Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Faallo Yaa Mudan In Loo Doorto Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya?

Marka ugu horeysa mahad dhamaanteed waxaa iska leh ilaahay SWT oo isaga ay u sugnaatay mulkiyadda aduunyada iyo waxa ku nool, kadibna naxariis iyo nabad gelyo suubanihii Maxamed Bin Cabdulaahi dushiisa rabbi haka yeello.

20-kii bishan August ayay ahayd markii la gaaray wakhtigii loo qoondeeyay in Soomaaliya ay ka baxdo kumeel gaarnimada islamarkaana ay yeellato dowlad rasmiya oo matasha umad Soomaaliyeed, ilaahay ka sokoow guushaasi iyo libintaas waxaa mahadeeda iska leh golihii wasiirada ee uu hogaaminyay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali kuwaasi oo 12 bilood kadib saddex hawl oo muhiimad aad u weyn leh u suurta geliyay umadda Soomaaliyeed:

  1. Iney waxoogaa sare u qaadeen amniga iyo xasilinta dalka, una diyaariyeen Muqdisho iney marti-geliso doorashooyinka Qaranka.
  2. In guddigii Ansixiyayaasha ay ku guuleysteen Ansixinta Dastuurka Qaranka ay si kumeel-gaar ah u ansixiyeen Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
  3. Iyo arinta 3-aad oo ah in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay kusoo simaan in awood loo siiyo magaabista xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay yeellanayso.

Sidoo kale waxaa iyana guushaasi amaba libintaasi wax ka keenay saxiixayaashii Road-mapka iyo sidoo kale odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamaanka Soomaaliyeed, halka guddiga farsamada ay iyagana suura gal u noqotay iney adkeeyaan shuruudaha lagu soo xulayay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, dhamaantood waxa wanaagsan ee ay qabteen waxay ahayd guul qaran, waxayna dhamaantood bundhig u yihiin isbadelka la rajeynayo in goor dhaw uu Soomaaliya ka dhaco.

Fulinta arimo farabadan oo ay saddexda qodob ee aan soo sheegay ay aas-aas u yihiin ayaa suurta geliyay in 20-kii bishan August  kaararkoodii aqoonsiga la siiyo mudanayaal ka badan 200 xildhibaan, kuwaasi oo si kumeel gaar ah u doortay in Gen. Muuse Sheekh Xassan oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada milatariga Soomaaliya maadaama uu yahay xildhibaanka ugu da’da weyn ee ka tirsan gollaha sharci-dejinta.

Haddaba guddoomiyaha kumeel-gaarka ah waxa uu sheegay in musharixiinta u tartameysa guddoonka Baarlamaanka ay soo gudbiyaan codsiyadooda ka hor intaanan la gaarin 25-ka bisha August si ay suuro gal ugu noqoto in doorsahada la qabto 26-ka bisha August, iyadoona Baarlamaanku ay si joogta ah maalin walba uga shaqeynayaan dar-dar gelinta hawlaha laga sugayo.

Qaabka Doorashadu u Dhaceyso

Sida uu shaaciyay guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee baarlamaanka Mudane Muuse Sheekh Xasan waxay doorashada guddoomiyaha baarlamaanku u dhacaysaa in wareegga 1-aad ay ku tartamaan dhamaan musharixiinta isu soo taagtay xilka gudoomiyaha Baarlamaanka, halka wareegga labaad ay u gudbi doonaan afarta musharax ee hela codadka ugu badan, iyadoona wareegga saddexaad ay ku tartami doonaan labada musharax ee ugu codka badan, kadibna ruuxa ku guuleysta uu noqon doono Afhayeenka Rasmiga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Soo Xulistii Guddiga Doorashooyinka

Maalintii 2-aad ee jiritaanka baarlamaanka cusub ee DFKMG Soomaaliya ayaa waxaa u qabsoomay kullankoodii ugu horeeyay oo ay ku yeeshaan gudaha caasimadda Muqdisho, waxayna ku kulmeen xarunta Gaadiidka ee Muqdisho iyagoona cod aqlabiyad leh ku ogolaaday guddiga diyaarinta doorashooyinka kaasi oo ka kooban 15 xubnood, waxaana guddigan guddoomiye u ah Cismaan Libaax kuwaasi oo shaaciyay in lasoo gudbiyo codsiyada ku aaddan tartanka hoggaanka Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee maalinta axadda ah ee todobaadka soo socda oo ay taariikhdu ku beegan tahay 26 August 2012 ayaa lagu ballansan yahay in baarlamaanka Soomaaliya ay doortaan Afhayeenka Baarlamaanka, waxaana ugu dambeyn ilaa iyo jimcada maanta ah la sugayaa in lasoo dhameystiro codsiyada musharixiinta doonyesa iney ka qeyb qaataan tartanka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ilaa iyo hadda musharixinta xilkan isu soo sharaxay kamida:

