Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xildhibaanada Reer Maakhir inay Taageeraan Mr Cosoble Waa Gees-Martay [Faallo]

Muqdisho:(GalGalanews) Boqolaal Somaliya ayaa u sharraxan jagada madaxweynaha Somaliya. Intii barlamaanka ku-sheegyadii la dhoobdoobay burburkii dowaladdii dhexe ka dib, doorashadu waxay ku tiirsanayd saddex udub: 1) laaluush, 2) Qabyaalad, iyo 3) taageerada Ethiopia.

Saddexdaa ninkii isku darsada(illeyn Somaliyi dumar ma dooratee) ayaa madaxweynenimada ilaa iyo hadda helayey.

Laaluush iyo qabyaaladii waa halkoodii. Laakiin,waxan la hubin xubintii Ethiopia inta saameynteedu le’egtahay. Waxayba u egtahay in halkii Ehtiopia ay buuxiyaan Uganda ama Kenya ama labadoodu isku dhafan, Mahigana gacanta haya.

Si kastaba ha ahaatee, dadka xilligan sharran waxa ugu cadcad xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ka soo jeeda Cadale.

Xidhiidhka labada waaxood ee Warsangeli ee kala dega Laasqoray iyo Cadale ayaah ah mid aad iyo aad loo hagraday. Weliba ay si wannaagsan u hagradeen reer laasqoray oo aan marnaba muujin usku duubmi hadaf iyo qorshe siyaasadeed, mar kastana dadka gobolka degaa u muuqdaan kuwaa aan Ilaahay ku mannaysan iney meel fog wax ka eegaan. 1960kii, kolkii la asaasay barlamaankii soomaaliyeed ee ugu horreeyey, dad ay ku jiraan Cabulqaadir aabihii iyo waxgarad kale oo reer cadale ah ayaa la kulmay labadii nin ee ka socdey maakhir una soo jeediyeyiney iney iskaashadaan. Labadii maakhir ka socdey oo mid walbi dantii barlamaanka ugu jirey,taladii reer cadale ma soo dhoweyn, xidhiidhkii labada walaalna sidaasuu ku hagaasay.

Inastoo ay dhowaanahan jireen dhaqdhaqqqayo a isugu soo dhowenayo eerka haddana weli xidhiidhka labada waaxood waa kala fogyahay. Markastana waxa dibudhaca loo xagliyaa kala daadsanaanta laasqoray.

Inta badan, codka maakhir wuxu ku xidhnaa hartinimo iyo sheeka xarriirro kaloo reer maakhir codkooda lagu kasbaday. Kolkan Hartinimadii waxa ka soo soka maray walaalnimo. Haddaba, si loo dardar geliyo xidhiidhka walaatinimo ee reerka, waxan soo jeedinaya in xubnaha maakhir ay taageeraan Mr. Cosoble. Xubnahan cusubina aaney marin waddaddii kuwii hore oo gobolkey ay ka yimaadeen dhexda u xidhtaan. Ogow, codbixinta xubin kasta waa la ogaan, dadkana waa loo soo bandhigin.

 

 

Qalin-Jaan

 jstice2009@yahoo.com

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


You must be logged in to post a comment.

Garowe1daLuulayo4 Madaxtooyada PL oo Xalay iftiinku Ka Maqnaa
- Sep 14, 2014
Garoowe( Galgalanews) Biilashii Biyaha, Laydhka iyo Adeega Kale ee Madaxtooyada PL ayay kala siman ...
gaas Puntland oo Cafiday Rag Dil Ajaanib Hore u Gaystay
- Sep 14, 2014
Garoowe( Galgalanews) Wararka aanu helayno baa sheegaya in Dowlada Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ...
calanka Pl Puntland:- Warmooge
- Sep 13, 2014
War-hooy Dadkaygow Laba Daan Dhexdoodiyo Dalqo Bahal Qof Galayoo Dirqi iyo Tu'Fool Adag. Dibaddowga Soo Baxay Halkii Shalayto lagu ...
abwaanka Garoowe:- COD Sir ah oo Madaxtooyada Puntland laga Duubay DHEGAYSO
- Sep 13, 2014
Garoowe( Galgalanews) Saraakiisha Madaxtooyadda Puntland ayaa Maanta Abaara Lixdii Subaxnimo dhanka Woqooyiga America Saacaduna ...
deked Bosaso Puntland:- Reer Bari oo in la Qanciyo Doonaya
- Sep 13, 2014
Bosaaso( Galgalanews) Guux Siyaasadeed oo Baahsan baa ka dhex jira Magaalada Bosaaso ee isha ...
eng siciid ciid Puntland:- Eng Siciid Ciid oo Sharaxan
- Sep 13, 2014
Bosaaso( Galgalanews) Eng Siciid Ciid Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha PL ayaa Sharaxan Markii ...