 2011 at 11:41 am

  21. asc war heedhe meeshii putland aheeyd malaha ciise mohamuud baa ku hadhey iyagaaba magaalo la dhisey jooga iyaguna garoowe land ha sameysteen haddii la rabo in putland ayaamo laysu hayo cabdulaahi yusuf hala soo celiyo ama odey dhaqmeedkii cadde muuse

    mohamed
    July 25, 2011 at 12:04 pm

  22. waa wax lagu qoslo raascaseyr waa deegaan puntland ka tirsan suwaqroon waa waa sheen war deegaanka aad sheeganeyso osman mahamuud ayaa idinka badan kkkk labo tuulo yar ayaad ka degan tahay bareedo iyo boolimoog mideeda waxaa wax lagu qoslo ah madaxweyne iyo ku xigenkiisa oo hal jufo ah

    wiil qardho
    July 25, 2011 at 1:22 pm

  23. ahadii caqligu wareero wixii la doono ayaa lagu hadaaqaa, waxan ahay waayo arag in badan kuso gaaf wareegay caluula iyo baargaal, runtii waa eera goan , waa buraley , mida kale jidkeedu wuu xunyahay , wa mel aan lakala sheegan karin oo qabaail badan ay dagaan ,,,,,,, somalidu waxay dhahdaa geel ninkii dhicin lahaa uu dhacayo ka warama , xaaladani ma qurux badna . waxa wanaagsan in laga taliyo midnimada puntland iyo dadka walaalaha ah ee maahan in qofku uu wuxuu doono ku hadlo , malin dhowayd odayal iwaqron ah ayan waydiiyay maxad kwadaan maamul beenaadkan waxy dhaheen in aan caan ku noqono ayaan rabnaa oo nalagu barto boowe kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk marka halkaas ayaa la marayaa

    faarax
    July 25, 2011 at 1:46 pm

  24. siwaakhroon intee xaflad dhigaayaan war dagaal udiyaar garoowba welee saleebaan maxamed israac

    sadaam
    July 25, 2011 at 2:44 pm

  25. kkkk war ma xafladan yar ee arooskaa ayaad dadka ku marin habaabineysaan kkkk xaafada islii ee magaalada nayrobi waxeeyba noqotey xaruun ay cadowga puntland shirqoolada ku malaagaan iyagoo waxba gacanta ugu jirin meeshaa waxey xitaa xaruun u tahay webkan naflacaariga ee galgalato hadaba qarashkii mooryaan ay ku caawin lahaayeen maatadooda koonfur gaajada u dhimaneysa halkaa ayaa bilaamicno loogu qasaariyey kkk waxaa kaloo wax lagu qoslaa idoorka halkaan kusoo wada yaacay iyagoo marba magac lasoo galaya waxeey isleeyihiin dhulbalaarsiga shinbiraale ay ka wadaan aan iska jeedino oo deegaano kale eysan shuqul ku laheen ku mashquulino intaan Sanaag tartiibtartiib ula wareegeyno, la arki doonaa meeshey caga dhigato labada tuulo ay caado qatayaashani raascaseyr ku sheeganayaan.

    mowliid
    July 25, 2011 at 3:09 pm

  26. Waar yaa waa ninka buurta ku jiraa waxaad ilowdey ssc, mise waad u badheedhay.

    Wiil SSC
    July 25, 2011 at 3:31 pm

  27. waxaan aniga la yaabanahay siwaaqroon xagee dhaqaalaha ka keenay oo uu maamul ku sameysanyo ,, ama dhul ku hagaajisanayo,,3 nin ee ilmo saciid galti ayaa ee dowlada kenya xiratay bal soo sii deysan waayeen oo dhahayeen yaa mj aheey,, raga yaan nalaga xukumine dhaqaale noo soo aruursha,, hadana ma saasay bilaabeen???/kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    khadaryare
    July 25, 2011 at 7:07 pm

  28. cali saleebaan iyo siwaaqroon xataa haday is raacaan maxay soo siyaadinaayaan teeda kale cali saleebaan waligood dowladaan ka hor wasiir ku xigeen ayay lahaan jireen maanta oo ay haystaan maaliyadii,rugta ganacsiga ,g/g/bari xagee u socdaan walee waxbaa salag leh

    c/qaadir
    July 25, 2011 at 8:33 pm

  29. Waxaa wanaagsan qofku markuu hadlayo inuu waxa uu ka hadlayo aqoon u leeyahay ninka yiri SW Dhaqalaha halkee ka keenayan ee mamul ku dhistan waxaa oran kara waa from tuulo to magalo Adeer SW waa reerka ugu hantida badan puntland waa dadkii ugu horeeyey ee wax dhoofiya waxna lasoo dega marka loo eego beelaha puntland. Waxaa xaqiiq kuugu filan Rugta ganacsiga tag oo filasha ganacsatada puntland aqri marka ka dib waxnaga sheg reer tuulayahow kkk

