Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Siyasada Madaxweynaha ,Hadaladiisa,USC +SNM=(IRIR) Daaroodka hala isu bahaysto.

Minneapolis-GGNews:Taariiqdan ayaa Waxaan odhan karnaa Waxay ka soo bilaabatay Reer guuraggii Xoolo dhaqatadda ahaa ee Soomaaliyeed oo ku dhaqanaa Degaanaddaas, inkasta oo ayyan dadka Soomaalidda ayan Buuggaas ka qorin Taariiqdaas Haddana Waxaad heli kartaa Sheekooyinka Jiilashii hore wixiii ay soo mareen Odayaasha iyo Suugaanta Soomaalidda.

Dhinaca Wanaaga, Soomaalidii hore waxay ahaaeen Dad Xidid Wanaag,Daris wanaag leh Xilligga ay Nabada jirto Waxaana ku wayneed Soomaalinimadda iyo Islaamnimadda,Waxay ahaayeen Dad Isku bahaysta Dadka aan Soomaalidda ahayn ee Degga Geeska Afrika.

Dadka Soomaalidda qolobo qoladda ay is ood xigaan, waxaa ka dhexeeya guur,darisnimo, iyo qaraabonimo.
Xilliyadda Colaaddda:

Waxaa kale oo jira Colaaddo aanan marnaba ka guurin maskaxda jiilashii horre iyo kuwa haddaba,Colaaddaas oo horay u soo dhex martay labo reer oo daris ah, tusaale, Gobolka Mudug Waxaa wada degga ama Degaankaas iska soo gala Qabiilo, Waxaana ka dhexeeya wado dhalasho iyo xididnimo xilligga nabadda,Siddoo kale Waxaa jira Colaado horay u soo dhex maray Beelahaas oo markii mudo la joogaba dib mar u soo cusboonaadday,madaama ay jiraan buuggo hore, Waxaa isla markiiba dadka Maskaxdooda ku soo maaxda Colaaddii hore, Waxaana meeshaas ka qarxay dagaal hor leh.
Dagaaladdii hore
marka eegtid Dagaaladdii hore badidood ee dhex mari jiray dadka Soomaalidda waxaa sababi jiray nin si gardaro ah loo dilay,Xoolo daaqsin doon ah oo la dhacay, biyaha oo gabaabsi oo ahaa degaanaddaas oo mararka qaar sababa in ay dadka Xoolo dhaqatadda isku dilaan biyaha.
Dowladdii Soomaaliya iyo Isdhexgalkii Bulshadda Soomaalidda, Waqooyigga, Galbeedka, Goboladda Dhexe,Shabeelooyinka,Banaadir, iyo Jubbooyinka.

Waxaa jirtay in dadka Soomaalidda Xilliggii ay Soomaaliya ka xorowday Gumaysiggii reer yurub,in Dadka Soomaalidda ay u qabeen hamuun in ay Midoobaan,waxay dadka waxgaradka ah yiraahdaan Soomaalidu Aqoon fiican Dowladnimadda uma lahayn, mar walba waxaa iska dhexgalla Dowladdnimadda iyo Qabyaaladda, Xisbiggii USP/ SYL SNL ayaa Waxaa la Sheegaa in dadka Soomaalidda u horseedeen in Ay midoobaan oo ay Dowladdnimo Wadaagaan, intii ka damabysay isku darkii Soomaaliya iyo Dowladnimaddii Waxaa bilaabatay is dhex gal bushadda Soomaaliyeed.
Waxaan dadka Soomaalidda qaas ahaan Dadkii u shaqayn jiray Ciidamadda iyo Dowladda Degaano cusub oo ay ka shaqayn jireen.
Waxaa meeshaas ka bilowday is dhex gal bulshadda Soomaaliyeed, Markii ay Dagaaladda Xamar ka qarxayeen Dad badan Markaas ku koran koonfurta Soomaaliya ma ayyan aqoon meeshii ay waalidkood ka yimadeen,ama wax horumar ah oo ka jiray ma jirin, Waxayna sababta in ay dibadda u cararaan, halkii ay aadi lahaayeen Dhulkii uu ka soo farcamay waalidkood.

