Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Federaal Hassan Gurgurte iyo Moqdisho Marabaan?By Yassin S. Dualeh

Hordhac.

           Akhristow, waxaad ku soo dhawataa, qorma dheer oo ka kooban qodobada soo socda:

a:- Waa maxay,”Federalism?

b:- Waa maxay, farqiga u dhexeeya, “Federal iyo Confederacy”?

c:- Noocyada federaalka.

d:- Nidaamka awoodaha.

e:- maxaa sidiisaba  keena federal?,

f:- Faa’idooyinka Federaalka:

g:- M. Hassan Sheik: rajo gurtay iyo Xukun gurracan!

h:- Tallaabooyinkii ugu horeeyay ee uu qaaday M.Hassan Sheik.

i:- M.Xassan iyo Xaad: waxay fulinayaan dar-daarankii USC.

j:- Wafuuda iyo Wsiirada lacagaha qeybiya!

k:- Waziiradii loo diray Kismaayo: “heshiis dhalanteed ah”

l:- Hagardaamada  gudaha waxaa bar’bar socday, ” Diblumaasiyad iyo dibad wareeg.

m:- Qorshaha dib u dhiska 16-ka degmo ee Muqdisho.

n:-  Gunaanad——————————————————————————

 

Dadaalo iyo daalaa dhac badan oo soo jiitamayay muddo ka badan 20 sano oo xiriir ah, mararka qarna gaarayay heer quus ah, ugu dambeyn waxaa dan loo arkay in dalku yeesho “dowlad Federaal ah”.

 

Daadihinta barnaamijkan oo lagu howlanaa laga soo bilaabo sanadii 2002 ilaa laga dhaqangeliyay 2012, waxaa qalinka ku duugay, dhammaan kooxaha isku haya siyaasadda soomaaliya, marka laga reebo ururka  A-lshabaab, Saxiixii ugu dambeeyay waxa lahaa, boqolaal odayaal iyo aqoonyahano soomaaliyeed oo ka wakiil ahaa, gud ahaan deegaana dalka, iyo qabaailada soomaaliyeed.

 

Tan iyo intii M.Xassan loo doortay xilka ugu sareeya dalka, waxaa soo badanayay docwareeno iyo dibin-daabyo laga daawaday TV-yada, lagana daalacday baraha Internetka, oo ay dabada ka riixayaan, dad reer Muqdisho ah iyo weliba dowladda Xassan. Waxaa ugu dambeeyay, hadalkii Madaxweyne Hassan maalin hore ka sheegay Muqdisho,  Hassan mar’uu la hadlay TV-ga AL-Jazeera, waxuu si qalafsan u dhalilay Federaalka.

 

Dalkeena waxuu lahaa dowlad-dhexe muddo 30soddon sano ah, waa lala dagaalay, khaasatan dowladii kacaanka. Diidmada iyo dagaalka waxaa bilaabay, deegaanada waqooyi, waxaa docwareemay deegaana koonfureed ilaa laga dumiyay. Danbi kale ma gelin, waxaa loogu duur xulay oo keliya, inay tahay dowlad-dhexe, dadka reer Muqdisho, waxaay ku daraan ladagaalankii dowladdii dhexe , durbaan qabiil oo dalki wada gubay. Dadkii noocaa ahaa inay maanta ku doodaad, waxaan dooneeynaa dowlada dhexe, waa xaaja mudan in daaha laga rogo!.

 

Hadaba, waa maxay ujeedooyinka gaarka ah ee  M. Xassan iyo Xammar ku diidayaan dowlad Federal ah, mar hadii laga soo dhaweeyay deeganada dalka, marka laga reebo deegaanka Banaadir,islamarkaana ah dastuurkii lagu soo doortay (Xassan)?-ma-se jiraan dana qarsoon oo doonaya in la daah furo?

 

Hadaba, si looga dur’duurto jawaabaha saxda ah, iyo waxa ka dambeeya damqashada iyo diidmada Xassan iyo Xamar ee dowlad Federaal ah, waxaan si dooran u dulmari doonaa (haduu Allah idmo), waxa loola jeedo “Federal”, iyo macnaha uu xambaarsan yahay!.

Sidoo akle, waxaan soo qaadan doonaan, qodobo xassaasi ah oo daaha ka rogaya, ujeedooyinka gurracan ee Xassan iyo Xamar, iyo weliba  macluumaad badan oo la xiriira, isla arimaha Federaalka.

 

Waa maxay,”Federalism?

Federal ma aha wax dunida ku cusub, dalalkii ugu horeeyay ee qaatay nidaamka fedreraalka, waa dalalka maanta dunida ugu horumarsan, dhan walba oo nolosha ah. Tusaale: USA, waxay qaadatay sanadka markuu ahaa: 1787, Asturalia: 1901, Mexico: 1917,Switzerland: 1948,

Sidoo kale, Canada, Argentina, Germany, Brazil,India,Malaysia,Nigeria, Ethiopia,Emarat, iyo qaar kaloo badan.

