Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

(Sawiro) Mid Ka Mid Ah Xafiisyada ”Ssc Radio” Ee Buuhodle Oo Saaka Qaab Qorsheysan lagu Bur Buriyey

GGNews- Kooxo saaka laga soo abaabuley guriga maxamuud xaaji cumar ayaa saaka waxaa ay weerar ku soo qaadeen xafiiska guri Radiossc codka shacabka ee magaalada buuhoodle halkaas oo ay khasaare lixaadleh ugu gaysteen dhamaan agabkii xafiiska idaacada Ssc Radio ee magaalada buuhoodle.

Subaxnimadii hore ee saaka ayaa lagu soo waa bariistey mudaharaad xoogan oo ay soo abaabuleen Odayaal horey looga yaqaaney gudaha magaalada Buuhoodle”Hasha Laba Geed Daaqda” .

Mudaharaadkan oo loo adeegsadey Dhalinyaro”Waxma garad ah” oo ay horkacayeen Bahda Sports ka, Dhalinyaradan oo ay horsocdeen kuwo si khaas ah loo siiyey”Laaluush”

Mudaharaadkan ayaa markii uu socdey mudo saacado ah gudaha magaalada Buuhoodle, yaa waxaa markii danbe Dhalinyaradii laaluushka la siiyey lagu hagey Gawaadhi ay lahaayeen”shakhsiyaad” Yadoo farey dhalinyaradii inay u kacaan Xafiisyada maamulka Khaatumo State iyo Warbaahinaha u shaqeeya ama ku hadla codka shacabka Khaatumo State.

Yadoo daqiiqado kadib lagu warhelay in Dhalinyaradii Laaluushka ku caanka baxdey ay u kiciteen Xafiis ka mid ah Xafiisyada Warbaahinaha ee ku hadla codka shacabka kan ugu weyn gudaha magaalada Buuhoodle oo ahaa“Radio Ssc/Codka Shacabka’

Xafiiskan oo loo geystay waxyeelo aan lasoo koobi karin, Yadoo la bur buriyey qalabkii uu lahaa qalabkani sida:- Labtops 4/Printers 2/Camera’s 3/Mp3 2/DSLs Internite 2+ Tabels 3  iyo qalab fara badan oo kale oo markaasi qiimeyn lagu sameyn ama aan tiro koobkooda lasoo gudbin.

Sikastaba ha ahaatee mudaharaadkan maanta laga soo abaabulay gudaha magaalada Buuhoodle oo ay ka danbeeyeen”Ogay. Maxamuud Xaaji Cumar Camey” iyo xulufo la shaqeysa oo horey loogu yaqaaney in ay ka geeystaan gudaha deegaankani falal aan shacabku raali ka ahayn ama kasoo horjeeda midnimada shacabka-weynaha maamulka Khaatumo State.

Dhalinyaradii ka hawl gali jirtey Xafiiska Warbaahinta Khaatumo State ee”Radio Ssc/Codka Shacabka Khaatumo State” ayaa ah kuwo yadu ku hawlan sidii ay uga jawaab bixin lahaayeen dhibaatadan loo geystay Xafiiskooda.

Ugudanbeyntiina maaha markii ugu horeysay oo falal noocan oo kale ah ay qoyska yagu ku caan baxay fur furka iyo kala firdhinta shacabka reer Khaatumo State ay u adeegsadaan dhaliyaro Waxmarad ah,Yagoo markaasi u isticmaalaya inay laaluushku bixiyaan.

Hadaba Hoos Ka Daawo Sawirada Xafiiska Saaka Looga Dan Lahaa Mudaharaadka……Iyo Sida Loo Galay.

Daalacatey


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

galgala Galgala Sawiro uma Baahna” ( Faallo +Sawiro)
- Oct 22, 2014
Galgala( Galgalanews) Degmada Galgala ee Gobolka Bari waxa Dhowr jeer ka dhacay Dagaalo is ...
Xawiladii Amal ee dalka Giriiga oo la dhacay VIDEO Xawiladii Amal ee dalka Giriiga oo la dhacay VIDEO
- Oct 22, 2014
Athens( Galgalanews) Xawiladii Amal Express ee dalka Giriiga  ayaa Gabi ahaanba la dhacay' sida ...
daalo Faalo Milicsiga iyo fiiranta Sanaag
- Oct 22, 2014
Faalo Milicsiga iyo fiiranta Sanaag Hadaan wax yar ka dhaho taariikhda gobolka Sanaag kana bixiyo ...
IMG-20141020-WA0011 Boqor Burhaan oo ka hadlay Dhismaha Wadada-Ceerigaabo DHEGAYSO
- Oct 21, 2014
Badhan( Galgalanews) Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Magaalada Badhan Gaadhay ayaa ugu baaqay dowlada ...
west_bank_grocery_thumb_other563_422 Xeer Cusub Ee Saacadaha U Kordhinaayo Meheradaha Muslimiinta Oo Maanta Meel Maray Golaha Degaanka Minneapolis.
- Oct 21, 2014
Xeer Cusub Ee Saacadaha U Kordhinaayo Meheradaha Muslimiinta Oo Maanta Meel Maray Golaha Degaanka ...
ggg Gacal Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax Mohamed Iyo Khadra
- Oct 21, 2014
gacal iyo sukeeyaba guurkiina lagu farax. waxaa  Hambalyo ay ku dheehantahay Farxad iyo gacaltooyo u ...