Daawo Sawirada Arday Ka Qalin Jabisay Dugisyada Xiingalool

Filed under: Latest News |
Xaflada lagu Maamuusayay Araday Dhamaysatay Waxbarashada Dadban ayaa lagu qabtay Magaalada Xingalool ee G/Sanaag ka tirsan, Munaasibadaasi ayaa ka dhacday Hoolka Iskuulka Liibaan ee isla Degmada.
Waxa Munaasibadaasi Shahaadooyin lagu Gudoonsiyay 37-Arday oo Tacliintii ay Baranayay Dhameeyay, Maamulayaasha Ururkaasi soo Abaabulay Munaasibada ayaa dhankooda sheegay inay ku Faraxsanyihiin Ardayday Maanta dhamasay Waxbarashada.
Dadkii Halkaasi lagu Casumay waxa ka mid ahaa Taliyaha Booliska G/Sanaag Coll Axmed Siciid Maxamed, iyo Nabadoon Cabdisaalax Faarax [Wabax],Dhanka Haweenka ayaa waxa u hadlay Xaali Dacar iyo Xalwo Cumar Guuleed oo ka tirsan Ururka Daljir ee ah Dallada ay ku midaysanyihiin Ururadaasi Xingalool.

Galgala News Agency
Xingalool