Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Puntland oo Dakhligeeda la Aftiimiyay [Warbixin]

Waxaan halkaan idiinku soo gudbinayaa warbixin kooban oo Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada waqtigoodu dhammaaday u gudbiyey Golohoodii, wuxuna u qoraa sedan
 
Ku. Golaha Wakiilada DPL                                                   Garoowe
Miisaaniyadda 2013-ka                                                            31/12/2012
Mudanayaal, Miisaaniyadda 2013-ka ee Wasaaraddu soo gudbisey waxay la mid tahay tii sanadkii la soo dhaafay ee 2012-ka taa oo dhan bishiiba sh.so. 96,577,000,000, sanadkiina ah sh.so. 1,158,684,000,000, lana mid ah Dakhli iyo Kharash isu-dheelitiran.
Miisaaniyaddu waa mid sidii hore ka kooban Dakhliga Dawladda dhexe oo keliya, waana mid aanay ku jirin qaybaha miisaaniyadeed ee Dawladdaha Hoose iyo Hay’addaha kale ee Dawladda sida, kuwa madaxa bannaan, kuwa curaaraha qaada, kuwa leviga qaada iyo kuwa mashaariicda fuliya, Dakhli iyo Kharash midna.
Mudanayaal Miisaaniyadda 2013-ka waxay dhan tahay bishiiba sh.so. 96,557,000,000, taas oo faahfaahinteedu tahay sida hoos ku qoran
      DAKHLIGA
1.1.0        Canshuurta Kharashka ………………63,902,000,000
2.1.0        Canshuurta dadban…………………..17,471,560,000
3.1.0    Canshurta wax soo saarka……………       48,000,000
4.1.0    Canshuurta dakhliga…………………. 4,214,940,000
5.1.0    Canshuurta hantida dawladda…………3,311,500,000
6.1.0    Dakhliga adeegga dawladda ………… 6,070,000,000
7.1.0    Wareejinta iyo qaaraanka …………… 1,539,000,000
Wadarta ……………………………………..96,557,000,000
     KHARASHKA
  1. Mushahar iyo gunno ………………………42,302,145,000
  2. Adeegga hay’addaha Dawladda …………..15,244,952,000
  3. Kharashka Guud ee Dawladda A …………10,945,000,000
  4. Kharashka Guud ee Dawladda B………….28,064,903,000
Wadarta ……………………………… 96,557,000,000
 
Haddaan idin xasuusiyo Miisaaniyaddii sanadkii hore ee 2012, waxaa Wasaaradda Maaliyaddu soo gudbisay in dakhli iyo kharash ay isu-dheelitirnayd, waxaa isweydiin leh, haddii aan dakhligu hoos u dhicin oo la helay kutalogalkii 2012, xaggee ku maqan yahay mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada, Baarlamaanka iyo Wasaaradaha Dawladda muddada saddexda bilood ah ee sanadkii tagey ee 2012.
Waxaa wax lala yaabo ah in Miisaaniyadda ku baxda Madaxtooyada ay ku dhawdahay kala-bar miisaaniyadda dalka, taas oo ku cad shaxda kore ee kharashka oo ah sidan
Kharashka Guud ee Dawladda A…………………..10,945,000,000
Kharashka Guud ee Dawladda B ………………….28,064,903,000
Wadarta Guud …………………………………….39,009,903,000
 
Haba yaraatee Miisaaniyadda kama muuqato wax adeegga bulshada ah, taas oo ku tusinaysa in Dakhliga laga helo shacabka tabaalaysan, uusan soo dhaafin Madaxtooyada sida ku cad shaxda kore, taas oo laga helay Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada.
Gabagabo.
Mudanayaal waxaan xusaynaa in muddadii Puntland dhisnayd aan la samayn miisaaniyad dhammaystiran oo ay ku dhan yihiin qaybaha
-         Dawladda Dhexe
-         Dawladdaha Hoose
-         Hay’addaha madaxa bannaan
-         Hay’addaha Qaada Leviga
-         Hay’addaha Curaaraha Qaada
-         Iyo Deeqaha Mashaariicda loo bixiyo
Taasina waxza ay muujinaysaa in aan marna la samayn miisaaniyad dhammaystiran oo Puntland leedahay
Cawaale Axmed Oday

<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

daad Garo Ama Ha Garan
- Jul 27, 2014
Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh     Fool wada Qayaxan iyo ...
garaad jama sawir Khaatumo:- “Garaad Jaamac tegida Garaad Saleebaan ee Garoowe Nama Khusayso”DHEGAYSO
- Jul 26, 2014
Saax-Dheer:- Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Duubka kaliya ee ku hadhay Khaatumo ayaa ...
aas Puntland:- DHEGAYSO Khudbadii Madaxda ee Safarkii Garaad Saleebaan
- Jul 26, 2014
Madaxweynaha PL iyo ku Xigeenkiisa ayaa hadal ka jeediyay Madaxtooyada markii lagu soo dhaweeyay ...
7 Badhan:- Hay’adda Adeso oo Maxaabiis ku Wareejisay Gogol +Sawiro
- Jul 26, 2014
Puntlandsun.com Hay’ada Adeso ayaa  Gogol Gudoonsiiyay Maxaabiista ku jirta Saldhiga Dhexe ee degmada Badhan, Agabkaasi ...
saleebaan “Garaad Saleebaan Khaatumo Waa dhalanteed”DHEGAYSO
- Jul 26, 2014
Puntlandusn.com Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa Maanta  Julay 26-2014- Gaadhay Caasimada PL ee Garoowe waxana ...
saleebaan Puntland:- Garaad Saleebaan oo Gaadhay Garoowe +Sawiro
- Jul 26, 2014
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Isimadda Sool,Sanaag iyo Cayna ayaa waxaa ...