Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dhurwaaga iyo hilibkiisa

Dhurwaaga iyo hilibkiisa

 Waxa xilliyadan dambe, gaar ahaan bishii barakaysnayd ee ramadaan aad ugu soo batay warbaahinta soomaalida ka hadalka hilibka dhurwaaga ama waraabaha. Waxa si xoog leh looga dooday cunista hilibka waraabaha iyo xalaal iyo xaaraan midka uu yahay. Wararka qaar waxay sheegayaan in hilibkiisu Kismaayo kaga qaalisan yahay hilibka geela. Waxa kale oo la fakiyey dacaayad leh hilibka dhurwaagu/waraabahu iyo subaggiisu waxay daawo ka yihiin xanuuno aad u tiro badan oo ummadda soomaalieyeed dhibaato ku haya.

Marka ka hadalka arrinkan xaqiiqda lagu saleeyo ama si “objective” ah looga hadlo, xalaal iyo xaaraanimada hilibka waraabuhu ma aha arrin si sahlan ama si fudud bidix iyo midig mid loogu tuuri karo oo la odhan karo waa xalaal ama waa xaaraan. Waa arrin murankiisu intii diinta islaamku jirteyba la odhan karo waa taagnaa oo xitaa afarta madhabood baan isku raacsanayn, khilaafkaasina marka la eego culimada islaamka weli waa ka dhex taagan yahay. Khilaafka aan ujeedaa waa xalaal iyo xaaraanimada hilibkiisa, laakiin tan in uu dawo yahay waa been oo iyadu diintana kama soo jeedo (ogaalkay), cilimiga “science/medicine” kama soo jeedo e waa hadal layska yiri.

Mar haddaan culimadii islaamku isku raacsanayn, si qof waliba indhihiisa ugu arko, waxa furan in aynu marka hore soo bandhigno si gaara ahna hoosta uga xarriiqno oo ummadda loo qeexo bahalka laga hadlayaa waxa uu yahay; jaadadkiisa, dalalka uu ku kala nool yahay iyo waxa uu isagu ku nool yahay ama cuno. Tan u dambaysaa waxay saamayn weyn ku yeelan doonta go’aanka laga qaadan karo.

Taa waxaynu ku xejin karnaa bal waxa loo daliishan karo xalaal iyo xaranimadiisa ama diinta islaamka waxa ay ka qabto. Isla markaa waxaynu mudnaanta siinaynaa waxyaalah khilaafka culimada dhaliyey. Waxaynuna raacin haddii Alle idmo bal labada diimood ee samaawiga ah ee u dambeeyey raadka ka sii hadhay waxa uu ka qabo.

Haddii Alle idmo waxaynu maqaalka ku soo gebgebaynaynaa oo arrgtideena qayb libaax ka qaadanaya, aanna odhan karaa waa hoodo iyo ayaan u gaar ah dadka islaamka ah oo maanta nool, aqoonta cilmiga “Science”ka, siiba qaybta cudurada iyo caafimaadka (naasleyda), halkaas oo aynu ka heli karno aqoon lagu go’aan qaadan karo, laakiin aan u suura gelin culimadii hore ee islaamka.

 

Waraabaha iyo jaadadkiisa

Marka dhanka cilmiga haanraawaha laga eego, bah ahaan, waxa magaca Waraabe ama Dhurwaa kulmiyaa afar jaad oo ka mid ah dugaaga ugaadhsada, dhulka soomaalidana ogaalkay saddex ka mid ahi weli ku nool yihiin. Waxa ka mid ah magacyada soomaalidu u taqaan dhurwaga/waraabaha walaalihiis; Dhidar, Caalle iyo Weer ama Weere, kuwaas oo iyana magacyo sii kala leh, sida weerka hariiryaha leh ama dhidarka caalmadoobaha lagu naanayso. Dhanka cilmiga xayawaanka, intuba waxay hoos yimaadaan magaca (Hyena) ee af ingiriisiga.

Hadaba, inta aynaan u gudbin waxa diintu ka qabto cunidda hilibkiisa waxaynu soo bandhigaynaa mid waliba inta u aduunak kaga nool yahay, cuntadiisa iyo sawir muujinaya qayb ka mid ah laftiisa madaxa oo ilkuhu, siiba miciyuhu si gaar ah uga muuqdaan.

