Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Garoowe:- Urur Siyaasadeedka Minimo oo Shirwaynihii Koowaad u Furmay [Daawo Sawirada]

Garoowe:(GalGalanews) Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland ka furmay shirweynaha urur Siyaasadeedka Midnimo oo kamid ah ururada ka hanaqaaday Puntland, Shirweyne si aad u wanaagsan looga soo shaqeeyey oo ka furmay xarunta Jaamacada PSU ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno katirsan ururka Midnimo oo ka kooban qaybaha kala duwan ee Bulshada sida aqoonyahan, Haween, Dhalinyaro, Xildhibaano, Culimo iyo weliba qaybo kale, Shirkan ayaa waxaa xiriirinaayey Zakariye Isticmaar oo ah   aqoonyahan dhalinyaro ah oo kasoo laabtay Dalka Dibadiisa.

General Cali Ismaciil, madaxda KMG ee ururka Midnimo.

General Cali Ismaciil, madaxda KMG ee ururka Midnimo.

Shirka ayaa waxaa ugu Horay Furay General Cali Ismaaciil oo kamid ah  Madaxda ururka Midnimo wuxuuna ka sheekeeyey asaaskii ururkan iyo Hadafka uu hiigsanaayo urur Siyaasadeedka Midnino wuxuuna sheegay inuu ururkani isu taagay sidii uu u midayn lahaa Umadda Puntland iyo Guud ahaan tan Soomaaliyeed, Generalka ayaa sheegay in dadka kasoo qayb galay shirweynahan ay kala matalaayaan sideeda Gobal ee Puntland.

Siyaasi Maxamed Cabdi Nuur

Siyaasi Maxamed Cabdi Nuur

Siyaasi Dr Maxamed Cabdi Nuur oo isguna kamid ah asaasayaasha ururka Midnimo ayaa daka kasoo qayb galay iyo Guud ahaan dadka Puntland uga Mahadnaqay taageerada balaaran ee ay la garab istaageen ururka wuxuuna sheegay inuu ururkani yahay mid u istaagay inuu ka shaqeeyo danaha dadweynaha Puntland hadaf kaliyana uu sameeyo si loo adkeeyo midnimada umadda Puntland.

DSCF7902

DSCF7905

DSCF7917

Waxaa sidoo kale Madasha ka hadlay Sadex Xildhibaan oo kamid ah Baarlamanka Dawlada Puntland isla markaana xubno ka ah urur Siyaasadeedka Midnimo kuwaas kala ahaa Xildhibaan C/llaahi Saciid, Xildhibaan Quraan-jecel iyo Xildhibaan Axmed Bare Saciid waxayna dhamaantood sheegeen in loo bahanyahay isbadel ka dhaca Puntland iyagoo isku raacay Barnaamijka ururka Midnimo inuu yahay mid wax tar u ah umadda Puntland.

Dr Saadiq Eeno Gudoomiyaha KMG ee Midnomo.

Dr Saadiq Eenow Gudoomiyaha KMG ee Midnimo.

Waxaa Isaguna Halkaas Khudbad dheer oo uu kusoo bandhigay Barnaamijka ururka Midnimo ka akhriyey Dr Saadqi Eenow oo ah Gudoomiyaha KMG ee ururka Midnimo, Wuxuuna tilaamay in ururkan loo asaasay hadaf ah sidii ay Puntland uga hirgelin lahaayeen nidaam ku dhisan Midnimo, Xasilooni Siyaasadeed, Cadaalad iyo Is ixtiraam umadeed, Dr Saadiq ayaa sheegay inay xoojin doonaan cadaalada Puntland isla markaana ay abuurayaan Gasoor ku sifoobey Awood garsoor, Aqoon, Anshax iyo awood masuuliyadeed,  uruka Midnimo ayuu ku tilmaamay mid ilaalin doona xaquuqda Dhalinyarada iyo Haweenka, Dhalinyarada ayuu sheegay inay yihiin kuwo si aada u dayacan isla markaana aan helin xaquuqdii ay Mudnaayeen sida Waxbarashada iyo Shaqada wuxuuna sheegay inay abuuri doonaan Jiil cusub oo Hogaanka u qaban doona Puntland, Haweenka ayuu sidoo kale ku tilmaamay Lafdhabarta umadda wuxuuna sheegay inay door muuqda siin doonaan Haweenka Puntland uusana ururku ahayn mid dafiraaya xaquuqda uu alle u jideeyey Haweenka, Dr Saadiq ayaa tilmaamay inuusan ururkani ahayn mid ay ku midoobeen dad wadaaga dariiqo Diimeed ama wata mawqif aan ahyn Horumarka Puntland.

DSCF7871

DSCF7877

Dr Saadiq ayaa sheegay inay  Xoojinayaan awooda Isimada Puntland isla markaana ay dhisaayaan Gole Guurti ah oo ka shaqeeya Danaha iyo Isu Keenida Umadda Puntland , Sidoo kale wuxuu lama taabtaan iyo waxaan Gorgortan ku jirin ku tilmaamay xuduudaha Puntland gaar’ahaan Gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn isagoo balanqaaday inay soo celin doonaan Dhulka ka maqan Puntland hadii ay Hogaanka u qabtaan Dawlada Puntland, Gobalada Jubbaland iyo arimaha Federalka ayuu sheegay inay ka leeyihiin Mawqif aan Labac-Labac ku dhisnayn, Wuxuuna wax waajib ah ku tilmaamay in arimaha Maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo loo madax banaaneeyo dadka halkaas degan sidoo kale arinka Federalka ayuu ku tilmaamay Muqadas aan Gorgortan iyo ka hadal geli karin.

Dr Sadiiq Eenow ayaa sheegay inay jiraan kuwo kasoo horjeeda Barnaamijka ay wadaan wuxuuna u kala qaaday Sadex qayboo oo kala ah, Qolo qabta aragti Siyaasadeed isagoo sheegay inay soo dhawaynayaan qoladaas ayna kala hadlayaan wax kasta oo ay qabaan, Qolo Dan gaar ah wadata wuxuuna u sheegay qoladaas inuu dhamaaday wakhtigii Dalka lagu burburin jirey dano Gaar ah oo aan ku dhisnayn micno buuran, Qalo aan Garanayn sababta ay waxaan u diidan yihiin waana u ducunaynaa ayuu yiri in qoladaas uu alle fahamsiiyo danahooda iyo Masiirka umadda.

DSCF7895

DSCF7869

DSCF7878

DSCF7868

Shirweynaha urur Siyaasadeedka Midnimo ayaa sii socon doona waxaan lagu soo dooran doonaa Guddiga Fulinta ee ururka iyo Weliba Golaha dhexe sidoo kale waxaa lagu ansixin doonaa Xeerka ururka iyadoo laga doodi doono xeerkan ayna kasoo qayb galayaashu soo gudbin doonaan fikradaha ay ka qabaan xeerka ururka.

Mukhtaar Cabdi Faarax

Garoowe


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)