DHEGAYSO Waraysi Aanu la Yeelanay Gudidii Abaabushay Shirkii Maakhir ee North America

Filed under: Interviews,Latest News |

GalGalanews:– Waraysi dhinacyo badan taabanaya ayaan la yeelanay Aqoonyahan Yaasiin Saalax Ducaale oo ka mid ahaa Gudidii Abaabushay Shirkii Woqooyiga America ee bulshada Sadexda Gobol Degta ee Sanaag, Hayland iyo Gobolka Bari.

Yaasiin Saalax wuxuu sheegay in Shirkoodu uu socday Dhowr cisho isla markaana ay ka soo qayb Galeen Bulshada qaybaheeda kala duwan wuxuu shirkaasi ku Tilmaamay inuu ahaa mid wax badan kaga Duwan Shirarkii Hore ay u Qaban Jireen Qurba Joogta Deegaankaasi.

Wuxuu ku Sifeeyay Shirkaasi inuu ahaa mid Qodobo Dhaxal Gal ah laga soo saaray kuwaasi oo isugu Biya Shubanaya in Shirwayne Balaadhan lagu Qabto Gudaha dalka si  looga Gudbo Marxalada  Deegaankaasi Hadhaysay.

Wuxuu soo qaatay in Shirkaasi lagu Lafa Guray Xaalada Buuraha Golis isla markaana  laga eegay in Mar kasta dhanka Amaanka loo Weecdo.

Wuxuu kaloo xusay in ay Muhiimada Saarayeen Mudadii ay Shirkaasi u Fadhiyeen Isku xidhka Qurba Joogta iyo waliba Kobaca Waxbarashada oo aad looga hadlay.

Wuuxuu Gaba Gabadii Sheegay in Gudi ay dhawaan Magcaabayaan Kuwaasi oo ka sii Anba Qaadaya in Shirkaasi Gudaha ay Abaabulkiisa Galaan.

Shirkan oo Maanta soo Afmeeray wuxuu ahaa Shirkii ugu hadal Haynta badnaa ee Bulshada Maakhir ee Woqooyiga America ay qabataan. Akhriso Qodobada Shirka

 

Waraysiga Yaasiin Saalax Ducaale Hoos ka Dhegayso

Yaasin salah

 

21 Responses to DHEGAYSO Waraysi Aanu la Yeelanay Gudidii Abaabushay Shirkii Maakhir ee North America

  1. yassin walaalo guul guddidaa magacaaba ka fekeraa waa imuu noqdaa mid la lafa guuro oo maakhir.yassin walaalo wiil yar baad tahay odaay baan kuu maleenayey

    nasiib
    May 15, 2012 at 2:06 am

  2. guul guuul shirkaa maakhir1 aad baan u soo dhaweenayaaa walaalo yaal guul guul waan soo dhaweenayaa dahabkaan gadayaa yassin guuul shirkaa aqoon yahankaa maaqir

    xabiibo
    May 15, 2012 at 2:08 am

  3. walaalo waan salamaayaa galgala iyo aqoon yahankaa yassin salah dualeh waa nin aan aqoon u leyahay ciiyaalkaga macalin u ah waa nin qabaan karaa wixii uu qabtaay ali qaliif iguu yaraan u soo jiidi karaa reer maakhir aniguu shirkaa waan joogaay waxaana u meelayey imaan joogo wadaankii hooyo markaa hala tageero shirkaa.

    maryaan
    May 15, 2012 at 2:11 am

  4. Mashaa allaah galgalanews xaqiiqdii waadadaasheen wacyigelinta shacabka maakhir state waxaa tihiin number one

    bashiir cartan xaajo
    May 15, 2012 at 7:08 am

  5. Mashaa allaah galgalanews waad dadaasheen Wacyigelinta shacabka maakhir state waxaa tihiin number one halkaa kasiiwada

    bashiir cartan xaaji farax
    May 15, 2012 at 7:39 am

  6. HANOO LAATO BULSHADA REER MAAKHIR

    Gudomiyaha Calmadow
    May 16, 2012 at 7:03 am

  7. waad iyo aad buu umahad sanyahay yassin
    salah,shaqada xooga badan ee uu geliyey
    shirkaas aniga oo xog ogaal ah.
    waana kula shaqayn doonaa hadii allah idmo.

