Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Garoowe: Loolan Siyaasadeed ayaa ka Jira Golaha Sare ee Horseed oo Maanta la Dooranayo [Xog Dhaba]

Garoowe:(GalGalanews) Maanta Galinka Danbe ayaa la Dooranayaa Xubnaha Golaha Dhexe ka Mid Noqonaya ee Xisbiga Talada haya Horseed waxana Xubnahaasi Tiradooda lagu Sheegay 185- Xubnood oo laga dhex dooranayo Ergooyinkii Gobolada Puntland oo Badidoodu ku Sugan Caasimada.

Ilo Xo Go Gaal ah baa sheegaya in 180-Xubnood %50- ay ka imandoonaan Xukuumada haatan Jirta halka Inta hadhay oo kale laga dhex dooran Doono Bulshada qaybaha heeda kala duwan oo Garoowe Shir Maalinti 3-Aad u Joogta.

Waxa xusid mudan in golaha Sare oo ka Koobnaandoona Afar Xubnood lagu wado in Maanta la Doorto waxana loo Badinayaan in Gudoomiyaha KMG ah ee xisbiga Dr FAroole la Doorto.

In kastoo aan la Sugi karin hadana waxa jira ilo Wareed sheegaya in  Gudoomiyaha Xisbiga uu Noqonaya Madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole,walow aan la saadaalin karin ku Xigeenka Xisbiga in loo Doorandoono Madaxwayne ku Xigeenka Gen C/samad Cali Shire.

Laakiin Dadka Siyaasada Odorasa ayaa leh Marka Golaha Dhexe  la Doorto ayaa la Saadaalin karaan cida Saamiga Sare ka helaysa  Hogaanka Sare ee Xisbiga Talada haya ee Horseed.

Madaxwaynaha ayaa ilaa xalay iyo Maanta Galinkii Hore Shirar Goos Goos ah kula Jiray Gudoomiyahaasha Gobolada PL oo Ergooyinka Hogaaminayay iyo Wasiirada Qaarkood in kastoo aan la aqoon Ujeedka Shirarkaasi.

 

Xaalada Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle

Gobolka Sool ayaa la haystay Mudo 7-Sano  waxana Jira Dhaq Dhaqaaq ay wadaan Siyaasiyiiinta Gobolka Sool ee ay ku Doonayaan inay Shacab badan kaga helaan gobolkaasi.

Dad badan ayaa Aminsan in Gobolka Sool AAnu kaalin Muuqata ku lahayn Doorta Xisbiyada badan ee Puntland Madaama aanu Gacanta Puntland ku Jirin taasina ay Meesha ka saarayso Riyada Siyaasiyiinta Sool ee ah inay Taageerayaal ku Leeyihiin Gobolka Sool.

 

Sanaag iyo Hayland.

Labadan Gobol ayaa Ergooyin ka Joogaan Caasimada PL ee Garoowe waxana kala Hogaaminaya Labada Badhisaab ee Gobolada kuwaasi oo Maalintii Sadexaad uu Galay Shirwaynihii Horseed.

Safaro Wasiiro iyo Xildhibaano loogu kala diray Hayland iyo Sanaag ayaa Jawi Wanaagsan ku soo Dhamaaday,Madaxwaynaha PL ayaa Amisan in Goboladan ay Yihiin kuwa uu Xisbigiisu Taageero Lixaadleh ka helidoono Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Tan Baarlamaankaba.

 

Kaalint Ururka Midnimo ee Sanaag Hayland.

Ururka Midnimo ayaa Dhawaan Laamo ka Furtay Sanaag iyo Hayland Gaar ahaan Degmada Badha, waxana uu Liis Gareeyay inta badan Dadka Deegaankaasi, Waraysi uu Saadiq Enow Siiyay Idaacada Radio Sanaag ee Degmada Badhan ayuu ku Sheegay in hadii uu Ururkoodu ku soo baxo Doorashada Puntland ay wax badan ka qabandoonaan Balanqaadkoodii Hore.

 

GalGalanews

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


You must be logged in to post a comment.

gulee 111 Sanaag:- Ergadii ugu Taageerada Badnayd oo Shirka Guuleed Soo Gaadhay +Sawiro
- Aug 30, 2014
Xingalool( Galgalanews) Caaqil Abshir Qaadi oo ah caaqilka Guud ee beelaha Warsangali ayaa si ...
yubbe Boqorkii Beelaha Nuux Cumar oo la Bogaadiyay
- Aug 30, 2014
Qurba Joogta Reer Sanaag iyo Hayland  ayaa Bogaadisay Boqorka Beelaha Nuux Cumar ee Garab ...
Boqor Lagu soo dhaweeyay Xingalool- G.Sanaag VIEDO Boqor Shirka Sanaag Tegay VIDEO
- Aug 29, 2014
Boqor Ibraahim Maxamed Xasan' Boqorka Beelaha Nuux Cumar- ee Warsangali-Daarood  ayaa Gaadhay Xingalool oo ...
garaad Midnimada Sanaag iyo Hayland oo laga hadlay
- Aug 29, 2014
Waxaan ku bilabaaya magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh Awalan waxaa mahad oo ...
IMG-20140829-WA0005 Kampala:-Hormuudka Ardayda Puntland oo la caleema Saaray +Sawiro
- Aug 29, 2014
Xafladii Sanadguuradii 16 ee Puntland iyo Caleema Saarka Gudoomiyaha Ardayda PL ee Uganda ayaa ...
NicholasKey Baaq Caalamiya Saax-Dheer
- Aug 29, 2014
August 29, 2014 Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Ergayga gaarka ee ...