Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Urur Siyaasadeedka HORSEED oo la kulmay qaar kamid ah taageerayaashiisa Gobalka Bari(Sawiro).

 

Urur Siyaasadeedka HORSEED ayaa Magaalada Boosaaso maanta kula kulmay Tobanaan kamid ah taageerayaasha ururkaasi, Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin katirsan Dawlada Puntland oo xubno ka ah ururka HORSEED, Furitaankii ayaado quraan ah kadib waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala gedisan oo katirsan urur Siyaasadeedka HORSEED iyo weliba qaar kamid ah taageerayaasha ururkani,

 

 

Mukhtaar saciid Yaasiin,Gudoomiyaha Ururka Horseed Gobalka Bari

Ugu Horayn waxaa lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha KMG ah ee ururka HORSEED qaybta Gobalka Bari Mukhtaar Saciid Yaasiin wuxuuna faahfaahin ka bixiyey halka ay marayso diwaan gelinta dadweynaha  xubnaha ka noqonaaya iyo weliba taageerada Balaaran ee uu xisbigu ku leeyahay Gobalka Bari gaar’ahaan Magaalada Boosaaso, Gudoomiyaha ayaa sheegay inay bilaabeen diwaan gelinta 4-maalmood ka hor ayna iminka maraayaan in kabadan 450-qof wuxuuna tilmaamay inay dadweynuhu si aada ugu xiisa qabaan kamid noqoshada ururka  HORSEED, Mukhtaar ayaa dadweynaha Gobalka Bari ugu baaqay inay kusoo dhawaadaan kamid noqoshada ururka HORSEED laguna soo dahwaynaayo gacmo furan cid kasta oo kamid noqonaysa ururkan,

Ifraax C/qaadir oo jeedisey hadal xamaasadleh

Waxaa Iyaduna halkaasi ka hadashay IFraax C/qaadir Cali oo  kamid ah Gabdhaha Dhalinyarada ah ee xubnaha ka ah urur Siyaasadeedka HORSEED waxayna tilmaatay sida ay ugu hanweyn tahay inay xubin firfircoon ka noqoto xisbiga HORSEED iyadoo uga mahadnaqday masuuliyiinta ururka sida ay ugu heelan yihiin arimaha haweenka iyadoo tilmaatay inay jiraan haween aad u tira badan oo si aada u xisaynaaya kamid noqoshada ururka HORSEED oo ah kii ugu horeeyey ee laga asaaso Puntland ahana xisbul xakimka Puntland,

Wasiirka Maaliyada oo ka hadlaaya xaflada.

Waxaa iyaguna kamid ahaa dadkii madasha fadhiyey qaar kamid ah wasiirada Puntland iyo Weliba Xildhibaano, Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dawlada Puntland Mr:-Faarax Cali Jaamac ayaa siweyn u faahfaahiyey ahmiyada uu xisbiga HORSEED siinaayo umadda reer Puntland wuxuuna sheegay inuu urukani yahay mid u tartami doona  Doorashada Golayaasha degaanka Puntland kadib rajaynaaya inuu u gudbo xisbi Siyaasadeed wuxuuna dadka xubnaha ka ah ururka ugu baaqay inay soo jiitaan dadweynaha si ay ula tartamaan ururada dhigooda ah ee ka jira Puntland, Wasiirka ayaa sheegay in maalmaha fooda nagu soo haya Magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland uu ka furmi doono Shirweynihii Xisbiga oo ay ka qayb geli doonaan in ka badan 500 oo qof oo kakala imaan doonaa 8-Gobal ee Puntland, wuxuuna sheegay in halkaas lagu dooraan doono Gudiga dhexe ee ururka laguna dejin doono xeerka urur Siyaasadeedka HORSEED, Wasiirka Maaliyada Puntland ayaa sheegay inay fureen dhamaan xafiisyadii Gobalada ayna xafiis walba ka socoto diwaan gelinta ugu yaraan dad gaaraaya 300 oo qof si uu ururku u buuxiyo sharuudaha Guddiga doorashooyinka wajiga 2-aad,