 

Fedraal waxuu ku abtirsadaa 2labo erey oo is fan-gashan

- HOMOGENEOUS FEDERAL,oo loola jeedo,waxaan nahay dad hal meel ka soo wada jeeda,dhaqan iyo diin ahaana isu dhow. Balse awoodii maamul si aan ugu heshiino qaatey systemkan. (sideena oo kale).

- HETEROGENEOUS FEDERALISM,oo loola jeedo, waxaan nahay dad kala gedisan oo qaatay systemkan federalismka ah,si aan u ilaalino midnimada qaran ee naga dhexeeysa. (Sida Ethiopiya oo kale).

 

Ujeedada waa: isu kaaya keena, si wadajir iyo wax wada qabsi ah, ( COMING TOGETHER ) iyo aanu wada joogno si wadajir ah,(HOLDING TOGETHER),ee maaha hala kala tago ama waxaan wadaagno oo naga dhexeeya ma jiro. Sidoo kale, ma aha in dowladii dhexe meesha ka baxdey, muhiimada ugu weyn ee uu xambaarsan yahay waa awood qeybsi “dowlad dhexe iyo dowlad-goboleed/goboleedyo”,(A system in which the power to govern is sharing between national and provincial/state government creating what is often called a federation), taasoo ah midda u cunami’la, Xassan iyo Xamar.

 

 

Waa maxay, farqiga u dhexeeya, “Federal iyo Confederacy”?

Federal; macnihiisu waa in, dad ama umad ku heshiiso wada noolansho, si xor ah oo aan qassab ku jirin, haday doonaan haba noqdaan shacab keliya (sida soomaalia ama Germany oo kale), gobollo kala gedisan. Dowlada federalka ah, waa dowlad mid ah, oo ka kooban, tiro maamulgoboleedyo dastuuri ah, u madax banaan, “arimahooda daakhiliga ah”, oo mid walbana leeyahay system iyo dastuur iyo barlaman u gaar ah oo qaanuunka ama dastuurka dhexe waafaqsan, maadaama uu yahay dastuurka, halka laga soo unkay, ahna tiirka haya, ama uu ku taaganyahay maamulgoboleedka/goboleedada.

Confederacy; macnihiisa waa inay midoobaan 2laba dowladoow iyo wax ka badan, oo haysta qaranimo dhameystiran, ka dib heshiisyo  xadidan oo ay wada galeen, iyaga oo ilaashanay dana guud oo ka wada dhexeeya, ama doonaya soo jiidashada manfaca dheeri ah. Dowlada walba oo ka mid ah, waxay awood buuxda u leedahay inay ka baxdo federaalka goorta iyo meesha ay doonto, ama qaadato go’aano kale oo u gaar ah, sida inay dagaal ku iclaamiso dal kale,iwm. si ka duwan, mida hore ee maamulgoboleedyada ka kooban.

 

 

Noocyada federaalka:

a:- Dowlad goboleed—-Provincial Federal.

b:- Dowlad goboledyo isu tegey oo state noqdey—–State Federal.

c:- Fedral qabiil ku saleysan—-Ethnic Federal.

d:- Federal qaab dhuleed ku saleysan—Territorial Federal.

Iyo qaar kale oo badan.

Aduunka intiisa badan, gaar ahaan dunida 1koowaad maanta waxaa la qaatay systemkan, waxaadna moodaa in uu hadaa u soo tallaabay dunida sadexaad,(Asia, Africa iyo latiin America).

 

Nidaamka awoodaha.

a:- “Cooperative federalism”.federal is kaashi ah, sida, Ethiopiya, Germany, South Africa, USA, iyo canada, oo ah federaalka ugu fiican. (dowlada dhexe iyo tan gobolka, waxay ku shaqeynayaan, nidaam iskaashi  iyo wada shaqeyn ah), dhinaca kale ogow, ma jiro dunida dal federal ah oo dal kale la mid ah, tusaale: DDS ee dalka Ethiopiya, waxay dalban kartaa gooni isu taag, laakin, haday soomaaliya qaadato federaalka noocan ah, macnihiisu ma ah in Soomaalilaand, gooni isu taagi karto, sababta oo ah, dastuurkeena waxaa ku qoran:”midnimada dalka waa muqaddas”.

b:- “Competitive federalism”,federal tartan ah, sida, Belgium, Australia, Barazil, iyo Switzerland. ( waa nidaam fiican, laakiin, waxoogaa dowladda dhexe ayaa awood dheeri ah ku leh, gobolada).

d:-”Federal optional”, federal ikhtiyaari ah, sida, Malaysia, Russia,iyo Mexico, (dowlad-goboleedada awood ma laha, waxay u dhow dahay in loogu yeero dowlad dhexe).