Burburkii Soomaaliya iyo Wixii ka Dhashay :

Dagaaladdii Jabhadda Soomaaliya Waxaa guuray Dhamaan xiriirkii ka dhexeeyay Bushadda Soomaalidda Meel kasta oo ay joogaan, Waxaa dagaaladdaas ku dhintay dad badan oo aanan Waxba galabsan, Waxaa Howgooddii ku waayay Malaayiin aanan Waxba galabsan, Waxaa meesha ka baxay is aaminaddii dadka Soomaalidda, Waxaa lagu kala tagay Dowladdnimaddii iyo in Wax la Wadayeesho, Waxaa soo baxay Soomaali Cusub oo Isku Af ku hadasha balse kala qalbi ah, Waxaa soo baaxay Soohimaysi iyo Dowladda Goboleedyo, iyo in ninkii ugu xigay Degaan ahaan uu aamini waayo.
Dhul Durigsi baro kiciyo si loo degga Degaankoodda ama loo qaato Qayraadka Degaankoodda:
inkasta oo la yiraahdo Soomaaliya oo dhan oo Waxay tahay Dhul baro kicin lagu helay, Waxaa Taariiqda Soomaalidda ku xusan in baro kicin lagu Sameeyay Dadkii kale oo geeska Afrika Degaanan jiray, Dadkaas ayaa Waxaa la Sheegaa in ay Ahaayeen Dad la oran jiray Gaallo,Dad badan oo ku dhaqan Baadiyaha Wadanka Kenya in ay Taariiqda ahaayeen Dad Xoolo dhaqata oo laga soo Qixiyay Wadanka Soomaaliya. dadka Qaarna Waxay Xusaan in Dadka Soomaalidda ay Dad Oromaha ay ka kiciyeen Dhulka Soomaaliy, Sidda (Gaal) Kacyo, Ceel Waaq. magacyaddaas Waxay ku tusinayaan in ay jiraan Dad kale oo degaanaa Dhulka oo looga Qixiyay Wadamadda Etoobiya ama Kenya.
Dagaaladdii Waqooyigga iyo Koonfurta Soomaaliya.

Haddii aan ku hor maro Dagaaladdii Koonfurta Soomaaliya ayaa Waxay Sababeen Qax badan oo Sababtay Fulaynimadda Dadkii Daaroodka ahaa iyo Dul Dugsiggii Jabhaddii USC, gaar ahaan garabka Caydiid,Dagaalkii USC iyo Caydiid ayaa Wuxuu ku salaynaa Fikir dheer oo ah Taariiq dheer in uu ugu tago Koofurta Soomaaliyana,Isbadalna lagu sameeyo ( Demographic) Dadka Daaroodka ah, Mirihii Iyo Ulajeeddii Dagaaladdaas Waa kuwa Maanta badalay Muuqaalka Magaaladda Muqdishu oo ah Caasimadda Wadanka Soomaaliya in Dhamaan Madaxda Degmooyinka iyo Dhamaan Mayordda Magaaladda Muqdishu Waxay ka soo wWadajeedeen Beelaha Hawiye, Siddoo Dhamaan Dhul beereedkii iyo Qayraadkii Koonfurta Soomaaliya Ayaa Wuxuu gacanta u galay Dad aan waligood beer horay u arag. Arinta Kismaanyo ee Maanta Waxay ku Salaysan tahay Sidda ay Dad badan oo Soomaaliyeed Qabaan in Fikirkii USC.
SNM Iyo 20 sanno

