Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

GalGala Maxaa ku Dab-ray Somaliland [Qormo Qaybtii 1-Aad]

Tani iyo Wakhti laga Joogo Dhowr Sano waxa Buuraha Sil Silada Golis ama Gaar ahaan Buuraha GalGala lagu Sheegayay Kooxo Xidhiidh la leh Urur Diimeedka Mayalka Adag  ee Al-Shabaab kuwaasi oo Xoogoodu ku badan yahay Koonfurta Somaliya.

Buurta GaGala oo 40-KM u Jirta Magaalada Ganacsi ee Bosaaso waxa Sanadkii 2011 ka soo Iftiimay Dhaq dhaqaaq Diimeed lagu Doonayo in lagu Dabro Al-Shabaab waxana Hogaaminayay oo Abuuray Kooxdaasi Sh.Maxamed Siciid Atam.

Atam waa 45- Jir Kuliyada Shareecada Islaamka ayuu ka Baran Jiray Jaamacada Barriga Africa ee Magaalada Bosaaso, hase ahaatee dadkii Jaamacada la Dhigan Jiray waxay Sheegeen inuu ahaa nin Aad uga hadla Had iyo Jeer Tacadiya Lagu hayo dadka u dhaq dhaqaaq Diinta Islaamka iyo Fidinteeda, Waxaa Kaloo La sheegaa inuuu aad U Daraasayn Jiray Taariikhda  Sayid Maxamed Cabdulle xassan oo Oo ahaa Wadaad Soomaaliyeed oo Qarnigiii Tagay  Kula Dagaalamay Gumaysida Ingiriiska Gobollada Soomaaliyeed .

Sheekh Atam  Wuxuu Soo can  baxay oo Magaciisa Aad loo Maqlay Sanadkii 2005 Markaasi oo Dowladii Gen Cade Muuse ay Weerar ku qaaday Buuraha Majiyahan oo ah kuwa Kulaalaya Magaalada Bosaaso, si loo geeyo Shirkado Aan Sharci ahay oo Macdan la gurta .

Maxamed Siciid Atam wuxuu ka mid ahaa dadkii Tiir Dhexaadka u ahaa Ciidankaasi ka soo Horjeeday In la Baadho Macdanta Buuraha Majiyahan Si Sharci Dara ah .

In kastoo Dadkii la socday Atam  Fekerkaasi ku Taageersanaa ay ka mid yihiin wakhtigan Maamulada Puntland iyo Somaliland,waxa ka mid ah Coll Axmed Jeeni tag oo ah Sarkaal Sare oo ka tirsan Somaliland, iyo Coll Cali KK oo isna ah Masuul Siyaasi ah oo Reer Sanaaga.

Hadabba Markii uu Gunaanadmay Dagaalkii Majiyahan waxa  Dhaq Dhaqaaqiisii Dhanka bedelay Sheekh Ata moo aan Helin wax taageero ah isaga oo dhowr jeer tegay Koonfurta Somaliya, wuxuu xidhiidh wanaagsan la Abuuray Kooxda Al-Shabaab oo markaasi si Qarsoodi ah Dagaal ugula Jirtay Hogaamiye Kooxeedyadii Koonfurta Somaliya.

Dad badan ayaa Aminsan in Cabsi iyo Caga Juglayn Ciidanka PIS-tu ku haystay Shacabka ku dhaqan Bosaaso ay keentay inay u Xuub siibtaan Al-Shabaab ama ay Dagaal Xoogan la Galaan Ciidankaasi……… Laakiin haddana dadka qaar baa Aaminsan Feker kaasi ka Gadisan oo ah in Dhaqaale Ay dhalinyarada   Buurtaasi  ku Xoontay ay u Galeen dagaalka.

Dadka Dhaqaalaha ku Doodaya in GalGala loo Galay ayaa ah kuwa ka Tira badan kuwa kale ee Aaminsan in Cadaadis iyo Cabis loogu Biiray Kooxda GalGala.

Qof ka mid ah dhanliyaradii ka soo baxday Buurta oo Qariyay Maagciisa Sababa Amaanka Awgeeda ah ayaa Yiri” Anagu Dhaqaale Xumo ayaan Meesha ugu Biiray Maxaa Yeelay Raga Madaxda ka ahaa Ciidanka GalGala ayaa dadka u Sheegi Jiray lacag Qaarkayo Kuma Adkayn Dhanka Xag-jirnimada Diinta Laakiin Duruufo Dhqaale La’aan ah ayaanu ugu Buuray.

Dadka Cabsida ugu Biiray ee iyaga oo Ganacsi ku lahaa bosaaso la dhibay ama Dhowr jeer PIS-tu xidhay waxa ka mid ahaa oo Dagaaladii Buurta GalGala ku Dhintay Maxamed C/qaadir, iyo Jaamac Doonyaale oo labaduba ahaa Rag Ganacsato ah oo aan Haba Yaraatee Wax feker ah ka haysan Al-Shabaab Hase ahaatee la dhibay ama Lagu Kalifay inay Dagaal la Galaan PL.

