Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gacanta la galay Howshii Wasaaradda Maaliyadda iyo Ra’iisal Wasaare Saacid Maxaa ku dhacay, Imise ayaa la ogol yahay in lagala baxo Bankiga dhexe…

Minneapolis-GGNews:Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa la wareegay howlihii Wasaaradda Maaliyadda isagoo bilaabay inuu si toos ah faraha ula galo wax kasta oo Wasaaradaas maamulaysay.
Warqad Madaxweynaha u qoray Bankiga dhexe oo markii hore amar Ra’iisal Wasaaraha ka soo baxay lagu xayiray lacagaha bankiga laga qaadan karo inaan ka badin karin maalintii Kuntan kun oo Dollar ayaa hadda Madaxweyne Xasan Sheekh Amray in maalintii laga saari karo Bankiga lacag dhan boqol kun oo Dollar.

Warqada Madaxweynaha oo wax ka bedeshay go’aankii Golaha Wasiirada meel mariyeen soo jeedintii Wasaaradda Maaliyada ee ahayd in 24 saac Bankiga dhexe loo ogol yahay qofkii inuu kala baxo Kuntan kun Dollar ayaa hadda waxaa amar lagu bixiyay in lacagtaas lacag ka badan lagala bixi karo Bankiga.

Sida ay sheegayan wararka Warqada Madaxweynaha qoray ayaa lagu wargeliyay Maamulayaasha Bankiga inay laadan go’aankii Golaha Wasiirada.

Mid ka mid ah Wasiirada Dowladda ayaa sheegaya inuu la yaaban yahay hab dhaqanka Madaxweyne Xasan xataa kalama tashin Ra’iisal Wasaarihiisa.

Madaxweynaha ayaa sabab uga dhigay in Wasiirada qaar sida Wasaaradda Arrimaha dibadda oo safarkeedu badan yahay aan macquul ahayn in ay qaadato toban kun oo Dollar maadama Hotelka ay degayso marka ay dibadda u dhoofto iyada iyo Saraakiisheeda uu qaali yahay.

Lama oga lacagta ku baxayso Safarada wasaaradda arrimaha dibadda laakiin waxaa jira qiimo horey u dejiyeen Dowladihii KMG ahaa

Sidoo kale Xubno ka tirsan Wasiirada ayaa safarkooda waxaa ku baxa lacag tiro badan.

Lama oga ilaa iyo hadda lacagaha tirada badan ee ku baxa Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka arrintaas oo iyadana doodo ka taagan.

Lataliyaha Ra’iisal wasaaraha ayaa laga soo xigtay isagoo dhahaya Madaxweynuhu awood ka weyn midii uu xaq u lahaa ayuu la soo baxay.

Howlgalada Ciidamada ayaa ka mid ah meelaha lacaga tirada badan ku baxa oo aan la ogeyn inta ay la ek tahay qarashkaas.

waxaa intaas sii dheeray kireynta Diyaaradaha oo iyaga xadka ka baxay waxaa la leeyahay halkii Diyaarad oo Madaxda dalka ku safrayan maalintii waxaa ku baxda 12000 oo Dollar (Toban iyo Labo kun oo Dollar)

Labadii Maalmood aynu ka soo gudubnay ayaa lagu arkay xarunta Bankiga dhexe waraaqo Madaxweynaha soo qoray oo shaqsiyaad wata kuwaas oo lacago ka qaadanaya Bankiga dhexe.

Somali waxay ka mid tahay meelaha ugu Laalusha badan adduunka mana jirto cid la xisaabtanta madaxda Qaranka, cid walba waxay doonta ayay sameysaa taasi ayaa sabab u ah in Madaxweynaha iska qoro boonooyin lacag lagu qaata.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa awood badan ku yeeshay Magacabista Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha, isagoo ku soo darsaday xubno isaga gacan saar la lahaa sida Faarax C/qaadir oo lagu tilmaamo maskaxda maamusha Madaxweynaha.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)