Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Puntland oo Xiriirka Kubada Cagta Dhisaysa [Warbixin]

Garoowe:(GalGalanews) Wasiirka Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Dr Cabdiweli Indha-Guran ayaa sheegay inay wadaan Abaabul Xoogan oo Sare loogu qaadayo Tayaynta Ciyaaraha ee Gobolada Puntland, Kulan uu la qaatay Gudoomiyaasha Sportiga ee Gobolada Puntland ayuu ka sheegay sidaasi.

 

 

 

Wasaarada Shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo Puntland ayaa Sanadkii 2012 qabatay Ciyaarihii Gobolada Puntland taasi oo ka Koobanayd Sadex qaybood oo kala ah.

1- 1-

Kubada Cagta

2-Ciyaaraha Fudud.

3-Ciyaaraha Baskit Boolka.

 

Dhamaan Ciaayarahaasi oo ay soo Abaabushay Wasaaradu ayaa lagu qabtay Caasimada PL ee Garoowe waxana ay ku Soo Dhamaadeen Guul.

Sidoo kale wuxuu qabtay Kulamo badan oo Dhalinyarada PL ah kuwaasi oo loogu Baadi-Goobayo Shaqooyin isla markaana ay Wasaaradu Shirkadaha Ganacsi ee dalka uga Raadinayso Fursado Shaqo.

 

Shirwaynihii Dhalinyarada ee 8-Gobol.

Wasaarada ayaa ku Guulaysatay inay Meel isugu Keento Dhamaan Dhalinyarada Sideeda Gobol ee PL ka Kooban tahay kuwaasi oo kala Meteliyay Ururada Dhalinyarada ee Gobolkaasi ka Jira.

Ujeedka Kulankaasi ayaa ahaa sidii ay u Xoojin lahaayeen Is kaashiga u dhexeeya Wasaarada iyo Dhalinyarada PL isla markaana Meesha looga Saari lahaa in Dhalinyaradu ay ku Biiraan Kooxaha Budhcad badeeda iyo Kuwa kale ee Nabad Diidka ah.

Sidoo kale Ujeedooyinka ugu Muhiimsan ee Wasaraadu Kulamadaasi ka lahayd ayaa ahaa sidii Dhalinyarada PL ay uga qayb qaadan lahaayeen Barnaamjika Siyaasada ee PL Madaama loo Hayaamayo Nidaamka Asxaabta badan oo Fursado badan u ah Dhalinyarada.

 

Safarkii Dibada ee Sanadkii 2011

C/wali Xirsi C/lle Ayaa waxaa uu sheegey In Dowlada Malaysia ay kala hadleen Sidii Dowlada Puntland ay uga Caawin lahayd Shaqo U abuurida Dhalinyarada Deegaanada Puntland, Asagooona intaasi Raaciyay In Uu kasoo Qaatay Dukumintiyo.

Wasiirka Shaqadda iyo Shaqaalada, Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Puntland ayaa waxaa uu sheegey In uu ka qayb galay Shir looga hadlayay Shaqo Abuurka Dhalinyarada, kaasoy ka qayb galeen Xubno ka socday Urur Goboleedka IGAD Iyo Waliba Hay’ado Caalamiga ah, ayadoona uu wasiirku si aad ah uga warbixiyay Saxaafada una sheegey inay Hordhigeen Aragtida Dowlad Goboleedka Puntland ee Shaqo Abuurka Dhalinyarada.

C/wali Xirsi C/lle ayaa waxaa uu sheegey In Dowlad Goboleedka Puntland u diyaarisay Garoomada Kubadda ee Deegaanada Puntland Dayactiro Kor loogu Qaadayo tayadooda, ayadoo maamulka iyo Wasaarada Shaqadda iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ay Qorshe ka leedahay.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa waxaa uu sheegey in Dowlada Jabuuti ay kala hadleen iskaashi ku aadan dhanka ciyaarahaa ayna dhawaan Imaan Doonaan TEAM ka socda Dolwada Jabuuti Deegaanada Puntland, Asagoona Raaciyay In Ay Dhex mari Doonto Dowladaha Jabuuti Iyo Puntland Iskaashi dhanka Ciyaaraha ah.

 

Talaabada Dhiirananta ah ee Wasaarada.

Sanadka ayaa Wasiirku Qorshaynayaa  in la Abuuro Xiriirkii Guud ee Kubada Cagta ee Puntland Meteliyay,kaasi oo ay Doorandoonaan Xirarada Gobolada Puntland oo Wasaaradu kulmindoonto Dhawaan.

Arrintan ka soo Yeedhay Wasaarada ayaa ah Mid Guul la Taaban karo ah waana Markii ugu Horasay Taariikhda oo Puntland Yeelato Xiriirka Guud ee Kubada Cagta Puntland iyo Qaybaha kale ee Ciyaarahu ka Kooban Yihiin.

Ciyaarihii Gobolka Bari.

Gudoomiyaha G.Bari

Gobolka Bari waxa ka socda Dhaq Dhaqaaq Xoogan oo dhanka Ciyaaraha sida uu Sheegay Gudoomiyaha oo aanu Wasaarada kula Kulanay Mustafe Majacase waxana uu soo dhaweeyay Talaabooyinka Wasaarada oo ahaa wax Mar hore loo baahnaa.

 

Ciyaaraha Sanaag.

Gudoomiyaha Sportiga G.Sanaag

Gudoomiyaha Spoortiga ee Gobolka Farxaan Maxamed Nuur [Caana Geel] ayaa isna qabtay Ciyaaro Dhowr ah oo ah Heer Degmo kuwaasi oo inta badan Salka ku hayay is dhex galka Dhalinyarada ee degmooyinka Sanaag.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Qorshaha Wasaarada ee ah Dhismaha Xiriirka Guud ee Kubada Cagta ee PL.

 

GalGalanews.com

Ahmed Mohamed

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

garaad jama sawir “Garaad Jaamac Reer Khaatumo Heeryada Gumaysiga iska Roga” VIDEO
- Jul 29, 2014
Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa khudbad Xasaasi ah oo aan Horay looga arag ka ...
??????????????????????????????? Puntland:- Gudoomiyihii Baarlamaanka oo Reer Qardho la Ciiday +Sawiro
- Jul 28, 2014
Munaasabadda Ciidul Fitriga ayaa maanta si weyn loogu ciiday magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka ...
Ceerigaabo & Badhan Sidee looga Ciiday VIDEO Ceerigaabo & Badhan Sidee looga Ciiday VIDEO
- Jul 28, 2014
Xarunta G/Sanaag ee ceerigaabo iyo Xarunta labaad ee Degmada Badhan ayaa si diiran looga ...
gaas ciida Puntland:- Sawiradii Ciida & Garoowe
- Jul 28, 2014
Puntlandsun.com Madaxweynaha PL ku Xigeenkiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah Culumada isimada ...
bosaso ciid Bosaaso iyo Ciida Sawiro
- Jul 28, 2014
Magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari waxaa maanta siweyn la isugu soo baxay maalinta ciida ...
garaad jama sawir Warqad Furan Oo Ku Socota Garaad Jaamac Garaad Cali
- Jul 27, 2014
Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh   Garaad Jaamacoow waxaad tahay ...