Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Shariif Xasan “Aniga Shariif Axmed Ayaa Taago ii Dhigay Laakiin Aniga Waan Teegeerayaa”

Muqdisho:(GalGalanews) Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hada kusugan Xaflad balaaran oo lagu taageerayo Musharaxnimada Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Xasan ayaa hada Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Xaflada Sheekh Shariif lagu taageerayo waxa uuna muujiyay Taageerada uu u hayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uuna Shariif Xasan Xuldhibaanada Soomaaliyeed ka codsaday in Maalinta berito ah codkooda siiyaan ay u codeeyaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Musharax u taagan Xilka Madaxweyne.

Shariif Xasan waxa uu tilmaamay in Sheekh Shariif Saaxiibo yihiin uuna ku jeclaa arimo badan balse uu sheegay in mararka qaarkood taago isku dhigi jireen balse aysan ku dheeraan jirin.

‘’Aniga waxaan u taagna in aan Isku sharaxo Madaxweyne hasa ahaatee Sheekh Shariif ayaa taago ii dhigay aniga taako ma u dhigaayo laakin aniga Taageeradeeda 100%100 waa Sheekh Shariif waana dooranaya xildhibaanada waxaan ka codsanayaa in ay doortaan ‘’ ayuu yiri Shariif Xasan oo faraxsan.

Waxa kale uu intaaaku daray Shariif Xasan in Shariik Sheekh AXmed uu muteestay in la tagaeero sidaana uu ku taageerayo Madaxweynaha in mar kale la doorto uuna yahay nin ku haboon heebad u leh karaamadeedana leh in Sheekh Shariif uu dalkla sii Hogaamiyo.

Xaflada ayaa ah mid aad u balaaran waxaana hada Khudbad ka jeedinaya Madaxweyne Sheekh Shariif oo dhankiisa ka hadlay aya amaany Shariif Xasan waxa uuna sheegay in ay yihiin Nin saaxiib ah hadii ay isqabtaana ay heshiis ku yihiin in aysan lafaha iska tumun ee is garab qabtaan.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (1)

  1. M Abdi says:

    War nimanyohow hadalka hadii aydaan aqoon ceeb maaha ee dadka weydiiya, Kelmada “Taago” aad ku sheegteen maaha sidaas ee waa “Taako” waa kelmad koonfurta laga isticmaalo, tusaale: Xaawo Taako, Taako u dhig gaariga amd iga daa Taakada. Kelmada macneheedu waxa weeye (Hakkin) Taakada iga daa,= Hakkinta iga daa….. Laakinnse sida uu u qiyaasay qofka maqaalkan qoray oo ku sheegay kelmada “Taago” waa arin qaldan,,,,,,