Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! codkaaa Puntlandrise.com

Urursiyaasadeedkii labaad oo Puntland lagaga dhawaaqo kasi oo lagu magacaabo UGUB

Bosaso-GGN– Urur siyaasadeed cusub oo loogu magacaday UGUB ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, ururka ayaa sida la qorsheynayo u tartami doona xisbiyada Puntland ay xukuumadda madaxwayne C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole sheegtay in loo gudbay.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Sanaag Maxamuud Saciid Nuur Dabayl ayaa ururkan kaga dhawaaqay kulan kadhacay hoolka shirarka ee Guul Plaza hotel Bosaso, waxaana kasoo qaybgalay kulanka dhalinyaro, odayaal, iyo masuuliyiinta ururka UGUB.
Gudoomiyihii hore ee gobolka Sanaag Maxamuud Saciid Nuur Dabayl oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay ururkan inuu ka mid noqonayo ururarada Puntland ee u tartami doona xisbiyada dalka uu u gudbay, waxaa uu sidoo kale xusay xafiisyo inay ka furanayaan gobolada Puntland.
Md Dabayl ,ayaa ugu baaqay bulshada qaybahooda kale duwan inay kusoo biiraan urur siyaasadeedkan, isagoona intaasi ku daray muwaadin kasta oo reer Puntland inuu kusoo biiri karo ururka uuna yahay mid aan qabiil ahayn.
Nabadoono iyo wax garad kale duwan oo ka hadlay madasha shirka uu kasocday ayaa soo dhoweeyey urur siyaaseedka cusub ee UGUB oo u taagan URURKA GOBOLADA UMADAHA BAHOOBAY, waana ururkii labaad ee Puntland looga dhawaaqo iyadoo horay madaxwaynaha Puntland uu magaalada Garowe kaga dhawaaqay urur siyaasadeedka Horseed.
Siyaasiyiinta  Puntland qaarkood  ayaa horay uga horyimid nidaamka xisbiyada ku dhisan ee dowladdu ku dhawaaqday in dalka u horseedayso , kadib hal sanadood oo loogu kordhiyay jiritaankeeda kana bilaaban doonta 8,Jan, 2013.

Galgalanews-Bosaso-


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

Berbera Town and Port Somalia: Somaliland denies UN Monitors access to Berbera port
- Jan 29, 2015
Somaliland's separatist administration in northwestern Somalia has denied UN Monitors access to Berbera seaport ...
2015129635581488011510605mohamed_background Former D.C. Taxi Driver on FBI’s Most Wanted Terrorists List (VIDEO)
- Jan 29, 2015
LANHAM, Md. (WNEW) – A former taxicab driver in the D.C. area is the ...
daarta dahabshiil D/SHIIL oo Furay Adeega E-DAHAB ( VIDEO)
- Jan 28, 2015
(Hargaysa Galgalanews) Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta ka ...
kenya-police Kenyan forces, militants clash in Somalia; 5 killed
- Jan 28, 2015
At least five people were killed on Tuesday in clashes between Kenyan forces and ...
hassan sheekh sawir Somali leader urges more militants’ defections
- Jan 28, 2015
(Muqdisho Galgalanews) Spurred by the recent defection by high-ranking Al-Shabab commanders, Somalia's president called ...
medium_FJdJ5SB4 Somalia-two-warring-clans-clinch-peace-deal-in-afgooye
- Jan 28, 2015
Traditional leaders representing two warring clans have signed 9-point agreement in the town of ...