    Casayrlander
    July 25, 2011 at 9:31 pm

  30. war how abe cali saleebaan mar buu kacaa ugadaheeee cali saleebaan wasiir kuxeen buu lahaan jiray daya wasiirka maliyada cismaan maxmud iyo dadka fakhriga qaba baawax uarka

    kismaayo boy
    July 25, 2011 at 10:03 pm

  31. waan soo dhoweyneynaa wixii nabad ka shaqaynaayo, lkin isimadii puntland waa loodiidey inay ka qayb qaataan soo celinta nabada ,yaan la caayin beelaha walaalaha sida cali saleebaan,ciise m, cisman ,siwaaqron,warsangeli….
    midnimadu waa muhiim
    faroole waa laqaban doonaa waana la xiri doonaa markuu xilka kadegoo

    bashhir manaxe
    July 26, 2011 at 8:57 am

  32. ASC AAD BAAN HABALYO UGU DIRAYAA DHAMAAN SHACABKII IYO ISIMADA WAXGARADKA IYO ODAYAASHA IYO HAWEENKA KASOO QEEYBGALAY XAFLADAAS SIDA WACAN LOO MAAMUUSAY WAXAAN IDIN LEEYAHAY HANBALYO HANBALYO HANBALYO REER RAASCASEEYROOOW AYAHIINA WAAD U TASHATEEN DADKIINII WAAD U TASHATEEN DHULKIINII WAAD U FEKERTEEN RUNTII RAASCASSEYR WAXA AY PUNTLAND UGA GO DAY WAA MASIIRKEEDA IYO AAYAHEEDA IN AY KATASHATO ALLENA WAAFIJI FIKIRKOODIII WAA KUWAAS YAGLEELAY HOOYGII NABADA EE UMADA SOOMAALIYEED KU HARSAN LAHEEYD ANIGU QABIIL MA JECLI IN AAN KA HADLI LAAKIIN RAGA QEEYB WAXAAN DHIHI LAHAA AFKIINA AABURTA SUWAAQROON WAA REER TAAGTAY DANAHOODANA U KACAY HADALNA AAN KA GALIN TALO WANAAGNA LAGU YAQAAN WALIGOOD AYEEY TASHAN JIREEN JERNA KU GAARI JIREEN HADII AAN KA HADLO DEEGAAN HADE SOOMAALAAY BAL IISHEEGA MEESHA AAN REERNA LALA DEGIN SUWAAQROON WAA SOCIAL CIDKASTAA LA DEGTA TAARIIKHDA DIB U EEGA WAA DADKEEY SOO DEJIYEEN TAASNA KUMA XUMA EE WAA WANAAGA UMADA IYO JACEEYLKA WADA DEGANAANSHAHA REER RAASCASSEYR WAXAAN IDIN LEEYAHAY WAD GUULEEYSATEEN EE WALIGIN TALO WAAD LA HEEYDEEN MAANTANA WAAD GAARTEEN EE ILAAHY HA IDIN XIFDIYO MAAMUUS AYAAD KU MEEL MARTEEN WAXA ASE U JAWAABAYAA INAMADA YAR YAR EE INTAAS KU HADAL HAYA QURBAHA DADK KA YIMI BAA WADA WAR MA KAN REER RAAS CASSEYR BAA IDIN DHIBAAYA KUWAHAYA IYO KUWII SOOMARAY XAGE KAYIMAADEEN HADABA HDAL IYO FARO TAAGTAAG HA ISKU DAALININA TALO MAALIN BAY TIMAADAA 13 MIDNIMO PINTLAND BEY KU JIREEY REER RAASCASSEYR PUNTLAND WAA WAXAWALBA LA ISKAU DARSADAY MAANTASE HADEEY KALA LAABTEEN WALEE WAXBEEY GARTEEN ALLOOW U HIILI UMADAA DHISNA EE KATALINEEYSA AAYAHA UMADOODA U TASHANEEYSA MASIIRKOODA IYO DHULKOODA GUUL AYAAN IDIN LEEYAHAY GUUBAABO WACAN TALO ISHAAD KA TUURTEEN REER TOLKEEYGOOW

    WABILAAHI TAWFIIQ

    WCS

    suuban
    July 26, 2011 at 1:37 pm

  33. ninkaaga reer magaalka ah,, hadey sw xoolo leeyihiin 3 wiil ee dilka loo haystay bay soo sii deyn lahaayeen, koley aniga weligay ma arag,sw xoolo leh,, iyagoo misgis tumo uun baan arki jirey?

    khadaryare
    July 26, 2011 at 4:17 pm

  34. rugta ganacsiag puntland umada puntland uun bay ka dhexeysaa ee cidna gaar uma laha ee caqligaaga u dar,, sidaas baad reer magaal ku tahay?

    khadaryare
    July 26, 2011 at 4:18 pm

  35. hadaad hadalka sii badisaana bad ka soo bax boqorkaa leh,, ragii idiin lahaan jirey ee reer boqor baan idiin dhiibaynaa

    khadaryare
    July 26, 2011 at 4:20 pm

  36. Ninka khadar labaxay inaa reer tuulo tahay hadalkaage ka muuqatta dee umada dhan ayaa ku tiraahda hadalkaa ama diid ama yeel SW waxay yihiin waa layaqaan laakiin reer tuulinimadaada waa mid lawada ogyahay oo dhaxalbaa u heysatta kkk reer tuulo

