Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! codkaaa Puntlandrise.com

Shariif Axmed oo La Kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Xili Barri loo Dareerayo Doorasho

Muqdisho:(GalGalanews) Waxaa xalay kulan wada yeeshay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro.Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ee  Sheekh Shariif  Sheekh Axmad.

Kulanka oo ka dhacay aqalka uu ka daganyahay gudoomiyaha magalaada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa ahaa mid looga hadlaayey sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka iyo sidii loo dhammeystiri lahaa hawsha sida wanaagsan u socota.

Ugu horeyn kulanka ka dib waxaa saxaafadda la hadlay Sheekh Shariif waxa uuna sheegay in uu ku faraxsanyahay in ay kulan wada qaataan gudoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif waxa uu sidoo kale sheegay in Jawaaari ay ka wada hadleen sidii ay uga wada xaajoon lahaayeen in wax waliba ay ku dhammaadaan sidii loogu talagay, maadaamaa wadanka haatan uu ku jiro marxalad adag.

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sidoo kale la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay Madaxweyne Shariif ay kaga arinsanayeen xaaladda dalka .

Sidoo kale Jawaari ayaa qiixay in shaqada baarlamaanka aan loo hakin doonin xildhibaanada ka maqan ee aan weli la soo gudbin isagoona ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gudbiyo.

Si kastaba ha ahaatee waa kulankii ugu horeeyey ay wada yeeshaan gudoonka baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ee Sheekh Shariif


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

reer bari Reer Bari oo Codsanaya in Culayska laga dul-qaado
- May 15, 2015
(Bosaso-Galgalanews) Ganacsada & Siyaasiyiinta ka soo jeeda G.Bari ayaa codsanaya inay Dowlada Pl dib ...
usa USA:- Kenya Looma Safri karo (Khadar Amaan daro)
- May 15, 2015
(Washington- Galgalanews) Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa uga digtay Muwaadiniintooda  inay khatar ...
badhan Sanaag & Hayland oo laga Hadlay
- May 15, 2015
Baaq la soo gaadhsiiyay Galgalanews.com ayaa lagu bogaadiyay horumarka dhinac kasta leh ee ka ...
thumb.php Qoorsheel & Galaydh oo Muqdisho War ka soo saaray (DHEGAYSO)
- May 11, 2015
Xildhibaano iyo Siyaasiyiin sheegay in matalaaan maamulo ay ku sheegeen, Khaatumo ,Awdal state, Maakhir ...
Somaliland celebrates 20 years of independence and calls fo recognition from UK Somaliland Wararkii ugu danbeeyay ee Mudo Kordhinta DHEGAYSO
- May 11, 2015
(Hargaysa-Galgalanews) Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (CIRRO) ayaa sheegay in aanay aqbali ...
IMG_2101-450x300 Ku Xigeenka Puntland oo Safaradiisii soo Afmeeray (Sawiro)
- May 10, 2015
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa gelinkii dambe ee ...