Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Gabaygii Guba iyo Bilowgiisii [Qormo Taxana ah]

GUBA

Dadka badankiisu markay maqlaan magaca Guba waxay sawirtaan ama maskaxdooda kusoo dhacda gabayo dhaadheer oo qarni horre la tiriyey oo ay isu tiriyeen niman suugaanta Afka Soomaliga ku caan baxay oo ay kamid ahayeen Qamaan Bulxan, Cali Dhuux, Maxamed Cumar Dage, Salaan Carabeey iyo kuwa kale oo tiradoodu toban kor u dhaaftay.

Hase yeeshee Soomaalida badankeedu macluumaad waafi ah kama hayso gabayadan, siday u dhaceen, wixii kalifay, goobta ay ka dhaceen iyo ciddii ugu dambayn ku gacan saraysay iyo ciddii lagaga xoog batay ee laga gar helay ama ha gar qaateen oo is waansadeen ama yeysan sidaa yeelinee.  Waxaan haddaba kalkan wax yar kaga taataabanaynaa sheeko gaaban oo ku saabsan gabayadaa Guba loo yaqaano.  

Gabayada waan soo bandhigi doonaa oon  erayadoodii mid mid usoo qaadan doonaa (eeg bidix kore,) haddii Eebe idankeeda lee yahay, inkasta oo la odhan karo Soomaalida suugaanta xiisaysa badankeedu way maqleen ama arkeen gabayadan oo si taxane ah loo soo tabinayo oo nin xafiday ama meel ku uruuriyey oo haya uu soo tabinayo.  Waxaan filayaa inay gabayadani ka mid yihiin suugaanta aadka u faaftay ee meel walba oo Soomaaliyi ku nooshahay gaadhay.  Sidaa daraadeed,  cabsi badan kama qabno gabayadini inay lumaan oo jiilka dambe ee soo socda ay gaadhi waayaan.  Waxaan qoraalkan dhexdiisa muhiimad gaar ah siinaynaa arimo dhowr ah oo la xidhiidha taariikhda Guba.  Arimahaas oo uu hoyga doollo.com u arko inay xiiso gooni ah lee yihiin hadda ka horna aanaan arag cid wax ka qortay.  

Magaca Guba Muxuu Yahay Xaggeese Kasoo Jeedaa?

In kasta oo uu magacani aad ugu hanaqaaday sugaantan taxan ee dhexmartay nimankaa aan kor kusoo xusnay, haddana waxaa xaqiiqo ah in magaca Guba uu asal kale lee yahay dadkii xilligii maansadani abuurmaysay joogayna aysan u aqoon Guba.  Gabayadan sida laga war qabo waxaa bilaabay Cali Dhuux Aadan, isagaana soo af jaray oo dhameeyay.  Wuxuu ku bilaabay gabaygii tirada yaraa ee ay ugu horraysay “Cartaneey Cammuud layska qaad, ceelkii Reer Magane.”  (eeg bogga Cali Dhuux.) Ilaa dhamaadka.  Wuxuuna kusoo gunaanaday gabaygii gaabnaa ee isna ku bilaaban jiray “Gun baan ahay ganbo cad baygu xidhan, iyo gar naagood e.” Ilaa iyo dhamaadka.  Gabayada kale ee laga dambeysiiyo gabaygaa Cali Dhuux ka mid ma aha silsilada ee waa kuwo damac rag kale iyo tiro buuxsi cajaladaha loogu duubo.  Way dhici kartaa in ay ku lug leeyihiin khilaaf dhex maray laba qoys oo kuwa Guba isu tiriyey ka mid ah, laakiin taas macnaheedu ma aha in ay taxanta kamid yihiin.

Waxaa haddaba la wariyaa in Cali markii uu tiriyey gabaygiisii labaad ee la magac baxay Deleb uu nin markaa ka ag dhawaa dadkana aad u kala yaqaanay waydiiyey “war maansadu maansadii Guba ee Saahid Qamaan Cali ma u eg tahay?”  Wuxuu ninkii ku jawaabay ma hayno, waxaase halkaa ka cad in Cali Dhuux uu tix raacayey kana luun jeexanayey abwaankii caanka ahaa ee Ciid iyo Doollo, Saahid Qamaan.  Waxaa kale oo halkaa ka cad in Cali uusan magac u bixin maansadan isdaba socota ee uu isagu bilaabay, kaliyase uu waydiiyey saaxiibkiisii markaa ag fadhiyey bal in maansadu tii Saahid la nooc tahay.

