Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maamulka Puntland iyo Xarakada Al-Shabaab Oo Labadaba Ka Hadlay Dagaal Dhexmaray

  • Maamulka Puntland iyo xarakada Al-Shabaab ayaa ka kala hadlay dagaal kharaar oo saakay hiirtii waaberi iyo xalayba ku dhexmaray meel u dhow Tuulada Laag oo 30-km u jirta Bosaso, laakiin halka la isku fara saaray ayaa lagu magacaabaa Sugure maamulka Puntland ayaa sheegtay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab ayna ka dileen 7 ka mid ah kooxda al-Shabaab isla markaana hubkoodi laga qaatey, halka 14 kale oo dhaawac ah ay qaateen oo la galeen halkii ay ka soo duuleen.

Dhanka Ciidanka difaaca Puntland ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in labo kamid ah ay ku dhinteen weerarka, laakiin Dhanka kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay gaari gurmad ah oo sida ciidan ka tirsan Puntland ay miino la qaraxday, waxaana dhimasho kasoo gaartey 10 askeri, iyo dhaawac aan cadadkiisa la sheegin.

Al-shabaab oo dhankooda ka hadley ayaa sheegay in ay iyagu qaadeen weerarka togga Sugurre ka dhacay, waxaana ay bogooda Twitterka ku sheegeen in ay dileen 12 ka tirsan ciidanka Puntland, kuwaas oo ku jiro sarkaal looyaqaan “Dhegaweyne”, qeybta weerarka qaaday ayey magacaada ku sheegeen Mujaahidiinta Golis.

Dhanka kale maamulka Puntland shir ay maanta ku qabteen magaalada Bosaso waxay ku soo bandhigeen sawirada dhowr qof oo meyd ah oo lagu dilay dagaalkii iyaga iyo ALshabaab dhexmaray, ragan meydka ah ayaa lagu sheegay inay ahaayeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Dadka ku safra xiliyada habeenkii wadada dheer ee laamiga ah ee ka baxda Bosaso ayaa sheegaya inay wadada habeenkii ku arkaan kooxaha Al-shabaab ee buurta ku jira oo raxan-raxan u soconaya, iyagoo mar mar baaritaan ka bilaaba gaadiidka wadada ku safraya.

WARSAXAAFADEED MAAMULKA PUNTLAND SOO SAARAY MAANTA AKHRISO

Ciidamada Puntland oo Iska Caabiyey Weerar Al Shabaab ku soo qaadeen Agagaarka Buuraleyda Galgala

WAR SAXAAFEED

5 December 2012

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa iska caabiyey weerar ay xalay ku soo
qaadeen kooxda argagaxisada Al Shabaab agagaarka buuraleyda Galgala.
Xalay abaare 11:00 habeenimo ayaa koox hubaysan oo ka tirsan
argagaxisada Al Shabaab soo weerareen Ciidamada Difaaca Puntland oo ku
sugan agagaarka Buuraleyda Galgala. Kooxda Al Shabaab oo dhowr jiho
weerarkaasi kasoo qaaday ayaa Ciidamada Puntland ku guleysteen in ay
jabiyaan weerarkooda.

Ugu yaraan 7 Al Shabaab ah ayaa lagu dilay weerarkaas, hubkoodina laga
qabsaday, waxayna kooxda Al Shabaab-na dib ula carareen 12-dhaawac ah.
Labo askari oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland ayaa ku shahiidey
weerarkaasi, Ciidamada Puntland ayaa ku raad jooga wixii ka haray
argagaxisadii weerarka soo qaaday.

Miino jidka la dhigay oo aan xiriir la lahayn weerarkii hubaysnaa ayaa ku
qaraxday baabuur siday Ciidamada Puntland, qaraxaasi ayaa sababay
khasaare soo gaaray 10-askari oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba.
Dowladda Puntland waxay aaminsantahay kooxo leh ujeedooyin siyaasadeed
gudaha Soomaaliya inay tageero buuxda siiyaan argagaxisada Al Shabaab
oo dagaalka kula jira Dowladda Puntland.

 

– DHAMAAD —

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

west_bank_grocery_thumb_other563_422 Xeer Cusub Ee Saacadaha U Kordhinaayo Meheradaha Muslimiinta Oo Maanta Meel Maray Golaha Degaanka Minneapolis.
- Oct 21, 2014
Xeer Cusub Ee Saacadaha U Kordhinaayo Meheradaha Muslimiinta Oo Maanta Meel Maray Golaha Degaanka ...
ggg Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Mohamed Iyo Khadra
- Oct 21, 2014
gacal iyo sukeeyaba guurkiina lagu farax. waxaa  Hambalyo ay ku dheehantahay Farxad iyo gacaltooyo u ...
boqorka iiii Badhan :-Warmurtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Boqorka Daarood iyo Suldaanka Harti (Dhegeeyso)
- Oct 21, 2014
ka Diba Socaadaal uu dhowaan ku tegey Boqorak guud e beelah Daarooda Boqor burhaan ...
IMG-20141020-WA0010 Badhan:- Sawiro Dheeraad ah Booqashadii Boqor Burhaan e G.Sanaag
- Oct 20, 2014
Galgalanews waxay Halkan idiinku soo Gudbin Sawiro dheeraad ah oo ku saabsan Booqasahadii Boqor ...
boqor VIDEO:- Booqashadii Boqor Burhaan ee G.Sanaag
- Oct 20, 2014
Daawo Sawirada iyo Video Soo dhoweynta Boqorka Beelaha Daarood loogu sameeyay Degmada Baran ee ...
sanad Sanad-Guuradii Koowaad ee Madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo Minneapolis lagu qabtay(Sawirro)
- Oct 20, 2014
Sanad-Guuradii Koowaad ee Madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo Minneapolis lagu qabtay(Sawirro)  2014-10-20 11: Sanad-Guuradii Koowaad ...