    waxaana dhalin yarada leenahay waxaa laydin karabaa sidaas iyo sikasii fican.

    by s.w.s.

    sugulle sugulle
    May 18, 2012 at 1:46 am

  8. maasha alaah aad baan ugu faraxsanhay shirkan waxaa rajeeynayaa in uu noqdo mid miro dhala leh afcaad

    bushra siciid buraan
    May 18, 2012 at 8:49 pm

  9. hanbalyo waxaan u mahdcelinayaa alleha fursadaan nasiiyay in aan isugu imaano oo uga hadalnoh danaha dadka iyo dalka waxaana rabi ka baryayaa in uu nagu toosiyo wadada ugu fcn ee ugu kherka badan isha alaah aamin

    gabar sanaag
    May 18, 2012 at 10:17 pm

  10. as/c my real blood reer maakhir guul iyo gobanimo banidin leyahay hanbalyo plz isku taga midnimadeena maakhir state of somaliya aad iyo aad ban idinku hanbayleenana guul iyo gobanimo ku wara cadoowgiin jaban

    zamzam xeelle
    May 19, 2012 at 8:39 am

  11. Salaan sare Yaasiin iyo jaaliyadeena reer Minnesota iyo GalgalaNews. Wada shaqayn si habsami ah u socota baa ii muuqata waana wax lagu nayaayiroodo. Waxan leenahay keep it up…. qof walba mandaqada u dhashayna oo jecel wax qabadka dalka iyo dadka tusaale fiican bay u tahay shirarka iyo dedaalada la wado iyo saxaafada gabartaagan ….

    Golongole
    May 21, 2012 at 1:09 am

  12. Anigu waxaan ka mid ahay qurbojoogta Warsangeli.  Waxaan doonayaa inaan rayigayga ku soo bandhigo qaybta fikrad dhiibadhada Galgala.com waa haddii hawlwadayaashu ogolaadaan in qoraalkani ka mid noqdo rayigayga Warsangeli ee loo simian yahay in la sheego aanu noqon kuwa aan la doonayn hawlwadeenada web-ku daqiiqado kaga saaraan taasoo ah in fikirka akhristayaasha la cubudhiyo.

    Haddaan dulucda qoraalkayga u dhaadhaco anigu markaan Makhir State maqlo waxa maskaxdayda ku soo dhacda Jibril Ali Salad oo ahaa ninkii la yimi arinta Maakhir, ahaan jireyna xubin ka tirsan maamulka Soomaali-diidka ah oo 18 sanadood la shaqaynayey.  Maskaxda ka dambaysay ee Jibril Hargaysa ka soo kaxaysay waxay ahayd inuu laba shaadh iska soo dul gashado oo ka sare ku qoran tahay Makhir State hoostana ka xidhan yahay mid Soomaali-diid ah.  Sirmaqabe allaa u sahan ah Warsangeli waa Reer aan ummadaha deriska ah aan dibindaabyadooda ka talin maalin kasta oo dabin loo qoolo nasiib iyo amar eebe ayay kaga baxaan, nasiibka Warsangeli ayaa Jibril hadimadiisii lagaga badbaaday.

    Warsangeli meesha dantiisu ku jirtaa waa inuu gartaa Somaalidu waxay ku maahmaahdaa “ood dheeri kuma dhaxan tirto”.  Waxa Harti laga waayey meel kale laga heli maayo.  Haddii Warsangeli qol laysugu soo xidho inagu filaan maayo ee dhulka haynagu soo cidhiidhyina Puntland waa wadada Soomaalinimo inagu ridaysa.

    Viva Somalia

    Warsangeli
    May 23, 2012 at 7:01 pm

  13. Salaan ka dib.
    Shirka MNPS ka dhacay waxa isugu yimi qurbojoogta Warsangeli waa wax wanaag ku jiro in la shiro oo duruufaha jira laga wada hadlo. Waxase nasiib daro ah in Warsangeli isu gabado oo la kala garan waayo ninka danta reerka wada iyo midka cadawga reerka la socda. Waxaan safafka hore ee shirarka MNPLS ka dhaca ku arkaa ama lagu soo dhawaynayaa rag laba shaadhlayaal ah. Waxa wanaagsan ragaa la wada ogyahay oo markay shirarka xaga hore ka fadhiyaan la moodayo inay Warsangeli naftooda u hurayaan marka shirku dhamaadana Hargaysa u tebinaya warka oo Maakhir shaadhkooda soo xidhanaya waa in laga feejignaadaa.
    Togaherer@yahoo.com
    Hassan Hussein

