Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxaa looga been sheegay Taariikhda Radio Muqdisho?

Ciil-kaambi ka dhashay eex iyo caddaalad-darro ay garbinayso been-abuur lagu sameeyo taariikhda ummadda iyo waxqabadka halyeeyada ayaa wuxuu horseeday inuu qof kasta dhinaciisa ka faago bohol-dhagareed uu malahiisu ahaa inuu ku aasi doono xaq-darrada, balse sidii uu ugu mashquulsanaa qodisteeda uu ku soo baraarugay isagoo dhexda uga jira bohoshii oo uu dheereeyay. Ma awoodo inuu isbedbaadiyo, umana muuqato cid kaalmo u galeysa. Qarka bohosha waxaa taagan cadow nooc kasta leh oo ku wiirsanaya musiibada haysata, kaas oo aan dhibaato mooyee dheef ula dul taagneyn.

Waa matalka qarannimada Soomaaliya oo tobannaankii sano ee la soo dhaafay ku dhex jirtay god-sireed oo ay qodeen isla dadkeedii oo samatabixin ula gollahaa markii hore. Maanta oo laga baxay nidaamkii iyo hay’adihii kumeel gaarka ahaa oo loo hanweynaa qarannimo taam ah oo caddaalad ku dhisan waxaa nasiib-darro ah inay weli jiraan rag ku fikiraya inay been-abuuraan taariikhda oo ay keligood sheegtaan libin lala wadaagay oo halis loogu bareeray, dhiigna uu u soo daatay. [Daawo Muuqaa Sanad-Guuradii]

23-kii Oktoober 2012, wuxuu guux ka dhashay markii bogga Raadiyo Muqdisho lagu daabacay war sheegaya in loo dabbaal-degayo saddex sano-guuradii dib u howlgelinta raadiyaha, oo sida xaqiiqada ah aan hawada ka wada bixin 20-kii sano ee burburka uu dalka ku jiray. Marka ay qarameyn noqotana aniga ayaaba ka mid ahaa shaqaalihii raadiyaha joogay sanadkii 2007 xilligaas oo ay madaxtooyada Muqdisho ka talinaysay dowladdii kumeel gaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed, taas oo bixisay magaca hadda uu wato raadiyaha ee ah: Raadiyo Muqdisho – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Toddobo qof oo weriyeyaal ah oo Raadiyo Muqdisho ku biiray saddex sano ka hor inay tirtiraan taariikhdii ka horreysay ee raadiyaha iyo shakhsiyaadkii badbaadiyay hantida qaran ee taalla waa nasiib-darro, waxay ahayd arrin laga xishoodo, waxaana dadka ay arrintaas ka suurowday laga filan karaa inay beddelaan keyd taariikheedka yaalla raadiyaha.

Wasiirradii soo maamulay raadiyaha:

Wixii ka dambeeyay markii dowladdii kumeel gaarka ahayd ee madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ay timid Muqdisho waxaa xarunta wasaaradda warfaafinta isaga dambeeyay wasiirrada kala ah: Madoobe Nuunow Maxamed, Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, Farxaan Cali Maxamuud oo yimid markii la doortay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow), Cabdikariim Xasan Jaamac iyo Cabduqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn), waxayna dhammaantood ku soo shaqeeyeen xarunta wasaaradda warfaafinta oo uu ku yaallo Raadiyo Muqdisho.

Sanadkii 2009 markii uu wasiirka warfaafinta ahaa Daahir Maxamuud Geelle waxaa idaacadda ku soo biiray weriyeyaal ka howlgalayay idaacadaha gaarka loo leeyahay ee Muqdisho, kuwaas oo ka gadooday dilalka joogtada ah ee saaxiibbadooda shaqada loo gaysanayay. Sanad kaddib oo ahayd 2010 waxaa xaflad loo sameeyay sanad-guuradii koowaad ee xuska been-abuurka ah.

Ma dib u howlgelin Mise xoojin?

