Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Hoheey Maakhireey Hurudooy- Qaybtii- 2aad….Qalinjaan

[Qaybtii Koowaad Halkan ka Akhri] Horre  waxaan ku soo Qaadanay Sad-Bursigii Xildhibaanada Maakhir ee TFG oo qaar Beelaha Gobolada ahi ka Cowdeen iyo Masiibadu Meesha ay ka curtay Qaybtan Labaadna Bal Dhuux- Sidee loo xal loogu helaa shaqaaqooyinka ka taagan gobolka maakhir? Intaan xal la raadin, waxa ka horreysa in marka hore laysku afgarto iney dhibaato jirto, iyo haddeey jirto inta ay le’eg tahay. Way adagtahay in lala xaalo qof aan runta jirta oggolayn oo samaystay run u gaar ah. Tusaale, 2*2= 4. Qofkii aan sharciga iskudhufashada aqooni waa gooni, oo aqoon la’aani ceeb maaha. Laakin, qof sharciga iskudhufashada yaqaan oo haddana leh 2*2= 5, waa qof khiyaali ku nool oo run isaga u gaar samaystay. Qofkaasoo kalena in noloshiisa khiyaaliga ah loo daayo ayaa wannaagsan. Dadka gobolka qaar ayaa leh wax dhibaato ah ma jiraan oo waxaba warbaahinta, ay galgalanews ugu horreyso, ayaa buunbbuninaya. Qaarna waxay leeyihiin, kala tag qotodheer ayaa gobolka ka jiroo, wax ka qabad malaha, markaa waa iney beel wabliba gooni u danaysataa. Runtu waxay taal meel labadaa u dhexeysa, Dadka gobolka intiisa badinina waxay taaga yihiin halka u dhexeysa labadaa gees.
Dhibaato ay hogaan la’aan iyo wada tashi la’aani keentay wa jirtaa, laakiin waa dhibaato la xallin karo haddii dadka gobolka deggani dhexda u xidhtaan iney furdaamiyaan. Tallaabada ugu horreysaana waa shirweyne lagu lafaguro arrimaha gobolka oo dhan. Tan labaad, waa in gobolka loo sameeyaa maamul casri ah oo ka madax bannaan guurtida, maamulkaasoo faraha looga qaado arrimaha hoose ee gobolka. Tan saddexaad, waa in la sameeya gole guurti oo arrimaha gurtida dhaqanka looga baahdo taladeeda gooya.

Waxa jira dad badan oo guurti, aqoon yahanno, siyaasiyiin, arday, ganacsato iyo ururo bulshaba leh oo u heellan iney horumarkiisa ka shaqayaan. Waxa kooxahaa ka mid ah golaha deegaanka ee gobolka sanaag oo ah dad si wannaagsan u gutey xilkii loo igmaday. Waxaa kaloo jira guurti beryahan ku mashquulsanayd iney furdaamiyaan arrimaha cakkiran ee gobolka. Intuba way mahadsanyihiin. Laakiin waxaad mooddaa inaaney isku xidhnaani jirin. Si ay u wada guuleesytaan, waa mihim iney iskaashadaan oo meel qudha ka jaan qaadaan. Waxa kaloo loo baahan yahay siyaasiyiinta dhalinyarada ah sida guddoomiyaha golaha deegaanka ee badhan inuu kaalin weyn ka qaato turxaan bixinta dhibaatooyinka jira.

Waxaa kaloo loo baahan yahay dadka gobolka oo dhan, haddeey ahaan lahayd, dhalinyaro, guurti, aqoonyahanno, ganacsato, ururu bulsho, dadka gudaha ku nool iyo qurba joogtuba iney maanta oo xaalka gobolku meel adag marayo u kacaan oo waa wari meyside war ha kaa hadho e ficil muujiyaan.

 

Qormadan Kama Turjumayso Siyaasada Mareegta La xidhiidh Qoraaga

Qalin-Jaan

email:-jstice2009@yahoo.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (8)

  1. Ali says:

    Adeer qaybtan danbe iyo midda horeba qashinka ku dar. Math ma taqaanid, hawlo aadan lahayn ayaad ku jirtaa. Ma suldan ayaad tahay who you are yourself from the begining.tusbax la furay maxaa kaga soo baxay, in Warsengeli already meel wada maray, laba bilood oo aan u dhamayn oo wax saluugayna waa la furdaamin, dadkooda ayey ka dhasheen, adiga ayaa taarikh modow dhaxlay, tuugna ah. Tuug nooma taliyo. Waxna nooma sheego. Bal horta sida loo shaqaysto baro intaadan wax sheegin.
    qashin markaad meeshan gelisid, then qashin ayaa kaga soo baxaya.
    All we read is garabage, becasue adiga weeye,midka two times two ku sheegay hundrand. Ka daa baanu ku leenahay. Midda kale intina beesha iyagu is diray oo wax u qortaba waad waalan tihin, Marka laga reebo Xingalool iyo Hadaftimo oo iyaguna soo walanaya hadda.