 

 

Waxaa is weydiin mudan, horta maxaa sidiisaba  keena federal?, Soomaaliyaa-se ma la wadaagtaa caalamka kale, waxyaabaha sababa inta badan, in uu dal qaato systemka fedraalka?

 

waxyaabaha keena in dal u guuro nidaam fedralisim ah waxaa ka mid ah:

1:- In dal uu ka dhaco dagaal sokeeye( Civil war),ka dibna ummaddii shaki iyo is-aamin la’aan ku timaado, (sideena oo kale).

2:- Dal kelitaliye maamulayay muddo badan(Dictatorship rule),ka dibna awoodiisii luntay, (sideena oo kale).

3:- Dal asaga oo jira oo nabad ah ay dadkiisii ama ummadiisii qaybsameen (siyaasad ama caqiido iwm),ka dibna xal u arkay in ay ilaashadaan qaranimadooda,sidaasna ku qaatey federalism, (nagu wacneydaa dagaalka sokeeye ka hor),IWM. 

 

Waxaa dhici karta in daka qaar ku doodaan, federaal waxaa qaata, dadka leh tilmaamaha ah:

”-Qabiilo kala duwan( Ethnic diversity),- Luqaddo kala duwan(Linguistic),-Diimo kala duwan(Religion).-Dhaqamo kala duwan(Cultural),-Siyaasado is diidan(Political), iyoTaariikh ahaan ummad aan is laheyn(Historical)”.

Waa run in soomaalidu waxyaabo badan isaga mid tahay, amaba wada dhalatay, lamana diidana, lakiin su’aasha waxay tahay: Maxaa la’isu xasuuqay rubuc qarni, hadii la yahay “dad wada dhashay” ?, sidoo kale, maxaa dhib ah oo ku dhici lahaa dadka leh tilmaamaha dambe, oo aan ku dhicin soomaalida ama Soomaaliya?. Jawaabaha su’aalahan iyo kuwa la midka ah, waxaan u dhaafayaa akhristayaasha!.

 

 

Faa’idooyinka Federaalka:

a- Dowladda Federalka ahi waxay uga dhowdahay tan Centralka ah, dhanka dadweynaha, sida in lagula xisaabtamo shaqada ay dadweynaha u hayso.

b- Dowlad federal ahi waxay dhiiri gelisaa horumarka guud ee qaranka, iyada oo ka soo dhiseysa hoos,tuulo,degmo,gobol ama gobollo, iyo ilaa heer dowladda dhexe.

c- Waxaa fudud in awoodda loo celliyo shacabka ama meesha cododka badani isku raacaan.

d- Faa’idada ugu muhiimsan ee laga dhaxlo dowladda federalka ahi waa iyadoo ujeedadu tahay in la’isku miisaamo(dheelitiro), awoodaha dowladaha hoose ee gobolada ama states-ku ay leeyihiin iyo faa’iidada ka dhexeysa dowladda dhexe iyo tan gobolka ama gobolada isu tagey(states).

e- Qaybsiga shaqada dhexdooda ah ee dowladda dhexe iyo tan gobolka, taasoo horseedi karta in la helo, horumar lagu kalsoonaado, islamarkaana si siman looga faa’ideysto kheyraadka dalka leeyahay.

 

f- Qof kasta oo muwaadin ahi waxaa uu xaq u leeyahay in la doorto, waxna dooran karo,sidoo kale goortuu doono ayuu xisbiga ka tegi karaa, kuu rabana ku biiri karaa.

g- Qeybsanaanta awooda maamul,ee gobolada dalka ,waxay dhiiri gelin u tahay, in si wada jir ah looga qeybqaato qaranimada guud loona difaaco.

 

federaalku wa nidaam xakameynaya awooda xad’dhaafka ah ee dowlada dhexe,  dimuqraadi ah, barlamaani ah,(barlamanka dhexe, iyo kan D.goboleedka), ilaaliya xuquuqda muwaadinka, sahlaya in kheyraadka dalka si siman oo cadaalad ah, looga wada faa’ideysto dhammaan gobolada dalka, iyo weliba in loo sinaado xuquuqda iyo waajibaadka, horseedaya, is’ixtiraam iyo wada noolaanho xor ah, iyo walaaltinimo joogta ah. Mana aha systeem u wanaagsan dictator ama qof raba inuu dhinac maro dastuurka dalka, ku xad-gudbo xoriyadda iyo xuquuqda muwaadinka, boobo hantida qaranka, ama ku koobo gobol khaas ah, sida Caasimadda oo kale.

