Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Faallo:Daw​lada Iyo Ganacsatad​a Puntland Yaa Xil Ka Saaran Yahay Badbaadada Dakkada Boosaso

Nabad Akhriste waa mar kale iyo Qormooyinkii aan ku eegi jiray hadba waxa aan is leeyahay way u baahan tahay baraarujin in laga sameyo,inkasta oo Qormooyinkii hore ay ku saabsanayen dhinaca dhalinyarada,sida waxa looga baahan yahay xiligan oo dalka uu ku jiro isbadal xoogan oo dhinaca Nabad ku soo dabaalida iyo sidoo kale in aan dhalinyada ka wacyi galiyo la dagaalanka arimaha Muqaadaraadka,Tahriibka iyo furiinka badan.

Maanta qormadan waxaan ku eegi doona Xaalad ka duwan kuwii hore oo ku saabsan Arimaha gubashada maraakiibta iyo doonyaha oo Dakadaha dalka soomaaliya ku soo Noq noqday iyo waxa sababay Anigoona iftiimin doono gaar ahaan dakkada Magalada Boosaso oo Dhowr goor aan goob joog ka ahaa dabab ka dhacay,kuwaasi oo geeystay qasaare maal oo aad u fara badan.

Ma aha dhacdo Cusub in aad maqasho waxaa gubtay markab,kaasi oo ku bas-beelay dakkadaha dalka soomaaliya dhamaantood maxaa yeelay waxaa maqan adeegii dab damiska iyo aqoontii shaqaalaha ka shaqeynaya dhamaan dakkadaha dalka soomaaliya,inkastoo ay kala roon yihiin dhinaca diyaar-garowga ka hortaga dabka.

Dabab aan qiyaas lahayn ayaa ka dhacay magaalo xeebedyada dalka soomaaliaya gaar ahaan kuwa Dakkadaha Leh sida Magaalooyinka Barbara,Boosaso,Muqdisho iyo magalada Kismaayo,kuwaasi oo qasaaro maaliyadeed iyo mid burbur hanti geeystay,waxaana hadba maamulada gacanta ku haya maamulka dakkadahaasi ay sheegaan in dabka uu ahaa mid iska yar,wax badana aan geysan.

Inta aan xasuusano dabab ka dhashay Maraakiib iyo doonyo ayaa Sanadkan gudihiisa ka kala dhacay dakkadaha Berbara,Muqdisho iyo magalda Kismaayo,kuwaasi oo qayb ahaan lagu guulestay in la damiyo,halka qaybta kalana la holin waayay ama feejignaan buuxda aysan ka jirin maamulayaasha dakadahaasi.

Soomaalida waxay ku Maah-maahdaa “Dab Aan Kulelkiisa Aan la Arag dambaskiisa lagama Leexdo” ujeedada waxa ay tahay Ruuxa Naflaha ah marka uu meel ku dagmo waxaa uu ka feejignaada in mar kale dabinkaas oo kale uu ku dhaco,waxaana uu sameyaa gaashaan uu kaga hortago in qasaare danbe uu ka soo gaadho wixii marka hore ka qabsaday Aafo ku dhacday.

Magalda Boosaso waa xarunta ganacsiga Puntalnd waxaana Hooyada ganacsiga Puntland guud ahaan,Boosaso waxaa taala Dakkada ganacsiga Puntalnd guud ahaan uu ka soo dago hadii ay ahaan lahayd gaaadiidka,bagaashka,qalabka dhismaha,sidaas si la mid ah waxaa ka dhoofa Xoolaha Nool oo soomaalida Hodan ay ku tahay,Boosaso waa Magaalo Qaabishay Shacab farabadan oo iskaga kala yimid guud ahaan Soomaaliya kuwaasi oo muruqooda ku maala kana hela nolol maalmeedkooda.

Mashruuca Balaadhinta iyo Qodista dakkada

Sida aan kor ku xusay magalada waxaa shaqada ugu badan ay ka socotaa dakkada,taasi oo subax walba ay u shaqo tagaan shacab aad u farabadan oo iskaga kala yimaada guud ahaan daafaha magalada,sidoo kalena Laamaha Dawlada sida Kuwa Canshuuraha ayaa ka Howl-gala Gudaha dakkada Amaankana aad ayaa loo adkeyaa Xili walba.

