Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! codkaaa Puntlandrise.com

Direeto ka soo baxdey Xafiiska Raysal wasaaraha oo wax looga badalay Wasaaradaha DFS

Ka dib kulankii xalay ee Golaha Wasiirada, waxaa ka soo baxay Warar dheeraada, sida ay Puntlandi ku heleen Dekreeto kasoo baxdey Xafiiska Raysal Wasaaraha waxaa Wax laga badalæey habshaqeedka Wasaaradaha, waxayna Dekreetadu u qoran tahay sidaan.

Dib-U-Eegis Lagu Sameeyey Qaab Dhismeedka Wasaaradaha Qaarkood.

 

Shir Jara’id oo uu xalay ku qabtay xafiiskiisa Xooghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamuud Xirsi Cabdulle ayaa ka hadlay dib-u-eegis lagu sameeyey qaab dhismeedka qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, ka dib markii ay soo gaareen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baahi loo qabo in la kala qeexo howlaha wasaaradaha qaarkood.

Waa tan Dikreetadii oo dhamaystiran:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed.

 

Markuu arkay: In loo baahan yahay in dib loo eego xilalka

qaab- dismeedka Wasaaradaha qaarkood,

 

Markuu arkay: Markii ay soo gaareen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha in baahi

loo qabo in la kala qeexo hawlaha Wasaaradaha qaarkood;

 

Markuu tix-geliyey: Markii uu la tashi buuxa la sameeyey dhinacyo kala duwan oo xog-oggaal u ah farsamada maamulka dowladda;

Marku tix-geliyay: Qodobada 97, 99, 100 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed

Wuxuu soo saaray Xeerkan:

Qodobka 1-aad

Waxaa is-beddel lagu sameeyey magacyada wasaaradaha soo socdo:

 

a) Wasaaradda Arimaha Dibadda waxaa hadda kadib ay noqon doontaa Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana la raaciyay howlihii iskaashiga Caalamiga ah.

b) Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa hadda kadib ay noqon doontaa Wasaaraadda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.

c) Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iy Dekedaha, waxay hadda ka dib ay noqon doontaa Wasaaradda Howlaha Guud, Dekedaha Iyo Gaadiidka Badda, waxaana la raaciyay hawlihii dhalinta iyo qaybihii korontada.

Qodbka 2-aad

Dhammaan howlihii la xiriiray Dalxiiska iyo Duurjoogta waxay si KMG ah u hoos tagayaan Xafiiska Raiisulwasaaraha.

Qodobka 3-xaad

Wasiirada, Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir-ku-xigeenada Wasaaradahaasi wax isbedel ah laguma samayn.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

_82469825_82469824 Sadexo Casho Baroor Diiq ah Ethiopia
- Apr 21, 2015
(Adis-Ababa-Galgalanews) Dalka Ethiopia ayaa bilaabay Dhaqan Galinta Sadex Casho ah oo Baroor Diiq loogu ...
police Kenya suspends police over Garissa ‘security failings’
- Apr 21, 2015
Seven top policemen have been suspended in Kenya following an inquiry into security failings ...
11000827_1030936013602910_8880640522512099286_n Puntland:- G.Xuquul Insaanka oo Lagu soo dhaweeyay MINNESOTA (VIDEO)
- Apr 21, 2015
Gudoomiyaha Hay'addaha Xuquul Insaanka Maxamed Y.Cali ayaa Gaadhay Minnesota waxana ku soo dhaweeyay Jaaliyada ...
bosaso Bosaaso: Bayaankii Culumada ( VIDEO)
- Apr 21, 2015
Magaalada ayaa lagu soo gaba gabeeyay Gaar ahaan masaajidka al-Rowda Nadwo Diini ah oo ...
150421021849_surviving_wreckship_migrants_512x288__nocredit Kabtankii Dooni lagu Hoobtay oo la Xukumay
- Apr 21, 2015
(Rooma-Galgalanews) Waxa la dacweeyay Kabtankii Dooni ku degtay Xeebta u dhexaysa Liibiya & Talyaaniga ...
masar Mohamed Mursi oo la Xukumay
- Apr 21, 2015
(Qaahira-Galgalanews) Madaxweynihii Hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa lagu Xukumay 20-Sano oo Xadhiga ...