Gabayada Guba la yidhaahdo haddaba way ka duwan yihiin kuwan maanta aad u taqaano Guba.  Waxaa gabayada magacan sida dhabta ah u leh tiriyey ama bilaabay, haddii ay xaqiiqowdo in rag kale ka qeyb qaateen, Saahid Qamaan.  Meesha magacu ka raacayna waxay tahay tixdii uu Saahid lahaa “In dhawayd wax igu gaarnaan jiriyo, Guba ma aanan faadhfaadhin.”  Saahid wuxuu gabayadan ka tiriyey arin dhexmartay jilib hoose oo uu isagu ka dhashay oo ka mid ah Ogaadeen.  Arintaasi waxa ay ahayd iyo wixii la kala mutay ujeedadeenu ma aha inaan halkan raadraacno, waxaan uun dhiraandhirinaynaa magaca Guba ah halka uu ka soo jeedo iyo inaan gabayadan Cali bilaabay loo aqoon jirin Guba xilligoodii. 

Soomaalidii ay gabayadani gaadheen waxay maanta u yaqaanaan Guba.  Waxa ay kula maageen ma cadda waxayse u badan tahay in ay tahay tixraacii Cali Dhuux ee u ekaysiiyey amaba barbar dhigay maansadii Saahid Qamaan.  Gabayada Saahid Qamaan ee magaca Guba loogu wanqalay, maadaama ooy dhex mareen jilib hoose oo awooda in warkoodu iyaga uun ku koobnaado, si dhamaystiran Soomaalidu uma maqal lamana is wada gaadhgaadhsiinin.  Arintaa ayaa waxay keentay in magacii laga dhaxlo oo silsiladan caanka ah ee badan ee suuqa weyn heshay ay dadku ugu yeedheen Guba.

Gabay xaajo ah oo uu Qamaan Bulxan tiriyey isaga oo Cali Dhuux tusaalaynaya ayaa waxaa ka mid ah beyd uu lee yahay “Geeraarka iyo faanku saw, Guba la xeer ma aha”  Arintaasi waxay tusaale cad u tahay in Qamaan, Cali, iyo dhamaan abwaanadii ka qeyb qaatay gabayadan iyo ciddii xilligaas maqashayba aysen Guba u aqoon uguna yeedhin.

Cabdullaahi Xasan Rooble ninka la yidhaahdo ama jaahilnimo uusan aqoon wanaagsan u lahayn waxa uu is lee yahay ka hadal halkaa ha dhigto ama qabiil ha indha tiree, booklet kii uu qoray ees ugu yeedhay Silsiladda Guba xaqiiqooyin, iyo gabayo badan ayuu inkiray dhinacna isaga riixay.  Kuwa kalana wuu is dhaafdhaafiyey oos iska hor iyo dib keenay. Ujeedadeenu ma aha inaan buuggaa naqdino, umana arko in uu mudan yahay in waqti badan lays kaga lumiyo mar haddii uu amaanadii cilmiga ahayd ee odhanaysay warku sidda uu yahay u gudbi adigoon nasakhin ama wax ka reebin qaarna is xijinin qaarna iska durkinin ku tuntay.  Waxaan uga jeedaa in aan soo xigto meel yar oo uu kaga hadlayo asalka magaca Guba.  Mar haddii aan buuggii magacaabayna inaan qariyo dhan ahaantiisa iyo eexda dhex yuururta way ila ahaan weyday.  Meeshaas aan u jeedo waxaa weeye, Cali Dhuux oo geel Habar Yoonis Dhulbahante ka dhacday ergo u ahaa oo ka dabatagay ayaa yidhi:

  • Guboo kale haddii aan tirshoo, nimanka guubaabsho 
  • Nimay guuli raacdaba wallaa, laysu gelayaaye
  • Iyadana hay garanwaayinee, geela igu siiya