Tolow amay eray-bixinta laaxin ka gashay oo ay ula jeedaan howl-ballaarin? Sanadka ay weriyeyaashaasi ku biireen raadiyo Muqdisho wuu shaqeynayay, waxayna meesha ugu tageen shaqaale iyo maamul sii joogay, wuxuu ku hadlayay afka dowladda. “idaacadda oo dansan ma aysan kicinin ee waxay ku soo biireen iyadoo shaqeynaysa” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Macallin (M.M Macallin) oo agaasime ka soo noqday raadiyo Muqdisho, haddana ah war-akhriye ka tirsan raadiyaha iyo telefishinka qaranka. “Wararka iyo barnaamijyada ayay kor u qaadeen waxayna ku kaalmeeyeen shaqaalihii kale ee horay u joogay inay cod ku soo biiray noqdaan”.

Bartamihii sanadkii 2006 waxaa Raadiyo Muqdisho maamulkiisa la wareegay Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxayna dayactir ku sameeyeen xafiisyada ku yaalla dhismaha wasaaradda warfaafinta qaarkood, iyagoo qeybta keydka iyo istuudiyeyaasha qaarkood ku xiray qaboojiyeyaal, shaqaalaha waxay u billaabeen mushaar, idaacaddana waxay yeelatay dhageystayaal badan kaddib markii la xoojiyay maqalkeeda, xilligaas waxaa wasaaradda xafiis ku lahaa Xoghayihii warfaafinta ee Maxkamadahii Islaamiga ahaa Sheekh Cabdiraxiim Cali Muuddey.

Horraantii sanadkii 2008 raadiyaha oo ku shaqeynayay qalabkii hore ee xilligii dowladdii milateriga ahayd waxaa laga dhigay mid ku shaqeeya habka digital-ka ah ee casriga ah.

Sanadkii 2009 waxaa la kordhiyay saacadihii ay hawada ku jirtay idaacadda oo ahaa lix saac, waxaana la gaarsiiyay 18 saac. Shaqaalaha waxaa loo billaabay mushaar. Waxaa la keenay labo FM, istuudiyeyaashana waa la qalabeeyay, waxay noqotay idaacad awood badan oo magaalada oo dhan gaartay. Markii dambena dowladda Jabuuti waxay qalabeysay labo istuudiye, iyadoo makiinado cusub ugu deeqday qeybta keydka. Waxaa hawada la geliyay website-ka radiomuqdisho.net, sanad kaddibna qeybta maqalka tooska ah ee internetka ayaa lagu xiray.

M.M. Macallin wuxuu rumeysan yahay haddii sanad-guuro la xusayo in laga soo billaabo sanadkii 1951-kii oo ahayd markii la aasaasay Raadiyo Muqdisho, loona dabbaal-dego sanad-guurada 61-aad. “Idaacadda awooddeeda in la kordhiyay macnaheeda ma aha dib u howlgelin, mar kasta waa la kordhiyaa” ayuu yiri.

Tusaale fiican oo lagu dayan karo waxaa sameeyay maamulka ugu sarreeya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, oo 5-tii January, 2012 xusay sanad-guuradii 48-aad ee markii la aasaasay wakaaladda, waxaana shahaadooyin sharaf loo sameeyay 14 agaasime oo soo maray SONNA.

Xamdi Cabdullaahi Xasan (Ileys) waxay Raadiyo Muqdisho ka soo shaqeysay xilligii Isbaheysigii SNA oo magaca idaacadda lagu lammaanin jiray Codka Shacabka, xilligii Maxkamadaha Islaamiga oo lagu beddelay Codka Ummadda iyo xilligii dowladdii federaalka ahayd ee kumeel gaarka ahayd oo uu qaatay magaca hadda loogu yeero ee ah “Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya”, waxayna sheegtay inay la yaabban tahay xuska lagu koobayo saddexda sano.