Dhawaan waxaa gacanta laga Qaaday qodaal lagu Sameyay dakkada magalada Boosaso,gaar ahaan Qaybta Doonyaha iyo maraakiibta ay ku soo xirtaan,mashruucani ayaa Puntalnd waxaa gacan ka siinayay Dalal Shisheye Oo Daneya Arinama dalka Somaliya,wasiirka Dakkadaha Puntland Siciid Maxmed raage ayaa Shirkii Xiritaanka ka sheegay in Wax walba u Dhameystiran yihiin dakkada hada wxii ka danbeyana Ay Howlaha dakada Si Heer sara ah u socon doonan.

Ka Hortaga Dabka Iyo Shaqada Dab Damiska

Laakiin Xakameynta dabka ayaa waxaa ay tahay Mid wali hor taala Maamulka Puntland iyo Wasaarada Arintani ay Quseyso,waxaana badbaada Gaadiidka badda Ku gubta ay tahay Mid aanay Shacabka badi Ku kalsooneyn,Maxaa yeelay Waxaa indhaha shacabka ku batay dabab kala duwan oo horay Uga dhacay Dakkada kuwaasi oo Loo waayay Gacan Dawladeed Oo Si toos ah uga Hortagta daminta dabkaasi ka dhasha doonyaha iyo maraakiibta u Socda ganacsatada Soomaalida.

Tusaale dabkii ugu danbeyay ee ka dhacay Boosaso Maalintii Khamiista Ahayd 23–8–2012 waxa shir Jaraa’id ka qabtay Wasiirka Dakkada iyo gaadiidka Puntland Mudane Siciid Raage Oo Sheegay in dabkaasi uu ka Dhashay Doon nooca kaluumeysiga ah balse loo badalay kuwa Qaada shidaalka taasi oo muddoyinkan Cilad ku heystay dakkada Boosaso meel ka yara durugsan.

Saxafada ayaa waxaa ay weydiiyen wasiirka sababaha Dawlada Puntland ay Ugu diyaargarobi weyday dabka Noocan ah oo ah Mid soo Noqda Sanad Walba,Waxaana Wasiirka uu Si Kooban u Sheegay In Dawalda u Xilsaaran tahay ilaalada Dakkada balse aysan ahayn in qalabka Badbaadada soo Diyaariso,isagoona Dhaliisha arintani u duwan ganacsatada iska Leh Shidaalka la Keenaayo dakkada oo sheegay in ay gabeen Howshoodi, Taasina waa Su’aal ay  Mar Sii Horeysay ganacsatada Iska Fogeeyen iyagoona sheegay in Mar walba ay Diyaar la yihiin wixii taakulo ah oo lagu Badbaadinayo dakkada,geestoodana waxay Ku dhaliilen Dawlada in ay xooga Saartay oo kaliya Canshuuraha laga soo Xareynayo Dakkada Balse aan Dakkada Dib aan loogu celin Wax dayac tir ah.

kulamo Aan la soo koobi karin ayaa waxaa ay ka dhaceen gudaha dakkada,kuwaasi oo ahaa kuwo Saddex-geesood ah una  dhaxeyay Wasaarada maaliyada Puntland,Wasaarada dakkadaha Puntland iyo ganacsatada wax kala soo daga Puntland,kuwaasi oo badi La isku Afgartay in wada Shaqeyn Buuxdo laga sameyo Sidii looga Hortagi lahaa gubashada badan ee Ka dhacda dakkada Boosaso. kulankii ugu Adkaa ee maamulka iyo ganacsatada Dhexmara ayaa waxaa uu dhacay Sanadkii Hore 2011 Kaasi oo ka dhashay Caro Xoogan oo ka Timid qaybo ka mid ah ganacsatda oo Doon raashin iyo Alaabo Dhar uu ka Mid yahay u siday ku bas-beeshay meel aan sidaa Uga Fogeyn Dakkada Boosaso taasi oo ganacastada gaar ahaan shirkada Towfiiq ay dusha u saartay Laamaha dab-damiska ee Puntland.

