Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Qorshe Maamul loogu samaynayo Bay, Bakool, Gedo iyo Sh/hoose oo soconaya

Minneapolis-GGNews:Warar aynu ka helnay meelo kala duwan oo gudaha dalka iyo dibada ah ayaa sheegaya inuu soconayo qorshe maamul loogu samaynayo afar kamid ah gobollada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Qorshahan oo mudooyinkii lasoo dhaafay ka soconayay magaalada Muqdisho, Baydhabo, Nairobi iyo meelo kale oo caalamka ah ayaa waxaa hor boodaya Shariif Xasan Sh Aadan oo ah gudoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya.

Shalay ayaa lagu waday in Shariif Xasan uu kasoo dago magaalada Muqdisho, hase ahataee safarkiisa ayaa dib udhacay ilaa iyo maalinta isniinta ah ee soo aadan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wafdi uu kamid yahay Shariif Xasan ay kulamo balaaran ku yeelan doonaan Muqdisho kahor inta aysan aadin magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Qorshahan oo la rumaysan yahay in dowlada Soomaaliya ay wax badan ka ogtahay ayaa yimid kadib markii la isla garan waayay in la mideeyo lix kamid ah gobollada Soomaaliya oo kala ah Labada Jubba, Gedo, Bay iyo Bakool iyo Sh/Hoose.

Shariif Xasan Sh Aadan ayaa doonaya inuu noqdo Madaxweynaha maamulkan loo dhisayo gobollada Gedo, Bay iyo Bakool iyo Sh/Hoose.

Shirweynaha lagu dooranayo maamulkaas ayaana qorshaha uu yahay in lagu qabto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

IMG-20141020-WA0011 Boqor Burhaan oo ka hadlay Dhismaha Wadada-Ceerigaabo DHEGAYSO
- Oct 21, 2014
Badhan( Galgalanews) Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Magaalada Badhan Gaadhay ayaa ugu baaqay dowlada ...
west_bank_grocery_thumb_other563_422 Xeer Cusub Ee Saacadaha U Kordhinaayo Meheradaha Muslimiinta Oo Maanta Meel Maray Golaha Degaanka Minneapolis.
- Oct 21, 2014
Xeer Cusub Ee Saacadaha U Kordhinaayo Meheradaha Muslimiinta Oo Maanta Meel Maray Golaha Degaanka ...
ggg Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Mohamed Iyo Khadra
- Oct 21, 2014
gacal iyo sukeeyaba guurkiina lagu farax. waxaa  Hambalyo ay ku dheehantahay Farxad iyo gacaltooyo u ...
boqorka iiii Badhan :-Warmurtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Boqorka Daarood iyo Suldaanka Harti (Dhegeeyso)
- Oct 21, 2014
ka Diba Socaadaal uu dhowaan ku tegey Boqorak guud e beelah Daarooda Boqor burhaan ...
IMG-20141020-WA0010 Badhan:- Sawiro Dheeraad ah Booqashadii Boqor Burhaan e G.Sanaag
- Oct 20, 2014
Galgalanews waxay Halkan idiinku soo Gudbin Sawiro dheeraad ah oo ku saabsan Booqasahadii Boqor ...
boqor VIDEO:- Booqashadii Boqor Burhaan ee G.Sanaag
- Oct 20, 2014
Daawo Sawirada iyo Video Soo dhoweynta Boqorka Beelaha Daarood loogu sameeyay Degmada Baran ee ...