 

Waxan ugu horraysiinayaa dhurwaaga ama waraabaha runta ah, kaas oo ku nool inta khariidadda hoose ka muuqata, cuntadiisuna tahay: waxa alaale wixii ka itaal yar oo uu cuni karo (shimbiro, cayayaan, naasley, xamaarato iyo wax kasta oo u qabsooma ama uu dagnaan ku helo). Si gaara haddaynu u eegno naasleyda waaweyn, wuxu ugaadhsadaa dhamaan kuwo libaaaxu ugaadhsado oo ay ku jiraan xoolaha la dhaqdo (geel, adhi, lo, fadro iyo dameero) iyo ugaadha u dhiganta. Wuxu kale oo cunaa midhaha iyo ugaxda. Intaa waxa u dheer oo uu aad u badsadaa bakhtiga inkastaba ha yiilee. Sawirka sare waa waraabayaal iyo gorgorro bakhti Maroodi wadaagaya (bidix) iyo waraabayaal bakhti kale wadaagaya, kan hoosena waa waraabe bakhti (Wildebeest) hadhaagiis sita.

Inkasta oo ay isku bah yihiin, cunista bakhtigana ka siman yihiin, waraabaha dhabta ah iyo saddexda walaalihiis, mid waliba magac gooniya ayuu ku leeyahay af ingiriisiga iyo af carabiga.

Marka waraabaha soomaalida ee dhabta ah waxa la yiraahdaa “Sppoted Hyena” الضبع المرقط.

Kan labaad waxa la yiraahdaa “Brown Hyena” الضبع البني, sida sawirka ka muuqatana wuxu ku nool yahay koonfurta Afrika. Dhanka cuntada markaynu ka eegno, waa ka itaal yarahay kii hore waxana cuntadiisa u badan bakhtiga, waxaana u raaca naasleyda yar yar, kalluunka, shimbiraha iyo ugaxantooda iyo midhaha.

 Labadaas waxa saddexeeya dhidarka hariiryaha leh ama “Stripped Hyenas” الضبع المخطط, waana kan soomaalidu u taqaan caal madoobaha (dhidar). Waa naasleyda keliya oo waraabaha la bahda ah ama waraabe lagu sheegi karo oo ku nool wadamada carabta ee Asiya sida khariidada ka muuqata. Tan kale, inkasta oo sawirka khariidadda ay muuqto in laga reebay, waxay u badan tahay in dhidarkani weli ku nool yahay Soomaaliya. Cuntadiisa haddaynu eegno waxa kow ka ah bakhtiga, waxaana u raaca ugaadhisga bahalaha yar yar oo dhan (cayayaan, naasley iyo xamaarato) iyo midhaha.

Nooca afraad waxa la yiraahdaa “Aardwolf Hyena العسبارsida sawirk hoose ka muuqata wuxu si gaara ugu nool yahay dalka Soomaaliya iyo Koonfur Arika. Cuntadiisu waa ka urursantahay saddexdii walalihiis ee ka horreyey, waayo wuu ka itaal yar yahay, waxayna u badan tahay aboor, dixiri, diir diir/dirindiir iyo cayaaan kasta oo diir jilicsan. Waxa intaa u raaca oo uu cunaa, naasleyda yar yar, shimbiraha iyo bakhtiga.

 

Hilibka waraabaha iyo diinta islaamka

Waraabaha oo saynu kor ku soo xusnay beel ahaana ka mid ah naasleyda, kana sii ah kuwa Ilaah u abuuray in ay hilibka cunaan, la’aantiisna noolaan karin, gaar ahaan kuwa dilooda bakhtigana badsada. Marka la eego xalaal iyo xaaranimada hilibkiisa, culimada islaamku waa isku khilaafsan yihiin, waxana u sabab ah axaadiista soo socota oo xalaalayn iyo xaaraamaynba ku soo aroortay. Laakiin waxa xusid mudan, gadaalna aynu ka arkidoonaa in ay caddahay in culimadii hore ee u dooday xalaalnimda hilibka waraabaha ay muuqato in qaar badan oo ka mid ahi xalaalnimo ugu doodeen hilibka waraabaha iyaga oo aan waraabaha aqoon u lahayn.

Bal aan soo hormarino xadiiska ku soo arooray xalaalnimada hilibka warabha ama dhurwaaga.