Xildhibaan Cabdirsaaq Cismaan Xasan (Juurille): Waxa uu kasoo jeedaa Dashiishle, Harti Daarood, Juurille oo ka mid ah gollaha sharci dejinta ayaa kamida mudanayaasha isu soo taagay inuu qabto xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa ilo xog ogaal ah oo Muqdisho ku sugan ay ii xaqiijiyay in Juurille oo si aad ah uga ag dhaw Shariif Xassan Sheekh Aadan kaasi oo hadda shaaciyay inuu musharax u yahay xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Prof. Juurille waxa uu bartay culuumta Sayniska gaar ahaana gaar ahaana Farsamada Kiimikada (Chemical Engineering), waa shakhsi aqoontiisu ay dhisan tahay, laakiin dadka siyaasadda Soomaaliya aadka ula socda ayaa muujinaya in wakhtigan aysan munaasib ahayn inuu qabto xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama aanu aqoonin aqoonta dhinaca sharciga islamarkaana lagu tuhunsan yahay musuqmaasuq baahsan oo galay muddooyinkii uu xilalka kasoo qabtay Soomaaliya.

Sababaha uusan xilka u qaban Karin

Qaar kamida xildhibaanada cusub ee  baarlamaanka Soomaaliya ayaa markaad la shekaysato kuu sheegaya inaanu Juurille u diyaarsanayn qabashada afhayeenka Baarlamaanka, waxaana waxyaabaha hor istaagi kara kamid ah:

  1.  Marka ugu horeysa waxaa mudane Juurille gadaal ka riixaya Shariif Xassan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya, waxa uuna Shariif Xassan ku guuleystay in Juurille uu ka dhaadhiciyo in kursigaasi uu isku sharaxo si beesha Daarood ay u qaadto guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, taas ayaana sabab ka dhigaysa in qaar badan oo kamida xildhibaanada Soomaaliya inaanay wakhtigan codkooda siin karin shakhsi uu wato Shariif Xassan oo ay qaar badan oo umadda Soomaaliyeed ah aanay u arkin ruux ka shaqeynaya midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.
  2. Arinta labaad ee Juurille aanan suura galka uga dhigi karin in cod fiican uu ka hello Baarlamaanka cusub ayaa waxaa kamida in isaga oo shakhsi ahaan lagu tuhunsan yahay wax is daba marin iyo musuqmaasuq mudadiisu ay soo taxnayd taasi oo ay kamida ahayd in xukuumaddii Cumar Cabdirashiid, markii uu ahaa wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta in Furihii Internetka Soomaaliya (Domain) ee Dot So uu ku wareejiyay shirkad ajanbi ah taasi oo la rumeysan yahay inuu ka qaatay lacago aysan la soconin xukuumadii iyo baarlamaankii wakhtigaas jiray.
  3. Arinta ugu muhiimsan ee la rumeysan yahay in ku lugta lahaa oo umadda Soomaaliyeed ku dhex baahday waa suntii iyo kiimikadii lagu daadiyay biyaha Soomaaliya, sababtoo Juurille waxa uu bartay cilmigaasi waxa uuna kamid ahaa aqoonyahaniintii Cali Mahdi Maxamed kala qeyb qaatay arintaasi oo ay ku badasheen lacagihii laga qaatay warshadihii Kiimikada & Wasakhda mudada dheer ku aasayay biyaha Soomaaliya, waxayna kamid tahay qiyaamooyinka la rumeysan yahay in qaar badan oo kamida siyaasiyiinta ay ka gelleen Soomaaliya intii ay burbursanayd.

Proff Cali Khaliif Galayr: waxa uu kasoo jeedaa Dhulbahante, Harti, Daarood waxa uu horey usoo noqday Ra’iisul wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo uu hayay intii u dhaxeysay Oktoobar 2000 ilaa iyo Oktoobar 2001, isagoona markaasi xilka iska casilay markii isaga iyo madaxweynihii wakhtigaasi jiray Cabdiqaasim Salaad Xassan ay ka bixi waayeen isqabqabsi iyo is eedayn ku wajahnayd dhaqaalihii markaasi la helay in six un loo maareeyay.

