Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Shirkii Jaaliyada Maakhir Ee Nairobi warbixin+sawiro

Nairobi(GalGalanews) : Shir aad ubalaadhan oo si heer caalami ay usoo abaabuleen dhalinyarada Jaaliyada Maakhir ee wadanka Kenya ayaa ka dhacay Hotelka weyn ee Barakaat Hotel, shirkan oo ay kasoo qeybgaleen dhamaan qaybaha kala gedisan ee jaaliyadaha Gobolada Maakhir ee Sanaag, Jubbada hoose iyo Gobolka Bari,

Shirkan waxaa soo xaadiray aqoonyahanada, culimada, dhalinyarada, ganacsatada, iyo siyaasiyiinta udhashay deeganadaasi, ujeedka shirkan ayaa waxa uu ahaa sidii jaaliyada Maakhir ee Nairobi loogu samayn lahaa dib udhis iyo weliba sidii loola jaanqaadi lahaa siyaasada cusub ee kajirta wadanka Soomaaliya.

 

Shirkan ayaa waxaa xilka wareejiyey Gudoomiyihii Hore ee Jaaliyada Mudane Cabdi  Xakiin Timo Faras, waxaana gudoomiye loo doortay Mudane axmed saalax cabdi aw_cilmi oo kamid ahaa xubnaha Jaaliyada ugu sareeyey, doorashada ayaa dhamaanba waxaa aad ula dhacay xubnihii Jaaliyada ee kasoo qeybgalay Shirka.

Shirkan ayaa sibuuxda jaaliyada Maakhir ee Gobolada Sanaag, Jubada Dhexe iyo Gobolka Bari ee wadanka Kenya ugu taageereen Mashruuca dib udhiska dekeda Laasqoray oo dhowaan lagu wado in si buuxda looga dhiso magaalada Laasqoray, dhamaan bulshada ayaa taageeradooda kumuujiyey sida ay ugarab taaganyihiin hanaqaadka arimaha horumarka ee gobolka sida dekeda, Jaamacada, Arimaha Caafimaadka, waxbarashada, iyo weliba isbedelka Gudoonka cusub ee gobolka ka dhacay iyagoo eebe uga baryey in ilaahay uu ufudedeeyo idil ahaanba inta hawlaha horumarinta kawada deegaanka Maakhir

Shirkan ayaa sidoo kale lagu taageeray Xukuumada Cusub eeuu Madaxweynaha Kayahay Xassan Sheikh Maxamuud iyo Raysal wasaarihiisa Saacid Faarax Garaad iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari, iyado idil ahaanba bulshadii shirka kasoo qeybgashay ay u hanbalyeeyeen madaxda cusub ilaahna ugu baryeen in xilka ay umada uhayaan uu ugu dhigo mid fudud.

 

Dhalinyaradii Shirkan soo qaban qaabiyey waxaa kamid ahaa Maryan Cabdi Waaxid, Khaliif Cabdilaahi Geele, Aamino Sheikh Axmed, Khadra Jaamac, Cabaas Maxamud Nuur dhalintan ayaa mudoba kuhowlanayd hirgelinta Shirkan iyadoo aad bulshadu ay uga mahadceliyeen sida ay isu xilqaameen.

Gudoonka Jaaliyada ayaa lafilayaa in mudooyinka fooda inagusoo hayo ay soo bandhigaan qorshaha Jaaliyada iyo habka ay ushaqayn doonaan iyadoo idil ahaan bulshadoo isku duubani ay umuujiyeen dhiiranaan iyo garabtaagni, si hawlaha bulshada Kenya loogu hayo ay uhirgalaan.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

moon Xoghayaha guud ee Q.M Banki Moon oo Mudisho soo gaaray (SAWIRRO)
- Oct 29, 2014
Ban Ki Moon oo diiday Garoonka Muqdisho inuu ku qaabilo M/weyne Xasan Culusoow iyo ...
??????????????????????????????? xaflad ay soo qaban qaabiyeey urur weynaha midowga Ardayda ka qalan jabisay iskulka Imaamu Al Nabawi Ee dalka Sudan oo ka dhacday khartoum+Sawiro
- Oct 29, 2014
  Dallada Mideesa Ardada Ka Soo Baxay Dugsiga Imamu Nabawi Ee Wax Kabarta Sudan   Ayaa ...
jidbaale Khaatumo oo Xubno u Dirsatay Shirkii Ferederaalismka ee Adis-Ababa( Sawiro)
- Oct 27, 2014
Adis-Ababa( Galgalanews) Shir ay isugu yimaadeen xubnihii maamulka Khaatumo uga qayb galay shirkii Addis ...
Maxamed Abdulqaadir Masuul ku dhaliilay Madaxda Puntland shir uu ku qabtay Garowe “Daawo”
- Oct 27, 2014
Agaasimihii horre wasaarada deegaanka iyo duurjoogta Puntland Maxamed Cabdulqaadir Barre ayaa maanta shir jaraa,iid ...
khaaaaatumo Khaatumo oo Markii ugu Horaysay ka hadashay La’haansha G.Sanaag (VIDEO)
- Oct 26, 2014
ee   Madaxweyni ku xigeenkii Hore ee Khaatumo Indha-Sheel ayaa Waraysi xiisa badan uu siiyay Mareegtan ...
Xaabsade Puntland:- Khudbadii Xaabsade uu ka Jeediyay Fadhigii Baarlamaanka VIDEO
- Oct 25, 2014
Garoowe( Galgalanews) Siyaasi Axmed Cabdi Xaab-sade oo bilihii lasoo dhaafey ku sugnaa magaalada Garowe ...