عن عبيد إبن أبي عمارة عن جابر عن رسول الله صلى الله عليه و سلم

أنه سئل عن الضبع؟ فقال: هي صيد وفيها كبش

 وعن إبراهيم الصائع عن عطاء عن جابر يرفعه: الضبع صيد فاءذا أصابه المحرم ففيه جزاء كبش مسن و يؤكل. رواه الترمذي في سننه، والنسائي في سننه، و أبو داود في سننه، و صححه جمع من المحدثين

Sida idiin muuqata xadiiska Jaabir soo weriyey wuxu ku yimi laba waji oo midka dambe tilmaamayo in la cuni karo hilibka waraabaha. Laakiin tan hore waxa lagu sheegay in uu ugaadh/duurjoog yahay, lamana caddayn xalaal iyo xaaraan midka uu yahay. Waxa kale oo jira in kaa ugaadhnimada oo aan cunistu ku jirin ay soo weriyeen sida la sheegay أبي هريره iyo ابن عباس  (عن جابر).

Waxa iyana ina soo gaadhey in carabtii islaamka ka horraysey cunijirtey, cunistiisa iyo iibka hilibkiisuna laga yaabo in aysan joogsan ugu yaraan 19 sano oo waxyigu socdey, isla markaana la xaaraameeyey sanadka la baxay khaybar oo tiro ahaan aan filayo in uu ku aaddan yahay sanadkii lixaad ee hijrada (sida ka muuqata riwaayadaha qaar). Waxa iyana muuqata in waraabaha carabtii hore cunijirtey uu yahay, dhidarka caasha madow oo dhulka carabta ku nool (الضبع المخطط) oo uusan marnaba dhurwaageena ahayn.

Xadiiskaas hore waxa ka horjeeda midkan lagu xaaraamaynayo oo leh:

عن أبي ثعلبة رضي الله عنه قال: نهى النبي- صلى الله عليه و سلم عن كل ذي ناب من السباع. صحيح البخاري، صحيح مسلم

و عن أبي هريره رضي الله عنه ــــــ عن النبي- صلى الله عليه و سلم ــــ قال كل ذي ناب من السباع فأكله حرام. صحيح مسلم

  و عن ابن عباس ـــ رضي الله عنهما ــــ: أن رسول الله صلى الله عليه و سلم ـــــ نهى عن أكل كل ذي ناب من السباع و كل ذي مخلب من الطير.

 صحيح مسلم

Wixii bahal mici leh (wax lagu dilo) iyo wixii ciddi u wax ku dilo leh (haadka), hilibkoodu waa xaaraan.

 

Hadaba, culimada xalaalnimada u doodaysa xadiiska Jaabir waxa u raaca oo ay iyana ku doodaan in aan waraabuhu ahayn  من السباع,  iyaga oo foodsaar ka dhigtay in uusan wax dilin oo waraabuhu lahayn awoodda iyo xoogga ay leeyihiin bahalaha kale sida: libaaxa, shabeelka, haramcadka, yeyda iyo wixii la hal maala. Waxay kale oo ku dareen in uusan dadka cunin oo itaal u lahayn. Sababahaas dartoodna, inkasta oo uu mici leeyahay uusan fulin labada shardi ee ku cad xadiiska xaaramaynaya wixii bahal (habardugaag iyo haad) mici iyo ciddii wax lagu dilo leh. Qaar kale waxay qabaan in aan waraabuhu ka mid ahayn habardugaagga wax laaya oo miciyaha ku dila oo la xaraameeyey. Waxa ka mid ah doodda culimadaas àإن الضبع لا تفترس بنابها ، وليست بسبع ، ولا تفترس إلا عند الضرورة

. أو عند العدوان عليها

Run ahaantii, ninka sidaas ku doodayaa waa nin aan waraaabaha aqoon, sida muuqtana uusan weligiis ka cunin hashii uu carruurta u lisijirey ama awrkii gurgur oo uu u dhaaminjirey ama uusan qof uu yaqaan cunin ama dhabanka fuqsan. In uu mici wax lagu dilo leeyahayna, sawirada kore ayaa inakaga filan.