  2. Ali says:

    Midda kale, xagee ayaad modelka ka qaadatay, adigii ayaa unknown ah, products la iibsho midka unknownka ah ayaa ugu jiibsan. Bal qof aan la aqoon, Suldan wax ka sheegaya. Nasabkaga ayaad qarisay, sidee u rabtaa in lagu dhegaysto. Magacaga waa jin ama Jaan. Anigu insi ayaanu nahay…Meel cidla ayaad taagan tahay, Suldan Saeed Beeshii shiri, miyaanu war kaga bahan nahay, marka telephoneda dalka noo yaalaba ay free yihin. Habeen iyo maalin dal iyo dibad laysla hadlyo. Shirkii waynaa shalayto Badhan ka dhacay, waa loo dhamaa ninkasta dadkisa ayaa joogay, mid ka wayna waa soo socda, inta aad xooga soo xuuransanto sida sheydanka khidafa hadalka malaaikta la farayo, ee gentalaha lala dhaco talo ha nooga dhigin, arin already gudaha ka socata. Is waydii shirarka beeladyada aad ku baqqday, maxa ku dhacay?

  3. Thanks aad aad sxibayaashayda galgala

  4. Maxamed Gaagaale says:

    Qalin-Jaan waa nin Indhaha kala haya isaga oo bulshadiisu sardho (Hurdo) dheer ku jirto. My God bless u Qalin-jaan and Maakhir State and every where else in the world.

  5. toostoosiye says:

    hadalku haddii mid yahay,laba lagama dhigo,ninka waraaqaddan qoray waxaad moodaa in uu cid denbiga kala cararayo.hadaba u fiirso hadalkaaga,dadkana mid benbiga kala carar mid dusha ayaad ka saaraysaa.adigu waxaad ku jirtaa eex,ee mid tihiin xal doon.denbiga wax iska leh suldaan ka siciid.inta aad meelakala baabadhsid.haddaba in isku sheegay qalin-jaan wax dabe ha su qorin.ilaa ka teg maysid eexe.ilaahayna waa idiinku cadaabidoonaa,dadkuna idiinku nec eex.dibna cid idiin dhegaysanmasyso.byebye bye

  6. xubeera says:

    rag cadaalad waayay sidii deero kala yaacye, meesha waxaa ka soobaxay , in cadaaladii aay dhimatay , shalaay markaanu lahaayn waar warsangalaaw naga daaya ,yarkan ogaayslabuhu dabada ka wado , waakaa baabiyay warsangali, suldaan ismaacil suldaan haduu maanta noolaan lahaaa sidaa manoqoteen ilaahay haaw naxariiste , suldaan qarsoon buu ahaa , maantana siciid qol buu ku xidhan yahay , keligii , labadii nin ee sanaag uu ku shaqaaysan jirayna waa labadelay , dabaayla qor iyo dabaq, waxaana lagu badalay ciyoon , oo nin rageed ah iyo ina gigaroor , markaa siciid nafta xagee lageeyn nabarigii neefta soo kiciye, mawaxaad dib ugu noqon hargaaysa oo adan siciid kaa buuxiyeen
    mise xamar kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  7. Mindigale says:

    Warsangali waa kalatagey ee nin walbow yasho raganimo la imow

  8. foowsiya says:

    warayahe waxad mujesen cadawad ad iyo ad uxun warsangalow awalba wan ogeyin inad neceb tihin ogslabaha oad iska dhigtan inad jeceshihin laakiin cebtini hadayi sobaxdayi suldanku wa dacadnimo bukushaqinaya enicda iskadaya warsangali ogslabe waligin magariysan melkastad jogat wayo xadidin batihin


Comments are closed.

IMG-20141020-WA0011 Boqor Burhaan oo ka hadlay Dhismaha Wadada-Ceerigaabo DHEGAYSO
- Oct 21, 2014
Badhan( Galgalanews) Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Magaalada Badhan Gaadhay ayaa ugu baaqay dowlada ...
west_bank_grocery_thumb_other563_422 Xeer Cusub Ee Saacadaha U Kordhinaayo Meheradaha Muslimiinta Oo Maanta Meel Maray Golaha Degaanka Minneapolis.
- Oct 21, 2014
Xeer Cusub Ee Saacadaha U Kordhinaayo Meheradaha Muslimiinta Oo Maanta Meel Maray Golaha Degaanka ...
ggg Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Mohamed Iyo Khadra
- Oct 21, 2014
gacal iyo sukeeyaba guurkiina lagu farax. waxaa  Hambalyo ay ku dheehantahay Farxad iyo gacaltooyo u ...
boqorka iiii Badhan :-Warmurtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Boqorka Daarood iyo Suldaanka Harti (Dhegeeyso)
- Oct 21, 2014
ka Diba Socaadaal uu dhowaan ku tegey Boqorak guud e beelah Daarooda Boqor burhaan ...
IMG-20141020-WA0010 Badhan:- Sawiro Dheeraad ah Booqashadii Boqor Burhaan e G.Sanaag
- Oct 20, 2014
Galgalanews waxay Halkan idiinku soo Gudbin Sawiro dheeraad ah oo ku saabsan Booqasahadii Boqor ...
boqor VIDEO:- Booqashadii Boqor Burhaan ee G.Sanaag
- Oct 20, 2014
Daawo Sawirada iyo Video Soo dhoweynta Boqorka Beelaha Daarood loogu sameeyay Degmada Baran ee ...