Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MAQAAL:- Muxu Tabayaa Gobolka Haylaan

Ugu horeyn ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh (SW) ii suuragaliyay inaan qoro maqaalkan kooban.

Waxaan jeclahay inaan akhristayaasha usoo bandhigo maqaal kooban oo la magac baxay muxu tabaya gobolka haylaan.

1998 ayeey ahayd markii ay garowe isugu tageen wax garad & isimo ka kala yimi gobolada waqooyi bari  ee dalka soomaliya waxaana halkaa lagaga dhawaaqay dawlad goboledka Puntland oo ka koobnayd 5gobol iyo hal dagmo(Nugaal,Sanaag,Bari,Mudug,sool iyo degmada Buhoodle) kadib markii la arkay baaxada degaanada Puntland iyo baahida loo qabo gobola cusub in lagu kordhiyo Puntland ayeey dawladu goboladi hore ku kordhisay 3gobol oo cusub oo kala ah, Karkaar oo laga jaray gobolka bari caasimadiisuna waa magalada qardho, gobolka cayn oo caasimadiisu tahay magalada buhoodle iyo gobolka haylaan oo laga jaray gobolka Sanaag caasimadiisuna tahay magaalada dhahar, waana gobolki ugu danbeeyay ay Puntland magacawdo.

Muhiimada u gobolku leeyahay.

Gobolka haylaan muhiimad balaaran ayuu u leeyahay bulshada ku dhaqan, haday ahaan lahayd mid siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulshaba sida:

  • Degmooyin cusub oo loo magacaabo  magaalooyinka qaar
  • Asaasida kaabayasha dawladeed iyo kuwa bulsho ( xarumaha dawlada)
  • Hirgalinta cashuuraha gobolka & miisaaniyad gaar oo loo qoondeeyo gobolka.

Kuwaas oo dhammaan fursad shaqo siinaya qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale wuxuu iyana muhiimad balaaran oo (strategic) ah uleeyahay dawlada Puntland maadama gobolku ku yaal dhanka waqooyi ee Puntland oo ah degaano ay maamulka Somaliland ku andacoodo shegashadooda walaw aaney ahayn shegasho xaqiiq & raadtoona salka ku haysa, sidoo kale waa gobolka kaliya oo 4gobol oo puntland ah xudud la leh kuwaaso kala ah bari, Karkaar , Sanaag iyo sool.

Maamulka Puntland wuxuu jirsaday sanadki 15aad  mana jiro wax waxqabad ah oo uu ka fuliyay gobolada Sanaag & haylaan , waana degaano aan wax badan oo horumar ah la wadaagin gobolada kale ee Puntland, waxaase xusid mudan in maamulka Puntland ee hada jira u hirgaliyay magacaabista gobolka haylaan taas oo ah talabada kaliya ee horumarka ah oo u maamulka Puntland ka hirgalyay goboladaas.

Inaga oo kasoo hadalnay muhiimada uu gobolkani uleeyahay bulshada ku nool degaankaas, hadaba waxa jira dad farabadan oo kunool degaanadaas oo aan dareensaneyn muhiimadaas, marka aad qaar ka mida bulshada kala hadasho arinta gobolka iyo sidii loo anbaqaadi laha horumarkiisa waxaad ka dareemaysaa niyad jab iyo raja xumo ay marwalba muujinayaan, iyaga oo leh waxba lama qaban karo,waxba ma suurtoobi karaan iyaga oo aan marnaba isku day samaynayn taas oo caqabad weyn ku ah dadaalka & ka mira dhalinta loogu jiro sidii u gobolku horumar u gaari laha bulshaduna ay uga faa’idaysan lahayd.

Sidoo kale waxaa jira qaar ka mida bulshada oo jecel inay arkaan horumarka gobolka  aaminsana in wax la qaban karo balse jecel inay arkaan wax walba oo qabsoomay iyaguna aaney door kuyeelan taas oo ah caqabad kale , sababto ah waxaaney dareensaneyn degaan inaanu horumar ka surtoobi Karin hadaanu ka iman maskaxda, muruqa & maalka bulshada ku nool degaanka.

