Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweynaha Dawlada Puntland oo la kulmay Dhalinyarada Gobalka Bari(Sawiro).

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Boosaaso Dhalinyarada Gobalka Bari, Madaxweynaha oo ay kulanka ku weheliyeen qaar kamid ah wasiiradiisa oo ay kamid ahaayeen wasiirada amniga iyo Maaliyada iyo weliba Garaad C/llaahi Cali Ciid oo kamid ah isimada ugu magaca dheer degaanada Puntland, Madaxweynaha iyo Dhalinyarada ayaa isla jeex-jeexay arimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen Amaanka,Horumarka Dalka iyo weliba Horumarka Dhalinyarada,

 

 

Dhalinyarada Gobalka Bari ayaa Madaxweynaha usoo bandhigay daruufo kala gedisan oo ku xeeran dhalinyarada waxayna Madaxweynaha ka codsadeen in dhalinyarada loo sameeyo shaqo abuur, Lagana talo galiyo siyaasada Dalka, Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobalka Bari Mustafe C/raxmaan Majacase ayaa Madaxweynaha ka codsaday inuu ka taageeri Horumaro kala gedisan oo ay dhalinyaradu ku hawlan tahay sida Dhismaha Garoonka kubada cagta ee Boosaaso,Dhismaha Xarun ay dhalinyaradu ku kalanto iyo weliba mahsaariic kale, Dhank kale Dhaliyarada ayaa Madaxweynaha u balan qaaday inay si buuxda u taageeri doonaan hanaanka xisbiyada badan ayna siweyn uga shaqayn doonaan nabad galyada Puntland.
Madaxweynaha ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay ka qayb qaataan Horumarka Dalka iyo weliba Amaanka maadama ay yihiin Mustaqbalkii Dalka wuxuuna madaxweynuhu dhaliyarada u sheegay inay taageeraan hanaanka xisbiyada badan maadama uu hanaankaasi yahay kan kaliya ee ay dhalinyaradu iskaga dhex arki karaan Horumarkooda, Madaxweynaha ayaa balan qaaday inay fulin  doonaan codsiga ay dhalinyaradu usoo gudbiyeen, Madaxweynuhu waxaa uu sheegay inay Talada Dalka gacanta u galin doonaan Dhalinyarada reer Puntland
Wasiirka Amniga Dawlada Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa isaguna dhalinyarada ka codsaday inay kala shaqeeyaan Amaanka ayna soo sheegaan danbiilayaasha maadama kuwa amaankooda la sugaayo ay ugu muhiimsan yihiin Dhalinyarada, Wuxuuna Wasiirku sheegay inuu amaanku dan yahay Qof kasta uuna muhiimad gaar ah usii leeyahay Dhalinyarada Maadama aysan waxbarasho iyo kulan dhalinyaro toona aysan jirayn hadii nabad la waayo.
Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa maalmihii u danbeeyey qaabilaayey qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobalka Bari si uu ugu kuur galo baahiyaha qaybaha bulshada wuxuuna Madaxweynuhu dadka uu qaabilay ku dhiiri galinaayey inay ka shaqeeyaan Amaanka ayna taageeraan hanaanka Xisbiyada badan oo dhawaan ka hana qaaday Puntland
Mukhtaar Cabdi Faarax
E-mail: kaamil571@gmail.com
 Galgalanews,Boosaaso,PL

<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


You must be logged in to post a comment.

gulee 111 Sanaag:- Ergadii ugu Taageerada Badnayd oo Shirka Guuleed Soo Gaadhay +Sawiro
- Aug 30, 2014
Xingalool( Galgalanews) Caaqil Abshir Qaadi oo ah caaqilka Guud ee beelaha Warsangali ayaa si ...
yubbe Boqorkii Beelaha Nuux Cumar oo la Bogaadiyay
- Aug 30, 2014
Qurba Joogta Reer Sanaag iyo Hayland  ayaa Bogaadisay Boqorka Beelaha Nuux Cumar ee Garab ...
Boqor Lagu soo dhaweeyay Xingalool- G.Sanaag VIEDO Boqor Shirka Sanaag Tegay VIDEO
- Aug 29, 2014
Boqor Ibraahim Maxamed Xasan' Boqorka Beelaha Nuux Cumar- ee Warsangali-Daarood  ayaa Gaadhay Xingalool oo ...
garaad Midnimada Sanaag iyo Hayland oo laga hadlay
- Aug 29, 2014
Waxaan ku bilabaaya magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh Awalan waxaa mahad oo ...
IMG-20140829-WA0005 Kampala:-Hormuudka Ardayda Puntland oo la caleema Saaray +Sawiro
- Aug 29, 2014
Xafladii Sanadguuradii 16 ee Puntland iyo Caleema Saarka Gudoomiyaha Ardayda PL ee Uganda ayaa ...
NicholasKey Baaq Caalamiya Saax-Dheer
- Aug 29, 2014
August 29, 2014 Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Ergayga gaarka ee ...