 

Dababka dhaca Gudaha dakkada iyo banaankeeda ayaa aad u farabadan waxaana Ka mid ahaa Doontii Lagu Magacaabi jiray Faa’iz Mustafa oo Octobar 2009 ku gubatay dakkada Magalada Boosaso waxaana ku gubtay Rar noocyo badan oo gaarayay 500 oo tan,xiligaasi oo shir ka dhacay Rugta ganacsiga iyo warashadaha Puntland dawlada ku sheegtay in Isbadal Muuqdo laga sameyn doono arimahan Gubashada oo noqday kuwo ku badan dakkada boosaso.

 

Dababka Kale ee Ka Dhaca Boosaso

 

Magaalada Boosaso waxaa ay leedahay Isbadalka dhinaca Cimilada waxaana Xiliyada qaar la galaa Xagaaga oo dabeylo xoogan ay ka dhacaan gobolka oo dhan waxaana dabeylahaasi ay saameyn ku yeeshay xaafado dhan oo ay dagan yihiin dad soo barabaxay oo ku dhaqan duleedada boosaso,kuwaasi oo awood u yeelan wayay in ay helaan guryo ka sameysan dhagax sidaas darteed door biday in ay dagaan Cooshado ka sameysan Baakado iyo Bacaha Roobka loogu talagalay.

 

Waxaana dadkaasi ku yimaada dab ka dhashay guryaha ay dagan yihiin maadama ay wax karsiga ku isticmaalayaan,tiiyoo ay u sii dheertahay guryaha oo ka sameysan Agab si deg deg ah u gudbiya dabka, dabab badan oo ka dhacay xaafadaha barakacayaasha sida Boqolka-buush,biyo-kulule iyo xaafada Tobanka Buush oo dhamaantood ah meelo ay  ku badan yihiin barakacayaasha,ka sokow Dhibaatada dhinaca guryaha waxaa ka dhacay mararka qaar in ay ku dhinteen caruuro ay dhaleen dadka soo barakacay.

 

Dababkaasi oo badi aan goob joog ka ahaa ayaa waxaa Xiliyada Qaar dhaceysay in laamaha dhinaca Dab-damiska dawlada Hoose boosaso yimidaan xili ay bas-beelen dhamaan guryihii ay daganaayen dadkasi,iyadoona aan xiliyada qaar goob joog u ahaa isla dabdamiskaasi oo Cilad ku timid xili dabkiina uu sii fidaayo,taasi oo fajaciso ku noqotay Dhamaan shacabkii goobahaasi iskugu yimid.

 

Hadaba Maxaa Xal Ah.

 

Su’aashan waxaan Weydiyay Xiliyo kala duwan oo dabab Ay ka dhaceen Puntland Madax ka Tirasan puntland iyo Ganacsatada wax kala soo dagta dakkada Boosaso,haddii aan ku horeyo dawlada Puntland Wasaaradaha arimahani ay sida gaarka ah u quseyan ayaa waxaa ay dhowr mar hore sheegen in ay Diyaarin doonan Hab macquul ah oo looga hortago dabkani Saameynta ku yeeshay Dhaq-dhaqaaqa dakkada,waxaana Ay wasaaradahani ku Celceliyaan sida dabka uu dhacay iyo in Hadda ka dib laga Diyaargaroobi doono.

 

Ganacstada Puntland ayaa waxaa ay leeyihiin Rug Loogu magac daray Rugata ganacsiga iyo warshadaha Puntland taasi oo wakiil ka ah Badi ganacsatada wax kala soo dagta ama ka dhoofisa magalada Boosaso,rugata intii ay jirtay wax badan ayeey ka qabatay Mideynta iyo isku dabaridka Arimaha ganacsatada Puntland kuwa wax ka dhoofiya Dakkada iyo kuwa gudaha.