Wasiirka Dekadaha Saciid Maxamed Raage

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Saciid Maxamed Raage  ayaa isaguna dadka xubnaha ka ah ururka ugu baaqay inay ka qayb qaataan Lacagta tabaruucada ah ee loo uruurinaayo ururka si loogu fuliyo hawlaha ururka, Saciid Maxamed Raage ayaa sheegay inay marna dhici doonin in hawlaha ururka lagu qabto hantida dadweynaha ee ay Dawladu gacanta ku hayso isagoo tilmaamay inay hantidaasi tahay mid ka dhaxaysa Guud ahaan dadweynaha Puntland aysana uga sokayn ururada kale ee ka jira Puntland,

Masuuliyiinta kulanka kasoo qayb gashay kulanka

Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan oo madasha ka hadlay ayaa isaguna sheegay in loo baahan yahay in lagu dadaalo sdii ururku u noqon lahaa mid buuxiya sharuudahauu Guddiga Doorashooyinku ku xiray ururada Siyaasada Puntland, Isagoo dadka xubnaha ka ah ururka ugu baaqay inay soo jiitaan dadweynaha Puntland wuxuuna sheegay in qof kasta oo xubin ka ah ururka uu uula siman yahay madaxda Dawlada ururka aysana jirin cid ku kala xaquuq badan urur Siyaasadeedka HORSEED,

Duqa Bosaaso oo hadlay

Waxaa Iyaguna halkaasi ka hadlay Masuuliyiin kala duwan ayna kamid ahaayeen Duqa Magaalada Boosaaso Xasan Cabdala Xasan, Xildhibaano, Wasiiro, Wasiir-ku xigeeno, Wasiiru Dawlayaal iyo Dad kale oo  tira badan waxayna dhamaantood hoosta ka xariiqeen sida loogu baahan yahay in loo kaco urur Siyaasadeedka HORSEED lana soo jito dadweynaha reer Puntland , Kulamada ururka ayaa noqanaaya mid sii socon doona sida ay sheegeen xubnaha sare ee ururka HORSEED waxaana dhici doona kulan balaaran oo dhex mari doona Madaxda ururka HORSEED iyo Ganacsatada,Nabadoonada iyo Culmada Gobalka Bari waxayna arimahan oo dhan kusoo aadayaan xili maalmo gudahood lagu wado in Magaalada Garoowe lagu qabto Shirweynihii ururka.
Mukhtaar Cabdi Faarax
kaamil571@gmail.com

<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (2)

  1. Earnhardt says:

    Kewl you should come up with that. Execllent!

  2. Welcome says:

    Gosh, I wish I would have had that infromaiton earlier!


Comments are closed.

documenti-21 “Xog Muhiima” Mushahaarka iyo Dhakhli-ga Puntland
- Jul 22, 2014
Ka dib doorashadii Madaxweyne Gaas , Ku xigeenkiisa Eng iyo Gollaha Sharci dejinta Puntland ...
images Tacsi:- Maryam W.Samatar oo Dubai ku Geeriyootay
- Jul 22, 2014
NAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN: MA DHINTE WAA ILAAHAY. Waxan tacsi tiiraanyo leh udiraynaa, ...
cali khaliif 2 Tolowga Cali Galaydh ee Puntland Maxaa iiga Baxay!!
- Jul 22, 2014
Cali Khaliif Galaydh iyo wafti la socdaa waxay Gaadheen Degmada Buurtinle si ay u ...
hasan Badhan oo Horumar loo Tartamay VIDEO
- Jul 21, 2014
Masjid Al-Nuur ee Degmada ayaa Saaladii Jimcaha ka dib Khudbadii laga Jeediyay waxana Guddiga ...
galaydh Galaydh oo Taageero u tegay Mudug
- Jul 21, 2014
Bursaalax(Galgalanews) Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh oo Mar Noqday RW Somaliya kana mid ah Dadka ...
wariyaal Puntland:- Maalinta Madow Julay-21-2014-
- Jul 21, 2014
Barlamaanka Puntland ayaa ansixiyay Duhurnimadii Maanta Xeerka Warbaahinta oo Maalmihii ugu dambaysay horyaalay Golaha ...