Agaasimeyaashii soo maray Radio Muqdisho tobankii sano ee la soo dhaafay:

1. Cabdirisaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) – Agaasimaha raadiyaha

2. Maxamed Isxaaq Mursal oo soo noqday ku-sime agaasime

3. Maxamed Maxamuud Macallin (M.M.Macallin) – Agaasimaha raadiyaha

4. Ibraahim Xaamud Mahad (Ibraahim Raadiyow) oo soo noqday ku-sime agaasime

5. Xuseen Axmed Maxamed (Qoryooley) – Agaasimaha raadiyaha iyo

6. Cabdiraxiim Ciise Caddow oo hadda haya xilka agaasimaha Raadiyo Muqdisho.

Xarunta idaacadda waxaa ilaa iyo hadda jooga Xaaji Maxamuud Cali Guuleed oo shaqada billaabay sanadkii 1952-kii, wuxuu ku takhasusay cillad-bixinta qalabka raadiyaha iyo farsamadiisa iyo farsamayaqaan Xasan Cabdi Xeyle (Shanqar Yare) oo shaqeynayay xilligii dowladdii Kacaanka, waxaa sidoo kale suuragal ah inay joogaan rag iyo dumar kale oo la mid ah.

Waxaan fileynay in la abaal-marin doono dadkii isku howlay badbaadinta hantida qaran ee Raadiyo Muqdisho iyo kuwii muddada dheer sida mutadawacnimada ah uga shaqeynayay jaceyl ay u qabaan qarannimada darteed, iyagoo aan heli jirin daryeel iyo gunno joogto ah, balse taa beddelkeeda waxaa la dafiray in magacyadooda la sheego iskaba daa in loo mahadnaqo oo si kale loo abaal-mariyee.

“Waa howl uu ninba meel soo gaarsiiyay, oo soo martay heerar kala duwan, annaga oo hadda joogna waxaan berri ku wareejin doonnaa kuwa naga dambeeya” ayuu yiri qof ka howlgala Raadiyo Muqdisho oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Guud ahaan shaqaalaha Raadiyo Muqdisho waxay u bareereen halis dhinaca ammaanka ah, waxayna si naf-hurnimo ah ugu adeegeen bulshadooda, waxay guteen waajib qaran oo saarnaa. Waxaa shaqadaas darteed loo dilay Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Maxamed Abkey, Yuusuf Cali Cismaan (Yuusuf Farey), Liibaan Cali Nuur iyo Cabdisataar Daahir Sabriye, waxaana la dhaawacay Deeqo Maxamed Axmed iyo Xasan Maxamed Abiikar (Xasan Matoorre).

Waa nasiib-darro inuu weriye ku tunto xuquuq uu leeyahay weriye kale oo uga soo horreeyay shaqada warbaahinta, oo weliba badbaadiyay qalab qaran, waana arrin hareer marsan shuruucda warbaahinta caalamka. Adinku waad shaqeyseen wixii ka dambeeyay markii aad ku biirteen Raadiyo Muqdisho, waadna ku ammaanan tihiin dedaalkiinna, balse ha dafirina hana qarinina waxqabadka dadkii idinkaga horreeyay shaqada raadiyaha.

 W.Q: Cabdiraxmaan Taysiir
        Nairobi

 Webmaster@GalGalanews.com

 

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

beeladaajaha-Cali-Saleebaan Puntland:- Beeldaaje la caleema saarayo
- Jul 12, 2014
Sida aan ka xignay Mareegta Puntlandsun.com Beelaha Cali Saleebaan Majeerteen ayaa u Balansan Caana ...
President Obama visiting Central Texas VIDEO President Obama visiting Central Texas VIDEO
- Jul 11, 2014

gaas Warbixin ka Cadhaysiisay Madaxda Puntland
- Jul 11, 2014
The government was denounced by it’s in effectiveness of regional administration, that it does’t ...
Halkan Ka Daawo Isuwaha Wasaraad Waxbarashada Gobolka Sanaag Oo ka Warbixyey Jaamacada Ku Yaal Gobolka Sanaag Warbixin Jaamacada Sanaag
- Jul 11, 2014

puntland madax Puntland:- Isbedelka Garsoorka
- Jul 11, 2014
Garoowe(Galgalanews) Shirkii Golaha Wasiirada PL ee Maanta, Khamiis Julay,10-2014- ayaa lagu Jeex jeexay Amaanka ...
calula Puntland:- Calula Nuur Calula oo Muqdisho lagu Xidhay
- Jul 11, 2014
Xiritaanka Caluula ayaa waxaa uu salka ku hayaa sharci daro ayadoona ay saaka isagoo ...