 

Dood soo jirtey hadana furan:

Labada xadiis oo aynu kor ku soo aragnay waa saxiix midkoodna in yar oo shaki ah culimada xadiisku ma gelin. Waxa isna jira xadiis daciif lagu sheegay oo uu nebigu (صلى الله عليه و سلم) inta la wadiiyey yiri: oo ma cid baa cunta dhurwaaga. Laakiin kaas xusid mooyee doodan meeli ugama banaana.

Waxase meeli u banaaantahay in aynu miisan saarno qodobadan soo socda, ka dibna qof waliba go’aanka la toosan qaato:

(a)     Xalaalnimada hilibka dhurwaaga

(i)         Xadiiska Jaabir oo xalaalaynaya

(ii)        Xoog yarida dhurwaaga oo culimada qaar ku doodeen in uusan bahalahaas ka mid ahayn, sidaa darteedna xaaraan laga dhigin

(iii)      Carabtii hore oo cunijirtey

(iv)      Isaga oo mudo dheer oo islaamku jirey la cunayey

(v)       Culimada xalaalnimadiisa ayidsan oo ku dooday in xadiiska xaaraamayntu guud yahay, kan xalaalayntuna dhurwaaga u gaar yahay oo isaga laga reebay.

(b)     Xaraanimada hilibka dhurwaga

(i)           Xadiiska xaaraamaynaya

(ii)          Xadiiska xaaraanimada oo dhawr saxaabi oo kala duwan ay soo weriyeen.

(iii)        Xadiiska xalaalaynta oo Jaabir ku kooban.

(iv)        Xadiiska xalaalaynaya oo laba siyood ku yimi, isla markaa mid qudha in la cuni karo lagu sheegay.

(v)         Culimada cunista hilibka waraabaha diidan oo ku doodaya in ay suurtgal tahay in uu ugaadh noqdo sida riwaayadda hore ee xadiiska Jaabir sheegayso, laakiin aan la cuni karin oo loo ugaadhsan karo tusaale: haragga iwm. Waxana qaarkood leeyahay, madaama uu ogaa Jaabir caadadaas hore ee ugaadhsiga iyo in la cunijirey, nebiguna (صلى الله عليه و سلم) yiri: waa ugaadh in uu ismoodsiiyey oo u qaatay in la cuni karo.

(vi)        Dhurwaaga oo dad iyo duunyoba cadow u ah isla markaana dila.

(vii)      Dhurwaaga oo nooc ay u tahayba bakhitga cuna, cuntadiisna uu aasaas u yahay bakhtigu.

(viii)     Maahmaahda à dhidar xabaalo qufaa qudhun buu uga dhacaa (waraabuhu bakhtiga kuma eka e maydka qudhmay buu xabaalaha kala soo baxaa), isaga ayaana ood qodax leh lagaga oodaa xabaalaha miyiga.

(ix)        Xoolaha xalaasha Ilaah inooka dhigay (geela, adhiga, lo’da iwm) oo hadday nijaasta cunaan hilibkooda, caanahooda iyo fuulaankooda laynka xaaraameeyey (arag xadiiska hoose).

(x)         Dameerka la dhaqdo oo hilibkiisa meelxun joognimo iyo wasakh cun in uu yahay laynooka xaaraameyey, isaga oo aan hilib iyo bakhti toona cunin, e cuntadiisu u badan tahay dhir iyo dhiggisa (gumburi iyo farow) oo xalaal ah oo cuntadu kala soocday.

(xi)        Suurtagalnimada in labada xadiis kale horreeyeen oo kan Jaabir yahay xilligii la cunijirey.

(xii)      Khibradda iyo aqoonta aynu maanta u leenahay wixii sidii Eebbe u abuuray laga duwo dhibka ka yimaada: (xanuunkii waalida lo’da iyo xumaddii shimbiraha). Labadaba waxa sabab u ahaa hilib iyo wax la mida oo aan Ilaah u abuurin baa la siiyey, maantadan la joogana cuduradii ka dhashay dawo ma leh.

(xiii)     Cudurada tirada badan oo halista ah oo laga qaado dhareerka, dhiigga, hilibka iyo dhacaanka dhamaan dugaagga hilibka cuna (hoos ka arag).

