Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Puntland Diyaar Ma U Tahay Xisbiyo Q. 2aad

Muqdisho:(GalGalanews)  Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh

Waxaan qormadii hore kaga hadalnay dawladdii ama maamulkii nidaam axsaab ah raba inuu asaaso inay muhiim tahay in maamulkaas ama dawladdaasi leedahay laba arimood oo ah ciidan u xilsaaran nabadda iyo inaan cidkale oo hub haysataa jirin oo aan ka ahayn cidankaas. Waxaa fiiro mudan qodobka 45aad firqadda 4aad ee dastuurka puntland (4) Waxaa reebban xisbiyada iyo ururrada leh muuqaal ciidan ama qabiil. [Qormadii Hore Akhriso]

Waxaa marka fiirin mudan dhacdooyinkii ka dhacayey gudaha puntland ee ufayn, rako raaxo, qardho, iyo gaalkacyo. Dhacdooyinkaasi dhammaantood waxay ahaayeen dhacdooyin dhex maray shicibka reer puntland, waxaana laysu adeegsanayey hubka noocyadiisa kala duwan; arintaasi waxay muujinaysaa inuu jiro hub aan ahayn hubka ciidanka amniga iyo difaaca oo shicibka gacantiisa ku jira.

Waxaa kaloo milicsi mudan dhacdooyinkii dhuudo, alxamdulillaah, majiyahan iyo garsoor dhacdooyinkaas oo ahaa kuwa dhexmaray maamuladii AUN Cabdillaahi Yusuf, Cadde Muuse iyo Cabdiraxmaan faroole iyo shicibka reer puntland; arintanina waxay muujinaysaa inuu jiro hub aan ka ahayn hubka ciidanka amniga iyo difaaca ee ku jira gacanta shicibka.

Waxaa kaloo fiiro mudan in lakala ogaado saha iyo culayska ay kala leeyihiin dhacdooyinka salka ku haya is afgaranwaa dhex mara maamul iyo shicib sida majiyahan, jariiban iyo garsoor. shicib iyo shicib sida ufayn, rakoraaxo, gaalkacyo iyo qardho, iyo is afgaranwaa ka dhasha siyaasad oo laysku qabsado maamulka ciddii hogaanmin lahayd sida AUN Cabdullaahi Yusuf iyo Jaamac Cali Jaamac.

Waxaa kaloo fiirin mudan doorashooyinkii lixdameeyadii soo maray Somaliya, waxaa dhici jirtay in magaalooyinka waa wayn loo soo daabulo dad si ay uga codeeyaan dadkaasoo deganaa magaalooyin kale ama tuulooyin; waxaana ka dhalan jiray is qabqabsi isu bedela in gacanta laysula tago iyadoo la isticmaalayey bakoorado, ulo, tooreeyo iyo wax alla waxii gacantu haaban kartay oo dhagaxu ka mid ahaa. waxaana arintaas masuul ka ahaa tirokoob la’aanta, maantana booskii burarka, bakooradaha waxaa inoogu jira hubka noocyadiisa kala duwan oo baskooladdu u yartahay kaaruhuna u wayn yahay.

Waxaa kaloo fiirin mudan in gobolada Puntland ka kooban tahay 8 gobol oo kala ah gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Mudug, Heylaan iyo Sanaag sida xeerka puntland qorayo, goboladaas oo leh degmooyin tiradoodu tahay 37 degmo. Qodobka 3aad ee dastuurka puntland firqada 8aad xarafka qeexayo (r) Tartanka xisbiyada badan iyo xukunka oo lagu baahiyo dhulka oo dhan. Taasoo macnaheedu tahay dhammaan 8 gobol iyo 37 degmo in xukunka iyo xisbiyada lagu baahiyo oo ay doorashada ka qayb galkeeda xaq uleeyihiin.  Waxaynu marka garan karnaa in tuulo, degmo iyo gobol aqbalayaa jirin doorashada kama qayb geli kartaan cilad farsamo awgeed.