Cali Dhuux Gubada uu halkan u jeedo waa tii Saahid ee ma aha tan uu isagu bilaabay een halkan kaga waramayno.  Mar haddii uu isaguba yidhi maansadu Gubadii Saahid Qamaan ma u eg tahay, waxaad moodaa inaysan dhici karin in tan kale ees isagu bilaabayna uu Guba ugu yeedho.  Markuu leeyahay “Guboo kale haddii aan tirsho” waxaa cad inuu tixraacayo dhacdo iyo gabay(o) hore.

Waxaa kale oo iyana meesha ku jirta in inkastoo gabayadani ay sabab u noqdeen dagaalo aan sidaa u badnayd oo ehli ah oo dhexmaray qabaa’ilo Soomaaliyeed haddana dagaal weyn oo laysu soo habarwacdo oo ay ku diriraan laba saf oo Isaaq iyo Darood ka kala socda una midaysan magac ahaan ma aysan dhicin.   Siddaa lidkeeda magaca Guba wuu ka xeel dheer yahay dagaaladaa yar yar wuxuu macnihiisu ku qotamaa ciil iyo cadho iyo arin ay rag badani guracayaan Saahid Qamaana si kale ugu muuqatay markaa uu lee yahay hurgumo iyo caloolyoow badan oo in badan ugu gaaxday ma anigaaba niman yahow daboolka ka qaaday.

Maahmaahdii Soomaaliyeed ee odhan jirtay ‘xaajo nin aan ka warhayn indhuhuu ka ridaa’  ayaa munaasab ah halkan. Waxaan uga gol lee yahay maahmaahdaa, markii gabayo laga tiriyey Doollo iyo Ciid ay tagaan meelkasta oo caalamka ka mid ah oo Soomaaliyi ku nooshahay, gobol kasta oo Soomaaliyeed, gaadhaan dad badan oo maqalka uun mooyee aan maamuuska gabayaga aqoon, waxaad iska garan kartaa in ay adag tahay in la ilaaliyo tixraacii iyo asalkii silsilada.  Si dhib yar ayuu dhagaystuhu wuxuu isaga qaadanayaan wixii lagu yidhaahdo ama waxa markaa hal-haysku u badan yahay siddaa ayuu ugu ekaanayaa haaheeyo raac aan aad uga warhaynin dhacdooyinka.  Taa ayaa haddaba keentay in lala yaabo maanta ninkii xog ogaal ah ee yidhaahda gabayadan Guba lama yidhaahdo.

Isku soo duuduub oo taxantan Guba lama yidhaahdo ee waa loo luun jeexay magaca, Gubana waxaa ah gabayadii Saahid.  Laakiin, si aan u sahalno fahamka qoraalkan, ugana hortagno adkayn aan loo baahnayn, Guba waxaan ugu yeedhaynaa silsiladan uu bilaabay Cali Dhuux halkan wixii ka dambeeya maqaalkan dhexdiisa.  Mise Guba weynu ka deynaa oo waxaynu u bixinaa Gubo?  Mise waxaynu ugu yeedhnaa magaca looga yaqaano gobolkii gabayadani ka bilowdeen ee Doollo oo ah “Rayad?”

Xaggee Lagu Tiriyey Guba?

Guba waxaa laga tiriyey dhulka lagu magacaabo Doollo.  Doollo waa dhul xoolo daaqeen wanaagsan oo geelu aad ugu tanaado hase yeeshee oomane ah oo biyuhu ku yar yihiin.  Ceelasha laga cabo ee biyaha lehi waa fara kutiris.   In la qodo oo biyaha sidaa lagu gaadhana way adag tahay waxayna qaadataa muddo dheer iyo maal badan.  Oomanaha ka jira Doollo ayaa sabab u ahaa bilowga maansadan, sida aan dib ka cadayn doono.  Doollo waxaa laysku yidhaa todoba ceel oo kala ahWalwaal, Wardheer, Uubataale, Waa-Af-Dhuug, Garlow Gube, Yucub, iyo Af-Yaraado.  Dhulkaasi wuxuu dhacaa inta u dhaxaysa  Wardheer, Caado, Qabri Dahare iyo Shillaabo, markii si wareeg ah loo eego caasimadna waxaa haatan u ah Wardheer.  Dhulkan dhamaantii, marka laga reebo labo saddex meelood oo xad ay qabaa’il kala duwan iska taabtaan ah, waxaa dega Ogaadeen, Darood.  Qabaa’ilada kale ee dariska la ahna waxay isugu jiraan kuwo dhowr ah oo isla Darood ka ah iyo Habar Yoonis, Isaaq.