Proff Galayr ayaa isaguna shaaciyay inuu u tartamayo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna kullan uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku shaaciyay in xilkaas uu u tartamayo, islamarkaana uu kamid noqdo madaxda laga doonayo iney isbaddel weyn u horseedaan Soomaaliya.

Cali Khaliif ayaa la sheegayaa in sababta ka dambeysa ee isku sharaxay ay tahay inuu si gaar ah raali aanu uga ahayn in beesha Majeerteen ay ku guuleysato mid kamida kuraasta saddexda hoggaamiye ee ugu sareysa Soomaaliya, waxa uu si cad u sheegay inuusan raali uga noqonayn in Dr. Cabdiweli M Cali iyo shkhsiyaadka kaleba uu kasoo horjeedo inay ku guuleystaan kuraasta kale ee loo tartamayo, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Dhinaca taageerada waxa uu Proff Galeyr taageero fiican oo maaliyadeed ka helayaa madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo taageerayaashiisa, kuwaasi oo lacag iyo wakhtiba geliyay in Cali Khaliif uu isu soo taago jagada guddoomiyaha Baarlamaanka taasi oo sabab ka dhigaysa in beesha Daarood aysan isku soo sharixin jagada madaxweynaha dalka, ayna meesha uga baxaan Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ah labada musharaxa ee Beesha Darood ugu cad-cad ilaa iyo hadda.

Inta badan xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa kuu sheegaya ineysan suura gal ahayn in Proff. Cali Khaliif Galeyr uu mar kale dib ugu soo laabto taariikhda siyaasadda Soomaaliya, maadaama mudanuhu uu horey dalka uga noqday Ra’iisul wasaare iyo sidoo kale gollihii wasiirada ee xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre, waxayna qaarkood kuu sheegayaan in Cali aanu jawaab u haynin arimo ay kamid yihiin:

  1. In bishii luulyo ee sanadkii 1974 markii Galeyr loo magacaabay maamulaha guud ee warshadii sonkorta ee Jowhar oo ahayd warshadii ugu weynayd ee soo saari jirtay sonkorta dalka taasi oo ay lahayd dowladii Soomaaliya uu ku sameeyay muqsmaasuq aad u ballaaran, waxa uuna sida taariikda ku cad tagri fal aad u ballaaran ku sameeyay shaqaalihii warshadaasi oo gaarayay ilaa iyo 7000 ruux, waxaana uuna qaranku ku aaminay warshad oo soo saari jirtay 15% miisaniyaddii dowladii dhexe ee Soomaaliya, taasi oo la rumeysan yahay in musuqmaasuq xooggan uu wakhtigaasi kula kacay. Sidoo kale intii u dhaxeysay sanadihii 1977 iyo 1980 Proff. Galeyr waxa uu noqday agaasimaha guud ee mashruuc sonkorta ee mareeray kaasi oo ay ku kacaysay 400 milyan oo doolar, waxaana mashruucaasi kala shaqeynayay shirkado British ah, iyadoonan mashruucaas dhamaanin ayuuna dowladii dibadda uga baxsaday dowladii wakhtigaasi jirtay waxaana lagu tuhmayaa in dhaqaalle xoog leh oo ay umaddu lahayd uu si gaar ah mudanuhu jeebka ugu shubtay.
  2. Sanadkii 1979 ayaa Cali Khaliif kamid noqday Baarlamaanka Soomaaliya iyadoona sanadkii 1980 loo magacaabay wasiirka warshadaha ee xukuumaddii siyaad Barre, waxa uuna ka shaqeynayay arintan tan iyo sanadkii 1982, iyadoona kadib uu kamida noqday madaxdii ka baxsatay dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaana wakhtigaasi la aaminsan yahay in isaga iyo tiro kale oo wasiiro ah ay dibadda la galleen hanti qaran oo ay musuqmaasuqeen.
  3. Proff Galeyr Oktoobay 2000 ayaa loo magaacabay Ra’iisul wasaaraha xukuumadii kumeel gaarka ahayd ee Carta, waxaana dhacday in isaga iyo madaxweynihii wakhtigaasi jiray Cabdiqaasim Salaad Xassan ay isugu dhaceen dhaqaalle farabadan oo ay Soomaaliya ka heshay dalalka caalamka, waxaana ay sanad kadib arintaasi sababtay in lagu badallo Xassan Abshir Faarax, isagiina uu meesha ka baxo.
  4. Arinta ugu muhiimsan ee aanan suurta galka ka dhigeynin in Proff. Cali Khaliif Galeyr uu ku noqdu Afhayeenka Baarlamaanka oo haddana ay inta badan xildhibaanada Soomaaliya ka mideysan yihiin, waa in marka hore doonista xilkani aysan ku imaanin rabitaankiisa ee ay tahay mid uu doonayo inuu cid kamida beesha Daarood uu ugu muujiyo cadawnimada uu ka siyaasi ahaan u hayo, taasi oo xildhibaanada ula muuqata ineysan suuragal ahayn, waayo Soomaaliya hadda waxay u baahan tahay dib-uheshiisiin iyo in dad waxa ay qabanayaan aqoon u leh oo rabitaankooda isku soo sharaxay.

