Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Urur siyaasadeedkii Sadexaad oo lagaga dhawaaqo Bosaas Kaasi oo lagu Magacaabo Hab Raac +Sawiro

Bosaso-GGN-Iyadoo muddoyinkii dame aysoo baxayeen urursiyaasadeedyada lagadhawaqayay gudaha deegaanada puntland ayaa maanta markale waxa maagalada Bosaaso lagagadhawaqay xisbi cusub kaasi oo loogu magacdaray urusiyaasadeedka Hab-Raac.

Urursiyaasadedkaan ayaa waxa kumidaysan intabadan ganacsatada kusugan puntland gaar ahaana magaalada Bosaasob waxana xaflada kasoo qaybgalay dadweyne isugu jiray Ganacsato, culima awdiin, waxgarad iyo qaybaha kale Bulshadda.

Gudoomiyaha kumeel gaarka ah, ee ururkaan C/qaadir Axmed Ducaale oo kusugna dalka Qatar ayaa khadka telefonka kagashekeyay himilooyinka loo aas asay urursiyaasadeedkaan Hor-cad, waxana uu sheegay in Urursiyasadeedkani uu yahay mid muucaradda ujeedkiisuna yahayinuu kashaqaeeyo hormarka Dalka iyo Dadkaba .

Dhinaca kale Cali Ceelaayo oo isaguna kuhadlay afka ganacsatada ayaa tibaaxay in loo bahanyahay in lahelo ururo siyaasaded kuwasi oo kutartama hogaanka dalka, taasi oo uu kutilmaamay mid hormar u ah puntland.

Wasiir kuxigeenka dekeddaha puntland Mudanae C/shakuur Mire Aadan oo kuhadlayay afka xukuumada Puntland ayaa sheegay in tani ay utahay hor mar madama ujeedka dowlada ee ahaa hirgalaka nidaamka axsaabta ay hada suurtowday, waxaa uu intasi raaciyay in dowlada hada jirta ay ogoshahay ururo siyaaseed oo kulabaratama doorashooyinka madaxtinimo ee Puntland.

Ururkaan cusub ee Hab-Raac ayaa halkudhigisu yahay ururka hormarka iyo cadaalada waxana lagawardhowraya sida uu ugadhexmuuqda saaxadda siyaasada ee puntland.

Shalay ayay ahayd markii Bosaaso lagaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo lagu magacabo Ugub waxana kahoreyay ururka Horsed oo ay kumidaysanyhiin golaha xukuumada hada jirta waxana uu ururkani noqonayaa midki sedexaad ee lagadhawaaqo gudaha Puntland.

Galgalanews-Bosaaso

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)