Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Hadii aad Safaaradda Soomaalida ee Kenya Baasaboor ka doonato Ha sheegan Qabiilka “… hadii kale waa laguu diidayaa

 Minneapolis-GGNews:Magaalada Nairobi ee Caasimadda Wadanka Kenya waxaa ku taala Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, wexeyna Leedahay Qeyb qaabilsan Baasaboorada, iyo fududeynta Waraaqaha dib ugu noqoshada dalka, Soomaali aad u badan ayaa Safaaradda Maalin kasta u doonta Baasabooro si danaha ay leeyihiin ay ugu qabsadaan, waxaana dhowanahaanba soo baxayay Cabashooyin Shacabka ka imaanaya kuwaasi oo ka dambeyyay kadib markii Safaaradda uu Laaluush-ka Sharci ka noqday.

Marka aad gasho Safaaradda waxaad arkeysaa rag badan oo kamid ah Mukhalasiintii caanka ka ahaa Xaafadda ay Soomaalida dagantahay ee Islii Kuwaasi oo si caadi ah howlmaalmeed uga dhigtay in dadka Safaaradda lagu dhibo ee baasaboorada la siin waayo ay Laaluush ka qaadaan kadibna ay usoo saaraan.

Safaaradda Wexey horey u laheyd Qeyb ku shaqo leh Qunsuliyadda waxaana Qunsul ka ahaa Alle ha u naxariistee Marxuumkii Geeriyooday ee Maxamed Cusmaan Aadan ( Edson ), hadda si KMG ah waxaa iskiis isugu magacaabay CALI MAXAMED SHEEKH oo loo yaqaano CALI BAGADI.

Cali Bagadi oo marka uu dadka la hadlayo si Kulkulul ula hadla si qofka intey xanaaqdo ay Xafiiskiisa isaga soo baxdo kadibna Mukhalasiin intey soo marto ay danaheeda uga fushato Xafiiska Qunsuliad Ku Sheega ayaa Maanta Si cad usoo Eryay dad Soomaali ah oo uu ku sheegay in ay Ogaden-ka Ethiopia Yihiin, iyo Kuwa Kenya kadibna u sheegay in qof Ogaden ah uusan Baasaboor ka qaadaneynin Safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Cali Bagadi wuxuu yiri Shalay koox dhalinyaro ah isagoo kula hadlaya Af Sawaaxili “ Wewe Toka Hapa We nin Ogaden, we ni Mkenya ama MEthiopia” oo la micno ah “ waryaa bax waxaad tahay Ogadenka Kenya ama Kan Ethiopia, adiga Soomaali ma tihid.

Qofka markii Basaboor u doonto Safaaradda wuxuu Cali Shaqaalaha ku amray in Xafiiskiisa ay ugu geeyaan si uu wareysi ula yeesho kadibna uu isagu Go’aan uga gaaro.

Mararka qaar hadii aadan Mikhalaska wadan aad bey u adagtahay in aad u gudubto Xafiisyada Ragga Madaxda ah ay fadhiyaan ee Safaaradda, hadiisa aad Mukhalas wadato Safaaradda adigaa ka madax ah.

SAFIIRKA inta badan Safaaradda waa ka maqanyahay, hadii uu joogana waxba kalama socdo howlaha ka soconaya, oo marna waa iska mashquul, marna si hoose Shaqaalaha uma xog wareysto, marna dibadda ayuu ku maqanyahay.

Maxamed Cali Ameeriko ma is lihi waxbuu ka ogyahay Heyb kala sooca ka Jira Safaaradda Laakiin marka awoodiisa la eego Shaqaalaha la jooga qaar wexey kuu sheegayaan in inta badan ay ku yimaadeen 4.5 oo waxaa la sheegaa in ninka Iminka Qunsulka isku magacaabay uu meesha u fadhiyo Shariif Sakiinkii la eryay.

Maxamed Cali Ameeriko marar badan oo uu Soomaalida la hadlayay xitaa waxaa uu ugu baaqay in Soomaalida Kenya ay Baasaboorada qaataan maadaama ay Soomaali yihiin, Laakiin Hadalkiisa ayaa u muuqanaya mid aan meel dheer tagi Karin maadaama qaar kamid shaqaalihiisa ay si hoose amaradiisa uga hor imaanayaan taasi oo ku tusineysa in Meesha lagu wada joogo Nidaamka awood qeybsi 4.5.