 

Ganacsatada Puntland waxaa ay U hogaaansan yihiin iyagoo u maraya Rugta ganacsiga Dhamaan Xeerarka ganacsiga gaar ahaan Horumarinta dalka oo udub dhexaad ay u tahay Canshuuraha Qaybahooda kala duwan midda Dakkadaha iyo mida  Ganacsiga,waxaana ay Marar badan sheegen in ay Bixiyaan Lacago Qayb ahaan loogu magac daray Sugida Amniga sida uu Shir Ka Sheegay Wasiirka Ganacsiga Puntland Xasan Jamac oo Ku Dheeraaday in ganacsatada waajib Ku tahay Wixii Looga baahdo in laga Helo,bandhig Carweedkii Sanadkii Hore ka dhacay Boosaso ayuu mar kale Ku Dhaliilay ganacsatada in aysan u Soo Jeedin Taageerada iyo Abuurida Suuqyo Xor ah oo Noocan Carwada u shaqeya,ganacsatada ayaa iskaga difaacay in Marka Hore Bilowga looga baahan yahay Dawalda.

Xalka ugu danbeya ee Muuqan kara ayaa waxaa uu yahay iskaashi daacad ah oo dhexmara ganacsatada iyo Dawlada kaasi oo keeni kara in laga badbaado Halista dabka Dhacaya,Dawladana waxaa looga baahan yahay in ay Soo Jiidasho ku sameyso ganacsatadeeda Maadama Howsha Dakkada ay labadaasi Dhinac masuul uga yihiin Shacabweynaha,

 

Masuuliyadaasi oo xoogeedana ay dusha u saaran tahay dawlada Puntland dhinacyada Amniga,ka hortagida Waxyaabaha Lidiga ku ah ganacstada iyo ganacsiga Xorta ah ee Puntland,dawlada waxaa Xil ka saaran yahay iyadoo kaashaneysa ganacsatda iyo Rugata ganacsiga iyo warashadaha Puntland in la helo Qalab Casri ah oo looga hortagi karo Dababka ka dhaca guud ahaan puntland.

 

Isku Duubnidaasi iyo wadashaqeyntaas ayaa waxaa ay Furi u noqon kartaa in aan la arkin Mar kale Dab ka dhaca Puntland,guud ahaan gaar ahaan ilaha ganacsiga iyo dhaqaalaha oo u baahan in xil gooni ah la iska saaro sida dakada iyo Airpot-yada dalka taasi oo u muuqata Xalka kama danbeysta ah ee loo heli karo dababka iyo Arimaha kale ee Amaanka dalka.

Mohamed Abdirashiid

Justice Peace &Progress

Mombaza-Kenya

Email:Saadaq89@gmail.com

Sawirka Qoraaga

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

sanad Sanad-Guuradii Koowaad ee Madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo Minneapolis lagu qabtay(Sawirro)
- Oct 20, 2014
Sanad-Guuradii Koowaad ee Madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo Minneapolis lagu qabtay(Sawirro)  2014-10-20 11: Sanad-Guuradii Koowaad ...
DSC0047 Puntland:- Kulankii W.Ku Xigeenka Caafimaadka & Sharjah Charity International (Sawiro)
- Oct 19, 2014
 Wafdi katirsan dowlada Emaratka carabta oo ka socday hay’adooda u qaabilsan kaalmada caalamiga ah ...
ciyoon Badhan:- Maamulka G.Sanaag oo ka hadlay Booqashada Boqor Burhaan DHEGAYSO
- Oct 19, 2014
Badhan( Galgalanews) Gudoomiyaha G/Sanaag Maxamuud ismaaciil Ciyoon'ayaa xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta waxana uu Faah ...
gaas-jaaato.jpg 2 Puntland:- Q.M oo Eedaysay Dr Gaas ( Warbixin)
- Oct 19, 2014
Garoowe( Galgalanews) Warbixin boqolaal bog ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali ...
boqorka Badhan:- Muxuu Salka ku hayaa Safarka Boqor Burhaan ( Warbixin+Sawiro)
- Oct 19, 2014
Badhan( Galgalanews) Boqor Burhaan Muuse oo ah Duubka Guud ee Beelaha Daarood' ayaa Maalinta ...
Jamhada-Cadami Somaliland” Yaan Waji Siyaasadeed loo Yeelin Safarka Boqor Burhaan” VIDEO
- Oct 19, 2014
Hargaysa( Galgalanews) Wasiirka W.Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cadami ayaa Kulan Wareed ku qabtay magaalada ...