Horumarka degaan ku talaabsado ama dib u dhaca soo food saara labaduba waxay iftiimiyaan tusaale cadna u yihiin sidaay ukala hormarsan yihiin bulshada ku nool degaamadaas,  degaanka horumarku ka jiro waxaan shaki ku jirin in bulshadiisu tahay mid ka shaqaysa kuna dadaasha horumarka degaankooda waana bulsho iskuxiran oo abaabulan, balse waxaan sidoo kale shaki ku jirin in degaanka dib udhacu ku yimi ay bulshadisu tahay bulsho aan isku xirnayn oo aan garanayn  danta kawada dhexaysa  taas oo kaliftay inay ka gaabiyaan horumarka degaankooda.

Ugu danbeyntii waa in bulshadu dareenta in gobolku yahay gobol cusub kana shaqeeyan horumarkiisa, waxaynu ognahay in gobolku yahay gobol  ilaahay ku manaystay kheyraad farabadan oo isugu jira  xoolo, kallun iyo macaadin, balse ay u baahan tahay shaqo farabadan sidii looga faa’idaysan laha kheyraadkaas, taasna waxaa lagu gaari karaa bulshada oo la timaada  dadaal, karti, niyadsami, aragtidheer iyo isku duubni. Waxaa kaloo loo bahan yahay in dhamaan wax garadka gobolka iyaga oo isku duuban ay raadiyaan xuquqda gobolka & tan bulsho ee kaga maqan maamulka Puntland, sidoo kale qurbajoogta gobolka ee kusugan dunida dacaladeeda oo ah kuwa u gobolku tabayo waa inay gacan weyn ka geystaan horumarka gobolka maalgashina ay ku sameeyaan gobolka.

Waxaan kusoo gabagabaynaaya  maahmaahda ah.

Ruuxba dhiishu ruxduu caanihiisa dhamaa

 

W/Q. Mohamed Awil Abdullahi.

Mcawil111@gmail.com

 

 

 

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

buuRMADOW Daawo: Boqor Buur-madoow “Suldaan Wabar Waala xidhi, Aniga Dahir Riyaale Wuu I Xidhay
- Dec 17, 2014
Maamulka Siilaanyo ayaa wuxuu la Ciir ciirayaa Xiisadaha ka taagan Gobolka Awdal iyo Sidoo ...
download (5) MAAMULKA SOMALILAND SIDUU U WAJAHAY SULDAANKA SHACABKA GALBEED
- Dec 17, 2014
Todabaad ka hor sidaan ka warqabo waxaa si cad uga soo horjeestay maamulka Somaliland ...
cusub War Deg Deg Ah Ra’izul Wasaaraha oo Goordhaw lagu dhawaaqayo iyo Wariyaasha oo looga yeeray Villa Somalia
- Dec 17, 2014
  Warar goordhaw kusoo dhacay Shabakada Galgalanews.com ayaa sheegaya in Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya looga yeeray ...
Cumar_Cabdirashiid_jpg1 War deg deg ah oo hadda ina soo gaaray ayaa sheegaya in saaka Cumar C/rashiid Cali Sharmaake uu kasoo degay Garoonka muqdisho
- Dec 16, 2014
Xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay Cumar C/rashiid, waxaana ...
no-justic1-640x434 Sad-bursi: awood qaybsiga Puntland ma xaqbaa
- Dec 16, 2014
Halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa sida  Awood  Qaysiga Puntland suaashu waxaay tahay in puntland ...
tuug Puntland oo Xabsiga ka sii daysay Al-Shabaab ( Warbixin)
- Dec 15, 2014
(Garoowe Galgalanews) Sida aan daabacnay Shalay Waxan sheegnay in Dowlada Ethiopia ay Kulan dheer ...