Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

KISMAAYO: Wafdi ka socda IGAD ku wajahan magaalada Kismaayo

Minneapolis-GGNews: Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ayaa kusoo wajahan Beri oo ku beegan Isniin ama Taladaada midkood magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose.

maxbuub

Maxbuub Macalin

Wadfigaan ayaa waxaa hogaaminaya Maxbuub Macalin, iyadoo la filayo in wafdiyo kale oo ka socda IGAD ay isla asbuucaan ay tagi doonaan magaalada Kismaayo oo noqon doonta goobta dhidibada loogu taagi doono maamulka Jubbooyinka.

Wafdigan ayaa Indho-Indhaynaya Xaalada guud ee dhanka ammaanka magaalada Kismaayo iyagoo kulano la qaadan doona maaamulka kumeelgaarka ah ee magaalada , kaddibna go’aan rasmiya ka qaadan doona waqtiga ugu haboon ee uu shirka maamul u samaynta deegaanka Jubbooyinka ay ka furmayaan guddaha magaalada Kismaayo.

Warar hoose oo Galgalanews soo xiganayso ayaa sheegaya in IGAD ay doonayso inay si deg deg Maamul loogu dhiso deegaanka Jubbooyinka , ayna arrinkaas kala tashanayaan maamulka ku meelgaarka ah ee ka dhisan magaalada Kismaayo oo marar badan iyagu naftoodu  ku baaqay in la dedejiyo arrimaha maamulka loogu samaynayo deegaanada Jubbooyinka & Gedo.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyey , iyadoo magaalada guddaheeda laga dareemayo ciidamo xoogan oo sugaya ammaanka, isla markaana aad u kontaroolaya meelaha laga soo galo magaalada.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

hanbalyo-aroos Hambalyo:-Meher
- Jul 30, 2014
  Waxaanu Hambalyo Meher u direynaa    Mohamud Abdurihman Farah  iyo  Marwadiisa  Qaaliga ah Nacimo Ahmed ...
ciidan-300x168 Ciidamo ka goostay Puntland oo tagay Laas-caano “Daawo Video”
- Jul 29, 2014
Ciidamo ka tirsanaa Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool, waxayna ...
Xingalool Khudbadihii la jeediyay Ciida VIDEO Xingalool Khudbadihii la jeediyay Ciida VIDEO
- Jul 29, 2014
Magaalada Xingalool ee Gobolka Sanaag ayaa ciidii Salaad waxa Shacabka la Tukaday Culumada Magaalada, ...
Galaydh oo Qiray inay Baabuurkiisii Somaliland Qabsatay VIDEO Khaatumo:- “Cali Galaydh Colaada Carruurtayadaanu ku Ababin” VIDEO
- Jul 29, 2014
Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh ayaa Hadal uu ka jeediyay Degmada Saax-dheer  ku sheegay inay ...
qardho Puntland:- Adhi Quruuruxiso Kama Il-Baxo!!
- Jul 29, 2014
Xubno ka tirsan Gollihii Samata bixinta Puntland ee uu horey uga mid ahaa Madaxweyne ...
test6 Hayland:- oo lagu soo dhaweeyay Afhayeenka Baarlamaanka PL +Sawiro
- Jul 29, 2014
Afhayeenka Baarlamaanka PL Siciid Xasan Shire ayaa gaadhay Xarunta G.Hayland ee Dhahar,waxana soo dhaweeyay ...