Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Jaliyadda Soomalida ee Wadan ka Pakistan oo Farac Cusub Ka Furatay Magaaladda Karachi ee GobolKa Sindh.

Karachi-GGN-Xaflad aad u weyn aya ka dhacday magaladda islamabad ee wadaan kaasi pakistan,oo ay isuguyimaadeen jaaliyada somalida ee ku dhaqan dalka pakistan. Xafladaas oo ahayd mid lagu magacabayay farac cusub ama chapter cusub oo loo magacaabey eng: saeed adan. Chapter kaas cusub ee lamagacaabay ayaa si toos ah u hoos tagidoona xarunta ugu weyn ee jaaliyadda somalidu ay ku leedahay wadankaan ee fadhigeedu yahay casumadda Pakistan ee Islamabad.
Sidacaadadu ahayd madaama aynu nahay bulsho muslimiin ah waxan aayada quraan ah ku bilaabay sheikh bashiir.
In taas kadib waxaa shirka si rasmi ah u furay khudbad qiimaleh na ka sheediyay madasha xafladda gudoomiyaha guud ee jaliyadda soomalida ahmed mukhtaar (qalbi) oo fadhigiisu yahay casumadda wadan kaan pk ee Islamabad.
Gudoomiyaha aayaa dhiiri galin kadib,ka sheekeeyey waxqabad kiisa ilaa iyoh intii loo igmaday shaqadda uu haayo hadda,isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu madasha ka sheekey in xilkaas loo dhiibey sanadku markuu ahaa 2009 ki oo muddo labo sano ah loo doortay,ayuu sheekey in ay u qab soomeen wax yaabbo badan mudadaas oo ay kamid ahaayeen in soomali badan loo aqoon saaday qaxooti,loona qoray lacag gaareysaa 55$ qofkii ah single,halka familiyada ay uga soo dhameeyeen UN ka in ay siiyaan 250$ halkii family,lagana baxsho iskuul ladda,iyadda oo loo qabbo waliba dharka iskuul ka,iyoh bus ka iskuul ka labaddaba.
Xilkaas oo uga ikaa sanadku markii uu ahaa august 1st ,2011, ayaa hadana dib loo soo doortay 2sano oo kale sanadku markii uu ahaa bishi sagaalad 2011,kadib markii loo bogay qaabki wanaag sanaa oo isaga iyoh ku xigeen kiisa oo lagu magacaabo c/raxmaan xaaji gurey ay uga soo baxeen shaqaddii loo idmaday.
Gudoomiyaha oo hadal kiisa sii wata aya sheegey isla sanad kaan 2012 guduhiisa in la qaaday 8qoys oo somali ah iyoh dhaliyaro badan dadaal dheer kadib oo ilahay la garab qabtay,isaga oo sheegey ku dhowaad 120 qof oo Somali ah loo balan qaaday in la qaadi doono muddo dhow hadii alle idmo.
Gudoomiyaha aya balan qaaday inuu in ku imaan doono boqosho magalada Karachi bisha labaad 13th ee sanadka cusub haddi rabbi idmo si uu uga qeyb galo xaflad weyn oo ayqaban qaabinaayaan chapter Karachi xafladaas oo qorshaheedu yahay soo dhoweynta gudoomiyaha cusub ee faraca Karachi eng: saed adan.
Intaas kadib waxaa isna telefoon ahaan uga qeyb galay gudoomiyaha cusub oo loo magacaabey chapter ka Karachi eng:saed adan, isaga oo sheegey in uu aad ugu farax san yahay xilkaas loo igmaday,diyaar na u yahay in uu ushaqeeyo walihiisa somaaliyeed ee ku dhaqan magalada Karachi,in taas kadib ayuu soo gunaanaday hadal kiisa gudoomiyaha jaliyadda somaliyeed ee faraca Karachi,oo ka c

odsaday inay jaliyaddu ayla shaqeyso faraca cusub,hadii uusan helin na jaliyadda taageeradeeda in aysan waxba qaban Karin wax na dhaqaajinkarin la’aantood.
Isku soo wada duubo munaasabadan ayaa waxay ku saabsanayd in jaaliyadda somaliya ee dalka Pakistan ay farac cusub ku yeelato magalada Karachi maadama ay Somali badan ku nooshay,xafladii na waxay kusoo dhamaatay jawi aad u qurux badan oo loo wada riyaaqay qaabka ay isugu xiran yihiiin somalidda ku nool guud ahaan dalka Pakistan.

Dr mohamud Mohamed adan
Madaxa arrimaha bulshada ee jaliyadda somalida pakistan
Ee Islamabad,tel:+923332132066
Email: s-haaf@live.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)