Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxaa Dadka Puntland kala Gudboon Hirgelinta Nidaamka Xisbiyada Badan?

Marka Hore Mahad oo dhan eebe ayey u sugnaatay kaas oo noo suura geliyey inuu aduunka nagu abuuro isla markaana nasiiyo caqli iyo waayo aragnimo aan wax ku garano, Intaa kadib waxaan doonayaa inaan Maqaalkan Gaaban aan kaga hadlo faaidoyinka iyo wax yaabaha laga dhaxli karo nidaamka axsaabta badan ee laga hir-geliyey degaanada Puntland, Dadka diidan Nidaamkaas, Sababaha ay u diidan yihiin iyo waxa ay ka aaminsan yihiin Shacabka Puntland intooda badan,

Bulsha-weynta ku dhaqan Gobaladda Bari, Mudug, Sanaag, Nugaal, Sool iyo Koonfurta Togdheer (Buhoodle) ee isir wadaaga ah ayaa sanadkii 1998 isla gartay inay Maamul u samaystaan degaanadii ay deganaayeen maadama ay burburtay dawladii dhexe ee Somaaliya aysana rajo dawladnimo kasoo Muuqan dalka intiisa kale, Asaaskii Puntland ayaa ahaa mid ay mahadsheen dadweynaha  Puntland iyo Guud ahaan kuwa Somaaliyeed maadama ay usoo qaxeen kuna badbaadeen dadweyne aad u fara badan oo kasoo qaxay gobalada kale ee dalka, Hogaankii ugu horeeyey ee Puntland waxaa noqday  Allaha Janadii ka waraabiye Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxayna balantu ahayd inuu Madaxweynuhu Hogaanka Puntland hayo Mudo 3-Sano (Sadex Sano) mudadaasna uu dalka ka hirgeliyo Amaan , Maamul dawladnimo uuna dalka u sameeyo dastuur kuna soo dabaalo nidaamka axsaabta badan,  Markii uu dhamaaday wakhtigii loo asteeyey dawladii Madaxweyne C/llaahi waxa uu wakhtigeedii dhamaaday iyadoo Dalka ka hirgelisay nidaam iyo kala dambayn aad u wanaagsan hase ahaate ku guul daraysatay inay dalka u samayso dastuur lagaga gudbo wax qaybsiga beelaha ee ay dadka badan cadaalad darada ka tirsanaayeen sababo kasta haw suuro gelin waayeene,

Dawladii Madaxweyne Yuusuf waxa ay codsatay in loogu daro 1-sano si ay u dhamaystirto wax yaabihii loo igmaday ee usoorobi wayey mudadii uu wakhtigeedu ahaa hase ahaate taasi ma dhicin waxaana hor istaagay siyaasiyiin markaas u hanqal taagayey kursiga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxayna Puntland lugaha lagashay qalalaase iyo iska hor-Imaadyo ay ku dhinteen dhalinyaro reer Puntland ah wakhti kadib ayey Madaxweyne Yuusuf iyo Madaxweynihii hore ee Puntland General Cadde Muuse oo hogaaminaayey Jamhadii Mucaaradka ku ahayd Dawladii Madaxweyne Yuusuf ay ku heshiiyeen inay dalka nabadiisii ku soo dabaalaan lana dabar qabto jiritaanka Puntland heshiiskaas ayaa waxaa ka danbeeyey indheer garad reer Puntland ah iyo waliba kuwo Somaaliyeed waana xaqiiq in lagu caanamalay heshiiskaas,

Dawladii ka danbysay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Waxaa hogaanka u qabtay General Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) waxayna sidoo kale balantu ahayd inuu xilka hayo Mudo 3-sano ah (Sadex Sano)mudadaasna uu dalka u sameeyo dastuur isla markaana uu hirgeliyo nidaamkii xisbiyada hase ahaate Madaxweyne Cadde Markii uu wakhtgiisu dhamaaday waxa uu ku dooday inuu wakhtigiisu yahay 4-Sano Sidaasna ay Ku heshiiyeen Madaxweyne Yuusuf Markii ay heshiiska nabadeed wada galeen,  dadka Puntland in badan oo kamid ah way ka xumaadeen mudo kororsiga Madaxweynaha  Maadama xiligaa Puntland ay ka jirtay amaandaro baahsan iyo kala daadsanaan dhanka Maamulka ah waxaana siyaasiyiin badan laga dareemayey guux fara badan balse dadka Puntland oo ka dheregsanaa dhibaatadii ka dhalatay ka hor imaadkii Maamulka ayaa u samray Mudadii gaabnayd ee uu Madaxweynuhu sheegay inuu wakhtigiisu ku egyahay