Yaa ku Hadhay GalGala.

Dadka la tuhmayo ee GalGala wali ku dhuumaalaysanaya waxa ka mid ah Yaasiin Kilwe oo loo Yaqaan [Yamo] Yaasiin wuxuu xidhnaa Mudo 6-Sano ah isaga oo ku Jiray Xabsi ku Yaala Somaliland.

Somaliland ayaa xidhay Ninkan markii lagu eedeeyay inuu Wax ka Maleegay Fal lagu Dilay 2 Ruux oo Ajaanib ahaa kuwaasi oo Macalimiin ka ahaa Deegaanada Somaliland.

Reer Sanaag aaya ninkaasi dhowr jeer u Banaanbaxay iyaga oo Madaxwaynihii  Wakhtigaasi Joogay Daahir Riyaale Kaahin ka codsanayay in Ninkaasi la sii daayo.

Sawirka Kilwe/ Waxa laga Jaray Shaahadiisa Iskuulkii Nawaawi

Dhawaan ayaa Yaasiin la sii daayay markii La Fasaxay wuxuu Markiiba ku Biiray Kooxda GalGala isaga oo ah Nin ay Saxiib Dhow iyo Xididi-ba yihiin Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane.

Laakiin Dadka Asal ahaan ka soo jeeda Gobolka Sanaag ama Puntland-ba kuma badna dadka Aaminsan  Fekerka Al-Shabaab ee ku  Jira GalGala.

Dhawaan 10- Ruux oo laga qabtay Degmada Buraan waxay ahaayeen kuwa Asal ahaan ka soo jeeda Koonfurta Somaliya kuwaasi oo u Sadcaalayay Buurta GalGala waxana qabtay Ciidanka Amaanka PL oo uu Hogaaminayay Jaamac Saxardiid oo ah Sarkaal Nabad Sugid ka Tirsan.

 

Xidhiidhka Somaliland iyo Buurta GalGala.

Somaliland Xidhiidh dhaqaale iyo mid Taageero oo Hub  iyo Agab kale ayay la leedahay Ciidanka Buurta GalGala waxa Jirta Kuwa ku Mushahar qaata GalGala oo Xanbaarsan Magaca “Majiyahan”

Warar hoose ayaa sheegaya in Somaliland ay Lacag ama Hub ku Bixiso Qul Qulatooyinka GalGala iyada oo ujeedkeedu yahay inay Xasilooni daro ka Abuurto Puntland.

Saraakiil Al-Shabaab ah ayaa ka soo taalaba dhanka Somaliland waxay ku hakataan Ceerigaabo,ama Burco in kastoo ay Aad Dhaq Dhaqaaq ugu leeyihiin Deegaanka Beer oo ku dhow Burco.

Saraakiisha Nabad Sugida ee PL kuna Sugan Degmada Badhan ee G/Sanaag ayaa qabtay dhawaan Gaadhi Ka Soo Boqoolay dhanka Ceerigaabo  oo ay Somaliland Maamusho waxana uu Qirtay inuu  Rag la xidhiidha Al-Shabaab Geeyay GalGala kuwaasi oo  Agabkoota  watay.

Laso Qaybta Danbe……

Qormooyin Taxana ah oo ku Saabsan ‘Dabarka Al-Shabaab ee GalGala’


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

Puntland:- Madaxweynaha oo Howl-gal ka hadlay VIDEO Puntland oo si cadaysay halka ay katagan tahay Khilaafka Madaxda Sare
- Nov 21, 2014

soo-laabasho-xasan Xasan Sheekh oo Muqdisho ku Laabtey
- Nov 21, 2014
Madaxweynaha DF Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa saaka dalka dib ...
IMG-20141120-WA0000 Boqor Ibraahim & Dooxada Qoralehe ( Sawiro
- Nov 20, 2014
Boqor Ibraahim Maxamed  Xasan ayaa Gaadhay Dooxada Qoralehe  Nov-19-2014' waxana ay ka soo Boqoleen ...
medium_17hFJy7Q jawaari oo dib oga gurtey mooshinkii Ra’isulwasaaraha
- Nov 20, 2014
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa laga soo xigtey hadalo muujinaya in mooshinkii ...
1170 Codsi Muhiim ah oo Dhamaan ku socda Umada Musliiminta ah
- Nov 20, 2014
Hibo C/laahi Axmed Diiriye (Cawl ) oo Aan Hadda Kahor Idiinsoo Bandhignay Sawirkeeda iyadoo ...
Capture8 Daawo sawirada buuraha gobolka Sanaag
- Nov 20, 2014
  Gobolka Sanaag waxaa uu noqondoonaa gobol degiddiisa ummadda Somali u tartanto mustaqbalka (In shaa Allaah), ...