 

Waxaa meesha taala, su’aasha ah: maxaa loola dagaalamay dowladdii Marxuum Mahamed Siyaad Baare?, sow caddaalad daaro la tirsaday ma aha?, sideebaa maanta loogu doodi karaa, waxaan u baahannahay dowlad dhexe, (Central Government)?

 

 

M. Hassan Sheik: rajo gurtay iyo Xukun gurracan!

Baarlamanka Soomaaliya ayaa bishii sabtembar 2012-ka,  Hassan Sheikh  u doortay jagada madaxweynaha jamhuuriyadda fedraalka Soomaaliya.

 

Waxaa loo hayay ixtiraam iyo rajo aad u weyn, guud ahaan soomaalida, gaar ahaan deegaanada Jubbaland, oo tirsanayay gacan-bidxeyn. Rajada soomaalida ayaa sii laba-kacleysay markii CV-ga M.Hassan lagu sheegay inuu yahay nin ka tirsan “xarakada A-lislaax, ama Ikhwaanu muslimii”, oo ah Xarako qadarin iyo maamuus ku leh caalam-ka, gaar ahaan caalam-ka Islaam-ka, (Al-islaax waxuu ku caan baxay siyaasad wanaag, iyo afkaar wasad ah).

Taas waxey keentay in madaxweyne Hassan si isku mid ah looga soo dhaweeyo dhamman deegaanada bulshooyinka afsoomaaliga ku hadla, iyo guud ahaan caalamka.

 

 

Tallaabooyinkii ugu horeeyay ee uu qaaday M.Hassan Sheik.

Socdaalkii ugu horeysay tan iyo intii loo doortay Jagada ugu sareysa dalka, ayuu ku tagay magaalada Beydhabo ee gobolka Baay,(1/10/2012), waxuu halkaa kula kulmay odayaasha reer Beydhabo, uguna bishaareeyay dib u hanashada deegaanadooda.

Maalinkii xigay (2/10/2012), ayuu sidoo kale booqday magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu ka jeediyay khudbadii ugu horeysay, tan iyo markii loo doortay jagada “M.J.F.S”): “Dabcan, waa macruuf hadalkii Xassan loomana baahna in logu cel’celiyo”.

 

Khudbadda M. Xassan, waxay daaha ka rogtay: ” shakhsiyadda madaxweynaha oo ahaa nimaan la aqoonin, iyo siyaasadihiisa ku wajahan arimaha gudaha, gaar ahaan Jubbalanad”. Taa waxay keentay in saacado kooban jawiga dalka isku bedelo, dibna loo xasuusto waayihii la soomaray, iyo weliba in shacabkii ku mideysnaa soo dhaweynta Madaxweyne Hassan, 2laba u kala jabo. Waxaa mar keliya shiiqay rajadii shacabka, (rajo gurtay iyo Xukun gurracan).

 

Lga billaabo maalinkaa, M.Xassan waxuu bilaabay xusul’duub lagu fashilinayo amaanka iyo maamul u sameynta Jubbalaan. Ka hadalka Kismaayo, ayaa noqday, miduu ku seexdo kuna soo tooso, si ka gedisan dalka intiisa kale, waxuu magac’aabay gudiyo u gaar ah oo bar’bar socsa gudiyadii hore, waxuu diray wafdi majhuul ah, asaga oo doonaya inuu iska dhega mariyo ama inkiro maamulka Kismaayo, waxuu bilaabay abuuridda iyo buun’buuninta khilaaf been ah oo u dhexeeya shacabka Jubbaland.

Hassan waxaa lagu bartay soo sarista go’aano u khaas ah Kismaayo, sida Cunaqabateyno dhowr ah, iyo inuu dalbaday canshuuraha ka soo xarooda Kismaayo, ka hor inta aanba la furin dekedda iyo ariportka. Xassan waxuu afkiisa ka ilaaliyay oo laga sugayaa in mar’uun laga maqlo, magacyada labada hogaamiye ee ugu sareysa Ciidamada Soomaaliyeed ee xoreeyay, Caasimadii 2labaad ee koonfurta dalka, oo x (Ahmed Madoobe, iyo Gn. Saxardiid). Colaada loo hayo labadaa nin, waa inay Kismaayo ka xoreeyeey Al-shabaab iyo ————-.

 

M.Xassan iyo Xaad: waxay fulinayaan dar-daarankii USC.

