Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Deeqda Dowlada Turkey ey siiso Somalia, Maxaa PL iyo Jubaland ka Qadiyay

 GGNews:Akhristow Dowlada Turkey oo runtii u soo gurmatay Dalka Soomaaliya isla-markaana qeyb-weyn ka qaadatay Masiibadii Abaaraha ee ku habsatay Dalkeena ayaan oran karaa Turkey Iyo Raisal-Wasaare Recep Deyip Erdogan, Waxa ey Taariikhda ka galeen baal dahab ah.

Bal aan eegno Xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyay Deegaanada Puntland Iyo Khilaafadii Islaamka ee Othman Empire. Sida aan la socono Puntland waxa ey ku taalaa Saldhig Muhim ah marka la eegayo Istaraatijiyada Dhul Iyo Bad, Khilaafadii Othman Empire, waxa ey Puntland kula-heyd Saldhigyo kala duwan, waxana kamid ahaa Deegaanada Bariga fog Iyo Bariga soke sida Ceelaayo Ilaa Bossaso inta u dhaxeysa. Hadaba Dowlada Turkey ayaa Soomaaliya siisey deeqo Waxbarasho Gargaar Dhaqaale Horumarineed, nasiib daro deeqahaas Deegaanada Puntland waxba kama soo gaarin, waliba waxaan xasuusinayaa Akhristayaasha in Deeqdii Waxbarasho ee Ardeyda Puntland lasiiyay maalin cad lagu dhacey Magaalada Mogadishu, waxaan nasiib u yeeshay inan arko Ardey badan oo Mogadishu kasoo laabtey kadib markii ey Deeqahoodi Waxbarasho la iibsadey iyagoo niyad jabsan, taas waxaa kasii daran Akhriste Deeqihii Raashinka Iyo Daawooyinka oo iyana laga afqabtey Deegaanada Reer Puntland. Hadaba Akhriste hadii Soomaalidu wax isku darsatay islamarkaana dhisatey Dowlad Federal ah, Cadaaladii ey xagey martey, sida aan xog ku hayo, Dowlada Turkey waa Dowlad jecal Ummada Soomaaliyeed, balse kooxaha Soomaalida ee Magaalada Mogadishu fadhiya ayaa iyagu ka danbeeya musuqmaasuqa Iyo hanti cunista ka dhanka ah Nidaamka Deeqaha ee Soomaaliweyn lasiiyo. Akhriste Kooxdan Dowlada Soomaaliya u wakiilatay la-shaqeynta Dowlada Turkey ma aha koox dhex-dhexaad ah amase ka kooban Soomaaliweyn, mana aha koox Eebe dartii ugu shaqeyneysa Ummada Soomaaliyeed una xaqsooreysa Ummadeena.

Hadaba waa maxay kaalinta Dowlada Puntland Iyo Shacabkeeda??

Dowlada Puntland sida aan ka warhayo waxa ey sameysay xiriir Iyo wadashqeyn ku aadan Dowlada Turkey, nasiib daro Kooxahan aan kor ku xusey ayaa mar-walba sawir xun ka baxsha Puntland, waxana kamid ah sawirka ey baxsheen sida aan ka soo xigtey Dad kala duwan, in dadka Reer Puntland 67% ey yihiin dad Gaalada jecal oo liberal ah isla-markaana Puntland ku nool yihiin dad ka hooseeya 10% marka la eegayo Soomaalida, dhulka Puntland uu yahay dhul Saxara ah oo aan laheyn kheyraad Iyo Ahmiyad, Warbixintan lama siin oo kaliya Dowladaha Turkey balse waxaa lasiiyay Dowladaha Carbeed ee Bariga dhexe. Sidoo kale waxaan dhaliilayaa Xildhibaanada Iyo Wasiirada Dowlada Federal uugu jira Puntland ee aan la xisaabtamin Dowlada Federalka Soomaaliya, sida aan la socono Xildhibaanada Iyo Wasiirada Puntland kasoo jeeda waxa ey matalaan shacabka Puntland waxana la filayay iney keenaan xaqii Puntland ku laheyd dowlada dhexe Iyo iney Dowladaha Soomaaliya taageera ugu sheegi lahaayeen in Dalka Soomaaliya uu yahay Dal Federal ah isla-markaana ah Dal dagaalo sokeeye uu aafeeyay oo aan is aaminsaneyn, hadaba waxaan dhaliilayaa kaalintii ey lahaayeen Hayada Khyeriga ee Puntland ka howal-gala oo aan muujin shaqo-weyn islamarkaana aan dalka keenin Muwaadiniin ka socota dalalkan marka laga reebo kuwa tiro yar, Waxaa iyana jira Hayado Magaalada Mogadishu ka howal-gala sida Zam-Zam foundation ey dalka Turkey ka qaadato deeqo loogu tala galay Soomaaliya oo dhan balse ey gaarsiiso goobo cayiman. Ugu danbeyn Dowlada Puntland Iyo Shacabkeeda Dal Iyo Dibbad waxaa u yaal iney buuxshaan kaalinta weyn ee imka maqan Iyo sidii Puntland loogu heli lahaa xaqeeda ka maqan oo aan oran karo waa mid Magaalada Mogadishu lagu cuno.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

rashid Xafladii Magcaabista RW Cusub oo Socota
- Dec 17, 2014
Waxaa Daqiiqado yar kahor Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Seekh Maxamuud, uu ku dhawaaqay Ra’izul Wasaaraha ...
buuRMADOW Daawo: Boqor Buur-madoow “Suldaan Wabar Waala xidhi, Aniga Dahir Riyaale Wuu I Xidhay
- Dec 17, 2014
Maamulka Siilaanyo ayaa wuxuu la Ciir ciirayaa Xiisadaha ka taagan Gobolka Awdal iyo Sidoo ...
download (5) MAAMULKA SOMALILAND SIDUU U WAJAHAY SULDAANKA SHACABKA GALBEED
- Dec 17, 2014
Todabaad ka hor sidaan ka warqabo waxaa si cad uga soo horjeestay maamulka Somaliland ...
cusub War Deg Deg Ah Ra’izul Wasaaraha oo Goordhaw lagu dhawaaqayo iyo Wariyaasha oo looga yeeray Villa Somalia
- Dec 17, 2014
  Warar goordhaw kusoo dhacay Shabakada Galgalanews.com ayaa sheegaya in Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya looga yeeray ...
Cumar_Cabdirashiid_jpg1 War deg deg ah oo hadda ina soo gaaray ayaa sheegaya in saaka Cumar C/rashiid Cali Sharmaake uu kasoo degay Garoonka muqdisho
- Dec 16, 2014
Xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay Cumar C/rashiid, waxaana ...
no-justic1-640x434 Sad-bursi: awood qaybsiga Puntland ma xaqbaa
- Dec 16, 2014
Halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa sida  Awood  Qaysiga Puntland suaashu waxaay tahay in puntland ...