Waxaa kaloo fiirin iyo qadarin mudan Qodobka 45aad firqadda 2aad iyo 3aad ee dastuurka Puntland qeexayo 2. Ugu badnaan toddobo (7) xisbi ayaa doorashada ugu horreysa ka qayb gelaya. Doorashada ugu horeysa waxay noqoneysaa tan Golayaasha Deegaanka oo qabashada waqtigeeda xeer gaar lagu soo saari doono. 3. Saddexda xisbi siyaasadeed ee ugu codadka badan doorashada ugu horreysa ee Golayaasha Deegaanka ayaa xaq u yeelanaya inay noqdaan xisbiyada siyaasadeed ee sharciga ah, waana in uu xisbi kasta ka furan yahay ugu yaraan afar gobol. Taasoo macnaheedu tahay ugu badnaan doorashada hore waxaa tartanka ka qaybqaadan kara 7 xisbi, saddexdii xisbi ee ugu codka badan inay noqonayaan xisbiyada sharciga ah ee aan taas manaheedu ahayn 3 xisbi kaliyaa tartami kara. Waxaynu wada ognahay inay dhibaato iyo is qabqabsi leedahay markii xeer bulsho samaysato oo isku raacdo lagu wada dhaqmi maayo oo qaybo ka mid ah xeerkaas laga tago oo la garab maro ama siyaaba kale loo maro iyadoo dadka lagu jaahwareeninayo.

Marka  haddaan dhug u yeelano qoraalka kore ama aan sifiican u dhuuxno waxaa inooga soo baxay in

  • Dawlad ama Maamul aanay axsaab yeelan karin haddaan hubka oo dhan laga uruurin shicibka.
  • Dawlad iyo Maamul aanay axsaab yeelan karin haddaan la tirokoobin shicibka.
  • Dawlad iyo Maamul aanay axsaab yeelan karin haddaan xukunka iyo xisbiyada lagu baahin dhammaan gobolada iyo degmooyinka dawladdaas ama maamulkaasi ka kooban yahay.
  • Dawlad iyo Maamul aanay buuq iyo is qabqabsi la’aan yeelan karin haddaan la fulin Dastuurka ama Xeerka u degsan dawladdaas ama maamulkaas.

Waxaan marka usoo jeedinayaa dhammaan Maamulka, Isimada, Nabadoonada, Wax garadka iyo Aqoon yahanada Reer Puntland…

  • Inay dDhowrtaan nabadaas, sumcadaas iyo sharafta wanaagga huwan ee Rabbi swtc ku manaystay oo aan laga abaal dhicin.
  • Inay ka hortagaan wax alla waxii carqalad gelinaya nabaddaas iyo wanaagaas Rabbi swtc siiyey.
  • Inay shaqsi jeclaysi dhaafsan nabadaas iyo wanaagaas Rabbi swtc siiyey.
  • Inay ku tusaale qaataan dhacdooyinkii xanuunka badnaa ee soo maray shicibkaa sharafta iyo karaamada badan ee Puntland.

Xumaan u Tooghay Same Wax Kuma Yeelee

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad

Email: Guurey@hotmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (1)

  1. banda says:

    talaabooyinka maamulka faroole qaadayo waa kuwa shacabka puntland jahanama siyaasadeed gelin doonaa hadaan wax garadka iyo indheer garadku badbaadin bulshada iyo dhulka puntland.


Comments are closed.

garaad jama sawir Warqad Furan Oo Ku Socota Garaad Jaamac Garaad Cali
- Jul 27, 2014
Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh   Garaad Jaamacoow waxaad tahay ...
89 Somalia:- Adeso Donates Kits to Badhan General Prison
- Jul 27, 2014
Badhan, Sanaag (Puntlandsun):- The African Development Solutions (Adeso) formerly knows as Horn Relief donated ...
daad Garo Ama Ha Garan
- Jul 27, 2014
Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh     Fool wada Qayaxan iyo ...
garaad jama sawir Khaatumo:- “Garaad Jaamac tegida Garaad Saleebaan ee Garoowe Nama Khusayso”DHEGAYSO
- Jul 26, 2014
Saax-Dheer:- Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Duubka kaliya ee ku hadhay Khaatumo ayaa ...
aas Puntland:- DHEGAYSO Khudbadii Madaxda ee Safarkii Garaad Saleebaan
- Jul 26, 2014
Madaxweynaha PL iyo ku Xigeenkiisa ayaa hadal ka jeediyay Madaxtooyada markii lagu soo dhaweeyay ...
7 Badhan:- Hay’adda Adeso oo Maxaabiis ku Wareejisay Gogol +Sawiro
- Jul 26, 2014
Puntlandsun.com Hay’ada Adeso ayaa  Gogol Gudoonsiiyay Maxaabiista ku jirta Saldhiga Dhexe ee degmada Badhan, Agabkaasi ...