Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! codkaaa Puntlandrise.com

Xaflad lagu taagerayo horumarka gobolka haylaan+Sawiro

Dhahar-GGN-Waxaa jimcii ka dhacday hotelka juba ee magalada Bosaso xaflad lagu taagerayo harumarinta bulshada haylaan, waxaa xafladaa soo qaban qaabiyay Xarunta Horumarinta Bulshada Haylaan( Haylan Development society center) oo ay ku bahoobeen dhaliyaro & hoyooyin aqoonyahanin ah , waxaa xaflada kasoo qayb galay marti sharaf aad u tira badan oo isugu jira aqoonyahaniin, culimo, ganacsato,hoyooyin iyo waliba dhalinyaro.

Ujeedka ama gogoldhiga xafladani waxay ahayd laba arimood oo kala ah, in kasoo qayb galayaasha loo sharaxo ujeedada iyo shaqada loo asaasay xarunta horumarinta bulsha haylaan, iyo tankale oo ahayd in kasoo qayb galayaasha lagu dirdirsiiyo ka qayb qaadatashada horumarka degaankooda(haylaan).

Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha ku meelgaarka xarunta mudane Salad Cige Maxamed oo isagu ku dheeraday sharaxaada ujeedoonyinka xarunta horumarinta bulshada haylaan oo ahaa waxka qabashada baahiyaha asaasiga ah ee ka jira degaanka sida: caafimadka, waxbarashada, nadaafada degaanka, I,w,m sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu ku dhiirigaliyay dadki kasoo qayb galay kulanka inay degaankooda waxka qabtaan una soo jeestaan.

Waxaa sidoo kale kalmad ka jeediyay xaflada aqoonyahan Siciid Cismaan maxamed(majakiis) oo sheegay in ay tahay arintani arin aan looga baran dadkeena waana arin cusub waana in loo mahadceliya laguna taagera hawsha ay qabteen dhalinyarada iyo hooyooyinku waana in ugu yaraan la yiraahda waad mahadsantiin, ayuu kusii daray pro: siciid.

Ugu dambeyntii waxaa xaflada kalmad kasoo jeediyay Sheikh Cabdillaahi Cabdi Shabeele oo sheegay in xarunta asaaskeeda ay aad usoo dhawaynayaan ayna tahay fekrad cusub oo waxweyn kusoo kordhinaysa bulshada, shiikhu wuxuu ku booriyay dhalinyarada & hooyoyinka u istagaay waxka qabashada degaankooda inay dadaalka siiwadaan, isku kalsoonadaan sido kalana ay isku duubnaadan, waxaa laga yaaba in ay caqabada ka hor imankaraan.

Dhanka kale cabdillaahi wuxuu dadweynaha madasha fadhiya iyo kuwa ka maqanba ka codsaday inay wakhtigidooda, maalkooda iyo maskaxdoodaba ku bixiyaan ka qayba qaadatasha horumarka degaankooda.

Iskusoo wada duubo xafladi ayaa u dhacday sidii laga filaayay si ka fiican dadki kasoo qayb galay xaflada ayaa ku deeqay lacago fara badan oo wax  lagaga qabanaayo harumarinta degaanka sida hospitalka iyo mediyada.

Dhanka kale waxaa isasoo taraya hadal haynta bulshada oo ay ku tilmaamayaan taalabo wanaagsan oo dhanka horumarka loo qaaday asaasisda xarunta horumarinta bulshada haylaan iyo talaaboyinka horumarka leh oo ay qaaday iyada oo xarunta asaaskeedi laga jooga 2 bilood waxka yar lana asaasay 18/Oct/2012 waana xafladii labaad oo ay xaruntu soo qaban qaabiso  tii hore oo dhacday 2/Nov/2012.

W/Q. Maxamed Cawil Cabdullaahi

Xiririyaha: Xarunta Horumarinta Bulshada Haylaan. ( Haylaan development society center)

haylancentre@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

lami-3 Daawo Sawirrada: Dhismaha Wado Laami ah oo la saarayo Suuqa Bakaaraha
- Feb 24, 2015
Dayactir ayaa ka bilowday wadada u dhaxeysa Isgoysyada Howl-wadaag iyo Baar Ubax, iyadoo wadadan ...
DAAWO VIDEO: Faysal Waraabe  “Hargeisa ayaa Xamar ka wayn, lacagaha DF, S/land iyo P/land DAAWO VIDEO: Faysal Waraabe “Hargeisa ayaa Xamar ka wayn, lacagaha DF, S/land iyo P/land
- Feb 24, 2015
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee maamulka Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa isagoo cadhaysan wuxuu ...
galgala660-640x345 Somalia: Puntland forces repel Al Shabaab attack
- Feb 23, 2015
Puntland Forces repelled an attack by Al Qaeda linked Al Shabaab militants on their ...
Presentation2 OGAYSIIS:- Cal-Madow Women association
- Feb 23, 2015
  Cal-Madow Women association  waxaa ay idin ogaysiinayaa inuu jiro shirwayne guud oo u furan ...
alikhalif Prof Galaydh oo Arkay M.Xasan Sheekh +Sawiro
- Feb 23, 2015
Madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galayr oo ay weheliyeen mas’uuliyiin reer Khaatumo ah ...
galgala660-640x345 Puntland oo Guul ka sheegatay Dagaalkii GalGala
- Feb 23, 2015
Ciidamo ka tirsan Ururka Shabaab ayaa weerar ku ekeeyay fariisimo ciidamada Maamulka Puntland ay ...