Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maamulka G.Nugaal iyo kan Deg.Burtinle oo ka digey Mudaharaad laga abaabulo Degmada Burtinle Ee G.Nugaal.

 

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal,Cabdi Xirsi Cali

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal,Cabdi Xirsi Cali

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ugu digey dad uu ku tilmaamay qaswadayaal inay mudaharaad iyo qas ka abuuraan degaano katirsan Gobalka Nugaal, Qarjab ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad qaswadayaal ah oo saakay Mudaharaad kooban ka sameeyey degmada Burtinle ee Gobalka Nugaal umana sii dulqaadan karno ayuu yiri in la dhibaateeyo amaanka Magaalada Burtinle oo ah mid aad u wanaagsan,

 

Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay inuu amaanka Gobalku yahay mid aad u wanaagsan gaar’ahaan amaanka degmada Burtinle ayuu ku tilmaamay mid aad u sareeya waana ka qabanaynaa umadda kuwa qoriga dabkaleh kula soo dhex dhuumanaaya, Si khaldana ugu adeegaaya shaqsiyaad dano gaar ah wata, Mana dhacayso in la dhibaateeyo amaanka iyo Mustaqbalka caruurtayada ayuu yiri Gudoomiye qarjab,

 

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal waxaa uu sheegay inay Mucaarad u yaqaaniin axsaabta Siyaasada ayna u arkaan dadka kale ee wada danaha gaar’ahaaneed sida kicinta bulshada qaswadayaal kumana daawan doono inay qas ka dhex abuuraan umadda Puntland gaar’ahaan kuwa Gobalka Nugaal,

 

 

Muuqaal Degmada Burtinle

Muuqaalka Degmada Burtinle


 

Dhanka Kale War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Degmada Burtinle ayaa lagu mamnuucay Mudaharaad lagu qabto degmada Burtinle, Wuxuuna Maamulku u digey cid kasta oo isku dayda inay Mudaharaad ka abaabusho degmada in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan, Maamulka Degmada Burtinle ayaa sheegay inay sugayaan amaanka degmada aysana u dulqaadan doonin in degmada laga sameeyo falal aysan raali ka ahayn Dawlada Puntland.

 

Maxamed Maxamuud Xirsi

Maxamed Maxamuud Xirsi oo mudaharaad kooban ku qabtay Burtinle

Hadalka Maamulka Gobalka Nugaal iyo Kan Degmada Buurtinle ayaa kusoo aadaya xili saakay banaanbax kooban uu Magaalada Ka sameeyey nin horay uga tirsanaan jirey Maxkamadaha Puntland gaar’ahaan kuwa Gobalada Nugaal iyo Mudug laguna Magacaabo Maxamed Maxamuud Xirsi , dhawaana laga soo daayey xabsiga dhexe ee Magaalada Boosaaso, Ninkaas oo sheegay inuu kamid yahay dadka ku kacsan Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole

 

Mukhtaar Cabdi Faarax

Galgalanews.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

moon Xoghayaha guud ee Q.M Banki Moon oo Mudisho soo gaaray (SAWIRRO)
- Oct 29, 2014
Ban Ki Moon oo diiday Garoonka Muqdisho inuu ku qaabilo M/weyne Xasan Culusoow iyo ...
??????????????????????????????? xaflad ay soo qaban qaabiyeey urur weynaha midowga Ardayda ka qalan jabisay iskulka Imaamu Al Nabawi Ee dalka Sudan oo ka dhacday khartoum+Sawiro
- Oct 29, 2014
  Dallada Mideesa Ardada Ka Soo Baxay Dugsiga Imamu Nabawi Ee Wax Kabarta Sudan   Ayaa ...
jidbaale Khaatumo oo Xubno u Dirsatay Shirkii Ferederaalismka ee Adis-Ababa( Sawiro)
- Oct 27, 2014
Adis-Ababa( Galgalanews) Shir ay isugu yimaadeen xubnihii maamulka Khaatumo uga qayb galay shirkii Addis ...
Maxamed Abdulqaadir Masuul ku dhaliilay Madaxda Puntland shir uu ku qabtay Garowe “Daawo”
- Oct 27, 2014
Agaasimihii horre wasaarada deegaanka iyo duurjoogta Puntland Maxamed Cabdulqaadir Barre ayaa maanta shir jaraa,iid ...
khaaaaatumo Khaatumo oo Markii ugu Horaysay ka hadashay La’haansha G.Sanaag (VIDEO)
- Oct 26, 2014
ee   Madaxweyni ku xigeenkii Hore ee Khaatumo Indha-Sheel ayaa Waraysi xiisa badan uu siiyay Mareegtan ...
Xaabsade Puntland:- Khudbadii Xaabsade uu ka Jeediyay Fadhigii Baarlamaanka VIDEO
- Oct 25, 2014
Garoowe( Galgalanews) Siyaasi Axmed Cabdi Xaab-sade oo bilihii lasoo dhaafey ku sugnaa magaalada Garowe ...