Xassan waxuu kulan gaar ah muqdisho kula yeeshay, qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubbaland, Horaantii DES/2012-ka. Kulankan oo ahaa 2laba geesood ayaa waxuu dhex maray, Xassan oo dhinac ah iyo  Cn.Cali Maxamed Xassan (Cali Madoobe), taliyihii hore ee ciidanka Police-ka Soomaaliyeed xukuumaddii Cabdirashiid Cali Shar’maarke iyo Mahamed Yusuf Mahamuud Owlibaax, oo ah hogaamiyaha Ahlu-sunna, (Gedo) ahna sarkaal sare oo ka tirsan howl’wadeenada tabantaabinaya Dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

Madaxweyna Hassan ayaa  labadan mas’uul u sheegay mowqifkiisa ku aadan mamul u sameynta labada jubba iyo gedo, asaga oo yiri, “Jubooyinka dadkii deganaa waxay qaxooti ku yihiin magaalada Muqdisho, waxan rabaa in dib loogu celiyo deegaanadooda.

Beesha Mariixaan, waxaan kula talinayaa inay ka geyb’qaadataan maamul u sameynta gobolka Gedo oo ay wax ka degaan, laakiin Jubooyinka, kama hadli karaan.  Beesha Ogaadeen talada Afmadow waan u ogolahay, wixii intaa dhaafsan waa gar’darro iyo dhul’boob”.

 

Waxaa si xun u carooday,Owlibaax oo yiri ” Waxaan ku moodayay madaxweyne soomaaliyeed “, halkaa ayuu kulankiina ku bur buray.

 

Madaxweyne Hassan arinka kama quusanin ee waxuu qeylodhaan u diray M.Ismaaciil Cumar Geele, oo uu ka codsaday inuu arinka soo dhex-galo, M. Geele ayaa marti qaad u fidiyay 2labadii mas’uul ee aan soo xusnay, asaga oo balanta ku beegay, dabaaldegyadii lagu xusayay afka soomaaliya ee ka socday dalka Jabuuti.

Owlibaax ayaa iska diiday, halka uu  aqbalay Cali Madoobe, lamana hubo waxaa uu la soo laabtay Madoobe, lakiin waxaa laga shakisan yahay, in Cali Madoobe —. (Xogtan ma aha dacaayad, waa xog laga sheegay kulan khadka telefonka ku dhexmaray boqolaal Reer Jubbaland ah, gaar ahaan Beesha Sade ).

 

12 Des. 2012-ka waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay Arbushaad ay sameeyeen qaar ka tirsan ciidamada magaalada ku sugan oo qaab beeleed isu urursaday,(Beesha Sade). sidoo kale, 20 Des. 2012-ka waxaa magaalada ka dhacay dagaal dheliyay khassaro naf iyo maalba leh oo dhex maray Ciidamada amaanka magaalada Kismaayo iyo Ciidamo qaab beeleed isu urursaday, ka dibna isbaaro dhigtay.(Cowramale iyo Gaal-jecel).

Si la mid ah, 07/01/2013, ciidamada amaanka ee magaalda Kismaayo, ayaa kala ceyriyay  koox qaswadayaal ah oo Guri isku urursaday. Dhammaan dhacdooyinkan ayaa loo badinayaa in laga soo maleegay Muqdisho ama uu shakhsiyan ka dambeeyay Madaxweyne Hassan, oo farqaha ku sita malaayiin doolarka Mareykanka ah.

 

 

Wafuuda iyo Wsiirada lacagaha qeybiya!

Dowladii Sh.Shriif ayaa hadda ka hor, sidanoo kale wasiiro u soo dirtay Jubbaland, ka dib markii la xoreeyay deegaanadii ugu horeeyay, si loo sheegto guulaha ay gaareen Ciidamada Jubbaland iyo in lacago lagu soo jiito dadka qaar, si la isaga horkeeno dadka.

 

M. Xassan waxuu bilaabay dhaqamadii  Sh.Shariif iyo kuwa ka khatarsan, 15/Des/ 2012-ka ayay aheyd markii wafdi uu hogaaminayay waziirka gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi  uu yimid gobolka Gedo, isla markaana lacago ka qeybiayay degaanada Doolow iyo Garbahaarey.

Sidoo kale,(09/01/2013), waxaa markii labaad Gobolaka soo gaaray, wafdi lacag qeybin ah oo uu hogaaminayay wasiir ku xigeenka Difaaca  Dowladda Xassan.(Wafuudii hore, ee waagii Shariif, waxaa lagu beegay, maalmihii la xoreeyay Dhobleey iyo deegaano ka mid ah Gedo, haddana waxaan aragnaa waqtiga lagu soo beegay, wufuudan doolarka qeybinaya). Inkasta oo la shaaciyay in lacago mishaar ah loo qeybiyay ciidamada deegaanka, hadana maha waxan ka aheyn, boor isku qarin iyo been guur.

