Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dahabshiil oo isk Fogaysay Wareerarkii ay Sheegteen Kooxda Anonymous

Shirkadda DAHABSHIIL oo ah shirkad xarunteedu tahay bariga dhexe isla markaana ka shaqeysa xawilaada ayaa beenisey in ururka la magac baxay Anonymous uu mas’uul ka ahaa weerarkii lagu qaaday qeybta bangiga ee Shirkadda.

Koox la magac baxday Anonymous ayaa soo daabacday kumanaan xisaabaad iyo lambaro account,magacyo iyo faahfaahino waxayna ku hanjabtay in ay burbur caalami ah u geysan doonto shirkadda haddii aysan si cad u qiran inay kaalmeyso argagaxisada.

Kooxdan ayaa waxa ay sheegtay in ay bamboyin ku xirtay qeybaha maaliyada ee shirkadda guud ahaan caalamka waxayna ku hanjabtay inay qarxin doonto haddii aysan muddo labo bilood gudahood ah ku qiran Dahabshiil kaalmeynta argagaxisada.

Si kasta ha ahaatee Dahabshiil ayaa u sheegtay News.com.au: ”Baaritaano aan ku samaynay weerarkii lagu qaaday Cyperka waxa aan hadda rumeysanahay in warbixinadii hore ee hal koox ku xiriirinayay inay qalad tahay isla markaana tahay mid la buunbuuniyey”

Dahabshiil ayaa sheegtay in aysan hadda weli sheegi karin cidda rasmiga ah ee ka dambaysay jabsigii loo geystey keydkeedii.

Shirkadda ayaa ballanqaaday in ay wargelin doonto macaamiisheeda mar walba, isla markaana ay la shaqeyn doonto mas’uuliyiinta si loo xaqiijiyo in la ogaado ciddii ka dambeysey falkii lagu jabsaday xisaabaadka shirkadda Dahabshiil.

Sawiro baasaboor iyo dukumintiyo kale ayaa la soo bandhigey waxayna kooxda sheegatay inay u dhacday keydka Dahabshiil sheegtay in ay dagaal rasmi ah kula jirto argagaxisada.

Kooxdan weerartay Dahabshiil ayaa waxa ay sheegtay in dikumintiyada WikiLeaks lagu soo bandhigey in bangiga Dahabshiil uu kaalmo taas ah siiyey Al-Qaeda,Al Wafa iyo ururo kale oo argagaxiso ah.
Shirkada Dahabshiil ayaa ah Mid Sare u kacday intii ay Dowlada Somaliya Bur Burka ahayd waxana ay ka Howlgashaa in ka badan 150- Dal oo iyada oo Adeegsata Heerka Caalamiga ah ee wax is dhaafsiga Lacagaha Qalaad.

 

Bahda- GalGalanews

Bosaaso-

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (2)

  1. Wiil Nugaal says:

    Calaska degen Breda-da holland iyo qolyaha kastuumo ayaa xantan soo dhigay internetka. waxbana ka qaadimaayaan shirkada waddaniga ah ee soomaaliyeed.

    waa xaasidiin ka dhimanaya horumarka ay gaartay shirkadu.

  2. G ILYAAS says:

    waxaan maqli jiray dahabshiil baa bad ga shay wixii hore been ee haday ga shay bad


You must be logged in to post a comment.

ciyoon2 Badhan:- M.Ciyoon oo Shaahado Helay
- Sep 18, 2014
Ururka ardayda Sanaag ee wax ka barta jaamacadaha iyo macaahida dalka Suudaan ayaa saaka ...
images DHEGAYSO:- Gaalkacayo Hakad ku Yimi Gaadiidka Dad-weynaha
- Sep 18, 2014
waxaa saaka shaqo joojin lagu sameeyay gaadiidka ay dadka raacaan ee bii'eelka sababo la ...
kaatumio Daawo VIDEO:- RW Somaliya oo ka Jawaabay”Arimaha Khaatumo & Somaliland
- Sep 18, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdwali sheekh Axmed  ayaa shalay galabkhudbad ka jeediyay xarunta Chatham House, ...
Taariikhda Xingalool oo Dib loo eegay VIDEO Taariikhda Xingalool oo Dib loo eegay VIDEO
- Sep 18, 2014
Muuqaal Ka hadlaya Taariikhda Degmada Xingalool ayaa la Baahiyay'waxana lagu Waraystay Sheekh Mursal Siciid ...
shaqo Kormeer Puntland:- Shaqo Ka Fadhiisin Ma Haliilidoontaa!! +Sawiro
- Sep 17, 2014
Bosaaso( Galgalanews) Madaxda Puntland Ma Jecla Haba Yaraatee" Wasiirka Talaabada Dheerya ee si ...
images (3) Daawo Faysal Cali waraabe oo Madaxtooyada dhexdeeda ugu hanjabay siilaanyo
- Sep 17, 2014
Hargeisa (Kalshaale) Waxaa maanta magaalada Hargeisa Buuq kusoo  dhaamaday kulan Axmed Siilaanyo uu yeedhay Labada ...