Waxaa ceelasha Doollo biyaha lagagala soo baxaa wadaan ay jiido labo ama afar nin iyadoo mar walba ay ku xidhan tahay hadba culayska wadaanta.  Tusaale ahaan ceelka Geel Caddeeye la yidhaahdo ee ku yaala degmada Yucub oo ah ugu yaraan saddex iyo toban baac – nin joogii- waxaa inta badan lagaga cabbaa oo kaliya wadaan laga sameeyey laba neef oo adhi ah haragood.  Waxaana uun jiidi kara wadaantaas oo buuxda afar nin oo xoog badan oo labo labo intay isuu daba istaagaan dhinacba mar dhufto.  Oonka caynkaa ah waxaa sii adkeeya Doollo ooy xooluhu aad ugu badan yihiin sababtoo ah waa dhul xoolaha u roon oo carra san ah qaniinkunu ku yar yahay.  Waxaa marka dhacda in dad badani kusoo raro nimcoolayda ay haystaan markii ay barwaaqo jirto.  Barwaaqadii markii ay gabaabsido ee biyihii dhulka banaan wadhnaa ay yaraadaan ayaa dib loogu soo noqdaa ceelashii iyo in dadka iyo xooluhuba ku tiirsanaadaan wadaantaa la shubayo si ay u waraabaan.

Biyo yaraantaa, carro fiicnidaa, iyo cid badnaantaa ayaa waxay inta badan dhalisaa khilaaf dhexmara beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed ee ku kulma degaanka Doollo iyo kuwa ku hareeraysanba.  Haddaba khilaafka ay maansadan Guba salka ku hayso ma mid kuwaas oo kale ahbaa mise waa mid ka duwan oo ay cillado kale dhaliyeen?  Sii akhri adigaa ka dhargi doona jawaanta su’aashan iyo kuwa kale oo badanba ee.

Qaybaha Kale Waxaynu ku eegaynaa

-Bilowgii Gabyga

 Dhulka u Muuqday in laysku Haysto

- Cali Dhuux Ma Dira-Dirlaaluu Ahaa.

 

Webmaster@galgalanews.com

 

 

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (1)


You must be logged in to post a comment.

hassan sheekh M Waraysi Xasan Sheekh Maxamuud ee BBC-da DHEGAYSO
- Sep 26, 2014
Sep-26-2014- (New York- Puntlandsun) Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo Waraysi Siiyay laanta Af Somaliga ...
Maxamed Cabdi Wabax & Silsiladii Faaf-Reeb VIDEO Maxamed Cabdi Wabax & Silsiladii Faaf-Reeb VIDEO
- Sep 26, 2014

DSCF7785 SOMALIA:- Dhahar council elects new mayor
- Sep 26, 2014
Dhahar (Puntlandsun):- The capital city of newly appointed region of Highland obtains a new ...
Suldaan-Siciid SOMALIA:- MOPIC minister invites Sultan Said and his delegates
- Sep 26, 2014
The Planning and International Cooperation minster of Puntland invited Sultan Said and his delegates ...
DSCF7785 Dhahar oo Duqii Degmada la Doortay
- Sep 26, 2014
Mustafe Axmed Aadan Geesood ayaa Noqday Duqa cusub ee degmada Dhahar sida warku sheegayo ...
saraakiil Boolis Puntland:- Tababar Garoowe loogu soo Xidhay Saraakiil Boolis +Sawiro
- Sep 25, 2014
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng, Cabdixakiim C/laahi Cumar Camey ayaa maanta tababar usoo ...