Mudadii uu Xilka Hayey Madaxweyne Cadde Muuse waxa uu dhanka Dimquraadiyenta ka qabtay wax yaabo lagu amaani karo sida diyaarinta dastuurka Puntland walow aysan xukuumadiisii u suuro gelin inay hirgeliso dastuurkaas wakhtiga oo gaabnaa awgeed hase ahaaate waxaa dastuurka lagu qoray in ay xukuumada ka danbaysa oo wakhtigeedu noqonaayo  5-Sano (Shan Sano) ay dhamaystirto wax yaabaha dhiman,

Madaxweynihii 3-aad ee Puntland ayaa waxaa noqday Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo Gudoomiye u ahaa koox Musharixiin ah oo la baxday isbadel doonka Puntland , Madaxweyne Faroole ayaa balan qaaday markii uu doorashada galaayey inuu dalka ku soo dabaalo nidaamka axsaabta  badan uuna hirgeliyo dastuurka Puntland isagoo dib u eegisna ku samayn doona , Markii ay xukuumada Madaxweyne Faroole xilka la wareegtay xaqiiqdii waxa ay wajahday Mar xalad adag oo ay dalka uga tagtay xukuumadii ka horaysay  waxayna shaqada Maamulka ka bilowday halkii ugu hoseysay maadama aysan dawladii ka horaysay uga tagin wax la taaban karo marka laga reebo Miisas iyo Dhismayaal xafiisyo iyo waliba dayn aad u fara badan,

Amaanka Puntland ayaa ahaa Mid fara ka-bax ah, Ciidamadii Puntland noocay donaanba ha ahaadeene oo noqday kuwo meesha ka baxay markii ay wayeen xaqoodii Mushaar qaarkodna waxaaba wadooyinka u yaalay Isbaarooyin Sharci daro ah oo ay dadka ku dhibaateyn jireen, Shaqadii Hay’adaha xukuumada oo ahaa kuwo fadhiid ah, waxaa dalka ku sugnaa Burcad Badeed kaba talinaysay qaar kamid ah Magaaloyinka ugu Muhiimsan Puntland, Kooxo Hubaysan oo doonaayey inay dalka xoog kula wareegaan oo Mudo 5-Sano ah isku urusanaayey qaybo kamid ah dalka  markii danbena dagaal balaaran ku soo qaaday dawlada walow ay dawladu ku guulaysatay inay dalka ka difaacdo kooxahaasi, Maciishada ayaa taagnayd halkii ugu saraysay waxaana jiray sixir barar aad u baahsan, Gudaha Puntland ayaa ninkii doonaa ku daabacanaayey Lacago Shiling Somali ah oo been abuur ah, Hay’adhihii caalamiga ahaa oo gabi ahaanba ka Maqnaa Puntland markii afduubasho joogto ah loo geystay shaqalohoodii amaankoodina khatar galay,

Iyadoo intaas oo dhibaato ah iyo in kabadanba ay dawladan haatan talada haysaa la tacaalaysay ayaa hadana waxa ay ku guulasatay inay kamira dhaliso Mahigii umadda Puntland ee ahaa inay mar un arkaan iyagoo si toos ah u dooranaaya ruux ay doonayaan inay talada wadankooda ku aaminaan, Xukuumada Puntland ayaa Magacawday Gudiga Doorashooyinka Puntland, Wuxuuna Gudigaasi ku guulaystay inuu afti kooban u qaado dastuurka Puntland isla markaana uu diyaariyo xeerarkii doorashooyinka iyo Golayaasha degaanka oo ay doorashadoodu ugu soo horayso kadibna waxaa la fasaxay furashada ururadii Siyaasada oo horaanta sanadka soosocda u tartami doona Doorashooyinka Golaha Degaanka kadibna ay sadex urur ee ugu codka bata  isku badali donaan sadexda Xisbi Siyaasadeed ee Puntland  kuwaas oo u tartami doona Golayaasha Wakiilada Puntland xisibiga ugu codka bata Golayaashaas ayaana soo dhisi doona xukuumada Puntland hogaamin doonta 5-Sano ee ka danbaysa 2014 oo la rajaynaayo inay dhacdo doorashada Baarlamanka iyo tan Madaxweynaha,

 

 Habda Maxaa nagala Gudboon  hir-gelin Nidaamkan?

