Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! codkaaa Puntlandrise.com

Odayaashii Galkacayo ka hadlay way u gafeen Bulshada Gobalka Nugaal.

Waxaan doonayaa inaan Maqaalkan Gaaban aan kaga hadlo arimo la xiriira hadal shalay kasoo yeeray odayaal kasoo jeeda Gobalka Mudug oo kulan ku yeeshay Magaalada Galkacayo kaas oo ay ugu gafeen dadka degan Gobalka Nugaal iyo Gaar’ahaan Beesha ugu tirada Badan Gobalka Nugaal, Kulankan ka dhacay Magaalada Galkacayo oo ahaa mid lagu cambaareynaayey xarigii uu Maamulka Puntland u gaystay Nabadoon Yaasiin C/samad ayaa u muuqday inay odayaashii halkaas ku shiray ay iskaga khaldantay Bulshada ku dhaqan Gobalka Nugaal iyo Maamulka Dhexe ee Puntland iyo Kan Gobalka Nugaal oo ay Madax u yihiin Dr C/raxmaan Faroole iyo Cabdi Xirsi Cali Qarjab, hadii aysan ula jeedin in ninmankaasi kasoo jeedaan Gobalka Nugaal,

Waxaa wax lala yaabo ah in rag sheeganaya inay yihiin Odayaal reer Puntland  ah ay u hadlaan qaab kala fogayn kara wax isku ahaanshaha umadda Puntland gaar’ahaan dadka walaalaha ah ee halkaasi Magacyadoda lagaga dhawaaqay walow aysan Ragani ahayn dad matayaalayey bulshada Gobalka Mudug iyo Xitaa beesha ay sheegeen inay afkeeda ku hadlaayaan maadama aan dadka reer Mudug iyo Beesha ay sheegteen toona aan lagu aqoon hadal sidan oo kale xanaf u leh.

 

Odayaashan Shirka ku qabtay Magaalada Galkacayo ayaa sheegay in falkan ay ka danbeeyeen C/raxmaan Faroole iyo Cabdi Xirsi Cali ayna beesha ay kasoo jeedaan raali uga ahayd inkastoo qaar kamid ah ragii halkaas ka hadlay ay quruxiyeen hadalkooda hadana  Odayaashan ayaa ku cel-celiyey kuna goodiyey inay Ragan ula xisaabtami doonaan hab beeleed iyagoo sheegay inay suuqa marada kaga dhigi doonaan Wax garad iyo Masuuliyiin kaso jeeda beesha degta Gobalka Nugaal Hadaba odayaashan intii bareertay waxaan leeyahay adeerayaal hadalku waa ida ka fikaday mana ahayn wax layda ka filaayey mase ogidin Miyaa in Nabadoon Yaasiin C/samad lala xiray Afar nin oo kale oo kasoo jeeda beesha aad u gafteen oo xitaa mid kood indhoole sokor qaba yahay hadana xaaladiisa caafiimaad laga dayrinaayo, Maysan haboonaateen inaad ku ekataan cambaaraynta masuuliyiinta aad sheegteen mise waxaa iskaga kiin khaldamay Dawlada Puntland iyo Beeshii oo maydaan ogayn inay Dawladu idinkaba Dawlad idiin tahay,

Hadii Taariikhda dib loo raaco Puntland waxaa kasoo taliyey Masuuliyiin kala gedisan dhamaantood waxaa lagu eedey tacdiyo,Xarig,Caburin iyo Dilal iyo mudo kororsi, mase maqal hada ka hor masuul beeshiisa lagu lamaaninaayo tusaale C/llaahi Yuusuf waxa uu kasoo jeeday beesha ay ragan sheegteen inay afkeeda ku hadlayaan waxaan xasuusanaa in Hogamiyahaas xiligii uu Puntland ka talinaayey uu xariga iyo Dilal barer ah u gaystay masuuliyiin, Nabadoono iyo Wax garad kasoo jeeda Beesha aad u gafteen mana maqal beeshaas oo ida ku eedaynaysa inaad arinkaas idinku raali ka ahaydeen, Waxaa kamid ahaa Korneyl Faarax Dheere oo amar Madaxweyne Si bareera ah loogu diley Bartamaha Magaalada Garoowe  beeshan ma aysan oran waxaa ka danbaysa beesha c/llaahi Yuusuf ama iyadaa raali ka ahayd hase ahaate waxay kasoo qaadeen dhacdo qadar alle ku dhacday xitaa laguma xag-xagan masuulkii amarkan bixiyey,

