Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! codkaaa Puntlandrise.com

Magaalada Boosaaso oo mudo 20-sano gudohood ah laga dareemay isbadal balaaran(Sawiro).

Magaalada Boosaaso waa Magaalo taariikh iyo xadaar fog waana Magaalo boqolaal sano caan ku ahayd ganacsiga, Magaaladan ayaa qarniyo ka hor waxaa ganacsi u imaan jiray ganacsato iskaga timi qaybo fara badan oo kamid ah caalamka gaar’ahaan wadamada Carabta, Asia iyo Yurub, Boosaaso ayaa caan ku ahayd weligeedba soo dhawayn iyo fur-furnaan bulsho sida ay taariikhdu xusayso,

Markii ay Dalka Soomaaliya ka talinaayeen Dawladihii Rayidka iyo Malatiriga ahaa Magaalada Boosaaso kama hirgelin horumar la taaban karo marka laga yimadii Dawladii Allaha u Naxariiste Maxamed Siyaad Barre oo markii ay isii dhacaysay Magaalada ka hirgelisay Dekad walow ay Dawladii Soomaaliya dhacday dekadan oo aan la dhamays tirin hadana dekadan ayaa ah mid ay ku liibaaneen dhamaan umadda Somaaliyeed gaar’ahaan reer Puntland xiligii lagu guda jirey Burburka maadama ay mar ahayd dekadda kaliya ee ka shaqaysa Dalka Soomaaliya.
Inkastoo aysan iminka ku tagal kayagu ahayn inaan ka shakaayno taariikhda ay leedahay Magaalada Boosaaso ee Caasimada Dhaqaalaha Dawlada Puntland hadana waxaa lagaba Maarmaan ah inaan wax un idaka xasuusino maadama aan ka
faalonayno Horumarka Magaalada Boosaaso.,
Horumarka ay Boosaaso Samaysay 20-kii Sano ee ugu danbaysay!!!!
Qofkii ay 20-sano ka hor ugu danbaysay Magaalada Boosaaso waxaa laga yaabaa inuu ka haysto fikir ah kii uu uga tagey 20-sano ka hor hase ahaate xaalku sidaas waa ku duwan yahay, Magaalada Boosaaso ayaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay samaysay horumar dhan kasta ah sida Ganacsiga Magaalada oo gaaray halkii ugu fiicnayd, Amaanka, Bulshada iyo Dhinacyo kale oo fara badan, Magaalada ayaa hooyo u noqotay guud ahaan umadda Soomaaliyeed waxayna noqotay Magaalo si iskumid ah usoo dhawaysa guud ahaan dadka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn,
Magaalada ayaa waxaa laga hirgeliyey Ganacsiyo kala gedisan, Waxaana Magaalada laga dhisay Saro dhaadher oo muuqaal ahaan kusoo jiidanaaya waxayna Mudo kooban ku noqotay Magaalada 3-aad ee ugu weyn Dalka Soomaliya halka laga yaabo 20-sano ka hor inaysan xitaa Magaaloyinka Soomaaliya kaga jirin kalinta 12-aad,
Dadaalkan ay Boosaaso ku samaysay Horumarka intaa le’eg ayaa loo sababeeya Amaanka degaanadan oo ahaa Mid xasilan 22-kii sano ee ay Soomaliyada kale ku jirtey qalalaasaha , Waxaana la oran karaa waa mid alle looga Mahadnoqo qof walbana uu xil ka saaran yahay sidii loo waardiyeyna lahaa Nabad Galyada degaanadan,
Maahan Horumarka Boosaso ku talaabsatay wax lagu soo koobi karo, Qoraal iyo Wakhti kooban toona Balse nala daawada Sawiradan ay warbaahinta Galgalanews idkaga soo diyaarisay Muuqaalka Guud ee Magaalada Boosaaso.

 

Mukhtaar Cabdi Faarax

 Bosaaso,PL, Soomaaliya

 

 

 

DAAWO SAWIRO BADAN

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

cali waraabe “Faisal Cali Waraabe Bosaaso Ka Horumarsan Hargaysa” ( Muuqaal)
- Apr 24, 2015
(Hargaysa-Galgalanews) Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga  UCID oo Somaliland dib ugu soo laabtay waxana ...
Guddiga Dhismaha Jidka Ceel-daahir & Ceerigaabo VEDIO Guddiga Dhismaha Jidka Ceel-daahir & Ceerigaabo VEDIO
- Apr 24, 2015

baaq1 Baaqan waxaa soo diray qurbajoogta Beesha Ugaadhyan ee North America.
- Apr 23, 2015
  Tacsi & Baaq Baaqan waxaa soo diray qurbajoogta Beesha Ugaadhyan ee North America. Annaga oo aad ...
sahmais Dhageyso: Xoghayaha Xisbiga (UCID) ee Canada Shamis Qardo Jeex “Suldaan Waber meel dheer majiro
- Apr 23, 2015
Dhageyso: Xoghayaha Xisbiga (UCID) ee Canada Shamis Qardo Jeex oo Kuhor Kuftey Madasha#60 "Suldaan ...
Bunka Calmadow & Dhoofinta Bunka (Warbixin)
- Apr 22, 2015
Beeralayda deegaanka Calmadow ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya inay ku adagtahay suuq geynta dalagyadooda ...
dahabshiil Wareysi: Cabdirashiid Dahabshiil (Muuqaal)
- Apr 22, 2015
Laanta Af Somaliga ee VOA-da ayaa Waraystay C/rashiid Dahabshiil Madaxa Shirka Xawilada ee Dahabshiil ...