 

 

Waziiradii loo diray Kismaayo: “heshiis dhalanteed ah”

27. Des. 2012-ka waxaa magaalada Kismaayo Gaaray wafdi waziiro ah oo ka socda dhinaca dowlada Hassan. Mab’da ahaan waa wax lagu farxo in la heshiiyo, lakiin ma aragno astaama muujinaya, in hashiis la gaari karo, sababaha soo socda:

Marka hore,mowqifka Xassan Sheik oo aad u fog, M.Xassan kismaayo waxuu u arkaa, magaalada la heysto, oo gacan gumeysi ku jirta, (dabcan Gumeystayaasha waa Sh. Ahmed iyo Gn. Saxardiid).

 

Hadaad dhageysatay hadalkii uu M.Hassan ka hor yiri wafdigii ka soo laabtay kismaayo, waxaad markiiba fahmeysaa, mowqifka Madaxwene Hassan Sheikh: “Marka hore waxaan u hambalyeyenayaa dadka reer Kismaayo, sidoo kale  waan u hambalyeyneynaa dadka kale ee wanaaga laga soo sheegay”, Madaxweynaha waxaa hadlakiisa ku cad, in mgaalada Kismaayo joogaan, dad reer Kismaayo ah iyo dad kale oo uusan magac-dhebin, laakiin uu ku gaabsaday ereyga ah:”dad kale”.

Hadalka Madaxweynaha fasiraad badan uma baahna, waxaa ku filan, qisadii ka dhacday Xamar ee aan ka soo sheekeynay iyo hadalkii oday Xaad (hogaamiyaha Odayaasha Beesha Hawiye).

 

Wareeysigii ugu dambeeyay ee shelay looga qaaday dalka USA., waxaa hadaladiisa ka mid ahaa; ” dadka jubooyinka waa la qalday, waxaa loogu sheekeeyay”IGAD”, ayaa dowlad idiin dhisi”. Dadka uu ka hadlayo ee shacabka qalday, waa, “Maamulka Kismaayo”, hadii uu jiro heshiis ama ugu yaraan isfaham dhab ah, wax badan ayuu xeerin lahaa, hadalkana si kale ayuu u dhigi lahaa. Laakiin sidaan horay u soo xusnay, Xassan mowqifkiisu ma dhowa.

 

 

Hagardaamada  gudaha waxaa bar’bar socday, ” Diblumaasiyad iyo dibad wareeg.

Madaxweyne Hassan, waxuu qaaday tallaabooyin diblumaasiyadeed oo loola dan lahaa in lagu coryaamiyo, habsami u socodka maamul u sameynta Jubbaland. Waxuu booqday dalka Jabuuti (27/Nov/2012), oo si khaldan faraha ugula jira dalka Soomaaliya, gaar ahaan arimaha la xiriira Jubbaland oo ay jabuuti danao khaas ah ka leedahay.

 

Dhanka kale, 02/Des/2012-ka, waxaa muqdisho soo gaaray, wafdi Jabuutiyaan ah oo ka koobnaa, wasiirka gaashaan dhiiga dalka Jabuuti, C/kariim Maxamed Kaamil, taliyaha hay’adda nabad sugida dalka Jabuuti Xassan Saciid, iyo abaanduulaha ciidamada, Sakariye Sheekh Ibraahin iyo mas’uuliyiin kale, Saraakiishan lama shaacinin danaha iyo waxay u yimaadeen Muqdisho, laakiin waxaa hubaal ah, in qadiyadda ugu weyn ee dowlada Muqdisho miiska u saarnaa maalinkaa inay tahay,Jubbaland iyo Kismaayo.

Jbuuti: Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa badane

Aanse doonihayn inaad heshaa, daa’in abidkaaye

Dadkuna moodi duul wada dhasheen, wax u dahsoonayne

Dallo ma laha Aakhiro haddii, loo Kitaab dayo’e.

(Abwaan Qamaan Bulxan).

Soomalida inteeda badan ma fahmin dhagarta jabuuti, ee ah in soomaaliya khariiradda laga saaro, arima la xiriira, dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, Jabuuti waxaa lagu xasuustaa  3saddex tallabo oo lagu abuuray aafada soomaaliya, (inta muuqata), hadana waxaay faraha kula jirtaa, tii 4afaraad.

1:- Bur’burintii dowladii dhaxe ee soomaaliya ee uu hogaanka u hayay Jaale Siyaad, (Allah ha u naxariisto), iyo shirkii xigay ee Soomaaliya u horseeday colaada sokeeye, ee ahaa dhismihii Dawlad ku sheegii “MANIFESTO” ee Cali Mahdi Maxamed looga dhigay Madaxweyne, ee uu ka gadooday Gen Caydiid oo Xamar looga tagay si ula kac ah. Jabuuti waxay ka shaqeysay  isku dhufashada Ceydiid iyo Cali, wayna ku guuleeysatay.