(xiv)    Dadka hilibka noocaas ah cuna waxa lagu arkay in ay yeesheen dabeecadihii bahalaha ay cuneen (naxariis darro, damiir xumo, dareen dadnimo la’aan, isudarraan). Tusaaleàdadka doofaarka cuna dabeecadaha qaarkood ka soo baxay waxa ka mid ah masayr la’aanta (doofaarku ma masayro).

(xv)      Diimaha samaawiga ah ee inaka horreyey oo raadka yar oo ka hadhay ina la qabo in aan la cuni karin doofaarka iyo habardugaagga hilibka cuna iyo wixii wasakh lagu tilmaami karo ama quuta (dadkuse dheg uma dhigin e waa cunaan doofarka).

تحريم الجلاله

الجلالة هي التي تأكل الجلة أي العذرة يعني تأكل نجاسة الآدمي وروث الحمير وما أشبه ذلك

فعن ابن عباس رضي الله عنهما قال

«نهى رسول الله، صلى الله عليه وسلم، عن شرب لبن الجلالة»

 رواه الخمسة إلا ابن ماجه وصححه الترمذي.
وفي رواية

«نهى عن ركوب الجلالة»

 رواه أبو داود.
وعن عمرو بن شعيب عن أبيه عن جده رضي الله عنهم قال:

«نهى رسول الله، صلى الله عليه وسلم، عن لحوم الحمر الأهلية وعن الجلالة: عن ركوبها وأكل لحومها»

رواه أحمد والنسائي وأبو داود.

عن ابن عمر رضي الله عنهما قال ( نهى رسول الله صلى الله عليه وسلم عن الجلالة في الإبل أن يركب عليها أو يشرب من ألبانها ) قال الألباني حسن صحيح وحسنه دبيان

عَنْ جَابِرٍ رَضِيَ اللّهُ عَنْهُ، قَالَ : ” نَهَى رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم عَنِ الْجَلَّالَةِ، أَنْ يُؤْكَلَ لَحْمُهَا ، وَأَنْ يُشْرَبَ لَبَنُهَا ” رواه ابن أبي شيبة وحسنه دبيان .
فالنهي ثبت في ركوبها و شرب لبنها وأكل لحمها

Cudurada

Ugu dambaystii waxaynu wax yar ka xusaynaa haddii Alle idmo cudurada ay sidaan naasleyda loo yaqaan carnivors(Feline+Canine+Reptiles) oo weliba dhurwaaga ay u dheertahay in uu ka sii yahay “carrion eater or Scavenger” ama bakhitya hiig (kuwa bakhtiga iyo qudhunkiisa ka nadiifya arlada sida gorgorka), isaga iyo yaxaaskana cuntadooda u badan tahay bakhti:-

Trichinosis, Rabies, Canine distemper, Parvoviruses, Corona viruses, Herpesviruses, Leptospirosis, Anaplasmosis, Anthrax, Feline imunodifiecency virus, Rinderpest, Brucellosis, Trypansoma congolense.

 

Maadaama cudurada “carnivors” laga qaadi karaa aad u tiro badan yihiin oo aan 12 kan ka soo qaaday, waxa waqtigu ii saamaxay cudurka u horreeya keliya (Trichinosis) oo isagu kow ka ah, kuwa hilibka doofaarka laga qaado ayna u badan tahay in uu xaaranimadiisa sabab miisan weyn u yahay. Cudurkan waxa qaba doofaarka (degeljoog iyo duurjoogba) iyo habardugaagga (carnivors), wuxuuna aad ugu dhacaa dadka ku nool dhamaan wadamada aan muslimka ahayn oo doofaarka cuna (Christian) iyo dadka kiristaanka ah oo ku nool wadamda muslinka ah. Wuxu kale oo si halis ah ugu dhacaa wadamada cunista doofaarka ay u dheertahay cunista “carnivors”ka, sida eyda, bisadaha, dawacada, golida, madaxkutida, yeyda iyo wixii la hal maala, kuwan dambe wadanka China ayaa kow ka ah.