Saan filaayo waan ka wada dheregsanahay faaidada uu dalka u leeyahay Nidaamkan Siyaasadeed ee axsaabta badan oo la Hubo hadii uu hirgalo inay Puntland noqon doonto Bugcad ka ifta Mandaqada ay ku Taal maadama ay noqon doonto Maamulkii ugu Horeeyey ee aaminsan Midnimada umada Somaaliyeed ee Hirgeliya nidaamkan ,

Waxaa Hubaal ah inay Jiraan Siyaasiyiin mudo dheer ku soo jirey Siyaasada Puntland oo doonaya inaysan nidaamkan ku talaabsan Puntland iyagoo ka eegaya danahooda gaar’ahaaneed maadama aysan qaarkood sumcad wanaagsan ku lahayn Gudaha bulshada Puntland aysana rajanayn hadii uu dadku wax doorto in iyagu ay doorashada ku soo baxaan taasna waxay ka talo bideen in ay Puntland sideedii hore kusii jirto si ay u doortaan Baarlaamanka 66-xildhibaan ah ee ay dad badan aaminsan yihiin in ay wax ku doortaan Laaluush , Musuqmaasuq iyo waliba kooxaysi, Siyaasiyiintan ayaa doonaya inay si khaldan wax ugu fasiraan Dadweynaha reer Puntland  iyagoo ka dhaadhicinaaya wax yaabo aan meeshaba ku jirin sida Mudo kororsi ay ku eedaynayaan xukuumada iyo IWM, Balse dadka Puntland ayaa u muuqda kuwo u bisil inuu wadankoodu galo mar xalad kaduwan tii uu kusoo dhaqmaayey 15-kii Sano ee ay Puntland Jirtey, Waana xaqiiq inuu qof kasta oo reer Puntland maanka ku hayo inuu ka qayb-qaato Isbadelka la doonaayo inuu ka hirgalo puntland,

Maahan Dadka Puntland inay caadifad qabiil ku taageeraan Shaqsi aan u danaynayn Mustaqbalkooda iyo Mustaqbalka caruurtooda toona maadama kuwo iminka doonaya inay dadka wax ku shubaan  iyagoo adeegsanaya wado qabiil ay yihiin rag ay wada garanayaan dadka Puntland iyo heerka ay gaarsiisantahay sumcadooda bulsho, xaqiiqdii Puntland waxay iminka u baahan tahay inay la jaanqaado isbadelada Mandaqada kasocda, Puntland waxay u baahantahay  in hogaanka loogu dhiibo Maskax Cusub oo dhaqaajin kara hamiga umadda Puntland lana tartansiin kara umadaha dhigeeda ah taasna waxaa lagu heli karaa iyadoo dadka gacanta loo geliyo talada dalka ayna dadku toos u doortaan cida ay u gartaan inay danteeda ka shaqaynayso,

 

Allaa Mahadleh.

 

W.Q:- Mukhtaar Cabdi Faarax

E-mail:- kaamil571@gmail.com

Tell:-  +25290470233

Bosaaso-PL-Somaaliya


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (5)

  1. YYK says:

    ilaahow puntland samata bixi anigau anoonan cidna caayayn waxaan oran lahaa hal sano oo faroole loogu daro iyo dhib dagaal qalalaase aan kala dooran waa iska cadahay hal sano oo faroole loogu daro inaysan waxba naga dhimayn waliba halkaas sano kadib aad adiga shacabkaa wax dooranaysid shacabka puntland dantiina garta somalia koofurta somalia maanta nabad ayaa kasoo ifaysa marka puntland in ay hadda dagaal qabiileed gasho waa arin aan laqaadan karin marka rer puntland dalkiina badbaadsada