Maydaan ogayn hadalka ida kasoo yeeray inuu wax u dhimi karo ehelnimada iyo Isku xirnaanteena, uuna barmadow  dhex dhigi karo beelaha walaalaha ah mise waxaad moodeen inuu faroole xilkan ku waari doono maydaan ogayn hadal walba oo wanaagsan ama xun inay taariikhdu qori doonto uuna gaari doono meel dheer   noqona doono mid xisaabta geli doona, Xaqiiqdii umadeenu waxaad moodaa inay marayso halkii ay Soomaaliya maraysay 1991 oo ay weli laabteen ka buuxdo caadifadii iyo si wax xun sheegi ay Soomaaliya ku kala tagtay,

Odayaasha iyo Dhamaan Wax garad Puntland waxaan leeyahay ma haboona in Masuuliiyinta Dalka lagu laaminaayo beelaha ay kasoo jeedaan, Dawladana dhib iyo dheefba waa geysataaye wixii ay Dawladu ku kacdo yaan lagu eedayn beesha ay markaas masuuliyiinta sare kasoo jedaan, Hadii kale hala ogaado inay taariikh walba qormayso aysana Madaxda sare hal meen kasoo jeedayn weligood oo ay noqon doonto in nin walba oo yimaada loo xag-xagto qaab beelaysan lana aflagaadeeyo beesha uu markaas kasoo jeedo.

W/Q:- Mukhtaar Cabdi Faarax
Email:- kaamil571@gmail.com
Afeef:- Maqaalkan wuxuu gaar yahay qoraaga ku saxiixan, loomana turjuman karo aragtida Galgalanews.

<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (1)

  1. great pictures tammy….


Comments are closed.

ceer3 Ogaysiis: Jaaliyada Maakhir Ee MN Waxaa Loogu Baaqayaa Inay Kasoo Qaybgalaan Shir Muhiim
- May 21, 2015
ogaysiinayaa Waxaa Dhamaan Dad waynaha Reer Maakhiree Minnesota u sheegaynaa ina aay ka soo ...
gaas-jaaato.jpg 2 Madaxweynihii Facebooga
- May 19, 2015
Madaxweynaha Puntland oo Doorashada ku soo galay ilaalinta Warbaahinta ayaa ka Cadhooday Qormooyin aan ...
maakhir2 Ujeedo: Baaq Kaso Baxay Beelaha Bah-Ogayslabe iyo Bahwadaagtooda.
- May 19, 2015
(Ceerigaabo Galgalanews) Beelaha Bah-Ogayslabe ayaa Baaqna Soo Gaadhsiiyay Degalka GalGalanews.com waxana ay kaga hadlayaa ...
Qoorsheel & Hawada Somalia VIDEO Dhaq-Dhaqaaqa Siyaasadeed ee Qorsheel
- May 17, 2015
(Nairobi Galgalanews) Beryahan waxa socda Shirar Goos Goos ah ay wadeen Siyaasiyiin Reer Sool ...
Madaxweyne_Xasan_Burundi_4-610x250 Burundi: Pierre oo dib ugu laabtay dalkiisa
- May 15, 2015
Madaxweyne Pierre Nkurunziza, ayaa waxa uu tagay magaalada caasimadda u ah dalka Burundi, ee ...
gaas-jaaato.jpg 2 Dr Gaas oo loogu Baaqay Isbedel Siyaasadeed
- May 15, 2015
(Garowe-Galgalanews) La-taliyaasha dhanka Siyaasada & Sharciga ayaa la sheegayaa inay Madaxweynaha PL Maalmihii la ...