Dhinaca aqoonta ayaa kamida arimaha aanan saacideynin in guddoomiyaha Baarlamaanka loo doorto Proff. Galeyr waayo isagu waa aqoonyahan Takhassukiisu uu yahay diblamaasiyadda, maamulka guud iyo baayac mushtarka, balse uu booska guddoonka Baarlamaanka ku fiican yahay ruux takhasus fiican u leh dhinaca Sharciga, maadaama waxa ugu badan ee uu ruuxaasi ku shaqeynayo ay tahay Dastuurka Soomaaliya.

Marka arimahaas oo dhan la isu geeyo ayaanan marnaba suura gal ka dhigeynin in Proff. Cali Khaliif loo doorto guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, balse ay dhici karto inuu hello 10 ilaa iyo 15 cod oo Baarlamaanka katirsan.

Proff. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari): waxa uu kasoo jeedaa, Digil & Mirifle, Raxanweyn, Jawaari oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isaguna ku dhawaaqay inuu musharax u yahay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Proff. Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Muqdisho ayaa si rasmiya u shaaciyay in hadii loo doorto guddoomiyaha Baarlamaanka uu wax weyn ka baddeli doono, waxqabadka iyo tayada Baarlamaanka Soomaaliya, uuna muujin doono in xiriir wanaagsan uu mar waliba la yeesho xubnaha Baarlamaanka iyo madaxda dalku uu yeellanayo mustaqbalka dhaw.

Jawaari waxa uu caddeeyay inaanu marnaba ku lug yeellan doonin wax kasta oo keeni kara khilaaf ka dhex dhaca baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada cusub ee Muqdisho ku sugan marka aad la sheekaysato ayaa waxay kuu sheegayaan in Proff. Maxamed Cismaan (Jawaari) uu yahay aqoonyahanka ilaa iyo hadda loo badinayo inuu jagadaas ku guuleysto maadaama uu xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya, islamarkaana aanan laga heynin taariikh madaw si lamid ah qaar badan oo kamida musharxiinta isaga xilka kula tartamaysa.

Proff. Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu xilal kala duwan oo uu si wanaagsan uga soo baxay kasoo qabtay Soomaaliya, isagoo gaaray ilaa iyo heer wasiir wakhtiga dowladii milatariga ahayd ay Soomaaliya kasoo talineysay.

Markaad siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ku sugan Muqdisho la sheekaysato ayay kuu sheegayaan in Mudane Maxamed Cismaan (Jawaari) uu yahay mudanaha ugu mudan ee kasoo bixi kara gudashada waajibaadka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna kuu sheegayaan qodobo ay kamid yihiin:

