Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Sawiro: Kulan Xoogan oo ka dhacay Qardho Iyo Faroole oo Afka Furtay

 Shirkaan Wadatashi ah oo ay ka qeyb galay Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse, Musharax Madaxweynaha Puntland Gen. Cabdilahi Siciid Samatar, Wasiiru dowlaha sharciga Maamulka akhtigiisu dhamaaday Gen. Yuusuf Axmed Kheyr, Danjire Dr. Maxamed Cumar Jaamac Dhigic Dhigic Isimo,Waxgarad,Siyaasiiyiin,aqoonyahno iyo dadweyne fara badan.

Sharkan ayaa daba socday kulan hore ugu fashilmay magaalada Garoowe kaas oo ay isugu iman lahaayeen Waxgaradka iyo Madax Dhaqameedada Sadexda Gobol ee hada wali kusii hadhay Maamulkii hore loo odhan jiray Puntland. Kulanka Baaqday ee Garoowe lagu qaban lahaa ayaa ujeedadiisu ahayd sidii C/raxamn Faroole oo dhoob dhoobtay Dastuur aan la isku raacsanayn iyo Wakhti kororsi dheer kaas oo uusan sifo sharci ah u marin.

Madax dhaqameedka aya laga hor istaagay loona sheegay in aysan gali karin kuna shiri karin magaalada Garoowe waxana qaarkod loo gaystay jidhdil balaadhan halka qaar la xabsiyeeyay iyada oo aan maxkamad la marsiin.

Madax Dhaqameedada iyo waxgaradka Siyaasiyiinta Reer Qardho ayaa iyagu gogol u fidiyay Shirarka noocan ah ee Garoowe albaabada ka xidhatay, waxana kulankooda maanta kaga hadleen sidatan

Nabadoono ka tirsan degaanka Qardho oo sheegay in wakhtigii loo baahnaa Xukumadda Madaxweyne Faroole in ay waxqabato ay ku guuldareystay haddana aysan u harin mudo sidaas u sii dheer, loona baahan yahay in dalka khal-khal loo horseedin, xukuumadana ay ixtiraamto rabitaanka shacabka oo ah in doorasha dalka la geliyo.

Ugu dambeyntii waxaa shirka laga soo saaray la iskuna afgartay afar Qodob oo ay ka mid ahaayeen:-

1. In Qardho ay u diyaar garowday shirweynaha bad-baadinta Puntland, isla markaana gogoshiisa weli taalo.

2. In ergooyinka reer Puntland ee ku sugan magaalada Qardho la soo dhaweeyey, kuwa iman doonana sidaas oo kale la soodhoweynayo, laguna wargeliyo inay Qardho tahay magaalo cidina aan laga laheyn, lagana xigin.

3. In Ciidamada nabadgelyada ee hadda joogana magaalada ay amniga ka shaqeeyaan hawlaha ergooyinka iyo qabaa’ilkana aanay faragashan Karin.

((Hoos Sawirada & Warbxinta Hogaamiye Faroole ka Dheeho))

Dhinaca kale Hogaamiyaha Maamulka Puntlan Mr Faroole Ayaa Afka Furtay kana hadlay Arimo badan oo Quseeya Mudo Kororsigisia.

((Halkan Riix – Dheeho + Dhegayso Faroole oo Afka Furtay ))


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

medium_17hFJy7Q jawaari oo dib oga gurtey mooshinkii Ra’isulwasaaraha
- Nov 20, 2014
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa laga soo xigtey hadalo muujinaya in mooshinkii ...
1170 Codsi Muhiim ah oo Dhamaan ku socda Umada Musliiminta ah
- Nov 20, 2014
Hibo C/laahi Axmed Diiriye (Cawl ) oo Aan Hadda Kahor Idiinsoo Bandhignay Sawirkeeda iyadoo ...
Capture8 Daawo sawirada buuraha gobolka Sanaag
- Nov 20, 2014
  Gobolka Sanaag waxaa uu noqondoonaa gobol degiddiisa ummadda Somali u tartanto mustaqbalka (In shaa Allaah), ...
shir-copenhagen-4 Aqriso War-murtiyeed laga soo saaray shirkii ka dhacay Magaalada Copenhagen
- Nov 20, 2014
1. Shir sannadeedkii ugu horeeeyay ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare ...
Labo-Madaxweyne- KUMA AYUU SHABAHAA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH ? !!
- Nov 20, 2014
Qormadan waxaan ku eegi doonaa Meelaha ay iska Shabahaan Madaxweynihii u horeeyay ee waasha ...
519 Madaxda Puntland oo la kulmay Shirkad Somalilander ah “Sawiro”
- Nov 20, 2014
Koox ka socota magac shirkad la yiraahdo Somturk oo xafiis ku leh Hargeysa ayaa ...