 

Si aynu aqoonta jirta uga faaiidaysano, maadama aan cudurka u horreeya uun waqti u helay, waxan soo ururiyey baadhitaaano kala duwan oo dad khubaro cudurada xayawaanka ku ahi si teel teel ah u sameeyeen 50 sano ee dumabeeyey (1959-2011), kuwaas oo aan ku soo daray kuwa u gaar ah Afrika oo ku jiraan wadamada aynu dersika nahay. Qaaradda Afrika: waxa la baadhay dugaaga ku nool meelo ka mid ah 9 dal oo afrikada madow ah (Congo, Ethiopia, Kenya, Zimbabwe, Namibia, South Afrika, Tanzania, Mozambique iyo Senegal). Doofaarka marka laga reebo dhamaan dugaaga la baadhay waa naasley weliba bahda “carnivors” oo ay ugu itaal yaryihiin dawacada iyo golida, libaaxuna u weyn yahay. Dhamaan noocyadi la baadhay cudurka  “Trichinosis” waa laga helay.

Waraabaha haddaynu gaar u eegno, wadamada waraabaha ku nool la baadhay waxa ka mida Congo-kinshasa, South Afrika, Kenya, Namibia iyo Tanzania. Shanta dalba waraabihii la baadhay waxa laga helay Trichinosis. 

Waxan naasley ahayn oo iyana khubaradu derseen isla markana laga helay Tirchinosis Yaxaaska iyo nooc mansacagaleyda ka mida oo isna hilibka iyo bakhtiga cuna oo ku nool saddex wadan oo ka mid ah kuwii duurjoogtooda la baadhay (Ethiopia, Mozambique iyo Zimbabwe). Waxa xusid mudan in ay jiraan culimo islaam ah oo ku doodaya in yaxaasku xalaal yahay, maadaama uu biyo ka soo jeedo. Laakiin, yaxaasku waa hilib ku nool, wuxuuna si xoog leh u cunaa bakhtiga. Isla markaa cudurada wuxu kala mid yahay dugaaga kale ee hilibka iyo bakhtiga cuna, dadka soomaaliyeedna waxan ku waanin lahaa in layska jiro.

 

FG. Qofkii aad u danaynayaa wuxu baadhitaano dhaxal gal ah ka helayaa:

-          Journal of wild life diseases

-          Journal of Zoo and wild life medicine.

-          WWW. The Trichinella.org

-          Veternary parasitology iyo kuwa la midka ah oo aad u fara badan.

References (ku kooban Trichinosis)

Appleyard, G.D., Conboy, G., Gajadhar, A.A. (1998). Trichinella spiralis in sylvatic hosts from Prince Edward Island. Jour. Wildlif. Diseases, 34, 58-160. 

Begoña López Hernández,  M.ª Teresa Gea Velázquez de Castro, M.ª Dolores Galicia García, Jose Carlos Sabonet  (2000).  Brote epidémico por trichinella britovi en granada durante la primavera del 2000. Rev.Esp. Salud Publica v.75 n.5 Madrid set.-oct. 2001.

Kim, W.C. (1983). Epidemiolgy II. Geographic distribution and prevalence. In: Cambell, W.C. (Ed), Trichinella and Trichinosis, Plenum press, New Yorkand london, pp 445-500. 

Liu, M., Boireau, P. (2002).  Trichinosis in China: Epidemiology and control. Trends Parasitol. 18, 553-556.

Nelson, G. S., (1970). Trichinosis in Africa. In: Gould, S.E. (Ed.), Trichinosis in man and animals. Charles C. Thomas Publisher, Springfield, Illinois, PP473-492.

Nelson,  M., Wright, T.L., Pierce, A., Krogwold, R.A., (2003). A common-source outbreak of Trichinosis from consumption of Bear meat. Jour. Environ. Health 65 (16-19), 24.

Ozeretskovskaya, N.N., Mikhailova, L.G., Sabgaida, T.P., Dovgalez, A.S. (2005). New trends and clinical patterns of human Trichinellosis in Russia at the beginning of the XXI century. Vet. Parasitol., 132, 167-171.

Polley, WL., Gaschler, C., Gajadhar, A., (2000). National occurance reporting of Trichinella and Trichinellosis using a compturized  data base. Vet. Parasitol. 93, 351-363.

Pozio, E., Verster, A., Braack, L., De Meneghi, La Rosa . G. (1994). Trichinellosis south of the Sahara. In: cambell, C.W, Pozio E., Bruschi. F. (Eds.). Trichinellosis. Instituto Supriore di sanita press, Rome, Italy, pp. 527-532.     