  1.  Inuu yahay shakhsi aqoon fiican u leh dhinaca sharciga, islamarkaana uu muddo farabadan kasoo shaqeeyay dhinaca sharciga, waxa uuna ahaa guddoomiyihii hore ee guddiga madaxbanaan ee Dastuurka Soomaaliya oo la rumeysan yahay iney hawl fiican kasoo qabteen qoritaanka Dastuurka Soomaaliya.
  2. In sidoo kale wakhtigii dowladii dhexe ee Soomaaliya uu soo qabtay jagooyin kala duwan oo ay kamid yihiin wasiir, iyo agaasime iyo xilal kale kuwaasi oo aan marnaba taariikhdiisa mudanuhu uusan ku lug yeellan arimaha musuqmaasuqa iyo ku tagri falka hantida Qaranka.
  3. Ugu dambeyn waxay inta badan xildhibaanada Federaalka Soomaaliyeed ay kuu caddeynayaan in Jawaari uu beel ahaan kasoo jeedo beeshii sidii lagu soo heshiiyay shirkii Carta, Jabuuti iyo sidoo kale shirkii Mbgathi, Kenya loo qoondeeyay in Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ay iska leedahay beesha Raxanweyn ee Digil & Mirifle, taasina ay muujinayso inaanan hadda la haynin ruux kaga habboon Jawaari iinu kasoo baxo xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya marka laga eego dhinaca wax-qeybsiga siyaasadda beelaha Soomaalida iyo sidoo kale aqoonta dhinaca sharciga ee lagu dooranayo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Isku soo wada xooriyoo Proff. Maxamed Cismaan (Jawaari) waxa uu sidoo kale musharxiinta kale dheer yahay inuu heysto taageerada xildhibaanada taageersan madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha kuwaasi oo ka siman in Shariif Xassan uusan marnaba hoggaamin dalka Soomaaliya, isla markaana cid kale oo katirsan beesah Raxanweyn lagu fariisiyo kursiga afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Marka laga soo tago siyaasiyiinta Soomaalida ee aad la sheekaysto inta badan shacbiga Soomaaliyeed ayaa waxay kuu sheegayaan in xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta yahay Maxamed Cismaan Jawaari uu yahay musharaxa kaliya ee buuxin kara inuu qabto jagadaas, marka la eego shuruudaha dhinaca aqoonta, islamarkaana uu yahay guddoomiyihii mudada aadka u dheer kasoo shaqeynayay qoritaanka Dastuurka Soomaaliya taas ayaana ka dhigaysa siyaasiga ugu habboon ee qaban kara xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaan sugnaaba waa 26-ka bisha oo ku began axadda soo socota oo la filayo in Xildhibaanada Soomaalidu ay doortaan guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

W/Q Maxamed Jaamac Cosoble

Editorial GalGalanews


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (24)

  1. mudane says:

    ani waxan ahy muwaadin somali ah waxn leeyhy baarlaamka waa iny doortan qof u qalma inuu kala saaro dadka gesina ah dabadhilfna aan u ahy reer galbeedka ,siyaasadiisu qarsoonthy oo maskax badn ma lihi nimanka u sharxn yaan laga dhigin lkiin waa in laga fiirsada raisalbaarlamka doorashadiisa,meeshana laga sara qabiilnimada,xaga madxnimadana waa in aan loo dooran shariif sakiin ,iyo wixii musukhmaasuga wadnka ku dhamysty ee waa in madxweyne laga dhigaa qofka u qalma aqoona leh wasiirada la shqynonaan aqoon leeyhiin ,ras’iisal wasaraha uu dooranayan yyhy qof aqoon leh.

  2. xuseen says:

    Alle maa la cabsado ninka domainka gaday wuxuu Cabdi kariim turjubaanka sheekh shariif….sunta aad sheegeysaan waa been weyn oo iska cad uun ah tahay dacaayad raqiis ah xassad ku jiro juurile waa ninkii dhisay wadooyinka iyo dakada bosaaso iyo baraawe iyo meelo badan ee soomaliya jooji xasad been abuurka wadamada yurubna aad bay u aaminsan yihiin waa nin waxaan ka karti badan kana aqoon badan

  3. asc/waxay ilatahay in ladoorto brf jawaareey hadii kale ladoorto brf galayr hadii ale idmo mida kale juriile waa eedaysane ku eedaysan qashin uu kuaasay dhulka udhaxeeyo gawoowe iyo boosaaso sidaas daraadeed waxaa aanu astaahilin in uu banaanka maro waxaa uu astaahilaa in laxiro oo uusan banaanka marin ee ogaada

  4. xuseen says:

    Anigu galgala ayaan la yaabanahay hadii aad xasadaan juurile naftaada ayaad xasad xasidka iyo saaxirka iyo beenlowgu ma aflaxaan nin walba wuxuu yahay wuxuu qabtay waa la yaqaaan hadii ay ahaan laheed dabeecad iyo dad la dhaqan iyo karti iyo aqoon iyo in ummada la isu keeno doorta juurile hadii aad rabtaan dad qalafsan oo dadka isku dira oo ummada kala dila doorta cali khaliif iyo jawaari oo beelaha digil iyo mirif aan isu keeni karin

  5. waxaa nasiibdaro ah warsangeli hadaan nahay waxaa nagujira dad badan oo majeerteen u aaminsan ilaahnimo waxaa kasoo dhow inay caabudaan subxaanalaah war dhiig malihidiine mamajeerteen la aantiis wax matihiin miyaa wali mais waydiiseen sidaad ooga daba dhimanayso inuu asaga kaaga daba dhareero waa yaabe maxaas karabtaan calli khalif haduuse u istaagay gudoomiye barlaman soo wlaalkaa ma ahan mise waxad rabtaa inaad majerten kuhoos noolato asaagaa wakaas kudayo ama sidii idaha halkaa hogta

  6. reer badhan says:

    warsangeli dhiig laawe maxaa karabtaa ragaas tashaday ee ogaaday ayaga awoododa mise waxad rabtaan inay mjerten unaageeyan sidiinoo kale war hadaad moodeen in majerten jano idiin hayo ogaada wuu idinku danaystaa maalintuu dantiisa gaarana idinma yaqaano ee ordoo kudayada sida dhulbahante oo muujiya awoodiina dad harti ah ayaad tihiin oo dhul qayraadbadan leh

  7. ali adam says:

    warangaliyooow<<<<<< Bah mj nimo yeysan idin qaadin, dhexdhexaad u noqdo dhulbahante iyo majeerteen, iska daaya daba dhilfinimda aad majerteen daba ordaysaan kkkkkkkkkkkkkkk

  8. Asc runti waxbadan ayaad soqaortay lkn waxan ugartay qoralkagan weerar aad dadgaara kuwado hadaad taageersantahay shakhsiyaad maahan inaad aflagadayso masuuliyiin qaran oo taariikhweyn ku leh aduunka oo dhan, iminka waalaga fahamayaa qoralkagan sida aad u taageer santahay inanka yar ee ku fashilmay siyaasada GAAS, Jawaari danta aad ubun buninayso waa inaad ku qanciso barlambn lkn hadalkagu waa iska hor imanaya marka aad JAWARI KU AMANAYSO INUu DOWLADI HORE KASO SHAQAYYAY HALKA CALI KHALIIFNA AAD KUDURAYSO waxa layaaba in umada shegata puntland wada noqdeen wada FAROOLE MIIDHAN, RAYINA MAHAYSID MAQALNA WAXkAGARAN MASID iska hurdatag burta calmadow farolena hoos carar waliga, adeer cali khalif majerten iyo cidkale umajedo dantisa ayu wata dadka adigu hayska horkenin dad aan isgaranaynin.

    • Nuur yare says:

      Kkkkkkkk waa wax lagu qoslo kani doqon waliba cali khaliif galaydh ayay ku walata, faroole oo waalan waad rabtaye ninka miyirka qaba maxad udiidaysa mise cuqdad ayaa kuhaysa . Ilahay haku cafiyo .

  9. fadumo says:

    HADII RAYIGA SALIIMKA AH OO AAN CAADIFADI KU JIRIN LA DHIIBANAYO WAA SAX LAA KIIN WAXAN U ARKAA WEBKU IN UUQAARNA BUUN BUUNINAYO QAARNA QABYAALADAYNAYO SIDA KUWA AAD QABYAALADAYNAYSAAN WAA CALI KHALIIF OO AAD QABYAALAD MOOYEE AADAN WAX KALE KU HAYSANIN HORTA MA ILAAHAY AYNU KA BAQNAA MISE QABYAALAD HADII ILAAHAY LAGA XISHOONAYO CALI WUU U QALMAA IN UU QABTO WAA NIN AQOONSARE U LEH HADII MAJEERTEEN IYO WARSENGELI TOODA LARAACAYO AMASE FAROOLE WAA MID GAAR AH

  10. al cadaala says:

    asc walaalayaal, waxaa hore loo yiri aqoon la aan waa iftiin la aan, waxaan la yaabanahay, anigu cadaalad darada qoraagu, tusaale yar hadaan idin tuso,sedexda musharax labo waxa uu siiyay title proff midna wuu ka reebay ma uusan siin taasina waa aqoonyarada haysata qoraagu sedexdooda waa wada proff oo diferent subject saaxiib sidaa u ogoow.

  11. abdulqadir says:

    Waa yaab Warsangali haduu wax qabsan karin Hartiga kale ma in ay waligood majeerteen adoon u ahaadaan bay rabaan. Markii la idin laayo waad booydaan sidii waagii Galgala aad ganbada xirateen . Markii rag damco in ay majeerteen la xisaabtamaana waad xsadaan . Maqaalkan mid cidaas Warsangali ah oo jiran oo majeerteen maskaxda ka degeen baa qoray. Abti waa ballan in aan Maxamuud saleeban la xisaabtano . Gallayrna maa nin aad taqaan maaha sida Ilka jiir Nacable miskiin ah, oo reerkiisa oo Galgala lagu xasuuqin Garowe maalin qado ah siista.

  12. waciye@hotmail.com says:

    jamac feyte sidi ilka jiir uu usiyey xogaga lacgta ayu raba galeyr iyo juurile in uu uga helo warnimankan maqamka iyo sumacad iyo tarikhda ey leyihiin warsengeli cid kuleh majirto siyaasin halka garsisan ma lihidin turunta uuno aya leydin yaqan maxa cuna kaliya eleygan ad xayeyineysana idinmayqan lkn waxa idinka hadlinaya wan aqana o waa hadi eysan kaso jedin 2nin warsengeli eleyga no dhama weyen mideda kale sa wax loma tagero khashiin ba atehy an school so dhigan toos loga keney badiya xoga bosaso so jogey

  13. abu maajid says:

    asc aad ayan idinka mahad celinayaa qoraalkan xanbaarsan wax badan oo bulshada soomaliya ka qarsoon wana wax wanagsan in xaqiiqda la sheego maaha in wax layska qaro ama la mucaraado waxaan qoraalkan ku tilmaamayaa in uu yahay mid run ah maaha qof la hadal hayo oo laleeyahay lacag ayuu lunsaday in hay’ada ugu sarayso uu iso soo sharaxo hadaba galgalnews waxaanu idinka mahad celinayaa sida aad noo tusteeen wax badan oo daah naga saar halkaas ka wada waanuna tageereynaa proff. jawaari

  14. gabayre says:

    kkkkkkkkkk wa war mahaysiid hadii cali khaliif qabto cadaadiisa walayaqaan majeertena wax hakasheegiin laascanoo bad harcad ibsateen oo ad lahaydeen oo isaaq kagadateen manta ma waaxaad ibsanaysan kursiigii darood kulaha dowlada dhexee waa markii laydiintiirtiri lahaa waxaad ku ficaan tihiin in siilanyo idiin xukumo qayladiina iyo laalush cunkiina kkkkkkkkkk

  15. asad says:

    qoraagu qoralka dhan wuxu uso qoray inu ku aflagadeeyo mudan galaydh marka uma so qorin inu dhiibto fikir saliim ah ee wuxu doonaya inu indha dadka ka jeediyo halyeey cali khalif uma malaynayo in fikirkaga soconayo madama qof walbo caqli leeh ay iska cadahay inaad qoralkan dhan uso qorto inad ku weraarto cali khalif oo dad badan ku noqday laf dhungashay marka hanqarar uma dhutiyo lug kaliya cali khalif wuu noqonaya raisul barlamaan maxad sameynaysa ? diid ama ha diidin ciidnah wax ka waydin mayso

  16. Cabdiraxmaan Garoowe says:

    WAA IN LA DOORTAA CABDIRISAAQ Juriile ama Maxamed Jaweri, si loo ilaaliyo danta Puntland iyo danta Somaliweyn
    Cali Kh Galeyr wuxuu jagadaas u doontay inuu Puntland kula dagaalamo,isagoo kaashanaya Hawiye. Waxaa hada la hubaa in Hawiye ay u codeynayaan Galeyr, balse Inshaa Ilaah ma guuleysanayo, waayo khaa’inimo iyo in Puntland la dagaalankeeda jago laguma helo

  17. awyusuf says:

    Cabdiraxman garoowe
    Puntland mar haddanay ka tarjumayn dantii loo dhistay burburkeeduna welwel malaha.
    Maxaa cali khaliif ka dhigay cadow puntland madaxweyne somaliyeed oo magac daarood ku tartamayana u sharciyeey maxuud saleebaan keliya? ama ducayso ama habaartan cali waa guddoomiyaha baaelamaanka bosaasona sidii xamar iyo hargeysa looogu dagaalamay si lamidaa intii illaa jigjiga iyo joorre laysaga yimaado loogu dagaalami doonaa.

  18. Nuur yare says:

    Asc wan idin salamaya dhaman hadih runta laga kursigii daarood hada ayuu helay dadki xaqa ulahaa waa GALAYDH laascanond waxa gatay wa majerteen tas cidna kama qarsona iminkana gacantayda ayay kujirta isaqana aniga aya wata balse DAAROODKA KALE kursiga maxaa faida ayka helijirin taas waxa iga jawabay ninanka WARSANGALI iyaga iminka faroolayaal ah oo lashaqaysta maxaad kaheshan xaquuq?

  19. cali dheere says:

    Asc ninkan warsangeli ee waxan soo qoray warsangeli meelna wax kuma soo korshinayo siyaad bare ayaa sheegay waa bi 31 keed niman kaad magacawday Galaydh iyo Juurile waad u gaftay hadaad cidkale ahaan lahayd wax baan kugu oran lahaa lakiin warsangeli aduu dhinacna ma jirid waxaad tahay 0

  20. fadumo says:

    TO MR CABIDRAXMAN GAROOWE BOOWE WAXAD RAADINAYSAA PUNTLAD DANEHEDA LAA KIN MAANTA BA OW YAAD HAYSATAA WAX DAROOD AH OO KULA SOCDAA MA JIRO MAREEXAN HORAY AYUU U RAACAY HAWIYE WEYNE OGZAADEENA WAA IDINKII XABSIYADA GAROOWE INTAAD KU GURTAAN U XIDHADHAYEY XABSHIDA E KA GA RAADSNAYEY WAX XOOGA CITIRAAFKA AH DHULBAHANTENA MAANTAISNA HAWIYE WEYNE AYUU RAACAY WAX AAD HAYSATAA MA JIRO WAX AAD NA TIHIIN KANSAR SOOMAAALI KU YAALA OO AAN DAWO AHAYN KUWA XATAA IDIN NACAM LEEYA SIDAWERESGALI IYO DASHIISHE WAX AAD UGO SHI HIIN MAJIRTO WATAA JURULE MAANTA LA GU YIDHI UDAA XASAN ABSHIR WAAYO ADIGU WAXAD TAHAY INAN GUMEED LAAN GAAB AH MARKA WAX AAN KAAAGA OGOLAHAY MA JIRTO EEE TANAASUL MASAAKIIN AAAD IYO AAD AYAAN ULA YAABANAY HADALKAAS MEELKA DHACNA WUU KU YAHAY JURULE AMA HA HELO AMA HAWAAYO IN LA ISKA DAAYO AYEY AHAYD LAA KIIN NASIIB DARADIISA MAJ WAXBA UMA OGOLA

  21. Dalmar says:

    Alla qabyaaladdu foolxumaa, cali khaliif waa muwaadin soomaaliyeed oo u qalma jagada u hiigsanayo.

    Eedda aad u soo jeedisayna xitaa haddii ay dhab tahay ma ahan mid u diidaysa sharciyan in uu jagada qabto.

    su,aasha kale waxay tahay, goorma ayaa siyaasiyiinta soomaaliyeed iyo kuwo badan aad taageersanthay ay noqdeen saalixiin?

    ula jeedkaagu waa cabdiwali gaas ha noqdo madaxweyne, danaha puntlandna ha u fuliyo, keena nin warsangeli ah oo u tartamaya madaxweyne soomaaliyeed, cidda ugu horeysa ee ka soo horjeesanaysa waa FAROOLE.

  22. fadumo says:

    to dalmar waad tahay geesi runtana yaqaan noolow

  23. kkkk juurille abti noolow cadawgaa hajabo hawshana halkaa ka wad


Comments are closed.

boqorka Badhan:- Muxuu Salka ku hayaa Safarka Boqor Burhaan ( Warbixin+Sawiro)
- Oct 19, 2014
Badhan( Galgalanews) Boqor Burhaan Muuse oo ah Duubka Guud ee Beelaha Daarood' ayaa Maalinta ...
Jamhada-Cadami Somaliland” Yaan Waji Siyaasadeed loo Yeelin Safarka Boqor Burhaan” VIDEO
- Oct 19, 2014
Hargaysa( Galgalanews) Wasiirka W.Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cadami ayaa Kulan Wareed ku qabtay magaalada ...
Alshabab Shaki laga qabo in Alshabab dhex gashay ciidanka Puntland
- Oct 19, 2014
Garoowe( Galgalanew) Kooxda Alshabab ayaa ku dhaqaaqay qorshe ay uga mid noqonayaan ciidamada Puntland ...
khaliif ciise Gen Khaliif Ciise Mudan” Wel Wel baan ka qabaa Hanaanka Siyaasadeed ee PL” VIDEO
- Oct 19, 2014
Nairobi( Galgalanews) Wasiirkii horre Amniga Dowlada Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa ka hadlay sababta ...
koor Garoowe:- Lacag Xil ku Bedelasho ( Warbixin)
- Oct 19, 2014
Garoowe(Galgalanews) Maamulka Dowlada hoose Garowe oo ah mid kasoo jeeda rijiimkii maamulkii uu hogaaminayay ...
mp-asha-2 Xil. Caasha Cabdalla oo ka hadashay Aqoonsiga Somaliland Cida uu ku Xidhan-yahay (VIDEO)
- Oct 19, 2014
Siyaasiyada Caanka Caasha Axmed cabdalla Ayaa ka hadashay  Go’itaanka maamulka Soomaliland Iyo waliba Qaabka ...