Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Muxu Tabaya Gobolka Haylaan [Faallo Qaybtii 1-Aad]

 

 Muxu Tabaya Gobolka Haylaan.

Ugu horeyn ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh (SW) ii suuragaliyay inaan qoro maqaalkan kooban.

Waxaan jeclahay inaan akhristayaasha usoo bandhigo maqaal kooban oo la magac baxay muxu tabaya gobolka haylaan.

1998 ayeey ahayd markii ay garowe isugu tageen  isimo iyo wax garad ka kala yimi gobolada waqooyi bari  ee dalka soomaliya waxaana halkaa lagaga dhawaaqay dawlad goboledka Puntland oo ka koobnayd 5gobol iyo hal dagmo(Nugaal,Sanaag,Bari,Mudug,sool iyo degmada Buhoodle) kadib markii la arkay baaxada degaanada Puntland iyo baahida loo qabo gobola cusub in lagu kordhiyo Puntland ayeey dawladu goboladi hore ku kordhisay 3gobol oo cusub oo kala ah, Karkaar oo laga jaray gobolka bari caasimadiisuna waa magalada qardho, gobolka cayn oo caasimadiisu tahay magalada buhoodle iyo gobolka haylaan oo laga jaray gobolka Sanaag caasimadiisuna tahay magaalada dhahar, waana gobolki ugu danbeeyay ay Puntland magacawdo.

 

 

 

 

Muhiimada u gobolku leeyahay.

Gobolka haylaan muhiimad balaaran ayuu u leeyahay bulshada ku dhaqan, haday ahaan lahayd mid siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulshaba sida:

  • Degmooyin cusub oo loo magacaabo  magaalooyinka qaar
  • Asaasida kaabayasha dawladeed iyo kuwa bulsho ( xarumaha dawlada)
  • Hirgalinta cashuuraha gobolka & miisaaniyad gaar oo loo qoondeeyo gobolka.

Kuwaas oo dhammaan fursad shaqo siinaya qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale wuxuu iyana muhiimad balaaran oo (strategic) ah uleeyahay dawlada Puntland maadama gobolku ku yaal dhanka waqooyi ee Puntland oo ah degaano ay maamulka Somaliland ku andacoodo shegashadooda walaw aaney ahayn shegasho xaqiiq & raadtoona salka ku haysa, sidoo kale waa gobolka Hayland oo 4-gobol oo puntland ah xudud la leh kuwaaso kala ah Bari, Karkaar , Sanaag iyo sool.

Maamulka Puntland wuxuu jirsaday sanadki 15aad  mana jiro wax waxqabad ah oo uu ka fuliyay gobolada Sanaag & haylaan , waana degaano aan wax badan oo horumar ah la wadaagin gobolada kale ee Puntland, waxaase xusid mudan in maamulka Puntland ee hada jira u hirgaliyay magacaabista gobolka haylaan taas oo ah talabada kaliya ee horumarka ah oo u maamulka Puntland ka hirgalyay goboladaas.

Inaga oo kasoo hadalnay muhiimada uu gobolkani uleeyahay bulshada ku nool degaankaas, hadaba waxa jira dad farabadan oo kunool degaanadaas oo aan dareensaneyn muhiimadaas, marka aad qaar ka mida bulshada kala hadasho arinta gobolka iyo sidii loo anbaqaadi laha horumarkiisa waxaad ka dareemaysaa niyad jab iyo raja xumo ay marwalba muujinayaan, iyaga oo leh waxba lama qaban karo,waxba ma suurtoobi karaan iyaga oo aan marnaba isku day samaynayn taas oo caqabad weyn ku ah dadaalka & ka mira dhalinta loogu jiro sidii u gobolku horumar u gaari laha bulshaduna ay uga faa’idaysan lahayd.

Sidoo kale waxaa jira qaar ka mida bulshada oo jecel inay arkaan horumarka gobolka  aaminsana in wax la qaban karo balse jecel inay arkaan wax walba oo qabsoomay iyaguna aaney door kuyeelan taas oo ah caqabad kale , sababto ah waxaaney dareensaneyn degaan inaanu horumar ka surtoobi Karin hadaanu ka iman maskaxda, muruqa & maalka bulshada ku nool degaanka.

Horumarka degaan ku talaabsado ama dib u dhaca soo food saara labaduba waxay iftiimiyaan tusaale cadna u yihiin sidaay ukala hormarsan yihiin bulshada ku nool degaamadaas,  degaanka horumarku ka jiro waxaan shaki ku jirin in bulshadiisu tahay mid ka shaqaysa kuna dadaasha horumarka degaankooda waana bulsho iskuxiran oo abaabulan, balse waxaan sidoo kale shaki ku jirin in degaanka dib udhacu ku yimi ay bulshadisu tahay bulsho aan isku xirnayn oo aan garanayn  danta kawada dhexaysa  taas oo kaliftay inay ka gaabiyaan horumarka degaankooda.

Ugu danbeyntii waa in bulshadu dareenta in gobolku yahay gobol cusub kana shaqeeyan horumarkiisa, waxaynu ognahay in gobolku yahay gobol  ilaahay ku manaystay kheyraad farabadan oo isugu jira  xoolo, kallun iyo macaadin, balse ay u baahan tahay shaqo farabadan sidii looga faa’idaysan laha kheyraadkaas, taasna waxaa lagu gaari karaa bulshada oo la timaada  dadaal, karti, niyadsami, aragtidheer iyo isku duubni. Waxaa kaloo loo bahan yahay in dhamaan wax garadka gobolka iyaga oo isku duuban ay raadiyaan xuquqda gobolka & tan bulsho ee kaga maqan maamulka Puntland, sidoo kale qurbajoogta gobolka ee kusugan dunida dacaladeeda oo ah kuwa u gobolku tabayo waa inay gacan weyn ka geystaan horumarka gobolka maalgashina ay ku sameeyaan gobolka.

Waxaan kusoo gabagabaynaaya  maahmaahda ah.

Ruuxba dhiishu ruxduu caanihiisa dhamaa

 

W/Q. Mohamed Awil Abdullahi.

Mcawil111@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

medium_17hFJy7Q jawaari oo dib oga gurtey mooshinkii Ra’isulwasaaraha
- Nov 20, 2014
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa laga soo xigtey hadalo muujinaya in mooshinkii ...
1170 Codsi Muhiim ah oo Dhamaan ku socda Umada Musliiminta ah
- Nov 20, 2014
Hibo C/laahi Axmed Diiriye (Cawl ) oo Aan Hadda Kahor Idiinsoo Bandhignay Sawirkeeda iyadoo ...
Capture8 Daawo sawirada buuraha gobolka Sanaag
- Nov 20, 2014
  Gobolka Sanaag waxaa uu noqondoonaa gobol degiddiisa ummadda Somali u tartanto mustaqbalka (In shaa Allaah), ...
shir-copenhagen-4 Aqriso War-murtiyeed laga soo saaray shirkii ka dhacay Magaalada Copenhagen
- Nov 20, 2014
1. Shir sannadeedkii ugu horeeeyay ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare ...
Labo-Madaxweyne- KUMA AYUU SHABAHAA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH ? !!
- Nov 20, 2014
Qormadan waxaan ku eegi doonaa Meelaha ay iska Shabahaan Madaxweynihii u horeeyay ee waasha ...
519 Madaxda Puntland oo la kulmay Shirkad Somalilander ah “Sawiro”
- Nov 20, 2014
Koox ka socota magac shirkad la yiraahdo Somturk oo xafiis ku leh Hargeysa ayaa ...