Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! codkaaa Puntlandrise.com

Fiqi Ma Xisaabiyaa mise waa Wasiir?Mise Dawladii aan dooranay baa isu bedeshay”Sawirro”

MInneapolis-GGNews:Calaamadaha kuu cadaynaya in Dawladii loo hanweynaa ay isu bedeshay NGO,waxaa cadeyn u ah,waxaa markii 2-aad,Dayuurad lacag lagu daabulay laga dejiyay Magaaladda Baydhabo,iyadoo Xisaabiye uu ka yahay lacagtan Ciidamadda loo qeybinayo,Wasiirka Gaashaandhiga oo markan u xuubsiibtay Xisaabiyaha iyo khasnajiga guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga,halkii ay aheyd in hawshan loo xilsaaro,Khasnajiga Guud ee Wasaaraada Gaashaandhiga inuu qeybiyo Mushaarka,halkii Wasiirka uu gacantiisa ku qeybin-lahaa,taasina ay keeni-karto shaki laga keeno lacagan Muqdisho laga qaadayo ee Dayuuradaha loo kireynayo.

Taariikhda Caalamka lama maqal lama arag,Wasiir Gaashaandhig oo Dayuurad lacag kuqaada hadhoow Warbaahinta laga daawado,isagoo lacagtii sidii Hey’adaha samafalka qeybinaya,waxaana arintan ay bahdilaad ku tahay Dawladii loo rajo-weynaa oo markan si cad u noqotay NGO.

Wasiirka Gaashaandhiga aha Madaxweyne ku-xigeenka qarsoon ahna Khasnajiga-Guud ee Dawladda,waxaa la gudboon inuu wax ka bedelo hab-dhaqankiisa,waayo Dawladiiba wuxuu ka dhigay NGO

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi, ayaa markii labaad sidii uu yahay Xisaabiye guud ama khasnajiga wasaarada gaashaandhiga waxa uu diyaarad ku qaaday Mushahaarkii Maleeshiyaadka dawlada taageersan ee ku sugan Gobolka Bay iyo Bakool, halka Ciidamada taageersan Dawlada Soomaaliya oo ku sugan Maakhir iyo Khaatumo ayna helin wax mushahaar ah muddo badan.

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga doowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in Wasiirku uu wado lacago mushahaaraad ah oo la siinayo Maleeshiyaadka dowladda ee ku sugan gobolada Bay iyo Bakool.

Wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi, ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehliya Taliyaha ciidamada XDS iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dib u habeynta Maleeshiyaadka dawlada magaceeda ku shaqeeya ee jooga gobolka Bay, waxaana bixinta mushaharkan uu ku soo beegmay labo maalin ka dib markii baarlamaanka uu ogolaaday miisaaniyada cusub ee dawlada ee sanadka 2013 taas oo lacag loo qoondeeyey Maleeshiyaadka Muqdisho iyo kuwa Bay iyo Bakool

 

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

cali waraabe “Faisal Cali Waraabe Bosaaso Ka Horumarsan Hargaysa” ( Muuqaal)
- Apr 24, 2015
(Hargaysa-Galgalanews) Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga  UCID oo Somaliland dib ugu soo laabtay waxana ...
Guddiga Dhismaha Jidka Ceel-daahir & Ceerigaabo VEDIO Guddiga Dhismaha Jidka Ceel-daahir & Ceerigaabo VEDIO
- Apr 24, 2015

baaq1 Baaqan waxaa soo diray qurbajoogta Beesha Ugaadhyan ee North America.
- Apr 23, 2015
  Tacsi & Baaq Baaqan waxaa soo diray qurbajoogta Beesha Ugaadhyan ee North America. Annaga oo aad ...
sahmais Dhageyso: Xoghayaha Xisbiga (UCID) ee Canada Shamis Qardo Jeex “Suldaan Waber meel dheer majiro
- Apr 23, 2015
Dhageyso: Xoghayaha Xisbiga (UCID) ee Canada Shamis Qardo Jeex oo Kuhor Kuftey Madasha#60 "Suldaan ...
Bunka Calmadow & Dhoofinta Bunka (Warbixin)
- Apr 22, 2015
Beeralayda deegaanka Calmadow ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya inay ku adagtahay suuq geynta dalagyadooda ...
dahabshiil Wareysi: Cabdirashiid Dahabshiil (Muuqaal)
- Apr 22, 2015
Laanta Af Somaliga ee VOA-da ayaa Waraystay C/rashiid Dahabshiil Madaxa Shirka Xawilada ee Dahabshiil ...