  2. Maxamed says:

    War anigu waxaan dhihi lahaa war reer qardhodow dantiina garta ina siciid samatar faiido iidin maahayo waa ma dhaaleys xilku doon ah reer qardhood

  3. wax garad says:

    sxb mukhtaar cabdi faarax waxaan ku sheegaya dadka maqalkan akhrisanaya ma ahan caruur marka hore waxaa sheegtay dhaliilihii maamulkii cadde muuse waa wax saxa aadba buunbuniside,balse sxb maqaalkani ma ahan mid cilmiyeysan waayo maamulka cadeer xilka hayo lagama sheekaynaayo mana soo kordhinayso wax khasaaro ah dhaliishooda oo aad ka tagto waayo anaga ayaaba joogna oo aragna oo markhaatiya ,teeda kale dadka danaha gaarka wata marka aad leedahay war cabdulaahi siciid hadii uu nin xunyahay ma waxaan leenahay c.laahi dartii xaqiini uga taga teeda kala parlamaanka aad leedahay laaluush ayuu wax ku doorta waa parlamaanka doortay madaxweyne faroole haddaba marka uu dambaysa waxaan aad ugu xumahay in webkaan aadka uu weyn loo ogalaado in lagu daabo maqaal aan macno ku fadhiyi sxb ilaahay waa uu ku waydiin doona maqaalkan maalinta maxsahrka anigu c/laahi amaani maayo faroolana caayo maayo balse sxb maqaal kala oo aan xamaasad iyo qabyaaldi ku jirin dib usoo qor adiga danta dadka dalka uga hadlayo eebawayne dartiisna usoo qoraya ,allaha towfiiqda na waafajiyo putland allaha dhowr nabdiiiiiiiiiiiiiiiino

  4. “wiil mudug” kan ku qaraabanaya war fuleynimada iska daa doqonyahow waan hubaa inaad tahay isla kan maqaalkan sooqorey oo marna iska dhigaya inuu Boosaso kasoo direy marka kalena qoraalkiisa comment ku dhiibanaya magaca “wiil mudug”, waxaa tahay ilma ina faroole oo naflacaari noqdey markey puntland fashil u horseedeen hadana raba iney god ku aasan badow foqol badow.

  5. wiil Mudug says:

    Waxaa la gudboon inay dadka Puntland dantooda gartaan meela uga soo wada jeestaan fidnada uu wada odayga Madhalayska ah Ina siciid samatar oo aan dan iyo heelo ka lahayn umadda Puntland


Comments are closed.

aas Puntland:- DHEGAYSO Khudbadii Madaxda ee Safarkii Garaad Saleebaan
- Jul 26, 2014
Madaxweynaha PL iyo ku Xigeenkiisa ayaa hadal ka jeediyay Madaxtooyada markii lagu soo dhaweeyay ...
7 Badhan:- Hay’adda Adeso oo Maxaabiis ku Wareejisay Gogol +Sawiro
- Jul 26, 2014
Puntlandsun.com Hay’ada Adeso ayaa  Gogol Gudoonsiiyay Maxaabiista ku jirta Saldhiga Dhexe ee degmada Badhan, Agabkaasi ...
saleebaan “Garaad Saleebaan Khaatumo Waa dhalanteed”DHEGAYSO
- Jul 26, 2014
Puntlandusn.com Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa Maanta  Julay 26-2014- Gaadhay Caasimada PL ee Garoowe waxana ...
saleebaan Puntland:- Garaad Saleebaan oo Gaadhay Garoowe +Sawiro
- Jul 26, 2014
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Isimadda Sool,Sanaag iyo Cayna ayaa waxaa ...
daad Midnimadu Waa Furaha Nabadda iyo Cadaaladda Waana Cadowga shaydaanka
- Jul 26, 2014
 Waxaan ku Bilaabayaa Magca Alle ee Naxariis oo dhan Iska leh.   Qisadii Allah swtc inooga ...
cashara sawir fiican Shirka Xingalool oo laga hadlay DHEGAYSO
- Jul 24, 2014
Puntlandsun.com Cawad Axmed Cashara ayaa taageeray Shirka Degmada Xingalool loo Balansanyahay dhawaan waxa uu Shirkaasi ...