 

2:- Toban sano ka dib, “AFAR iyo BAR” ayay jabuuti soomaaliyaa ugu deeqday, iyada weliba barlamanka ku darsatay xibno gaaraya ilaa 3saddex oo afkaarteeda aaminsan, (xogta dambe waxan ka helay ilo xog’ogaal ah oo  reer Muqdisho ah).

3:- Sanado ka dib, waxay noo horseeday baarlamaankii ugu tirada badnaa aduunyada, uguna tayada yaraa, (550 xil ma dhibaan).

4:- 2012-ka, waxay u xuubsiibatay, koox ka mid ah kooxaha isku haya dalka soomaaliya. Khatarta ugu weyn ayaa ah, in Jabuutiyaanka iyo soomaalida aan la kala saari karin. Jabuuti waxay gaartay, ilaa heer wafuuda dowladda Xassan ay xibna u metelaan,(wafdigii Kismaayo laga soo celiyay, waxaa la socday xibna Jabuutiyaan ah).

 

 

M.Xassan, 28/Nov/2012-ka, waxuu booqday dalka Ethiopiya oo uu kala hadlay qadiyadda Jubbaland iyo sidii loo curyaamin lahaa maamul u sameynta Jubbaland. Raiisul wazaaraha dalka Ethiopiya Hailemariam Desalegn, ayaa warbaahinta (Al-jazeera) ka sheegay in ajandihii ugu weynaa socdaalka M.Xassan, uu ahaa “qadiyadda Jubbaland).

 

Madaxweyne Hassan naftiisa  ayaa qiray maruu warbaahinta kula  hadlay Caasimadda Ethiopiya, asaga oo muranka jubbaland kala dhexeeya, meel fog oo lala cajabay la aaday, “Jubbada-hoose, waxay ka mid tahay 18. gobol ee soomaaliya”, taasoo daaha ka rogtay, aragtida khaldan ee uu Xassan ka haysto reer Jubbaland. Sidoo Kale, wareysigii ugu dambeeyay ee dalka Mareykanka ayuu ku sheegay in uu Ethiopiya kala hadlay, waxuu ugu yeeray “Khataraha ku soo foolka leh labada dal, oo ula jeedo Jubbaland.

 

Madaxwenaha waxuu booqday dalka Turkiga, 4 Dec 2012-ka. Kulankii dhex maray, Xassan iyo Madaxda Turkiga waxaa lagu soo qaaday arimo la xiriira gar’gaarka Turkiga, oo uu M.Hassan, ka walaacsan yahay, inuu ku faruurmo Jubbaland, si lamid ah Muqdisho, maadaama airprtka iyo Dekedda Kismaayo la furay, waa nooc cunaqabateyn ah, oo la doonayo in lagu cadaadiyo shacabka iyo maamulka Jubbaland.

Waxaa xigay booqashadii Nairobi-Kenya (21/Des/ 2012), iyo tii Kampala-Uganda,(24/ Des/12). Xassan hadda waxuu ku guda jiraa safar uu ku marayo dalka USA oo uu nasiib darro u gudbiyay masseg khaldan.

 

 

 

Qorshaha dib u dhiska 16-ka degmo ee Muqdisho.

Inkasta oo ay Dowladda Soomaaliya ku mashquulsan tahay qaska iyo ka hortagga deganaanshaha Deegaana Jubbalaand, hadana dhinaca kale,waxaay ku howlantahay horumarinta deegaanada qaar. Mab’da ahaan, qorshaha dib u dhiska 16-ka degmo ee Muqdisho, waa arin lagu farxo oo dhegaha u roon, kamana xumin, laakiin su’aasha meesha taala ayaa ah: “ma haboontahay in laga hadlo dib u dhis, iyo bilic soo celin lagu kharash’gareynayo, ugu yaraan, 10toban malyuun oo doolarka USA”., xili  boqollaal soomaaliyeed oo baahanayaal ah, ay bogga dhulka ku hayaan?, Sow ma haboona, in lacagtan lagu xoreeyo deegaanada weli ku hoos jira xukunka Al-shabaab?-” dhinaca kale, sow lama dhihi karo, waa sababaha keenay in Xassan iyo Xamar ku doodaan: “central government”.?

 

Waxaa meel gabo-gabo ah marayaa mashaariic  dib loogu dhisayo guud ahaan 16-ka degmo ee magaalada Muqdisho. Qorshahan oo loogu magac daray:”danta guud” ayaa soo bilowday waqtigii dowladdii Sh. Shariif, ilaa uu maanta soo gaaray heer gebagebo ah.