    Casayrlander
    July 26, 2011 at 8:11 pm

  37. sxbyaal reerka aad ku sheegayso reer boqor hadaad ula jeedo cusmaan mamxud cusman mamxud maba aha somali waa zanzibaar asalkoodii sidaa ula soco

    xassan omar
    July 26, 2011 at 9:02 pm

  38. dee anigu reer tuulonimo ma diidani laakiin adiga waxaan kaa sugayaa in aad ii sheegto meesha sw roon xoolo ku haysto,, bal taa iiga soo jawaab, tan kale ninka yiri cusmaan maxamuud waa sinsibaariyiin,, ma maanatay noqdeen,, soo ma ogid in ay awoowgaa lahaan jireen kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk,, ceebtaada yaan lagu maqal,,,, bad ka soo bax boqor baa leh,, ogow allah ka sokow boqorkaa ku leh siduu doonuu kaa yeeli????

    khadaryare
    July 27, 2011 at 6:25 pm

  39. Duf ku baxaee majeerteen waa walaal ee inaka dayaya iskala dhex gurka , mise politicalkii aan dadka u adeegsan jiorteen majeerteenow ayaa la idiin adeegsaday
    siwaqron waa tolkeen way ogyihiin in aanay goikarin lk way is muujinayaan bes marka hala daayop wiilasha ,

    faarax
    July 28, 2011 at 4:24 am

  40. xasan oomar zanzabaar yaah waryaa waxaad wado daa hadiikale yaah dadka tolka ka xishoo

    maxamud siciid
    July 28, 2011 at 9:45 pm

  41. Ina adeer Siwaaqroon waligii buu dad jeclaa cidina wax uma diidana waayo waxa uu ka dhiidhinayo waa dulmi mana suura gasho walaalaheen iska ba daa Geesaguule oo degaanka ah xitaa ninka Somaliyeed ee Ithopia dabadeeda ka yimaado waan ku soo dhowaynayaa waan u baahanay dad dhulka nala camiro cid walbana waa xor xaqeedana waa u xor ee soo dhowaada waxii nabad iyo wada noolaansho rabo waxii boob iyo anna iri watana hada sharciga ma qabo waa lagu karbaashayaa.
    wa bilaahi tawfiiq

    Cumar Samatar
    July 29, 2011 at 12:21 am

  42. Khadar waligaa mindhaa rag lama kaftamin,mana la doodin sida ii muuqato
    ee fadlan ku soo sheeko baro maqaayadaha fadhi ku dirirka lagu hayo ee ka hoos bax hooyadaa naaskeeda markaas baad ogaan rag waxa uu yahay iyo waxa uu galo.
    Anigo tolkee majeerteen cidina kama aflagadeenayo ee soo saxo macluumaadkaaga,ilayska ka baxay Raas casayrna af kuma demin kartid,ee afka hagaagsan ilaah umadiisa way u siman yihiin kanaa adoon ah iyo kanaa ilaah ah waxaa kuu dhaanta inaad wax barataa ood school gashaa.

    Cumar Samatar
    July 29, 2011 at 6:03 am

  43. Kan Shabaab uma eka mana ahan waa un dabadhilif ayaga ka mid ahaa ee raaabn inay shacabka Muslimka Somaliyeed siraan. Wax rumaystay maba jiraan. Al-shabab waa dad diintooda Islamka ku toosan lagama yaabo inay gaalo noqdaan. Bakistani ayeey dhahaayaan waa wax lagu qoslo, waxay raaabn inay gaalada ay walaalaha yihiin inay lacag ugu qaataan markay ku fashilmeen waxii loo soo kiraystay ee murtadnimada ah. Al-shabab way sheegeen inuu ninkaan usan aheen Mujahid. hadii uu shabaab yahay cadeen aaway?

    Elmer
    September 18, 2012 at 8:38 pm

  44. waa beenlow weyn oo ay ciamamad u soo xireen. dadki ka horeyay ee sharifka iyo groupkisi aya cimadada iska dhigay .marka macquul ma aha isago villada jooga in ciamamad loo xiro lol. si dadka loo qaldo mide kala maba aha xog ogaal oo intu sheegay cidkasta aya taqaan. waxase la yaable yuu ka baqanaya waa isaga marwalba leh ma doonayo in aan arintaas ka hadlo wayo waxba ayuusan aqoon waa cover up

    Mira
    September 18, 2012 at 10:26 pm

  45. AnasAlsomalwaa beenlow weyn oo ay ciaamamd u soo xireen. dadki ka horeyay ee sharifka iyo groupkisi aya cimadada iska dhigay .marka macquul ma aha isago villada jooga in ciaamamd loo xiro lol. si dadka loo qaldo mide kala maba aha xog ogaal oo intu sheegay cidkasta aya taqaan. waxase la yaable yuu ka baqanaya waa isaga marwalba leh ma doonayo in aan arintaas ka hadlo wayo waxba ayuusan aqoon waa cover up

    Daisaku
    September 19, 2012 at 12:53 am