Pozio, E. ; De meneghi; Roelke-Parker, M. E.; La Rosa, G. (1997). Trichinella Nelsoni in carnivores from the Serengeti ecosystem, Tanzania. Jour. Parasitolgy 83, 1195-1198. 

Pozio, E., Foggin, C.M., Marucci, G., La Rosa, G., Sacchi, L., Corona, S., Rossi, P., Mukaratirwa, S. (2002). Trichinella Zimbabwensis n.sp.(nematoda), a new non encapsulated species fronm corocodile in Zimbabwe also infecting mamals. Int. Jour. Parasitol. 32, 1787-1799.

Pozio, E., Foggin, C.M., Gelanew, T., Marucci, G., Hailu, A., Rossi, P., Gomez Morales, M.A. (2007). Trichinella Zimbabwesis in wild reptiles of Zimbabawe & Mozambique & in farmed Reptiles of Ethiopia. Vet. Parasitol. 143, 305-310.

Pozio, E. (2007). World distibution of Trichinella spp. Infections in animals and humans. Vet. Parasitol. 149, 3-21.

Rausch, R.L. (1970). Trichinosis in the artic. In: Gould, S.E. (Ed). Trichinosisi in man and animals. Charles C. Thomas Publisher, Springfield, Illinois, pp 348-373.  

Roy, S.L., Lopez, A.S., Schantz, P.M., (2003). Trichinellosis surveillance-United States, (1997-2011). MMWR Survaill. Summaries 52, 1-8.

Sachs, R. (1970). Zur Epidermiologie der Trichinellose in Afrika. Zeitschrift fur  Tropenmedizin und parasitologie. 20, 117-126.

Takahashi, Y., Mingyuan, L., Waikagul, J., (2000). Epidemiology of Trichinellosis in Asia and Pacific Rim. Vet. Parasitology, 93, 227-239.

Wang, Z.Q., Cui, J., Xu, B.L., (2006). The Epidemiology of Human Trichinellosis in China during 2000-2003. Acta.Trop. 97, 247-251.

Young, E. & Kruger, S. P. (1967). Trichinella Spiralis (Owen, 1935) Railliet 1895. Infestacion of wild carnivores and rodents in South Africa. Jour. South. Afr. Vet. Med. Assoc. 38, 441-443.

Young, E. & Whyte, I. J., (1975). Trichinosis (Trichinella Spiralis infestations) in wild animals of the Kruger National Park. Jour. South Afr. Vet. Assoc. 46, 233-234.  

 Zimmermann, W.J. (1970). Trichinosisi in the United States. In: Gould, S.E. (Ed). Trichinosisi in man and animals. Charles C. Thomas Publisher, Springfield, Illinois, pp 378-400.

Dr. Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish).


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

ciidan-300x168 Ciidamo ka goostay Puntland oo tagay Laas-caano “Daawo Video”
- Jul 29, 2014
Ciidamo ka tirsanaa Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool, waxayna ...
Xingalool Khudbadihii la jeediyay Ciida VIDEO Xingalool Khudbadihii la jeediyay Ciida VIDEO
- Jul 29, 2014
Magaalada Xingalool ee Gobolka Sanaag ayaa ciidii Salaad waxa Shacabka la Tukaday Culumada Magaalada, ...
Galaydh oo Qiray inay Baabuurkiisii Somaliland Qabsatay VIDEO Khaatumo:- “Cali Galaydh Colaada Carruurtayadaanu ku Ababin” VIDEO
- Jul 29, 2014
Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh ayaa Hadal uu ka jeediyay Degmada Saax-dheer  ku sheegay inay ...
qardho Puntland:- Adhi Quruuruxiso Kama Il-Baxo!!
- Jul 29, 2014
Xubno ka tirsan Gollihii Samata bixinta Puntland ee uu horey uga mid ahaa Madaxweyne ...
test6 Hayland:- oo lagu soo dhaweeyay Afhayeenka Baarlamaanka PL +Sawiro
- Jul 29, 2014
Afhayeenka Baarlamaanka PL Siciid Xasan Shire ayaa gaadhay Xarunta G.Hayland ee Dhahar,waxana soo dhaweeyay ...
DSCF7740 Puntland:- Shire oo Gaadhay Hayland
- Jul 29, 2014
Gudoomiyaha Baarlamaanka PL Siciid Xasan Shire ayaa   si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada ...