Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Urur Siyaasadeedka HOR-CAD oo si kulul uga jawaabay hadal kasoo yeeray General Samatar(Dhagayso).

Maamulka Xisbiga Horumarka iyo Cadaalada (Horcad) ayaa ka hadlay Ujeedka Loo Aas Aasay Xisbiga Horcad ,Eedayn Kululna Ujeediyey C/laahi Siciid Samantar.

 Dhegeyso Warsaxaafadeedka Guddoomiyaha Ururka (Horcad)

 

 
Guddoomiyaha Xisbiga Horcad , Mudane Cumar Ismaaciil Waaberi

Maamulka Xisbiga Horumarka iyo Cadaalada ee Marka Magaciisa lasoo Gaabiyo Loo Yaqaan Horcad ayaa Shir Saxaafadeed ku qabtay Xafiiskooda Magaalada ganacsiga Puntland ee  Bosaaso.

Sii hayaha Xilka Guddoomiyaha Xisbiga Horrumarka iyo Cadaalada (Horcad) Mudane -Cumar Ismaaciil Waaberi ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Boosaaso uu ka Hadlay Labo Arimood oo Kala Ah:

1-Faahfaahin la Xariirta Ujeedka Aas-Aaska Xisbiga Horumarka iyo Cadaalada (Hor-Cad).

2-Eedaymo Kasoo Yeeray C/laahi Siciid Samantar uu Dhowaan soo gaaray Guddaha Magaalada Bosaaso

Ugu horeyn Xisbiga Horumarka iyo Cadaalada (Horcad) Waa Xisbi Siyaasadeed Kusoo Biiray Saaxada Siyaasada Puntland ,Ahna Urur Mucaarad Ah loona Aas-Aasay in uu Iftiimiyo Wixii Khaladaad ah ee ay Samaysayso Dowlada Puntland.

2-Xisbiga Horumarka iyo Cadaalada (Horcad) Waa Xisbi Doonaya in uu Tartamo Hogaanka Dalka iyada oo uu la tartamayo Xisbiyada Kale ,Xisbiyadaas oo uu ka Mid yahay Xisbiga Dowlada ee Horseed.

3-Xisbiga Horurmarka iyo Cadaalada ee (Horcad) Maahan Xisbi ay Dowladu Leedahay ,Cidii uu Baahan Xisbiga Dowladu ku Dhawaaqatay ee uu Madaxweynuhu Gudoomiyaha ka Yahay Waa Xisbiga Horseed,Sidaasi Darteed Yaan la Isku Khaldin.

4-Sidoo Kale Xisbiga Horcad Wuxuu Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Faroole inay Samaysay Geesinimo in Wadanka laga saaro qaabkii wax ku qeybsiga Qabiilka ,Loona Saaro Hab Doorasho Xisbiyo Badan

5-Xisbiga Horcad Wuxu ku shaqayn Doonaa Wixii Horumar Ah oo dalka iyo dadka Anfacaya .

6-Xisbiga Horcad Wuxuu Aaminsan yahay in uu la dagaalamo Cadaalad Darida Sida Magaciisa ku Jirta.

7-Xisbiga Horcad Wuxuu Horumar ku Samayn Doonaa Waxbarashada ,Caafimaadka.

8-Xisbiga Horcad Wuxuu Cirib tiri Doonaa Musuqmaasuqa oo aad iyo aad u dhibaatayey Qaarada Afrika.

9-Xisbiga Horcad Wuxuu Xafiisyo Badan ka furan doonaa Gobolada Degaanada Puntland oo Dhan.

10-Xisbiga Horcad Wuxuu Sameyn Doonaa Barnaamij Rasmi ah oo qoraal ah oo uu Gaarsiin Doono Dadka Xisbiga Taageeri Doona Waqtiyada Kooban ee Soo Socda.

11-Xisbiga Horcad Maahan Mid ka qeyb qaadan Doona Burburinta Dalka ee Waa Xisbi Aaminsan Wixii wanaag ah in uu kala Shaqeeyo Cid Kasta oo Markaasi Xukunka Haysa ,sheegona Dhaliisha Xisbiga Markaasi Talada Haya.

2. Eedaymo iyo Aflagaado Kasoo Yeertay G.C/laahi Siciid Samantar oo Bosaaso soo gaaray 06-12-2012:-

C/laahi Siciid Samantar Sadex qodob ayuu Xisbiga Kusoo hadal qaaday markii uu Xisbiyada ka hadlayay :

-Mar Wuxuu Isticmaalay ma Aqoonsani Xisbiyada Puntland .

- Marka Labaadna Wuxuu Isticmaalay Kelmad Ah Waa Xisbiyo Magac u Yaal Ah.

-Marka Sadexaadna Wuxuu Isticmaalay Kelmad ah Waa Xisbiyo Dowladu Leedahay oo Gacan ku rimis Ah.

Ugu Horeyn Gudoomiyaha Xisbiga Horumarka iyo Cadaalada Horcad Mudane-Cumar Ismaaciil Waaberi, Wuxuu Sheegay inaanu Garanaynin Aqoonsiga ay C/laahi Siciid Samantar Uga Baahan Yihiin ,Sidoo kale aanayn Garanaynin Hay’adda C/laahi Siciid Samantar uu ka Tirsan yahay ee ay Aqoonsiga uga Baahan Yihiin.

Wasiirka Amniga Puntland Xiligii uu ahaa C/laahi Siciid Samantar Waxa Puntland ka dhacay Falal Amni Dari oo aad u tira Badan,Falalka amni ee uu la tacaali waayey markii uu wasiirka ahaa Magaranayo sida uu ula tacaalayo hadii Madaxweyne uu ka noqdo Puntland Noqdo C/laahi Siciid Samantar Ayuu yiri Mudane Cumar Ismaaciil Waaberi.

Bosaaso oo aanu hada joogno Waxa ka jiray Xilliga C/laahi Wasiirka Ahaa Wax la Yiraahdo Khadka Cagaaran oo la wada Ogyahay.  Waxaa jiray falal iyana dhacay oo Guryo lagu dumiyey Xiligii Wasiirka ahaa C/laahi Siciid Samantar.

Isku soo wada duubo Gudoomiye Cumar Ismaaciil Waaberi Wuxuu Bulshada ugu Baaqay inay qofka ku doortaan Qofkani ama Xisbigani ama Siyaasigani Muxuu Dalka iyo dadka usoo qabtay Muxuuse Mustaqbalka u qaban Doonaa.

Mahadsanidiin

Gudoomiye Cumar Ismaaciil Waaberi


 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

gaas jaaato PL Isbedelka Golaha Wasiirada
- Jul 23, 2014
Puntlandsun.com:- Gollaha Wasiirada PL ayaa lagu wadaa in isbedel lagu Sameeyo qaybtood sida ay ...
garoowe Gudiga Caleema Saarka Isinka Beesha Ismaaciil Jibraahiil [Wargalin]
- Jul 23, 2014
Ka: Gudiga qabanqaabada shirka calleema saarka Isinka beeshu yeelanayso Ku: Bulshaada kala duwan ee beesha ...
tacsi Inaa Lilaahi Waa inaa Ilaahi Raajucuun
- Jul 23, 2014
Ambassador Cumar Xaaji Cali, Xasan Faarah Bile' X.Suuri' Maxamuud Faarax Bile'Cunbul'   Haji Cali ...
documenti-21 “Xog Muhiima” Mushahaarka iyo Dhakhli-ga Puntland
- Jul 22, 2014
Ka dib doorashadii Madaxweyne Gaas , Ku xigeenkiisa Eng iyo Gollaha Sharci dejinta Puntland ...
images Tacsi:- Maryam W.Samatar oo Dubai ku Geeriyootay
- Jul 22, 2014
NAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN: MA DHINTE WAA ILAAHAY. Waxan tacsi tiiraanyo leh udiraynaa, ...
cali khaliif 2 Tolowga Cali Galaydh ee Puntland Maxaa iiga Baxay!!
- Jul 22, 2014
Cali Khaliif Galaydh iyo wafti la socdaa waxay Gaadheen Degmada Buurtinle si ay u ...