    Xamargale
    May 23, 2012 at 7:05 pm

  14. Anigu waxaan ka mid ahay qurbojoogta Warsangeli.  Waxaan doonayaa inaan rayigayga ku soo bandhigo qaybta fikrad dhiibadhada Galgala.com waa haddii hawlwadayaashu ogolaadaan in qoraalkani ka mid noqdo rayigayga Warsangeli ee loo simian yahay in la sheego aanu noqon kuwa aan la doonayn hawlwadeenada web-ku daqiiqado kaga saaraan taasoo ah in fikirka akhristayaasha la cubudhiyo.

    Haddaan dulucda qoraalkayga u dhaadhaco anigu markaan Makhir State maqlo waxa maskaxdayda ku soo dhacda Jibril Ali Salad oo ahaa ninkii la yimi arinta Maakhir, ahaan jireyna xubin ka tirsan maamulka Soomaali-diidka ah oo 18 sanadood la shaqaynayey.  Maskaxda ka dambaysay ee Jibril Hargaysa ka soo kaxaysay waxay ahayd inuu laba shaadh iska soo dul gashado oo ka sare ku qoran tahay Makhir State hoostana ka xidhan yahay mid Soomaali-diid ah.  Sirmaqabe allaa u sahan ah Warsangeli waa Reer aan ummadaha deriska ah aan dibindaabyadooda ka talin maalin kasta oo dabin loo qoolo nasiib iyo amar eebe ayay kaga baxaan, nasiibka Warsangeli ayaa Jibril hadimadiisii lagaga badbaaday.

    Warsangeli meesha dantiisu ku jirtaa waa inuu gartaa Somaalidu waxay ku maahmaahdaa “ood dheeri kuma dhaxan tirto”.  Waxa Harti laga waayey meel kale laga heli maayo.  Haddii Warsangeli qol laysugu soo xidho inagu filaan maayo ee dhulka haynagu soo cidhiidhyina Puntland waa wadada Soomaalinimo inagu ridaysa.

    Viva Somalia

    Dhidhiin
    May 23, 2012 at 7:07 pm

  15. Anigu waxaan ka mid ahay qurbojoogta Warsangeli.  Waxaan doonayaa inaan rayigayga ku soo bandhigo qaybta fikrad dhiibadhada Galgala.com waa haddii hawlwadayaashu ogolaadaan in qoraalkani ka mid noqdo rayigayga Warsangeli ee loo simian yahay in la sheego aanu noqon kuwa aan la doonayn hawlwadeenada web-ku daqiiqado kaga saaraan taasoo ah in fikirka akhristayaasha la cubudhiyo.

    Haddaan dulucda qoraalkayga u dhaadhaco anigu markaan Makhir State maqlo waxa maskaxdayda ku soo dhacda Jibril Ali Salad oo ahaa ninkii la yimi arinta Maakhir, ahaan jireyna xubin ka tirsan maamulka Soomaali-diidka ah oo 18 sanadood la shaqaynayey.  Maskaxda ka dambaysay ee Jibril Hargaysa ka soo kaxaysay waxay ahayd inuu laba shaadh iska soo dul gashado oo ka sare ku qoran tahay Makhir State hoostana ka xidhan yahay mid Soomaali-diid ah.  Sirmaqabe allaa u sahan ah Warsangeli waa Reer aan ummadaha deriska ah aan dibindaabyadooda ka talin maalin kasta oo dabin loo qoolo nasiib iyo amar eebe ayay kaga baxaan, nasiibka Warsangeli ayaa Jibril hadimadiisii lagaga badbaaday.

    Warsangeli meesha dantiisu ku jirtaa waa inuu gartaa Somaalidu waxay ku maahmaahdaa “ood dheeri kuma dhaxan tirto”.  Waxa Harti laga waayey meel kale laga heli maayo.  Haddii Warsangeli qol laysugu soo xidho inagu filaan maayo ee dhulka haynagu soo cidhiidhyina Puntland waa wadada Soomaalinimo inagu ridaysa.