Waxaa lagga joogaa Burburkii Soomaaliya Labaatan sanno ilaa iyo Maanta Jabhadda SNM Waxay ku jiraan Dagaal iyo Coleed kala gayn Soomaaliyeed, Waxay ku kufriyeen Xiriirkii Soomaalidda oo dhan, Waxay labaatan u taagaayeen in ay Xasilooni daro iyo Colaad aan Dhamaad lahayn ku hayaan Dadka kale ee ku dhaqan Waqooyigga Soomaaliya, Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa Waxay Dhamaan ka ilaaliyeen in Wax horumar bulsho ka taabo galo degaankaas.
labaatan sanno ka dib, Waxay ay diyaar u yihiin Colaad iyo dhiig Soomaaliyeed oo hor leh in uu ku daadiyeen Waxay ugu yeedheen Qadiyadda Somalilnad.iiyadoo uu hoosta ka taageersan yahay Madaxweynaha Soomaaliya.
Kismaanyo iyo USC-da Xamar ee Maanta:

Sidda dad badan ay Qabaan ama hadda og yihiin Madaxwaynaha Wadanka Soomaaliya ayaa Wuxuu horay ugu tirsanaan jiray Golihii dhexe ee Ururkii gacan ku dhiiglaha ahaa ee USC. Waxaana Muuqato in uu Wali Madaxa uga jirta Siyaasaddii Dhul balaarsigga ee Jabhaddii USC.
b)
Waxaa Iswaydiin Mudan Sababta uu Siilaanyo uu Caydiid ugu qoray Warqaddii Caanka ahayd Ee Uu Siilaanyo uu u diray Maxamed Faarax Caydiid Sanadkii 1991, Warqaddaas ayaa Wuxuu Siilaanyo kula taliyay in uu Caydiid Soo Qabsaddo ilaa iyo Gaalkacyo.iyadoo uu jiray Heshiis Caam ah oo ahayd inuu Goosto Qayta Waqooyi.

USC/SNM ( Dowladdnimadda Soomaaliya)
Halka Jabhadda SNM ay kula balameen Balse ay ugu baxeen in ay Soo qabsadaan Dhinaca kale, Waxaana balantaasu ay ahayd in Wadanka Soomaaliya laga ilaaliyo Maamul Daarood uu madax ka yahay, Waxaa laga Jooggaa Dhowr iyo labaatan Sanno intii si nabad ah ku qabto Madaxnimadda Wadanka Soomaaliya qof ka soo jeedda Beesha Daroodka,Siyaad ahaan Deegaan ahaana uu tafaxaytay Madaxweynuhu, Waxaana ilaa iyo maanta Cad in USC iyo SNM ay ku Midaysan yihiin Siyaasadda guracan ee ku Salaysan Qabyaaladda isagoo ugu hambalyeeyey Doorasho ku sheegii SNM, xilli uu Dastuurka Dawlada Fadaraalka ahi dhigayo 18 Gobol,Dagaalana ka dhaceen Meelaha Doorashooyinku ka dhaceen iyo Xilli lagu kala qaybsan yahay Siyaasada Waqooyiga Soomaaliya oo Dadka Reerwaqooyiga ah aanay wada Taabacsanayn Siyaasada Jamhada Siilaanyoka.

Waxaa kaloo kuu cadaynayso Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hada Socdaalku ku tagay Uganda , Jabuuti iyo iyadoo ahaayeen Halkii ay ku xidhnaayeen Caydiid iyo Siilaanyo ama Jamhadda SNM iyo USC .isagoo Olole Baaxadwayn ugu jira sidii dib ugu abuuri lahaa qabiil iyo siyaasad qabiilo somaliyeed isbahaysi ka raadinaya kuna bilaabay inuu duudsiyo xilli la filayey Soomaaliya inay dhibaatada ka baxdo. waxaana Markhaati madoonto ah Booqashayoonka Madaxweyne Hassan ,Hadaladiisa ,Siyaasadiisa Cusub,Taagerida Siilaanyo,arinta jubooyinka,kuwa SSC ,SNM ay tahay Siyaasadii USC iyo SNM-(IRIR) ee Daroodka la isugu Bahaystay arintaasoo kor u laalaysa soomaalinimadii


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)