Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

War Deg Deg ah:Dagaal udhaxeeya Puntland & Alshabaab oo kadhacay Buuraha Galgala

Minneapolis-GGNews:Dagaal qaraar oo udhaxeeyo ciidamo ka amar qaata  Alshabaab iyo ciidamada maamulka Puntland ayaa Maanta waxa uu kadhacay Deegaanka Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Maleeshiyaadka Alsahaab ayaa la sheegay inay weerarka soo qaadeen, wuxuuna dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanada Leeg iyo waliba Sugure oo ku teedsan buuralayda Galgala, waxaana dagaalkaasi la isku adeegsaday hubka cul culus.Dagaalka ay soo qaadeen Maleeshiyaadka Ashabaab ayaa la sheegay inay weerar buuxa ku qaadeen fariisimo dhowr ah too ay ku sugnaayeen Ciidamada Puntland, iyadoo dagaalkaasi uu ahaa mid saacado ka socday deegaanadaasi.Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaasi ay markiisa hore qaadeen ciidamada Ashabaab, islamarkaana ay halkaasi ku qadeen ciidamada Puntland ee ku sugnaa halkaasi, waxayna sheegeen in ciidamadii ka socda Puntland tiro ka mid ah halkaasi lagu dilay.Waxaanu wili wax war ah kasoo bixin dhinacyada dagaalada udhaxeeyay waa Puntland iyo Alshabaab, hasa yeeshe wixi kusuoo kordha dib ayaa idinkala socod siin doonaa.

Goobjoogayaal kusugan Buuraha Galgala ayaa Galgalanews.com u sheegay in dagaalka hada uu socda Qasaaro dhimasho iyo dhawacna uu dhaliyay.waxaana ay intaa ku dareen in Gurmadyo labada dhinaca Galgala soo gaaren.
 
 

<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)