    Viva Somalia

    Kooge
    May 23, 2012 at 7:09 pm

  16. waxaan mar ka hore salaan aad uqima badan hawada umarinayaa dhamaan bulsha waynta warsangali mel kasto ay ka jogaan caalamka .marka labaadna waxaan si khaas ah ugu hanbalyaynayaa halyayga belaha warsangali ee sanaag iyo haylaan ku dhaqan . mudane yaasiin saalax ducaale iyo gen.c/laahi axmed jaamac ilka jiir
    .waxaana farxad wayn ii ah in aan maanta arko dad isku duuban oo horumar iyo siyaasad ba iska kaashanaya .waxan idinleeyahay isku duubnaada oo yaan laydin ka faa idaysan oo midba gaar loo shukaan san oodhexdiina cadaawada la dhigin .waxaa waa ya aragnimo idiin ku filan marxalada qalafsan ee dhulbahante iyo dishiishe maan ta ku jiraan .waxa layiri ninka aan o gayn waxa sosocda 20 sane sosocota waxa maanta jogana wax kama oga .waxaan idin ku raacsanahay in aynu daladeena dhisano oo isku tashano . fikir kaygu hada wuxuu ku salaysan yahay in mar ka hore la dhiso dakada caan ka ah ee laas qoray .hadaynu taas ku guulaysano wax kasta way noo fududaanayaan .mahadsaniidiin

    kilwe adan kilwe
    May 29, 2012 at 8:57 am

  17. waxaan idinku salaamayaa salaanta islaanka.

    waxaan jecelahay in aan lagu degdegin in maamul goboleed la iclaamiyo iyadoo aan wax laga qaban degaanada oo aan lahore marin waa in siyaasada cagta loo dhigaa yaan la fududaan.

    waa mahad santihiin

    ahmed
    May 30, 2012 at 3:56 pm

  18. marka hore waxa aan aad ugu farax sanahay sida fiican oo aad rayigiina aad usoo dhibanaysaan waayo soomalidu waxa ay ku mahamahdaa war leheba talo lahel. waxa aan ka wadaa hadaan figrado ladhiiban dadku waxa ay rabaan iyo waxa ay diidan yihiin lamagaran karo kan wadani nimadu ku fogtahay iyo kan wadani nimadu aanay ku fogayn. markaa aad ayaan idinku han bal yanayaa hana laysku xidhmo qaranimo iyomagacahaana haladhawro(warsangali) kan tuugah ee magaceena ku ugaadh sanayna halaga soo hor jeesto wadajir waana in qofkastaa uu isagu xil iska saaraa ilaanta iyo wada jirka dantaguu. waxaan aad idinkala dar daarmayaa waxa jirta irbad teetenoah oo dadka udiida inay gartaan dantooda iyo midnimadooda waxa wada qabsiga markaa halaysk ilaaliyo waxaa isku ognahay iskaashi iyo wadajir oiy magaca(w) waad mahag san tihiin wixii aad kaqabtaa fikirkaygana halka ku soo bandhiga.

    qaranimo
    June 2, 2012 at 7:30 am

  19. nasiibdarada Maakhir waxay ka muuqataa qurba joogta Maakhir waayo waxla wax ay biiriyeen Gobolkan ma jirto,waxaan kula talin lahaa in ay waxa dadku samaynaya sameen aanay wax dheeraad ah samayn.Jaalleyaal shaqo wacan.

    Garaad Cali Garaad Ciise(Cali dable)
    June 5, 2012 at 5:17 am

  20. reer maakhir waxay u bahaahan yihiin 21 xubnood oo wax garad ah oo isugu jira noocyada kala duwan ee bulshadu ka kooban tahay oo ah dad muwaadinimo leh wax garadna ah oo xalaal iyo xaq iyo karti waaya aragnimo leh oo lagu aamino masiirka dalka iyo dadka reer maakhir,lana siiyo kalsoonida si looga boxo tafaraaruqa ka jira reer maakhir dhexdooda,iyo dib u dhaca ka muuqda dalka ay degaan reer maakhir ; mahadsanidin

    garaad cumar garaad ciise(garaad Umar
    September 3, 2012 at 1:56 pm

  21. Shirka aad baan u hambalyeynayaa laakiin waa nin s/lander ah waana nin aqoon aan lahayn yasiin ha la hubiyo

    alibasha
    October 7, 2012 at 2:20 pm