 

Mashaariicdan ayaa loo qorsheeyay aduun gaaraya $9.6 milyan oo dolarka Mareykanka ah, waxaana maal galinaya dowlada hoose ee gobolka banaadir oo kaashaneysa Heyada caalami ah oo ay dowlada heshiis la gashay, sida USAID.

Qorshaha dowlada hoose ee Muqdisho ayaa ah, in la guda galo fulinta mashaariicdan, isla sanadkan 2013-da, siada laga soo xigtay, afhayeenka dawladda hoose ee Muqdisho ninka lagu magac’aabo Maxamed Yuusuf, mas’uulkan oo la hadlayay mid kamid ah warbaahinta Muqdisho, dabayaaqadii sanadkii hore,2012), ayaa hadalkiisa sii raaciyay  “Qorshahayagu waa in Muqdisha laga dhigo magaala casri ah oo la tartami karta caasimadaha aduunka”.

 

In ka badan 130 shirkadood oo kuwa dhismaha ah,  isuguna jira maxalli iyo caalami, ayaa arjiyo u soo bandhigay masuuliyiinta dawladda hoose, kuwaas oo 8siddeed ka mid ah lagu doortay aqoontooda naqshadaha, dhismaha, qorshaynta iyo maaraynta mashaariicda la xiriira kaabayaasha, sida: Laamisaarka iyo nalalka wadooyinka, Cisbataalada , dekedaha iyo Airporada, dhismayaasha- Xafiisyada dowladda dhexe-hoose, Xafiisyada horumarinta bulshada, hayadaha dowliga ah iyo kuwa macaamilka la leh, iskuulada, Garoomada ciyaaraha, nadaafadda iyo weliba bilicda guud ee  magaalada IWM.

 

Howshan ayaa laga bilaabi doonaa haduu Alle idmo 8siddeeda degmo ee kala ah: Yaqshiid, Dharkenleey, Waaberi, Xamar-Jajab, Warta-Nabadda oo barigii hore loo yaqaaney “Wardhiigley”, heliwaa ama Hiliwaa, Boondhere iyo Dayniile.

 

Isku soo xoori, mashruucan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo abad Muqdisho laga fuliyo, Dadka sidaas aaminsan waxaa ka mid ah Cali Cabdullaahi, oo maadada dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Al-Jazeera ee magaalada Muqdisho.

 

Gunaanad:

Hassan ma aha, qofkii maanta ku haboonaa Soomaaliya, haduu hayo awood uu ku weeraro Kismaayo, maanta ma cafiyeen, laakin waxuu la sugayaa waqtiga ku haboon. planka Xassan-Jabuuti-Uganda ayaa ah, in Xamar looga tago, “AMISOM”, ciidamada soomaalidana loo gudbiyo Kismaayo. Horudhaca ciidmada soomaalida hadda waxuu sii marayaa deegaano ka tirsan, Shabeelada-hoose, waxa hakinaya hadda waa ciidamada Al-shabaab. Waxaan kula talinayaa siyaasiyiinta Jubbaland iyo inta samaha jecel, in tallaabo ka hor tag ah la qaado inta goori gooar tahay.

Ugu dambeyn, ujeedada qormadan waa, “dhacdo-warin, dhambaal digniin ah iyo dhaayo fur


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)


Comments are closed.

Cumar_Cabdirashiid_jpg1 War deg deg ah oo hadda ina soo gaaray ayaa sheegaya in saaka Cumar C/rashiid Cali Sharmaake uu kasoo degay Garoonka muqdisho
- Dec 16, 2014
Xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay Cumar C/rashiid, waxaana ...
no-justic1-640x434 Sad-bursi: awood qaybsiga Puntland ma xaqbaa
- Dec 16, 2014
Halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa sida  Awood  Qaysiga Puntland suaashu waxaay tahay in puntland ...
tuug Puntland oo Xabsiga ka sii daysay Al-Shabaab ( Warbixin)
- Dec 15, 2014
(Garoowe Galgalanews) Sida aan daabacnay Shalay Waxan sheegnay in Dowlada Ethiopia ay Kulan dheer ...
tuug Somalia: Puntland Govt frees two convicted Al Shabaab members [Exclusive] –
- Dec 15, 2014
( Garowe- Galgalanews) Puntland Government in northern Somalia has released two convicted Al Shabaab ...
gaas Ethiopia oo Dr Gaas Canaanatey
- Dec 14, 2014
Adis-Ababa( Galgalanews)  Madaxweynaha PL oo Garoowe ka dhoofay  ayaa Gaadhay Caasimada Ethiopia ee Adis-Ababa  ...
gaas-safar-2 SOMALIA:- A Mother Calls for Puntland Authorities to Release Her Children
- Dec 14, 2014
Garowe( Galgalanews) A mother called Madina Hassan Maalim who lives in Middle Shabelle Region ...