Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dahabshiil oo Bangi Cusub Bosaaso ka Furtay +Sawiro

Shirkada Dahabshiil Puntland ayaa Baanki Caalmiya waxay ka Furtay
Maanta Magaalada Bosaso ,Waxaana Xafladii Furitaana Baankaas ay ka
dhacday Maanta duhurkii Huteel Juba ee Magaalada Bosaso gaar ahaan
Qaybta Under Grounka ee Dhulka Hoostiisa ah ,Waxaana ka soo qaybgalay
Xafladaasi oo ahayd Mid si heer sare ah loo soo Agaasimey Maamulka
Puntland madaxdiixsa kala duwan oo ilaa heer Wasiir ah Isimada ugu
Misaanka Culus Puntalnd qaarkood sida Beeldaaje Calbari iyo Ugaas
Yasiin iyo Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha ,Mulkiilayaasha
iyo Wakiilada shirkadaha kala duwan ee Ganacsiga Bosaso ,Madaxda
Gobolka Bari iyo Marti sharaf kale.

Xafladaasi Qadasharafta ahayd ayaa ugu Horayn waxaa Warbixin dheer iyo
Qaabka uu u shaqaynayo Baanka Dahabshiil ku soo bandhigay Gudoomiyaha
Guud Ee Dahabshiil Internotional Banki Of Somaliya Mudane Faarax
Beeldaaje waxaana uu sheegay Gudoomiyuhu in Baankani Dahabshiil oo
dunidoo dhan laga yaqaan uu yahay Mid Wax wayn ku soo biiriyey
Ganacsatada Somaliyeed ee Puntland.

Gudoomiyaha ayaa ku dheeraday Habka u ugu Adeegi doono Bulshada
Somaliyeed Baankan oo ah Mid Caalamiya Waxaana uu xusay In ay dadku
lacagohooda dhigan karaan isla markaasina uu yahay Baankani mid ku
caanbaxay Amaano iyo Adeeg Hufan oo u Adeegida baahiyaha bulshada si
dhab ah ugu turjumaya ,Waxaad dhigankartaa ,Lacagtaada ,Ducmentskaaga
Mihiimka ah,Waxaadna ka qaadankartaa lacag dayn ah Ama tan kuu taal
Acounkaaga oo aad marwalba si Hufan u helikartid iyadoo Nidaamka
caalamiga ah ee Baankani uu yahay Mid ku salaysan Qaab islaami ah.

Gudoomiye ku-Xigeenka Rugata Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland Mudane
Maxamed Caydiid ayaa sidoo kale isana soo dhowayey Adeegan Casriga ah
ee Baankaasi Dahabshiil ,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee dhinaca
Ganacsiga Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa isna Madashii Qadasharata
Maanta ka soo jeediyey Qudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu uga
Hadlayo Doorka Ganacsiga Puntland iyo Baankan oo uu sheegay inuu yahay
Mid islaami ah oo Nidaamka uu shaqaynayo ay reer Puntland aad ugu
riyaqeen.

Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa sidoo kale Hadal dheer ka soo jeediyey
Madasha Mudane C/samed Maxamed Gallan waxaana uu sheegay Gudoomiyaha
Gobolka Bari in loo baahanayahay In Baankani uu si dhab ah u Muujiyo
Shaqadiisa isgoo ugu baaqay inaysan ilaawin kaalinta ay maalqabeenada
iyo Madaxda Gudoonka Shirkaduhu ku leeyihiin Degaan kasta oo ay ka
howlgalaan iyadoo Maamulkuna uu balanqaadanayo inuu si wanaagsan ula
shaqaynayo Horumarka Wanaagsan ee ay Mujiyeen.

Sidoo kale Isimada Puntland ayaa madasha fadhiyey inkastoo aysan
Migirifoonka ka hadlin ,Waxaana ka muuqata dareenka guud ee Ganacstada
iyo Dowlada Puntland midnimo qaran ay ku soo dhowaynayaan Herarka kala
duwan ee Ganacsiga dowlada Puntland ee Xarunta Dhaqaalaha Bosaso
herarka kala duwan ee uu marayo.

GalGalanews.com/Bosaaso

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

Ciidamo Garaad Cali Ciid oo Ka hadlay RW Cusub
- Dec 18, 2014
Afhayeenka Issimada Dowladda Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa markii ugu horeysay baaq u ...
IB0A5408-495x330 Puntland oo horey ka taageertey Cumar Cabdirishiid, Jubbaland oo u yara kaadineysa
- Dec 18, 2014
Maamulka Puntland ayaanan la daahin soo dhaweynta magacaabista Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’arke ee Ra’isulwasaarenimada ...
9459_musuq-maasuqSMALL-200x200 (1) Haweeneey Somali ah & Ninkeeda oo lagu xiray Maraykan Musuq masuq ayay sameyeen
- Dec 18, 2014
Haweeneey Soomaali ah iyo nin keeda ayaa waxay lacago farabadan ka dhaceen xarumo xanaano ...
Sierra-Leone-troops- Ciidamada dalka Sierra Leone oo Gebi ahaanba ka baxaya Dalka Soomaaliya
- Dec 18, 2014
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Kismaayo ayaa ...
ur Daawo Faafaahin ku saabsan Magacaabistii RW Sharmarke.
- Dec 17, 2014
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa goor dhow ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya u ...
rashid Xafladii Magcaabista RW Cusub oo Socota
- Dec 17, 2014
Waxaa Daqiiqado yar kahor Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Seekh Maxamuud, uu ku dhawaaqay Ra’izul Wasaaraha ...