Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ceergaabo miyey hor martay, mise dib bay u dhacday? By Yassin S.Dualeh

 Xarunta Magaala madaxda Gobolka Sanaag Ceerigaabo, oo la aasaasay muddo hada Qarni laga joogo. Iyada oo lagu taariikheeyey markii udubka loo taagay xiliyadii dagaalkii Seyid Maxamed C/dulle Xasan iyo ingiriiska, taariikhdaa oo ku beegnayd 1921. Taas oo ahayd markii darwiishka la jebisayingiriiska, ahaydna markii ugu horaysay ee ingriisku Africa kula dagaalamo diyaarado, iyada oo isla markaasna diyaaradii lagaga soo riday meel 30km koonfurgalbeed kaga toosan magaalada ceerigaabo.

Ka hor intii aan aasaaska loo dhigin Magaala Madaxda Ceergaabo waxaa Bender u ahayd magaalo xeebeedyada,  Laasqorayiyo Maydh  gaar ahaan magaalada Lasqorey oo ahayd meelihii ay ka soo farcantahay Ilbaxnimada iyo dadyawga manta ku dhaqan Geeska Africa, ahaydna meelihii ay ka yimaadeen ajdaadda ama awoowayaasha dadka degaanadaas ku dhaqan, magaalooyinkaas oo layidhaahdo waxay jireen Qarniyo fara badan.

Hadaba Gobolka Sanaag oo ah mid ku caan ah taariikho wax ku ool ah, raadad badana ay kaga tageen dadkii hore, haday dhismayaal tahay, sida magaalooyin iska dhan oo duugmay taariikhihii hore,  magaalooyin kale badan aadna arkaysid raadadka ay dadkaasi kaga tageen, waxaa iyana ka mid ah (Geelweyte) oo ku taalla xeebta u dhexaysa Maydh iyo Laasqoray, iyada oo la yidhaahdo Geelweyte wuxuu ahaa boqor ka talinaayey casriyadaa la soo dhaafay, ayna Magaalada hadda loo yaqaan Geelweyta u ahayd Xarun iyada oo Raadad la yaab lehi ay ka muuqdaan, sida god aad u weyn oo guryo gudihiisu yihiin dhul aad ceelal moodo, oo buur aad dhakadeed in diriil lagu dalooliyey moodaysid aad ku arkaysid, iyo waxyaabo qaraa’ib ah sida Xayawaano Masas aan dhulka kale lagu arag.

Taariikhihii dadkii danbe kaga tageen waxaa ka mid ah: Raadadkii uu Seyid Maxed kaga tegey, sida qalcadihiisii uu dhufeysyada ka dhigan jirey, iyada oo ay ku yaab gelinayso, dadka dhisay dhismayaashaa. Aadna odhanaysid waar ma reercaadkii la sheegay baa Seyidku watey, waayo dhagxaanta keliya baa 1ton ku dhodhoweyd.

Hadabba hadaynu dib u milicsano Taariikhdii la aassaasay Magaalada Ceerigaabo iyada oo dadka reer Ceergaabo ahaayeen dad had iyo jeer Ilbaxnimadoodu sareysey, ahaana ku degaankoodu u badnaa Magaalada Cadan, ayna Cadani u ahayd Bender. ayaa dawladii ingriisku hindistey in Ceerigaabo in laga dhigo magaalo, taariikhdaas oo lagu asteeyo markii Darwiish Maxamed C/dule Xasan kategey, oo ilaa 1921 laga soo bolaabo dhidibka loo taagey iyada oo Ingriisku kala doortay ilaa sadex meelood,
Iyada oo la doortay meesha hada Ceerigaabo ka dhisan tahay,1972 ayaa dawladii hore ahayd u aqoonsatay Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag waa Ceergaaboe,

Magaca Ceerigaabo wuxuu ka yimi: (Ceeri) oo ah isha ceelka (Gaabo) oo ah tii dhoweyd, aan fogeyn, yacni gaabnayd, ama Ishii Gaabnayd, ishii dhoweyd. Kelmeda CEERI wuxuu yidhi ninkii geela u heesayey ( Sow Codkaygii * Ceerida Ishiyo * Ceelka kama garan)
Taas hadaan ku dhaafno magaca iyo taariikh-bilawgii Magaalada hanada waxaa ku soo khatimi doonaa, muuqaalo sawir oo muujinaya Carshaantii ugu horaysey ee Magaaladu ka bilaabantay Cariishkii ugu horeeyey inkasta oo hada daar dhowaan loo rogey, iyo daartii ugu horaysey ee daar-ahaan loo dhisay,

Hadaba cariishkii ugu horeeyey oo uu lahaa nin la odhan jiray: Suldaan Mohamoud Ali Shire, oo ka mid ahaa madax dhaqameedyadii degaankaas, ayaa ka taagey cariishkii ugu horeeyey,
Kaas oo aad sawirkiisa iyada oo daar loo bedeley aad arki doontid, daartii ugu horaysey marka carshaanta laga yimaaddo waxaa lahaa ninkii guryaha dhagaxa Osman Hoori iyo Xassan Adan Cisaam, waa ninkii ku balweyn jirey markuu loo dhisayo daraaha ( Dhagaxa malxafsani madhfaca ma ceshee * maandhow midka buuran ii keeney) iyadana waxa ku arkaysaa sawirsada la socda qoraalka, iyada oo marxaladahaas oo martay ayaa waxa lays weydiiyaa magaalada ceerigaabo ma haday ilbaxnimadeedu horayssaa mise markii hore?