Dadka Shacabka ah ee Baasaboorada iyo Waraaqaha GURI KU NOQOSHADA u doonta Safaaradda ma helaan ilaa ay mukhalas soo wakiishaan, dadka qaar waxaa loola dhaqmaa si ku jees jees ah iyadoo mararka qaar la yiraahdo adiga Soomaali ma tihid.

Shalay oo ay ugu dambeysay Safaaradda Cali AMeeriko waxaa laga soo celiyay 4 Dhalinyaro ah oo markuu Wareystay Cali Bagadi uu ku sheegay in ay yihiin Somalida Ogadeniya iyo Soomaalida Kenya, Balse ahaayeen Soomaali Dhalad ah oo ku dhashay Kismaayo iyo deegaanada ku dhow.

Cali Bagadi isagoo ku Jeesjeesaya ayuu ku yiri dhalinyarada “ Waryaa sow Ogaden Maahid, Waxaad tahay Ethiopian, Ama Kenyan sidaas darteed Soomaali maahid anagana Baasaboor kuuma heyno, taasi oo ka dhigan In Safaaradda ay u shaqeyso Mukhalas iyo in yar oo la socota.

Dhowaan waxaan idiin soo gudbin doonaa Wareysiga dhalinyaradii Shalay Basaboorka loosoo diiday, Laakiin Aqristoow makula haboontahay in hadii Shaqsi uu meel Masuul ka yahay uu Qabyaaladii 1991-dii dib noogu celiyo.

Safaaradda Markii uu Noolaa EDSON isaga ayaa Cabashooyinka loola tagi jiray laakiin maanta Qunsuliyad Malaha MAXAMED CALI AMEERIKANA maba fadhiyo xafiiska, mararka qaar waxaad isleedahay meesha Xafiis dowladeed maba aha miyaa maadaama marka laga soo tago shaqaalaha hoose aadan arkeynin Masuuliyiinta.

Sikastaba ha ahaatee Baaritaan dheer kadib Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ma dad gaar ah ayey u shaqeysaa mise Soomaali oo dhan waa su’aalaha ugu badan ee dadka taagtaagan banaanka Safaaradda ee Baasaboorada loo diiday ay is weydiinayaan.

Aqristaha Sharafta lahow hadii aad dad ka taqaano Safaaradda Fadlan kula tali in dhaqamada Qabiilka ku saleysan iyo Heyb kala soocda uu iska daayo, maadaama uu dusha u dhigtay in uu isaga qabto Xil qaran.

Safaaradda Waxyaabaha ka maqan waxaa kamid ah malaha Xafiis qaabilsan cabashooyinka Bulshada, hadaad aad taqaano Cali Ameeriko isaga lagaagama sokeeyo in aad Cabashadaada u gudbiso waaba hadii aad hesho Jaanis aad ku aragto ama isaga oo Xafiiska ka baxaya in Istaagga aad ugu sheegto, hadii aadan aqoona Muqalas ayaa kuu Safiir ah kuu Qunsul ah oo intaad xoogoo lacago ah bixiso shaqadaada kuusoo qabanaya.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


You must be logged in to post a comment.

deked Bosaso Puntland:- Reer Bari oo in la Qanciyo Doonaya
- Sep 13, 2014
Bosaaso( Galgalanews) Guux Siyaasadeed oo Baahsan baa ka dhex jira Magaalada Bosaaso ee isha ...
eng siciid ciid Puntland:- Eng Siciid Ciid oo Sharaxan
- Sep 13, 2014
Bosaaso( Galgalanews) Eng Siciid Ciid Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha PL ayaa Sharaxan Markii ...
faroole “Dr Faroole Shan Sano Hal Maalin baan Cadaalad ka Arkay” Faallo
- Sep 13, 2014
Arar” Cadaalad in la bixiyo waa mid ka mid ah asbaabaha ay u taagnaan ...
garaadka ciid Shirkii Cali Ciid oo laga hadlay
- Sep 13, 2014
Bosaaso-(Galgalanews) C/laahi Cali Ciid ayaa Shir iclaamiyay Waraysi uu Warbaahinta Bosaaso ku Siiyay Sep-10-2014- ...
gule 3 Shaki ku Xeeran Shirkii G.Sanaag
- Sep 13, 2014
(Buraannews)  Mareegta Buraannews ayaa Baahisay Macluumaad isu dheeli-taran oo Muujinaysa Qaabkii loo Maareeyay Dhaqaalihii ...
28 Masuul Reer Sanaag ah oo Baarlamaanka Sweden u Sharaxan +Sawiro
- Sep 12, 2014
Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland Ee Dalka Sweden Oo Si Weyn Uga Dhexmuuqda Doorashooyinka Sweden, Isagoo ...