1950kii waxaa Asbuucii kasta, laba jeer iman jirtey magaalada Ceerigaabo Diyaarad Cadan laga lahaa(ADEN AIRWAYS), waxay keeni jirtey Alaanta Bagaashka ah, iyo Dharka, iyo dadka Baasanjarka ah, waxay qaadi jirtey Fooxa Maydiga iyo Hilib, Hilibkaas lagu cuni jiray Magaalada Cadan. Waxaa joogey Baabuur Taxi- ah oo Folge-yaal la odhan jiray, saacad allaale saacadii aad safar doonto Taxi-gaas baad qabsanaysaa, ama afar qof baad isku eeganaysa, Maqaaxida caanka ku ah magaalada Ceergaabo ee shaaha aadka looga cabbo, waa maqaaxida Qarni, waxay magaca ku qaadatay jaraa’id Masar ka soo bixi jirey oo xornimada ka hadli jiray, ayay diyaaradu keeni jirtay oo laguna iibin jiray.

Hadaba maanta oo la yidhaahdo dadku maanta ayuu ilbaxsan yahay, miyaa la horu maray, mise dib baa loo dhacay?? Su,aashaa dadweynahaan u daayey.

Hada waxaa ku soo kordhay Magaalada Dabaqyo dhaadheer, iyo Guryo fillooyin ah,Dabaqyo waxaase nasiib-darro noqotay dadkeedii baa noqday(isma’ og aqal kalay aslaysaa ismana oga ) hadalkaa waxaan ugu jeedaa dadkii Gobolka u dhashay Gobollo kale oo aan laga oqoon bay dhisayaan, oo maal gelinayaan kay ku dhasheena way ka haajireen. Oo qaarkood waaba ka xanaaqayaan, waayo ka wax u bartaa wuu ka tagaa! Uu ma Jahliguu ugu tegayaa?! Kan dhaqaale helaa wuu ka tagaa! Oo ma saboolnimuu uga tegayaa haduu hantidii kala tago! Kii Madax noqdaa dib uma soo eego waana tuu madaxnimada ku gaadhey, la,aantiina ma heleen.

Tacliintu ma habaysna, caadimaadka waad ogtihiin, adeegga bulshada ma jiro sida biyaha, wadooyinka, dekedaha, waxaan ku soo geba gebaynayaa, gobolka hadaan dhalintiisu u tashan, cid kale u talinmayso, waayeelkii waxaad mooddaa inay manta  qabyaaladda ay maclimiin ka yihiin, oo ay saaccaddiiba boqolaal dhalinyaro ahi ka soo qalin jebinayso, ee dhalineey ma tashanaa?? Waa intii xil dhibo

Waxaan ku soo gunaanadayaa, qiso dhacday waagii ay Soomalidu geela kala dhici jirtay ayaa geel la dhacay nin ergo kaxaystay, isaga oo qoladii geela ka dhacday geelii ka raacdaynaya, ninkii ergadii wuxuu la maqnaa 11bilood bil kasta nin buu soo dirayey, markii uu ergadii ka soo quustay buu galabtii danbe soo noqday, wuxuu la kulmay nin ay deris ahaan jireen, wuxuu ku yidhi: waar reerkii caynkaas ahaa ka waran, ninkiibaa ugu jawaabey: waar ma Xuseen  ninkii lagu sheegayaad tahay, adeer maxaad iga weydiinaysaa reerkaa sawdigii tuuray, reerkaagii waa ba’ay oo balanbalay, ee iga tag ha I weydiine, Xuseen wuxuu ugu jawaabey( Allah doqoni maxay hawl yari qabtaa)

Markaa waxaan leeyahay ha noqonina Dhalinta reer Sanaagey mid dantiisa uu ergayada oo danta caamka ah tuura sida odaygaa yar ee Adhigiisa yar uun u qaatay, in masuuliyadi ka saran tahay ee xil ha idin dhibo, hana noqonina kuwaa hawl yarida qaba, Danta caamka ahna marka laga waramo la yaaba, oo danseegnimo u arka.

Barnaamjyo Noocan oo kale ah dhowaan ayaan idiin soo gudubin doonaa


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (1)

  1. Muktar smart says:

    Masha wan ku faraxsanahay tarikhda ceergaabo e G.sanaag.inan wax ka ogaado


You must be logged in to post a comment.

punt (Sawiro) Puntland Oo Wadad Is Barshada Booliska Iyo Shacabka
- Sep 30, 2014
    Masuuliyiinta wasaradda Amniga iyo DDR dowladda Puntland ayaa ku howlan sidii looga shaqayn lahaa ...
hiiraan Wadaad Caana oo lagu dileyey beled-weeyen
- Sep 30, 2014
Magaalada Baledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa xalay Kooxo hubaysan ku dileen Wadaad si ...
jaqanfa Bosaaso oo Howl-Gal laga Sameeyay DHEGAYSO
- Sep 30, 2014
Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa hawlgal ay sameeyen kuso qabtay dhalinyaro tiradoodu gaarayso Toban,kuwaas ...
Waraysi Dr Saadiq Eenow  VIDEO Waraysi Dr Saadiq Eenow VIDEO
- Sep 30, 2014
London( Galgalanews) Wasiirka Caafimaadka PL Dr Saadiq Eenow ayaa Magaalada London ku Sugan waxana ...
ciiampo Dhegeeyso :Dhahar oo Ciidamo puntland Gaareen
- Sep 29, 2014
Degmada dhahar ee xarunta gobolka haylaan ayaa waxaa maanta gaarey cutubyo ka tirsan ciidamada ...
oday mudug DHEGAYSO:- Nabadoon Lacagi kaga maqan-tahay Madaxtooyada PL
- Sep 27, 2014
” Wafti Madaxweynihu hogaaminayay Ayaa degmada Garacad Yimi ilaa Lix boqol Ruux bay ahaayeen ...